Salaad Cali Jeelle : "Ra'iisal wasaaraha wuxuu dalka u horseedayaa nidaam aan wanaagsaneyn…"

0
Thursday February 04, 2016 - 10:47:09 in Wararka by
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaad Cali Jeelle : "Ra'iisal wasaaraha wuxuu dalka u horseedayaa nidaam aan wanaagsaneyn…"

    Salaad Cali Jeele oo horay u ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, balse hadda ah guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Qaran ayaa ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku aadanaa in dalka uusan ka jirin ax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaad Cali Jeele oo horay u ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, balse hadda ah guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Qaran ayaa ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku aadanaa in dalka uusan ka jirin axsaab siyaasadeed oo sharci ah.

Gudoomiye Salaad ayaa sheegay in sharciga axsaabta siyasaadeed ee dalka loo gudbiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid,basle uu iska indha tiray.

"Natiijadii ka soo baxday dacwadii dhawaan aan ka gudbinay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka arimaha gudaha oo aan ku eedeynay ineysan dooneyn meel marinta sharciga Xisbiyada dalka,taasi oo hadda hortaalla Maxkamadda sare ee dalka”.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya oo ka jawaabay eedeynta loo jeediyay ayaa iska fogeeyay, isagoo sheegay in dalka haatan ka jirin asxaab siyasaadeed oo sharci ah, maadaama qeybaha Bulshada laga tala gelin.

Dhanka kale guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Qaran ahna siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumaddihii dalka soo maray ayaa ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha uu dalka u horseedayo nidaam aan wanaagsaneyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip