Xaaladda caafimaad nin dhimirka la' ee wejiga Ashito looga shubay oo ka sii dareysa + Sawirro

0
Thursday February 04, 2016 - 19:19:48 in Wararka by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda caafimaad nin dhimirka la' ee wejiga Ashito looga shubay oo ka sii dareysa + Sawirro

    Dhacdo aad u xanuun badan ayaa waxa ay ka dhacday degmada Waaberi, Dhacdadan oo ah mid si wayn looga xumaaday ka dib markii nin dhimirka looga jiray oo xaafadaha degmada WAABERI, si wayn loogu yaqiin wajiga & dhamaan jirkiisa AASHITO BUURO loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo aad u xanuun badan ayaa waxa ay ka dhacday degmada Waaberi, Dhacdadan oo ah mid si wayn looga xumaaday ka dib markii nin dhimirka looga jiray oo xaafadaha degmada WAABERI, si wayn loogu yaqiin wajiga & dhamaan jirkiisa AASHITO BUURO loogu shubay.

Ninkan oo kaalmo ka heli jiray dadka xaafada isla markaana kawarada jiifan jiray, ayaa waxaa dhacday habeen hore isagoo meel geed hoos jiifa lagu shubay AASHITO, waxaa la arkay isagoo cararaya oo aan istaagaynin sidaana looguma baran ka dib waxaa la isku dayay in la qabto waxaase la arkay isagoo dhibkaasi haysta oo wajiga si xun ugu wax yeelobay.

Gudoomiyaha degmadda Waaberi Xaawo Maxamuud Cali ayaa waxa ay geeysay isbitaalka Madiina balse waxaa jirta in isbitaalka aysan waxba ka qaban Karin loona raaadinayo gooba caafimaad oo kale sida Digfeer, hadaba dhibaatada jirta waxa ay tahay xaalada ninkan oo ah mid aad u xun, hadana aysan jirin dhaqaalo ninkan wax loogu qabanayo.

Si aad ah Ayaan ugu xumaaday runtii arintan oo ah mid xadgudub wayn ah waxana ka cod sanayaa dhamaan cidii wax ka qaban karta xaaladan muragada leh in ninkan soo caawiso.

Waxaa jira dhalinyaro ay Gudoomiye Xaawo qaban qaabisay oo isbitaalka madiina la jooga ninkan balse aysan haysan iyaga xitaa Cuno, &n wax kasto lagama maarmaan ah.

Fadlan nala caawi si aan u bad baadino ninkan Miskiinka ah hadana dhimirka loogu jiro.



1

2

3

Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)
+252615981000



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip