Shirkadda Turkish Airlines oo ka hadashay sababihii baajiyay duulimaadkeeda Muqdisho

0
Wednesday February 10, 2016 - 11:33:00 in Wararka by
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Turkish Airlines oo ka hadashay sababihii baajiyay duulimaadkeeda Muqdisho

    Shirkadda Turkish Airlines ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababihii baajiyay duulimaadka diyaaradooda ay ku tagi laheyd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, ka hor inta uusan dhicin qaraxii ka dhacay Diyaaradda Daallo Airlines.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Turkish Airlines ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababihii baajiyay duulimaadka diyaaradooda ay ku tagi laheyd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, ka hor inta uusan dhicin qaraxii ka dhacay Diyaaradda Daallo Airlines.

Afhayeen u hadlay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines oo lagu magacaabo Yahya Ustun ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA in duulimaadkooda Muqdisho loo joojiyay sababo la xiriira cimilada oo aan hagaagsaneyn.

Yahya Ustun ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal la weydiiyay oo ahaa inay ka war hayeen in qarax lala damacsanaa diyaaradooda iyo qofka is qarxiyay inuu heystay Tikidka diyaarada oo ay jireen khatar xaga amniga ah oo ku soo wajahneyd.

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa ka codsatay Daallo Airlines 2-dii bishan inay u soo qaado rakaab kaga sugnaa magaalada Muqdisho, una keento garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti.

Labo maalmood ka hor inta aanu dhicin qaraxii lala eegtay diyaaradda Daallo Airlines ayaa la sheegay in Diyaaradda Turkish Airlines ay baaqatay, lamana ogeyn sababaha ay u baaqaneysay inay la xiriirtay cabsi dhanka amniga ah.

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa ah diyaarada kaliya ee Caalami duulimaad toos ah ku timaada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip