WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ARBACO 10-KA FEBARAAYO 2016-KA

0
Wednesday February 10, 2016 - 10:03:07 in Wararka by
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ARBACO 10-KA FEBARAAYO 2016-KA

    RA'IISUL WASAARE KUXIGEENKA "BOOLISKA WAA SAAXIIBKA KOOWAAD EE SHACABKA" Ra'iisul kuxigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo u wehliyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa shal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE KUXIGEENKA "BOOLISKA WAA SAAXIIBKA KOOWAAD EE SHACABKA" Ra'iisul kuxigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo u wehliyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa shalay kormeeray dhowr xarumood oo ay ciidamada booliska ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Ra’iisul wasaare kuxigeenka iyo taliyaha oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan booliska ay kormeer ku tegeen xarunta gaadiidka ciidanka booliska, xarunta taliska ciidanka booliska, qebta miino baarista ciidanka booliska, taliska gobolka ee ciidanka taraafikada iyo qeybta guud ee taliska gobolka benaadir, kuwaasi oo ah xarumaha ay ku howgalaan ciidanka booliska.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dowladda ka codsday in ilgaar ah lagu eego dhalinyarada aqoonta heerka Jaamacadeed leh ee ka tirsan booliska.

"Ciidamada hadda haysta shahaadaa dugsiga sare iyo kuwa heerka Jaamacadeed oo ah mustaqbalkii beri na badali lahaa waxaan dowladda ka codsaneynaa in tixgelin gaar ah la siiyo, lagu dhiiri geliyo howlaha ay bulshada ugu adeegayaan” ayuu yiri Taliya ciidanka booliska.

Ra’iisul kuxigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in la xoojin doono tababbarada la siinayo ciidanka booliska, isagoo xusay in booliska uu yahay baraaaraha shacabka.

"Boolisku waa saaxiibka koowaad ee shacabka, waxaan doneynaa inaan soo celino isku xi rka ciidanka booliska iyo shacabka, boolisku waa ilaaliyaha sharciga, maadaama dib u dhis lagu sa meynayo ciidanka ninka askariga nuuca aan ka rabno in uu noqdo waxa ay tahy mid u adeega bu lshadiisa, kana hortag cadowga dhibta ku haya” ayuu yiri kuxigeenka Ra’iisul wasaaraha.

TALIYIHII HORE EE NABADSUGIDA GAROONKA DIYAARADAHA MUQDISHO OO KA HADLAY AMMAANKA GAROONKA

Taliyihii hore ee Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Burhaan Cali Kaar ayaa ka hadlay ammaanka garoonka iyo aqoonta uu u leeyahay ninka abaabulay qaraxii Diyaaradda Daallo, kaasoo ahaa nin muddo garoonka ka shaqeynayay.

Burhaan Cali Kaar ayaa wareysi uu siiyay Idaacada VOA ku sheegay in amniga garoonka uu ahaa mid wanaagsan, balse uu jiray isku dhex yaac badan, hase ahaatee markii Turkiga garoonka yimaadeen aanay Nabadsugida qeyb ka siin sugida amniga iyo meelaha laga koontaroolo kaamiro oyinka qarsoon.

"Amniga Garoonka waa iska fiicnaa, laakiin isku dhex yaac badan ayaa jiray, isku dhex yaac aas oo aan ogaa, nimankan Turkiga markii ay soo dhex galeen Garoonka cidna lama wadaagin wax kasta, ayaga ganacsi ahaan fiirsanayeen, Amniga Garoonka wuxuu qabaa kaamiro qarsoon oo ah CCTV oo weyn, meel walba qabaneysa, waxaa loo baahnaa in Sirdoonka garoonka jooga inay qeyb ka siiyaan, oo ay waardiyeeyaan waxa baxaya, waxa soo galaya iyo waxa la isku dhiibayo ha ddii ay jiraan, arrinka meesha uu ka qaldamay ayaa taas ah”ayuu yiri Taliyihii hore ee Nabadsugida Garoonka Muqdisho.

Mar la weydiiyay in Kaamirada qarsoon ee Garoonka inay la socdeen Nabadsugida ayuu xusay in Turkiga kaliya ay fiirsanayeen, oo aanay jirin Soomaalida kale ee daawanayay.

"Kaamirada CCTV meesha ay taallo marka hore dad Nabadsugida ka tirsan ma joogi jirin, waxa fiirsada waa Turkiga wax Soomaali ee fiirsada ma jirin, waxay aheyd in Nabadsugida dad la socda kaamiradaas ay jiraan iyo dad banaan u jooga, marka ay wax dareemaan durba qabta”ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyihii hore ee Nabadsugida Garoonka.

Waxaa uu sheegay in dadka laga rabo in howshooda qabsadaan ay tahay Nabadsugida iyo Booliska, isla markaana uu iyaga xil ka saaran yahay, isla markaana qofka wax baaraya ee ku sug an qeybta dadka la marsiiyo inuu noqdo qof ka tirsan Nabadsugida sida uu yiri.

Mar la weydiiyay mid ka mid ah dadka loo qabtay abaabulka qaraxii Diyaaradda Daallo ee lagu arkay muuqalada ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee garoonka ayuu sheegay inuu aqoon wanaagsan u lahaa, isla markaana horay uga tirsanaa Nabadsugida.

"Waagii aan joogay waa ila shaqeynayay, ninkan waxaa la dhahayay Cabdiweli, nin Nabads ugida ka tirsan ayuu ahaa, markii dambe wuxuu u wareegay SKA, marka hore qolada saadaasha hawada ayuu la shaqeeyay, wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha ii koontaroolan, nin fiican oo shaqada ku wanaagsan ayuu ahaa, aniga wuxuu iiga yimid Nabadsugidii hore, markii la ii keenayay, wuxuu ii qaabilsanaa kormeerka, wuu na caawinayay maadaama Nabadsugida uu wax ka yaqaan, .

Sidoo kale mar la weydiiyay inuu horay aqoon u lahaa ayuu sheegay inuusan horay u arag, balse markii dhanka Dekeda uu ka yimid ay rag isaga saaxibo ahaayeen uu ku birtay.

"Wax laga filan karo ma aheyn, aniga kuma hubo waxaan, xan baa suuqa ku jirta, anigana waligey kama aanan filaneyn, aniga iyo isaga mar ayaa nala dili rabay, anoo meel u wada socono ayaa mishin ku dhacnay”ayuu yiri Taliyihii hore ee Nabadsugida.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa wali faraha kula jira baaritaanka qaraxii diyaaraddii Daallo, waxaana jira tuhumo kala duwan oo ku aadan shaqsiyaad lala xiriirinayo inay weerarkaas wax ka abaabuleen, waxaana xiran dad ka badan labaatan ruux. Xigasho:-jowhar.com

KHADIIJO M. DIIRIYE "MOOSHINKA WAA CADEYNTA XASAANADA AY LEEYIHIIN XILDHIBAANADA”

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa faah faahin ka bixiyay mooshin ay gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka, kaasoo ah soo jeedin ku saabsan cadeynta Xasaanada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegtay in Khudbadii Ma daxweynaha uu ka jeediyay maalintii Axadii ay aheyd mid dhiilo xambaarsan, isla markaana ku saa bsaneyn in baaritaanka laga bilaabo Mas’uuliyiinta, iyagoo kabaha iyo suunka laga siibayo.

"Aniga waxaa ka mid ahaa Xildhibaanadii mooshinka geeyay, mooshinka aan geynay kuma socdo Madaxweynaha, waa Cadeyn xasaanada Xildhibaanada, maalintii uu Madaxweynaha khu dbada dhinacyo badan taabaneysay ka jeedinayay ayaa diyaarinay, waxaana nooga muuqday inay dhiilo xambaarsaneyd”ayay tiri Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Mar ay ka hadleysay qaraxii Diyaaradda Daallo Airline iyo khudbadii uu Madaxweynaha kaga hadlay arrintaas ayaa waxay tiri "Waxaa soo baxday arrin dhiilo xambaarsan, maadaama arrin dast uuri ah lagu xadgudubay oo ah in Xildhibaanada aan oogadiisa qof ahaan la baari karin, sida dastu urka qabo, markuu Madaxweynaha ka hadlayay xaalada garoonka ayaa waxaa soo baxeysa in wa siirada iyo xildhibaanada anaga waxaa noola muuqatay in ay maadaama warbixinta tifaftirneyn in mas’uuliyiinta ka mid ahaayeen falalkaas dhacay”

Waxaa ay sheegtay in aanay horay u dhicin qaraxyo horay dalka uga dhacay in aanay dhicin in warbixin laga siiyo, balse arrin dastuur ah lagu hadlay, sida ay tiri Markii uu Madaxweynaha ka hadlayay arrinta ammaanka.

"Sifo kasta oo Amniga loo adkeynayo waa laguma xadgudbaan xasaanada Xildhibaanada Baarlamaanka sida uu qeexayo dastuurka waxaa ku dalbanay in si deb ah loo horkeeno, dabcan dhiiladaas uu Madaxweynaha ka hadlayay waxay nooga soo dhex baxday Guddiga amniga qaranka warbixintooda ku saabsan baaristii qaraxii ka dhacay diyaarada in la tuhunsan yahay Ma s’uuliyiinta, sidaas daraadeed waxaa u yeeranay Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, Cadaalada iyo Taliyeyaasha ciidamada inay horyimaadaan, iyadoo la cadeynayo xasaanada ay leeyihiin Xil dhibaanada”ayay mar kale tiri Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xildhibaanad Khadiijo ayaa xustay in aan loo baahneyn in shacabka Soomaaliyeed laga marin habaabiyo ku dhaqanka shuruucda, isla markaana la abaaro wixii meesha ka dhacay, iyadoo tilmaamtay in aan la isku qaldin in la hareer maro arrin dastuuri ah.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu soo bandhigi doono mooshinkan laga keenay Hadalkii Madaxweynaha ee dhaliyay dhiilada iyo in lagu xadgudbo xasaanada Xildhibaanada Baarlamaanka.

GUDOOMIYAHA G/BANAADIR OO DHAGAX DHIGAY WADO MUHIIM AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ay aa shalay dhagax dhigay waddada hormarta inta u dhexeysa Dekada Muqdisho iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dayactirka wadadaan ay ahmiyad gaar ah u leedahay Gaadiidleyda Dekeda Muq disho Alaabta ka soo dejisata.

Waxa uu sidoo kale sheegay in mashruuca lagu dhisayo Wadadaan uu qeyb ka yahay Mashr uuci Dalkaaga dhiso oo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu xusay in dhismaha wadadaan uu kula xisaabtamayo waaxda Dowlada Hoose ee Xamar iyo Waaxda jidadka ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka iyo goo baha taariikhi ah eek u yaalla Caasimada muqdisho.

AMISOM OO SU'AALO LAGA WEYDIINAYO WEERARKII CEELCADDE

Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa wajahaya Su'aalo cusub oo la xiriira weerarkii ka dhacay Ceelcadde.

Weerarkaasi ayaa ururka Alshabaab waxay sheegteen iney ku dileen ku dhawaad 100 askari oo kamid ah ciidamada Kenya ee ku sugnaa saldhiga ku yaala deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Ciidamada Militariga dalka Kenya ayaanan ilaa iyo hadda si cad u sheegin tirada rasmiga ah ee ciidamada Kenya kaga dhintay weerarkii Ceelcadde, laakiin waxaa weerarkaasi lagu tilmaamaa weerarkii ugu xumaa ee ciidamada AMISOM kala kulmaan Alshabaab.

Weerarka Alshabaab ka geysteen deegaanka Ceelcadde iyo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Marka ayaa la sheegay in Alshabaab badan aysan ka qeyb qaadan marka loo eego ciidamada AMISOM oo tan iyo 2007 ku sugan dalka Soomaaliya.

Marka laga eego ujeedada ay u joogaan Soomaaliya ayaa ah yareynta weerarada Alshab aab ka geystaan dalka Soomaaliya iyo taageerada ciidamada dowlada Soomaaliya ee qabsanaya magaalooyinka Alshabaab ku sugan yihiin.

Weerarkii ka dhacay deegaanka Ceelcadde kadib ayaa ciidamo ka tirsan Kenya waxay ka baxeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaala koofurta dalka Soomaaliya, waxaana saraakiisha ay u gu yeereen dhaqdhaqaaq farsamo oo ciidamada ay wadaan.

ODAWAA "AHLUSUNA MIISKA WADA HADALKA HA YIMAADAAN, WAA DHAMAATAY WAQTIGII QORIGA”

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo daraad gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay Culumaa’udiinka Ahlusuna inay Nab ada qaataan, oo ay yimaadaan Miiska wada hadalka.

Wasiir Odawaa ayaa ka codsaday Madaxweynaha Galmudug inuu culeyska saaro xalinta khilaafaadka, isla markaana Ururka Ahlusuna ee fadhigoodu yahay Dhuusa Mareeb inuu wada hadal la galo.

"Madaxweyne waxaa kugu dhiira gelinayaa in culeyska la saaro arrinta Dhuusa Mareeb, gaar ahaan Ahlusuna intii aan dhisida Maamulka Galmudug ku jirnay wada hadal dheer la galnay, waxaa aaminsanahay in kuwa jooga Dhuusa Mareeb ay reer Galmuug yihiin, miiska wada hadalkana yim aadaan”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay dhamaatay waqtigii qoriga wax lagu raadinayay, isa goo ugu baaqay Culumaa’udiinka Ahlusuna wax kasta oo ay tabanayaan ku raadiyaan wada hadal.

"Waa dhamaatay waqtigii nin qori leh uu meel ku heysanayay, kooxda joogta Dhuusa Mare eb waxaa leenahay qori waqtigii waa dhamaaday, waxaa soo haray qori is qarxinaya, kaas ayaa la rabaa in dalka laga qabto ee garab ha u noqonina, wixii aad tabaneysaan wada hadal ku raadiya, caqliga ha shaqeeyo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wada hadalo u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa lagu wadaa inuu dhowa an bilowdo Gobolka Galgaduud.

SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN IYO SH/DHEXE OO WELI HAKAD KU JIRA

Waxaa weli hakad ku jira Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ka dib markii ay isaga baxeen qaar ka mid ah beelihii ka qeyb geli lahaa dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wasaarada Arrimaha gudaha ayaanan weli si toos ah ugu hadlin sababta uu hakadka ugu ji ro shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Sidoo kale qaar ka mid ah beelaha ka soo jeedaa Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa isaga baxay shirka ka dib markii ay sheegeen in ay xuquuqdooda oo dhameystiran ka waayeen shirka.

Beelaha qaar ayaa shirar kala duwan ugu socd Magaalooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxayna sheegeen in ay ka tashanaya aayahooda maadaama ay waayeen xuquuqdo oda.

Wasaarada Arrimaha gudaha ayaa weli wado kulamo lagu qancinayo beelaha isaga baxay shirka ka soconayo Jowhar iyo sidii loogu soo celin laahaa.

AHLU SUNNA OO KA HORTIMID DALABKII WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA

Maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa ka jawaabay baaq uu maamulkaasi u jee diyay wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, oo ku aadanaa iney miiska wadahadalka la fariistaan maamulka Galmudug.

Cabdullaahi Xirsi Diirshe Prof Daacad, oo kamid ah madaxweyne ku xigeenada maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa si cad u sheegay in maamulkooda marnaba aysan aqoon saneyn maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu ka jawaabay baaqa kasoo baxay wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ahaa iney la kulmaan dhanka Galmudug la na dhameeyo isfahan waaga ka taagan labada dhinac.

Wasiirka ayuu sidoo kale sheegay ineysan ku qanacsaneyn maamulkooda, sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana marnaba aysan la fariisan doonin maamulka Galmudug.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KULAN KULA QAATAY GAROOWE WAFTI BALLAARAN OO KA SOCDA BEESHA CAALAMKA

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Madaxweyne kuxigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Shalay 09Feb2016 kusoo dhoweeyey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Wafti Ballaadhan oo heer Caalami ah oo uu hoggaaminayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mi chael Keating. Waftiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Danjirayaasha IGAD, Talyaaniga, Midowga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, iyada oo berito la filayo in ay Puntland soo gaa dhaan Danjirayaal kale oo ka kala socda waddamada Soomaaliya daneeya.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka socd aalka waftigu uu ku qotomo siday u arki lahaayeen dareenka shacabka Puntland ee ku aadan geed isocodka Doorashooyinka 2016ka.

"waftigani waxay noogu yimaadeen in ay arkaan dareenka dadka reer Puntland hadday aha an lahaayeen siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo bulshada rayidka ahba ee ku aadan geeddisoc odka nabadda Soomaaliya iyo Hiigsiga doorashada” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli.

"Dadka reer dareen bay kamuujiyeen go’aankii Dawladda Federaalku qaadatay, Beesha Caalamkuna ay taageertay, sidaa awgeed in ay la hadlaan shacabka Puntland, wada xaajoodna la yeeshaan shacabka iyo Dawladda oo wada socda ayay sidoo kale u yimaadeen” ayuu yiri Madax weyne Dr. Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa imaatinka waftiga ee Puntland ku tilmaamay fursad wanaag san oo ay Beesha Caalamku siisay Puntland isla markaasna uu rajaynayo shirka furmi doona in ay ka soo bixi doonaan wax ummadda Soomaaliyeed oo dhan dani ugu jirto.

"waan ku faraxsanahay runtii intaas oo danjire in ay noo yimaadaan, dareenkayagana ay oga adaan, shacbigayagana ay dhegeysataan waa fursad aad u wanaagsan oo beesha Caalamku ay sii say Puntland, waana soo dhoweynayaa, waxaana rajeynaya in wada hadalku guul ku dhammaado wax wanaagsan oo ummadda reer Puntland iyo guud ahaan soomaaliyaba dani ugu jirtona uu kasoo boxo” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Shirka ayaa muddo saddex cisho ah ka socon doona magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaan si dhab ah loogu lafa guri doono go’aanka Puntland ee doorashooyinka 2016ka iyo qaabkii looga gudbi lahaa xilligan kala guurka ah uu dalka Soomaaliya ku jiro.

MADAXWEYNAHA KENYA OO LAGU CADAADINAAYO INUU SHAACIYO TIRADA ASKARTII KENYANKA EE LAGU LAAYAY WEERARKII CEELCADDE

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa lagu cadaadinayaa inuu shaaciyo tirada Askartii ku geeriyootay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen 15kii Bishi January Xeradii ciidanka Ke nya kaga sugnaayeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Ford Kenya, Senator Moses Wetang’ula kana tirsan Aqalka Senedka ee Baarlamaanka dalkaasi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ay Dowladda shaa ciso tirada rasmiga ee Ciiddanka Kenya looga dilay weerarkii Ceelcadde.

Hogaamiyahan, ayaa sheegay in Madaxweyne Kenyatta uu masuul ka yahay kiiskaasi, maa daama ilaa hada uusan shaacin tirada Askarta Kenyanka ah ee weerarka lagu dilay, inkastoo buu yi ri loo gudbiyay Tirada.

"Waa wax aad u xanuun badan in Ciiddanka Kenya la dilay, xilli uu Madaxweynuhu u joogay Mombasa Ololahiisa Siyaasadda.” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo laga soo doorto Gobalka Bungoma ee Galbeedka Kenya.

Senator Moses Wetang’ula, ayaa tilmaamay Qoysaska Askartii lagu laayay weerarkii Ceelc adde inay doonayaan ogaanshaha tirada Askarta la laayay iyo kuwa maqan ee gacanta Shabaabka ku jira.

"Dowladda ha oggolaato inay na siiyaan Tirada Askarta ee la dilay” ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Ford Kenya, oo intaasi ku daray in 5 ka mid ah Askarta la dilay ka soo jeedaan Gobalka Bungoma.

Al Shabaab ayaa sheegtay 100 Askari inay ku laayeen weerarkii ka dhacay Degmada Ce elcadde ee Gobolka Gedo oo 15kii Bishii la so dhaafay dhacay weerarkaasi.

DOON AY SAARNAAYEEN QAXOOTI OO KU DAGTAY XEEBAHA DALKA TURKIGA

Ugu yaraan 27 ruux oo qaxooti ah ayaa ku geeriyootay xeebaha dalka Turkiga kadib markii doon ay saarnaayeen ay la degtay,dadkan qaxootiga ah ayaa ku sii jeeday jasiirada Lesbos ee da lka Giriigga. Dadkan geeriyooday ayaa waxaa ka mid ahaa 11 carruur ah iyadoo doonta la dagtay qaxootiga ay ka shiraacatay gobolka Balikesir ee dalka Turkiga.

Ugu yaraan 400 oo ruux ayaa geeriyootay kadib markii ay doon ay saarnaayeen ay kula dag tay xeebaha dalalka Turkiga iyo Giriigga iyagoo doonaya inay u sii gudbaan dalalka qaarada Yurub sida ay hay’ada caalamiga ah ee dadka soo galootiga ah.

Doontan degtay ayaa la sheegay in ay maraysay waddo cusub oo aan hore loo mari jirin ka dib markii la xoojiyay ammaanka wadooyinkii hore ay maraakiibta iyo doomanka mari jireen.

Dagaalo ka soo cusboonaaday dalka Siiriya ayaa sii xoojiyay dadka qaxootiga ah ee doo naya inay galaan dalalka Yurub.

Baddaha Turkiga iyo Giriigga ayaa ah jid ay kumanaan ruux ku gudbeen qaxooti faro badan sanadkii 2015kii.

In the latest incident, Turkish media quoted official as saying that 40 migrants set out for Les bos from the Altinoluk area early on Monday. They say their boat capsized two miles (3.2km) into the crossing.

SHIR LOOGA HADLAYAY XAALADA DALKA SOOMAALIYA IYO HOWLGALKA AMISOM OO KA DHACAY DALKA KENYA.

Shirkan oo looga hadlayay Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxuu ka dhacay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya. Wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika ee Dalka Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa sheegay in baroor diiq yar ay u sameenayaan Askartii looga Dilay howlgalkooda ka socda Dalka Soomaaliya.

Danjire Francisco Madeira waxuu sidoo kale tilmaamay in horumaro la taaban karo laga gaaray howlgalka Midowga Afrika ee Somalia tan iyo 2007dii markii Magaalada Muqdisho ay yima adeen Ciidamada AMISOM. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa ugu dambeyn uu qeexay in ujeed ka ay joogaan Soomaaliya ay tahay ciribtirka Xarakada AlShabaab oo uu ku tilmaamay kuwa kha tar ku ah amaanka iyo xasiloonida Dalka Soomaaliya

QARAX MIINO OO LALA EEGTAY GAADIID AY WATEEN CIIDAMO KA TIRSAN BOOLISKA KISMAAYO

Qaraxan oo ahaa nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, gaar ahaan goob u dhow xero lagu tababaro ciidamada Booli ska Jubaland.

Qaraxa oo ahaa nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa loo dhigay gaari nooca ciidanka qaada ah oo ay saarnaayeen ciidamo boolis ah ooxilligaasi ku socday xerada, waxaana ay gaarigaasi kula qaraxday miinada wadada gasha xerada oo aan sidaa ugu fogeyn garoonka diya aradaha Kismaayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in askartii gaariga saarnayd ay ka badbaadeen qaraxa asi, wallow laba askari uu kasoo gaari dhaawac fudud. Goobta lagu aasay miinada ayaa ah agagaarka wadada laamiga ah ee gasha garoonka, waana wado yar oo bacaad ah oo gasha xero lagu tababaro Booliska oo halkaasi ku taal.

SHABAAB OO XUKUN KU FULIYAY NIN 40 SANO JIR AH OO LAGU EEDEEYAY INUU KUFSI GEYSTAY

Ururka Shabaab ayaa daraad gelinkii dambe Fagaare ku yaallo Deegaanka Buulofulaay ee Gobolka Baay waxa ay xukun kula fuliyeen nin lagu eedeeyay inuu kufsaday Haweenay da’deeda lagu sheegay 62 sano jir. Ninkaan oo lagu magacaabo Ibaarhin Maxamed Aadan, ayaa waxaa soo dacweeyay Haweenay lagu magacaabo Xabiibo Cali Wardheere oo maxkamada ay ku sheegtay da’ deeda 62 sano jir.

Xabiibo ayaa Maxkamada Shabaabka ee Gobolka Baay, waxa ay u sheegtay Ibraahin inuu xoog ku kufsaday, sidaasi awgeedna ay doonayso in sharciga loo marsiiyo.

Ciidamada Shabaabka ayaa soo qabtay Ibraahin Maxamed Aadan, waxaana ay horkeeneen Maxkamada si loogu qaado eedeymaha lagu soo dacweystay.

Qaadiga Maxkamada Shabaabka ayaa sheegay in Ibraahin uu qirtay eedeymaha loo soo jee diyay ee ku aadan inuu kufsaday Haweenaydaasi, inkastoo Qiraal cad aanan laga hayn Ibraahin ka sokoow in Qaadiga uu sidaasi sheegay.

Qaadiga Maxkamada wuxuu sheegay Ibraahin inuu horay u soo maray Meher kaliya, sidaasi awgeed xukunkiisa uu noqday in lagu dhufto 100 Karbaash ah, hal sano oo Musaafuris ah iyo inuu bixiyo Qaalin lo’ ah oo saddex sano jir ah oo u dhiganta Meherka Haweenayda sheegatay in la kufsaday.

Xukunada Shabaabka ay fuliyaan ayaa ah inta badan mid hal dhinac ah, maadaama dadka la xukumaayo aanan la siinin fursado ay isku difaacaan, balse ay sugaan kaliya nooca uu noqon do ono xukunka Shabaabka ay u go’aamiyaan.

44 RUUX OO BOOLIS IYO RAYID ISUGU JIRA OO KU WAXYEELOOBAY RABSHADO KA DHACAY HONG KONG

44 ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo Boolis ayaa dhaawac uu ka soo garay rabshado ka dhacay degmada Mong Kok ee dalka Hong Kong intii lagu guda jiray qorshe dowlada dalkaa ay ku dooneyso in ganacsatada yar yar looga burburiyo ganacsiyo wadooyinka hareerihiisa ku yaalla.

Rabshada ayaa waxa ay ka dhasheen, kadib markii ciidamada qaabilsan Ilaalinta Nadaafada Deegaanka ay bilaabeen howlgal ay ku doonayeen inay ku baneeyaan wadooyinka ay ku ga nacsanayen ganacsato yar yar.

Ganacsatada yar yar oo ka carootay howlgalka Booliska, ayaa bilaabay inay iska caabiyeen ciidamada Booliska, iyaga oo adeegsanaya dhagxaan iyo wax waliba oo gacantooda soo gala inay ku tuuraan Booliska.

Dowladda Hong Kong ayaa falkan cambaareeysay waxa ayna sheegtay in ay waratadu sam eysay falal aad u xun maadaama ay baabi’iyeen gawaari Booliisku uu lahaa iyo hanti kale oo uu shacabku lahaa.

Waxaana ay dowlada dalkaa sheegtay in ay balan ku qaadeyso in cadaaladda la hor keeni doono dadkii ka dambeeyey qulqulatada halkaa ka dhacday.

Yau Siu­kei oo ah ku simaha taliyaha degmada Mong Kok, ayaa ku cambaareeyey dhac dad an koox yar oo fidna abuur ah.

Dalkaa kumaan dad ah ayey noloshoodu ku xirantahay macaashka laga helo cunnooyinka iyo dharka wadooyinka lagu gado, taas oo ciriiri badan ka abuurtay waddooyinka.

SHIL TAREEN OO DAD BADAN KU DHINTEEN OO KA DHACAY KOOFURTA DALKA JARMALKA

Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku geeriyootay, 100 kelana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii labo tareen oo kuwa rakaabka ahaa isku dhaceen koofurta Jarmalka.

Shilkan tareen ayaa saameyn ku yeeshay dhamaan qadadkii Tareenka oo gebi ahaanba ista agay, waxaana socda howl gal samata bixin ah.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacyada qaba ayaa la sheegay in xaaladooda ay aad u liidato, si da ay xaqiijiyeen kooxaha caafimaadka

Muuqaalo laga soo qaaday halka shilkan tareen ka dhacay oo ah Gobolka Bavaria ayaa ka muuqday bur burka tareenka iyo gurmad xoogan oo socday.

Booliska ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ay ku mashquulsan yihiin sidii dadka ku dhex ji ra bur burka tareenka ugu soo dhex saari lahaayeen.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ka qeyb qaadanayay daabulida dhaawacyada, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaan ka badato.

BOGGA CAYAARAHA

HIGUAÍN OO SI AWOOD KU DHEEHAN KU HORKACAAYO 10KA XIDIG EE GOOLASHA BADAN 5HORYAAL EE YURUB UGU CAANSAN

Weeraryahanka naadiga Napoli Gonzalo Higuaín kaliya ma ahan xidiga Serie Ada Talyaaniga xiligan ugu goolasha badan sidoo kalena waa laacibka ugu goolasha badan 5horyaal ee Yurub ugu caansan.

Hadaba Gonzalo Higuaín ayaa xili cayaareedkan dhaliyay 24gool horyaalka Talyaaniga wuxuuna 3gool ka sareeyaa Zlatan Ibrahamovic oo ah laacibka labaad ee ugu goolasha badan 5horyaal ee Yurub ugu caansan.

GUUD AHAAN HOOS KAGA BOGO 10-KA XIDIG EE UGU GOOLASHA BADAN 5HORYAAL EE YURUB UGU CAANSAN (ENGLAND, SPAIN, GERMANY, ITALY & FRANCE)

·Gonzalo Higuaín (Napoli): 24gool

·Zlatan Ibrahamovic (PSG): 21gool

·Luis Suarez (Barcelona): 20gool

·PierreEmerick Aubameyang (Dortmund): 20gool

·Cristiano Ronaldo (Real Madrid): 19gool

·Karim Benzema (Real Madrid): 19gool

·Roberto Lewandowski (B/ Munich): 19gool

·Jamy Vardy (Leicester City): 18gool

·Romelu Lukaku (Everton): 16gool

·Neymar (Barcelona): 16gool

FIRMINO OO KU GUULAYSTAY ABAAL MARINTA XIDIGII HORYAALKA INGIRIISKA UGU FIICNAA..

Xidiga kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa ku guulaystay abaal marinta ay bixiyaan xidhiidhka xirfadlayaasha kubbada cagta, wuxuuna firmino ku guulaystay abaal marintii xidiga bishii January ugu fiicnaa horyaalka ingiriiska isaga oo codka jamaahiirta kubbada cagta England ku garaacay 11 ciyaartoy oo ay ku jiraan Rooney, Harry Kane ,Costa iyo Aguero.

Abaal marinta Fans’ Player of the Month, ayuu ku guulaystaa xidiga hela codka ugu badan ee taageeraysasha kubbada cagta England, wuxuxuuna Firmino uu helay boqolkiiba 40.2% codkii ay dhiibteen taageerayaasha Premier Leaquegu,waxaana kaalinta labaad galay kabtanka Man United ee Wayne Rooney oo helay boqolkiiba 36.4% halka Harry Kane uu helay boqolkiiba 23.2%, wuxuuna ku jiraa kaalinta saddexaad.Firmino

Roberto Firmino, Wayne Rooney iyo Harry kane ayaa marka hore ka mid ahaa 12 ciyaartoy oo u sharaxnaa in ay ku guulaystaan abaal marinta xidigii bishii January ugu fiicnaa horyaalka ingiriiska ee ku yimaada codka taageerayaasha premier Leaque,laakiin Firmino oo bishii january Liverpool u dhaliyay afar gool isla markaana afar gool oo kale caawintooda lahaa ayay taageerayaasha kubbada cagta England ugu codeeyeen xidigii bishii January ugu fiicnaa.

TABABARE MAXI ALLEGRI OO KA JAWAAB CELIYAY WARARKA SHEEGAYO INUU HOGAANKA CHELSEA LA WAREEGI DOONO

Qaar ka mid ah saxaafada Ingiriis ayaa siweyn u hadal hayeen maal mihii ugu dambeeyay in tababare Massimiliano Allegri uu hogaanka kooxda Chelsea la wareegi doono marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Hadaba macalin Maxi Allegri ayaa arinkan ka jawaab celiyay wuxuuna xili hore sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqada uu haatan kooxda Juventus ka hayo.

Wariye Luca Boriono oo ka tirsan shabakada Calciomercato.com ayaa dhawaan sheegay in macalin Allegri uu heshiis 4sano ah la gaaray naadiga Chelsea sidoo kalena qandraaskan lacag ahaan ku kacayo £30 million.

Macalin Allegri ayaa arinkan ka hadlay wuxuuna yiri "Waa wax lagu qoslo inaan xili hore Chelsea heshiis la gaaray”

"Aadban ugu faraxsanahay shaqada aan Juve ka hayo sidoo kalena marwalbo waxaan tixgalin doonaa heshiiska aan magaalada Turin ku joogo”

Macalin Allegri ayaa si gaar ah loo weydiiyay inuu jiro heshiiska uu Chelsea la gaaray wuxuuna kaga jawaabay "10milyan oo euro ah inaan sanad walbo Chelsea ka qaadan doono waa wax aad loogu qoslo waayo Juve ayaan kula jiraa heshiis 2017 ku eg oo aan ku faraxsanahay”

LIVERPOOL OO U WEECATAY SOO XERO GALINTA WEERARYAHANKA KOOXDA REAL MADRID JESE RODRIGUEZ

Wargeska Daily Mirror ayaa qoray in kooxda Liverpool ay dabagal xoogan ku heyso weeraryahanka naadiga Real Madrid Jese Rodriguez.

Jese Rodriguez oo kusoo bar baaray xarunta Madrid ayaa damacsan inuu xagaagan Real Madrid isaga hayaamo madaama uusan boos joogto ah ku laheyn garoonka Bernabue.

Jese Rodriguez ayaa xili cayaareedkan Real Madrid u saftay 18kulan dhamaan tartamada kala duwan asigoo dhaliyay 2gool.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Liverpool dalab £15m dhigeeda Real Madrid miiska u saari doonto si ay Jese xagaaga nagu soo fool leh kaga heli lahaayeen.

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay dhageesato dalabyada ku aadan Jese oo 22jir ah waxayna Madrid ku dooneysaa xidigan lacago gaarayo £25m.

Waayo Madrid qorshaheeda wuxuu yahay Jese iyo xidigo la halmalo inay xagaaga dambe garoonka Bernabue ka dirto ayadoo lasoo saxiixan doonto Eden Hazard.

Dhinaca kale macalin Klopp ayaa xusay in muhiim ay tahay kooxdiisa Liverpool isbadal xoogan lagu sameeyo marka uu xili cayaareedkan soo idlaado sidaa darteed xidigo badan oo Anfield ku sugan ayaa xagaagan laga diri doonaa Reds.

COD BIXIN: MA KULA TAHAY IN LEICESTER CITY AY XILLI CIYAAREEDKAN TAARIIKH DHIGTO OO AY QAADAAN HORYAALKA PREMIER LEAGUE ENGLAND.? XILLI HAATAN HOGAANKA U HAYAAN.

Horyaalka Premier League England oo ah mid ka mid ah horyaaladda ugu xiisaha badan ee sidda aadka ah looga daaawado dhamaan daafaha dunidda ayaa xilli ciyaareedakn waxaa uu la soo baxay dhacdooyin badan oo xiiso badan.

Xilli wali ay hogaanka hayso kooxda kubadda cagta ee Leicester City ayaa haddana waxaa soo yeeraya haddalo badan oo aad looga hadal hayo gudaha dalka England, taasi oo ku aadan xilli ciyaareedkan ma waxaa dhici doona wax aan waayadan looga baran horyaalka EPLka ee ah in ay qaado horyaalka Leicester City oo haatanba dhamaan kooxihii weynaa iyadu hor boodaysa.

Horay dad badan uma aysan rumaysneyn in naadigan aan dhaqaalaha badan wadan ee aadka u yar ee Leicester City ay meel fiican xilli ciyaareedkan gaarayso, balse qof walba wuxuu afka gacanta saaray markii kooxdan uu wato tababare Cluadio Rinnerie ay ka badiyeen naadiga Man City.

Leicester City ayaa cagta marisay iyagoona garaacay naadiga Manchester City oo iyagu loo saadaalinayay xilli ciyaareedkan in ay u dhawdahay in ay ka mid noqoto kooxaha ku guulaysan kara horyaalka Premier League England.

Haddaba Leicester City ayaa haatan hogaanka horyaalka Premier League England waxay ku haysaa 6 dhibcood, waxaana ka haray 13 kulan in la ciyaaro dhamaadka xilli ciyaareedkan.

TABABARAHA CIQAABTA: VAN GAAL OO MEMPHIS DEPAY U DHAADHICIYAY IN UU KA CIYAARO DA’YARTA MAN UNITED, HADDABA MUXUU QALDAY HALKAN KA OGOW.

Ciyaaryahanka dhanka garabka ah uga ciyaara kooxda kubadda cagta Man United ee Memphis Depay ayaa la soo sheegayaa in haatan loo dhaadhaciyay kooxda heerka labaad ee United ka dib qaladkii uu galay kulankii Chelsea ay ku heleen bar bar dhaca 11 ah ay ku soo galeen garoonka Stamford Bridge.

Haddaba naadiga Chelsea ayaa daqiiqadi 90aad heshay goolka bar bar dhaca ka dib baas qaldan oo uu bixiyay ayaa keenay in goolkaas helaan Cheslea.De

Dhanka kale tababare Van Gaal ayaa la xusayaa in uu qaatay go`aankaas ka dhanka ah Memphis Depay in uu ka ciyaarsiiyo kooxda da’yarta 21 jiradda ah ee Man United.

Si kastaba wargeyska Express ayaa sheegeysa in Memphis Depay uu xalay la ciyaarayo kooxda 21sanno jirada United oo kulan leh dhigooda Norwcih City.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip