
War Deg Deg ah: Qarax goordhow ka dhacay Deegmada Wadajir.
Waxaa goordhow Degmada Wadajir ka dhacay qarax gaari, kaasi oo laga maqlay degmada oo idil.
Qaraxaan ayaa ahaa gaari nooca raaxada ah oo lagu soo dhajiyay waxyaabaha qaraxa ee sida xanjada oo kale ah.
Gaariga ayaa waxaa saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada Nabad sugida oo lagu magacaabo C/weli, laasi oo ka bad baaday, kadib markii uu ka dagay gaariga ayuu qaraxu dhacay.
Ciidamada ammaanka ayaa durbadiiba goobta yimid kuwaasi oo ridaayay rasaas xooggan oo ay ku kala eryayeen dadka ku soo xoomay goobtii uu qaraxa ka dhacay.
Dhanka kale ma ahan markii ugu horaysay uu qarax noocaan ah uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir, waxaana soo badanaaya gawaarida lagu dhejinaayo qaraxyada sida Xanjada oo kale ah.


0 



War Deg Deg ah: Qarax goordhow ka dhacay Deegmada Wadajir.
Waxaa goordhow Degmada Wadajir ka dhacay qarax gaari, kaasi oo laga maqlay degmada oo idil. Qaraxaan ayaa ahaa gaari nooca raaxada ah oo lagu soo dhajiyay waxyaabaha qaraxa ee sida xanjada oo kale ah.