Nin loogu magac daray ninkii geedka ahaa oo ku geeriyooday dalka Indonisia

0
Tuesday February 09, 2016 - 20:15:49 in Wararka by
  • Visits: 1586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin loogu magac daray ninkii geedka ahaa oo ku geeriyooday dalka Indonisia

    Nin u dhashay dalka Indonisia loona yiqiin Ninkii Geedka ahaa xonqoro ka soo baxay jirkiisa awgii ayaa geeriyooday isagoo 42 sano jir ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin u dhashay dalka Indonisia loona yiqiin Ninkii Geedka ahaa xonqoro ka soo baxay jirkiisa awgii ayaa geeriyooday isagoo 42 sano jir ah,

Dede Koswara ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Badung, Indonesia dhamaadkii bishii aynu ka soo gudubnay isagoo aysan u suurtogalin inay rumowdo riyadiisa ahayd in uu ka reysto xanuunka hayay kuna soo laabto howshiisa ahayd fuundinimada.

Xanuunka hayay Koswara ayaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay dhakhaatiirtu waxa ay ku tilmaameen inuu yahay mid aan laga dawoobeyn balse sanooyin badan kadib ayuu Koswara u geeriyooday.


Mr Koswara ayaa cudurka hayay lagu sheegy inuu yahay mid ka dhasha Virus ama caabuq Lewandowsky-Lutz kaasoo ah in qofka uu hayo jirkiisa ay ka soo baxaan xonqoro ama hilbo sida geedaha oo kale ah oo aan la koontarooli karin.
Xanuunka ninkan hayay ayaa ku xoogana gacmaha iyo lugaha kuwaasoo kiilooyin honqoro ah oo sida geedka oo kale ah ay ka soo baxeen.
Xaaskiisa oo muddo toban sano ah uu qabay ayaa isaga tagtay kadib markii uu awoodi waayay inuu quudiyo iyada iyo labo carruur ah oo ay u dhashay.

ninkii-geedka-5ninkii-geedka-7




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip