Afhayeenka, ayaa carabka ku adkeeyay in Sacuudigu uu doonaayo in Ciidamadiisa ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Ururka Daacish, oo isu magacaabay Dowladda Khilaafada Islaamka.
General Ahmed Al-Asiri, ayaa waxaa uu iftiimiyay in Sacuudigu uu tallaabadaan ku dhaqaaqi doono, haddii ay aqbalaan buu yiri isbahaysiga uu Mareykanka horkacaayo ee la dagaalamaaya Daacish.
Ilo wareedyo, ayaa xaqiijinaaya in Xukuumadda Riyadh ay diyaarisay kumanaan Ciidankeeda sida gaarka ah u tababaran, si ay ugu daabusho dalka Turkiga, kagana soo tallaabaan xuduuda uu la wadaago Suuriya.
Inkastoo Sacuudiga iyo Turkigu ay siyaasad ahaan kala fog yihiin, ayaa waxay hadana isku mowqif ka yihiin aragtidooda siyaasadeed, ee ay ku diidan yihiin in Xafiiska Shaqada uu sii jooggo Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Assad.
Boqortooyada Sacuudiga, ayaa ka mid ah dalalka sida wayn ugu lugta leh dagaalada mudada shanta ku dhow ee ka soconaaya wadanka Suuriya.
Sacuudiga, ayaa waxaa la tilmaamaa inuu si cad ugu fashilmay dagaalka uu kula jiro Maleeshiyada Shiicada Yemen Ee Xuuthiyiinta, oo taageero ka helaaya Dowladda Iran, oo xurgufi ay kala dhaxeyso



0 



Sacuudiga oo ku dhawaaqay ciidan dhulka ah oo uu u diraayo dalka Suuriya
Dowladda Sacuudi Carabiya, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay ciidan dhinaca dhulka ah oo ay u dirto dalka Suuriya, si ay qayb kaga noqdaan dadaalada xalka nabadeed loogu raadinaayo dalkaasi.