Wasiir kuxigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Isaaq Cismaan oo la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa sheegay in Guddi loo saaray arrintaas, ayna rajaynayaan in waqti dhow ay soo baxdo natiijada baaritaanka.
"Guddi ka kooban hey’adaha ammaanka, Wasaaradda iyo dad kale oo khubaro ah ayaa loo saaray sababihii keenay dhibkaas diyaarada ku dhacay, arrintaasna wali waa lagu jiraa”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka.
Ilo ku dhow dowladda Mareykanka ayaa sheegaya in looga shakisan yahay in Al-Shabaab inay ka dambeeyaan dhibka ku dhacay diyaaradda Daallo Airline , ayna u muuqato waxa dhacay inay yihiin Bam, kaasoo si deg deg ah diyaarada ku qasbay inay u fariisato garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Mid ka mid ah Ilaha dowladda Mareykanka ayaa sheegaya in baarayaasha ay rumeysan yihiin in Al-Shabaab inay ku kacaan falkaas, balse ma jirto sheegasho ka timid Al-Shabaab.
Ilo kale oo soo xiganeyso Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegaya in maado ka sameysan waxyaabaha qarxa ay suura gelin karto inay qaraxday, taasoo lagu magacaabo aalada TNT.
Hase ahaatee waxaa dhici karta baa la leeyahay in waxyaabaha soo baxa inay been abuur noqon karaan, inkastoo wali baaritaanka faraha lagula jiro.
Warbaahinta Mareykanka ayaa arrintan si aad ah uga hadlaya, iyagoo sheegaya in wali FBI aysan arrintan ka hadlin.
Hal ruux ayaa ku dhintay shilka ka dhacay diyaarada, kaasoo ka dhex baxay duleel ka sameysmay diyaarada markii uu ka dhex dhacay wax u eg qarax, waxaana sidoo kale dhaawacyo fudud soo gaaray labo ruux oo ka mid ahaa rakaabka diyaarada.
Illaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Shirkadda Daallo Airline oo horay u sheegay in dab uu ka kacay diyaarada intii ay hawada ku jirtay.



0 



Wararkii ugu dambeeyay baaritaanada Diyaaradda Daallo Airline
Waxaa wali socda baaritaanka ku aadan Diyaaraddii Daallo Airline oo maalinimadii Talaadadii si deg deg ah ugu soo laabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii wax u eg qarax uu ka dhex dhacay gudaha diyaaradda.