Kulan Looga Hadlay Teyeynta Shaqaalaha Dowladda Iyo Bixinta Mishaaraadka "Sawirro"

0
Wednesday February 10, 2016 - 10:26:19 in Wararka by
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Looga Hadlay Teyeynta Shaqaalaha Dowladda Iyo Bixinta Mishaaraadka "Sawirro"

    Ra'isul wasaare ku xigeenka dalka ayaa gudoomiyay shirkani oo looga hadlay tayeynta Shaqaalaha Dowladda waxana ka qeyb galay Wasiirka Maaliyada, Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Unuga Xiriirinta deeqaha xubna ka socday wasaardaha Qaar ee Dowladda i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isul wasaare ku xigeenka dalka ayaa gudoomiyay shirkani oo looga hadlay tayeynta Shaqaalaha Dowladda waxana ka qeyb galay Wasiirka Maaliyada, Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Unuga Xiriirinta deeqaha xubna ka socday wasaardaha Qaar ee Dowladda iyo wafuud ka socotay Bangiga Aduunka Qaramada Midoobe iyo Midowga Yurub ayaa Diirada lagu saaray Tayeynta Hay'adaha Dowladda iyo dabagalka Balanqaadyo la xiriira in Dowladda Soomaaliya laga Taageero Bixinta Mushaaraadka Shaqaalah Dowladda.

Inta uu socday Shirkani oo maalin qaatay waxa la isku weydaarsaday sida ugu Haboon ee loo horumarin karo Hay’ada Dowliga ah ee Soomaliya iyadoo loo marayo Tayeynta Shaqaalaha iyo bixinta Adeegyada Bulshada.

Raisul wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte oo u waramay Warbaahinta Qaranka Sooomaaliya ayaa ka warbixiyay Ahmiyadda shirka iyo wixi ka soo baxay.

Raisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sidoo kale Sheegay in kulanka lagu Falanqeeyay Balanqaadkii Bangiga Aduunka ee Bixinta Mushaaradka Shaqaalaha rayidka ah ee 5 sana ee socota kaasi oo ka bilaabanayay Sandkani.

Shirkani ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ay yeesheen Guddiga Tayeynta Shaqaalaha Dowlada waxaana uu qeyb ka ahaa Dadaalada Xukuumada Soomaaliya ay ku doonayso in lagu horumariyo adeegyada Bulshada iyadoo ka Faa’idaysa Deeqaha Caalamka.

IMG_1510 IMG_1516 IMG_1518 IMG_1532 IMG_1534 IMG_1537





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip