Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay isu diyaariyeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0
Thursday February 04, 2016 - 18:55:36 in Wararka by
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay isu diyaariyeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay isu diyaariyeen howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo dhowaan ku qaadi doonaan deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobollada Jubooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay isu diyaariyeen howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo dhowaan ku qaadi doonaan deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobollada Jubooyinka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qorshahan uu ahaa mid muddo la dejinayay, isla markaana maalmaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka looga saarayo Al-Shabaab deegaanada Jubbooyinka.

"Dhowaan waxaa bilaaban doona howlgalkii Wabiga Jubba, ciidamada waa diyaarsan yihiin, qorshahan muddo ayaa la dejinayay”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo taageerada ay ka helayaan AMISOM, balse waxaa uu tilmaamay in isku tashan doonaan ciidan ahaan.

Ciidamo fara badan oo Itoobiya ka socda ayaa maalmihii la soo dhaafay ku qul qulayay Kismaayo, kuwaasoo diyaarado lagu geeyay, waxaana ciidamada ka qeyb qaadan doonaan howlgalka dhowaan bilaaban doono.

Sidoo kale Ciidamada Kenya oo horay ugu sugnaa Kismaayo ayaa iyana la sheegay inay qeyb ka yihiin howl galka, hase ahaatee waxaa ay dhowaan ka soo baxeen deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka Kismaayo.

Ma ahan markii u horeysay oo uu Maamulka Jubbaland ku dhawaaqo inuu qaadayo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip