
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Nigeria oo gacanta ku dhigay Koox Daacish ku biiri rabtay
Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday Waaxda Amniga Qaranka dalkaasi, ayaa lagu sheegay dadka la qabtay inuu ku jiray nin Kooxda Daacish u qaabilsan qoritaanka xubnaha ku biiraya Kooxdaasi.
Xubnahan la qabtay ayaa la sheegay inay qorsheynayeen inay u safraan Xero ciidanka lagu tababaro oo ku taallo dalka Libya, halkaasi oo xubnaha Daacish ku biiraya ee Afrika ku sugan tababar ay ku qaataan.
Shan qof oo kale oo la tuhunsan yahay ayaa sidoo kale la soo xiray iyaga oo isku dayaya in ay dalka Libya ula haajiraan qoysaskooda sida carruurtooda da’da yar.
Waaxda Amniga Qaranka dalka Nigeria, ayaa xubnahan waxa ay ku eedeysay in Shakhsiyaadkaan ay doonayeen tababaro iyo Kaalmo ay ku helaan dhanka Internet-ka, balse howlgal ciidamada ay sameeyeen ayaa lagu guuleystay in la soo qabto dadkaasi.
Hal sano ayaa laga joogaa markii Kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria ka dagaalanta ay si rasmi ah ugu biireen Kooxda Daacish ee Dalalka Syria iyo Ciraaq ka dagaalama.


0 


Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Nigeria oo gacanta ku dhigay Koox Daacish ku biiri rabtay
Ciidamada Booliska ee dalka Nigeria, ayaa xabsiga u taxaabay dad gaaraya 18 ruux oo lagu tuhun san yahay inay qorsheynayeen ku biirista Kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamka.