WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 4TA FEBARAAYO 2016KA

0
Thursday February 04, 2016 - 09:48:01 in Wararka by
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 4TA FEBARAAYO 2016KA

    MADAXWEYNAHA OO WARAAQAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA DOWLADA JARMALKA .. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO WARAAQAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA DOWLADA JARMALKA .. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Jutta Gisela Frasch. Danjire Frasch ayaa warqadaha aqoonsiga ka sokow, waxay Madaxweynaha soo gaarsiisay dhambaal qoraal ah oo ay ka sidday Ra'iisul Wasaare Angela D. Merkel.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo Danjire Frasch uga waramey xaaladda Soomaaliya iyo dhinacyada ay labada waddan ka Iska kaashan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Danjiraha Jarmalka u sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay maalgashi si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, dhanka kalena uu doon ayo in la soo nooleeyo barnaamijyadii mihnadaha ee Jarmalka uu Soomaaliya ka taageeri jiray si fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada.

Danjire Frasch, ayaa iyana sheegtay in dalka Soomaaliya uu muhiim u yahay caalamka, iy adoo sidoo kalena soo dhoweysey horumarka dhanka siyaasadda ee dhowaan Soomaaliya ay ku tallaabsatey markii la meel mariyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka 2016ka.

Waxay Danjire Frasch sheegtay in Jarmalka gacan ka geysan doono taageerada dhismaha booliska, xarumo lagu tababaro dhalinyarada dhaqancelinta lagu sameynayo ee ka soo goosta Al Shabaab, iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga ee sahlaya dib u soo noqoshada qaxootiga Soomaa lida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee waddamada deriska ah.

Sidoo kale Jarmalka ayaa dib u fasaxayaa malaayiin dollar oo horay loogu deeqay Soomaal iya burburka ka hor, lacagtaas oo haatan loo adeegsan doono horumarinta mashaariic kala duwan oo laga hirgelin doono gobollada Soomaaliya.

Labada dal ayaa sidoo kale ka wadahadley sidii la isaga kaashan lahaa adeegyada waxba rashada, caafimaadka, biyaha iyo kuwa kale aasaasiga u ah dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in xiriirka iskaashi ee Soomaaliya kala dhexeeya Jarmalka uu gacan weyn ka geysan karo dib u dhiska waddanka.

MADAXWEYNAHA DFS OO MUQDISHO KULA KULMAY KU XIGEENKA XOGHAYAHA GUUD EE QM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa shalay xarunta Madaxtooyada Som aliya kula kulmay, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Siyaasadda, Jeffrey Feltman oo shalay booqasho ku yimid Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa danjiraha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid dalka, taasoo uu ku tilmaamay inay muhiim u tahay Somalia oo qaadaysa tallaabooyin taariikhi ah oo isugu jira dhina cyada Siyaasadda iyo Dib u qaabeynta Mustaqbalka Dalka la xiriira.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xusay in Somalia ay si Tartiibtariib ah u soo kabaneyso, taasoo uu sheegay inay ku timid Wadashaqeyn iyo wadaxaajoodyo Muhiimka ah oo dhexmaraya Soomaalida.

"Wax badan ayaa noo Qabsoomay, wax baddana way noo dhiman yihiin. Waxaan Xoogga saarnay Saddex Arrimood oo Lafdhabar u ah dib u dhiska Soomaaliya. kuwaas oo kala ah; Hannaan Siyaasadeed oo loo dhan yahay, Arrimaha Ammaanka oo Golaha Nabadgalyada Qaranka oo aan kusoo darnay maamullada dalka ka jira iyo qaybsiga kheyraadka. Dhanka kalena aad baan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay oo doorweyn ku leh dib u soo kabashada dalkeenna, Anigoo rajeynaya inay sii wado taageerada ay inoo fidiso,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale ka warbixiyay baahida loo qabo isku dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxaha Argagixisada, sida Alshabaab.

Danjire Feltman ayaa isagana dhankiisa ugu horreyn Madaxweynaha iyo Dowladda FS ku Amaanay go’aankii dhawaan ay qaateen ee Meelmarinta nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadkan, isagoo xusay inay talaabadaas taageereen, si weyna ay u soo dhoweeyeen Waddamada Gobolka, Caalamka iyo Qaramada Midoobay.

Waxaa, sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjire Feltman ay ka wadahadleen shirka ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga dhamaadka bishan Feberaayo ee 2016ka ee ay isugu imanayaan Soomaaliya iyo Waddamada Iskaashiga la leh.

Arrimaha kale ee ay kawada hadleen waxaa ka mid ah kulan kale oo ka dhacaya magaalada Jabuuti oo ay isugu imaan doonaan Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia iyo sidii dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa xarumo ay ku bartaan mihnadaha kala duwan, loona heli lahaa Maalgashiyo u sahli kara fursado shaqo.

Danjire Feltman ayaa mar kale xusay inay QM si buuxda u taageereyso Somalia, Wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dib u soo kabashada dalkooda, kana faa’iideystaan kaalmada Beesha Caalamka. Iyadoo Kulankan waxaa Goobjoog ka ahaa Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia & Qaramada Midoobay.

BAARLAMAANKA OO MEEL MARIYAY SHARCIGA QOXOOTIGA IYO BARAKACAYAASHA QARANKA

Kulanka shalay xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada muqdisho oo uu shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa ugu dambayn lagu meel mariyay sharciga qoxootigaiyo barakacayaasha qaranka kaas oo horay ay u soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kulanka oo shalay ay soo xaadireen 156 mudane oo barlamaanka ka tirsan ayaa waxaa shar cigaan ogolaaday 155 mudane, waxaa ka aamusay 1 mudane, mana jirin cid kale oo ka soo hor jeeday, waxana sidaasi ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka mudane Jeylaani nuur Iikar.

Shircigaan qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka ee ay shalay meel mariyeen xildhiba ana da Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa uu soo maray marxaalado kala duwan, iyadoo bishii December ee sanadkii 2013 kii loo soo gudbiyay xubnaha barlamanka, waxaana la marsiiyay akhrinta Koowaad, labaad iyo sadaxaad, ugu dambeynta shalay ayeey meel mariyeen xubnaha barlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale xildhibaanada barlamaanka ayaa isla shalay guda galay sharciga maareynta kaalmaha shidaalka dalka kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xuk uumadda Soomaaliya.Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim Wasiirka Macdanta iyo Batrool oo mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigaan uu muh iimadd weyn u leeyahay maareynta Kaalmaha Shidaalka dalka iyo sidii sharciga loo waafajin lahaa.

DIYAARADIHII IMAAN JIRAY GAROONKA DIYAARADAHA MUQDISHO OO INTOODA BADAN SHALAY BAAQDAY

Diyaaradihii Caalamiga ahaa ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalad Muqdisho imaan jiray dagi jiray ayaa intooda badan shalay baaqday, kaddib qarax daraad ka dhex dhacay diyaarad ay lahayd shirkadda Daallo Airlines, taasoo baaritaankeeda uu weli socdo.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradda Turkish Airlines oo joogo u imaan jirtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho maalin kasta ayaan iman saddexdii casho ee lasoo dhaafay, iyadoo aan la ogeyn illaa sababta ay Duullimaadyadii ay maalin walba ku imaan jirtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.Sidoo kale, Wararka intaas ku daraya in diyaaraddii Daallo Airlines ee daraad uu ka dhacay Qaraxa ay wadday 74rakaab ah oo ay Muqdisho ka qaadi lahayd Qaadi lahayd Diyaaradda Turkish Airlines, Taasoo la sheegay inay Jabuuti kasii qaadi lahayd, iyadoo Mas'uuliyiinta Duulista Hawada ee Dowladda Somalia ayaa Xusay inaysan ogeyn sababta ay Muqdisho u iman weyday Turkish Airlines dhowrkii maalmood ee u dambeeyay.

AgaasimahaHay'adda Saadaasha Hawada iyo Duulista Somalia, C/wahaab Sheekh Cumar ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanno ku saabsan shilkii daraad qabsaday diyaaraddii Daallo Airlines, muddo dhowna ay soo saarayaan warbixin ku saabsan shilkii dhacay.

Waxaa kaloo wararku ay sheegayaan in baaritaanka shilkan ay wadaan khuburo dowladda Somalia ka tirsan iyo hay'adaha dhanka ammaanka ka shaqeeya, iyadooo baaritaanka lagu sameynayo diyaaradda, qofkii ka dhacay iyo weliba waxyaabo kale oo la xiriira baarista.

Diyaaradaha aan Shalay soo cagodhigan garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah; Jubba Airweys, marka laga reebo Diyaarad yar oo ka Timid Hargeysa, Diyaaradda Daallo Airlines iyo diyaarado kale, laakiin waxaa timid diyaaradda 540 oo ka mid ah kuwa caalamiga ah.

Inkastoo hay'adaha amniga DF Soomaaliya aysan weli kasoo saarin warbixin dhameystiran Shilkii ka dhacay Gudaha Diyaaradaha Daallo Airlines ee dib ugu soo laabtay Muqdisho; ayaa haddana wararka hoose waxay sheegayaan inuu ahaa shilku uu ahaa mid qarax ah oo gudaha diyaaradda ka dhacay.

RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA OO KA HADLAY DACWADA LAGA GEEYAY MAXKAMADA SARE EE DALKA

Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Dacwad isaga iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya ka dhan ah, taasi oo ay gudbiyeen Axsaabta Siyaasada dalka.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay Dacwadaasi laga gudbiyay oo salka ku ha ysa sida uu yiri arin Siyaasadeed inay tahay mid qaldan oo ay aheyd in loo tago Baarlamaanka So maliya, loona ashtakoodo, kadibna Baarlamaanka uu weydiiyo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya.

"Horta Dacwad arin Siyaasadeed hadii la dhaho Maxkamad ha la isku geeyo waxa ay ila tah ay arintaasi inay tahay arin qaldan Wixii siyaasad ah Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa wakiil ka ah waxay aheyd dadkaasi hadii runtii tahay arin Siyaasadeed in la geeyo Baarlamaanka, Baarlamaankana uu anaga na warsado uu dhaho Xukuumadda arintii keena marka in Maxkamada sare in la geeyo Xoogaa waxa ay aheyd arin dheeri ah.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaake.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegay in Axsaabta Siyaasadeed ee dalka inaan loo sameynayn kaliya Magaalada Muqdisho, balse dalka oo dhan loo sameynaayo Axs aabta.

Waxa uu sheegay inaysan jirin hada shaqsiyaad sheeganaya inay matalaan Axsaab Siyaa sadeed, maadaama weli Sharciga Axsaabta Siyaasadeed uusan noqon mid rasmi ah, balse weli uu ku guda jiro la tashiyo oo gacanta ay ku hayaan Guddi ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya, balse isbuucyada soo socda ay ka hadli doonaan Golaha Wasiirada.

"Axsaabta ma’ahan wax aniga iyo adiga iyo Gole Wasiire ay ka talinayaan waa in Soomaali oo dhan baa loo bandhigayaa talo ayaan gelinay oo Bishii November soo gaba gaboowday, Xisbiy ada Magaalada Xamar kaliya uma sameynayno dalka oo dhan ayaan u sameynaynaa, Qof hada dhi hi karo Axsaab ayaan matalayaa majirto sababtoo ah Sharcigii Axsaabta maba jiro” Ayuu yiri Ra’I isul Wasaare Sharmaake oo la hadlay Warbaahinta Dowladda.

Maxkamada sare ayaa horay u sheegtay Shaqsiyaad muwaadiniin ah oo sheeganaya inay yihiin Axsaab Siyaasadeed inay ka soo gudbiyeen Dacwad Ra’iisul Wasaare Sharmaake iyo Wasiir kiisa Arimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa

GANACSADE CAAN AH OO AY KOOX HUBEYSANI TOOGASHO KU DILEEN OO SHALAY LA AASAY

Ganacsade Xirsi Aadan oo ku magic dheeraa Xirsi Adduunyo ayay xalay waxay kooxo hube ysna ku Toogteen degmada Boosaaso ee gobolka Bari, iyadoo ganacsadaha shalay lagu Aasay Boosaaso.

Kooxaha hubeysan ee toogtay ganacsadahan oo aan haybtooda la garanayn ayaa la she egay inay ku toogteen xaruntiisa ganacsi ee Hubaal oo ku taalla Koonfurta magaalada Boosaaso, iy adoo dilka kaddibna ay kooxuhu baxsadeen.

Sidoo kale, Ganacsadaha la dilay ayaa la sheegay in Toddobaadyo ka hor ay ku Handadeen gud aha Degmada Boosaaso, iyagoo ka qaatay wixii Agab ahaa ee uu watay, inkastoo aysan jirin waxyeello ay gaarsiiyeen.

Marxuum Xirsi Adduunyo ayaa wuxuu ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee ka sameeyay magaalada Boosaaso ganacsiyo fara badan, Wuxuuna ahaa ganacsade keeni jiray shidaalka, isa goo sameeyay Shirkadda shidaalka ee Hubaal, dhawaanna uu qorsheynayay in dulleedka Boosaaso uu ka sameeyo Warshad biyaha sifeysa.

Illaa hadda lama oga kooxaha geystay dilka Gana csadahaan iyo Sababta ay u dileen toona, iyadoo laamaha Ammaanka Puntland, Gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Boosaaso aysan weli ka hadlin dilka marxuum Xirsi Adduunyo.

Dhanka kale, Ganacsadahaan xalay Toogashada lagu dilay ayaa Shalay oo Arbaco ah lagu Aasay Boosaaso, iyadoo Aaska ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, culummo, waxgarad, ganacsato iyo Dadweyne fara badan.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo dilal noocan ah ay ka dhacaan deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasoo inta badan lagu beegsado mas'uuliyiinta Puntland, culu mada iyo dad kale ee howlaha muhiimka ah u haya bulshada

GENERAL XAAMUD OO KORMEER KUSALDHIGGA DEGMADA HOWLWADAAG EE MAGAALDA MUQDISHO

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa kormeer shaqo wuxuu ku tagay Saldhiga Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo Booliska shaqooyinka maalinlaha ah ay ka qabtaan.

Xaamud, ayaa waxaa socdaalkiisa u kuurgalida xaalada Shaqada Saldhiga sida ay u socoto, waxaa ku wehliyay Taliyaha ciidamada Booliska qaybta Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) iyo Taliyaha qaybta Booliska Waliyoow Cadde Col. Maxamed Daahir.

Taliyaha waxaa Saldhiga Degmada Howlwadaag ku soo dhaweeyay oo Warbixin ku siiyay Taliyaha ciidamada Booliska Saldhigaasi oo si faahfaahsan warbixinta xaalada Saldhiga iyo sida ay u shaqeeyaan u sharaxay Taliyaha.

Intaasi kadib ayaa Maxamed Shekh Xasan Xaamud Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya wuxuu Saraakiisha Saldhiga iyo ciidamada Booliska kula dar daarmayinay shaqada Qaranka u hayaan u gutaan si masuuliyad ay ku dheehan tahay.

Taliyaha wuxuu kormeeray qaybaha uu ka kooban Saldhiga isaga oo soo eegay Buuga OOBBIGA oo lagu qoro dhacdooyinka maalinlaha ah ee Saldhiga ay diiwaangeliyaan.

Kormeerkaan uu taliyaha ku tagay Saldhiga Degmada Howlwadaag ayaa wuxuu qayb ka yah ay kormeero kala duwan oo Taliyaha uu ku tagi doono Saldhigyada Degmooyinka Muqdisho.

MADAXWEYNAHA KOONFUR AFRIKA JACOB ZUMA OO SHEEGAY INUU DIB U CELINAYO LACAG MURAN DHALISAY

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa sheegay inuu dib u bixiyo lacago mu ran badan dhaliyay ee uu ku casriyeeyay Amniga Qasriga uu Gaarka u Leeyahay ee ku yaalla Tuul ada Nkandla ee Miyiga Gobolka KwaZulu Natal ee dalka Koonfur Afrika.

Jacob Zuma ayaa ku sheegay Bayaan uu soo saaray xilli dambe oo Talaadadii daraad ahayd inuu Qorshahaan u diray diiwanhayaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Waddankiisa.

Sidoo kale, baaritaan musuqmaasuqan oo ay horkacaysay dacwadooge, Thuli Madonsela ayaa Sannadkii 2014kii lagu shaaciyay inuu madaxweyne Jacob Zuma si xaddhaaf ah uga faa’iidaystay lacagta Qaranka.Waxay ku eedaysay Zuma inuu ku kacay Habdhaqan aan Fiicnayn, iyadoo Warbixinteeda lagu ogaaday in barkad lagu dabaasho, goob digaaga lagu Xannaaneeyo, Xeryo Lo’da lagu hayo iyo Masraxyo ay ka mid ahaayeen goobaha Qurxinta lagu sameeyay.

Ugu dambeyntii, Maxkamaddu waxay ku talisay inuu Madaxweynuhu dib u bixiyo qayb ka mid ah lacagaha loo isticmaalay waxyaabaha aan amaanka la xiriirin. Iyadoo Wadarta guud ee kharashka lagu casriyeeyay Ammaanka ayaa lagu qiyaasay lacag gaaraysa 10Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

MAS’UULIYIINTA KENYA OO HORISTAAGAY CUNNO GARGAAR AH OO HAY'ADDA WFP AY U WADAY SOOMAALIYA

Dowladda Kenya ayaa Saddex gaari oo cunno gargaar ah oo Hay’adda WFP ay lahayd ku haya Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya, iyagoo tuhun ka qaba in cunnadaas ay u gacangeli karto Alshabaab, sida uu Sarkaal sare oo ka tirsan Xukuumadda Kenya u sheegay Warbaahinta.

Hay’ada WFP ayaa waxay sheegtay in gaadiidkan ay mas’uuliyiinta dalka Kenya haystaan ay dhammaantood sitaan warqadihii u fasaxayay inay cunada qaadaan, isla markaana ay si dhaw ula socon doonto Arrintaas, si loo xaqiijiyo in Cunnada ay gaarto Halkii loogu Talogalay inay gaarto.

Xiriiriyaha Amniga ee Gobolka Waqooyibari ee Kenya, Maxamuud Saalax ayaa Sheegay in Gaadiidka xamuulka sida lagu hayo degmada Mandheera, iyada oo Hay’adda WFP laga sugayo inay xaqiijiso in cunada aysan u gacan geli doonin Ururka Alshabaab ee Somalia.

"Waxaanu ka shaki qabnaa halka cunada ay u socoto, sababta oo ah markii ugu dambeysay ee Cunno ay ka Gudubto Xadka, Waxay ku Dhammaatay Gacmaha Alshabaab,” ayuu yiri Maxamuud Saalax oo la hadlayay Warbaahinta.

Sidoo kale, Afhayeennada Gobolka ee Hay’adda WFP, Challiss McDonough oo ku sugan Nairobi ayaa waxay sheegtay inay mas’uuliyiinta Kenya kala shaqeynayaan in la xaliyo isfahamwaagan cusub ee soo kordhay.

McDonough ayaa xustay in WFP ay xaqiijinayso in cunnada ay ku dhacdo kaliya Gacmaha dadka dhiban ee u baahan. Alshabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday inay ka hawlgasho hay’adda WFP, Sannadkii 2010kii.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ay qaateen mas’uuliyiinta Kenya ayaa kusoo beegmaysaa xilli Bishii hore ay Alshabaab Askar badan oo Keenyaan ah ku dishay weerar ay bishii hore ku qaadday saldhig ay ku lahaayeen Ceelcadde.

SHABAAB OO FARIIMO HANJABAAD AH U DIRAY HAY’ADAHA NGOYADA EE GOBOLKA WAQOOYI BARI KA HOWLGALA

Ururka Shabaab ayaa la sheegayaa inay fariimo cabsi gelin ah u direen Hay’adaha NGOyada ee ka howlgala Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, sidaasi waxaa xaqiijiyay Masuuliyiinta Maamulka Degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Fredrick Shisia, ayaa sheegay inay jiraan fariimo cabsi gelin ah oo soo gaaray qaar ka mid ah Hay’adaha aanan Dowliga aheyn ee ka howlgala halkaasi.

Wuxuu sheegay qaar ka mid ah Hay’adaha inay bilaabeen inay halkaasi isaga baxaan iyaga oo ka cabsi qaba weeraro Shabaab ay kala kulmaan, waxaana deeganada ay ka baxeen Hay’adahan ka mid ah Banisa, Takaba iyo Mandera.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in amaanka Degaanada Fino, Cumar, Jillo, Dabasiti , Lafeey iyo Abeeya aanu wanaagsaneyn, waxuuna ugu baaqay Hay’addaha amaanka in ay xoojiyaan sugida amaanka goobahaasi.

Shabaabka ayaa Hay’adaha waxa ay ugu hanjabeen inay ka baxaan deeganada ay ka howlgalaan hadii kale ay la kulmi doonaan dhibaatooyin kaga yimaada Shabaabka.

Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa noqday mid faraha ka baxay oo masuuliyiinta ammaanka Gobolka xitaa waxa ay ka cabsi qabaan weerarada Shabaabka ay halkaasi ka geystaan.

Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dhacday Todobaadkaan gudihiisa, waxaana Shabaabka ay saddex ruux ku dileen Duleedka Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta.

Kenya ayaa la fajacsan weerarada sii socda ee Shabaabka ay ku hayaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo amnigeeda uu soo kaban la’yahay.

CIIDAMO SI GAAR AH U TABABARAN OO KA MID NOQONAYA HOWLGALKA AMISOM

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in aysii deeneyso muuqaal ciidamo ka tirsan malateriga dalkeedaoo si gaar ah u tababaran kuwaasoo ay sheegtay in ay ka qayb qaadan doonaan howlaha nabadeynta iyo waliba sugida ammaanka.

Uganda ayaa xustay in ciidamadaasi sida gaarka u tababaran isla markaana awood u leh in ay qabtaan howlgalogaar ah ay ka qayb qaadaan doonaan howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

General chris magesi oo ah afhayeen u hadlay ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamadaasi oo qaba tababaro casri ah la gaarsiin doono Somalia si ay ula dagaalamaan xarakada Al Shabaab ee ka dirirta Somalia balse mr chris ayaanan sheegin waqtiga rasmiga ah ee ciidamadaasi loo diri doono Somalia.

Dalka Uganda ayaa waxaa Somaliya ka joogo ilaa 6000 oo askari kuwaasoo qayb ka howlgalka nabad ilaalinta midowga Africaee AMISOM,waxaana ciidamadaasi ay Somalia joogeen ilaa sanadkii 2007di.

Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia ayaa weeraro Khasaarooyin badan gaysta waxaa ay kala kulmaan Al Shabaab iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ay Al Shabaab ka fuliyeen deegaanka Ceelcade ee gobalka Gedo halkaasoo lagu laayay ciidamo badan oo ka tirsan milateriga dalka Kenya.

XILDHIBAAN DALXA: ” HALA XALLIYO KHILAAFKA DOWLADDA DHEXE IYO MAAMULKA SOOMAALILAND EE DHANKA DUULIMAADKA”.

Mudane Prof Max’ed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la dhameeyo khilaafka soo kala dhex galay dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaalialand.

Xildhibaanka ayaa tibaaxay in hakinta duulimaadyadii Muqdisho iyo Hargeysa ay saameyn xoogan ku reebeyso shacabka Soomaaliyeed.

" arrintaan ha la dhameeyo hana la soo celiyo duulimaadyada labada dhinac ayaan leenahay” ayuu yiri Prof Dalxa.

Si kastaba Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay joojisay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

 

MAXKAMADA CADAALADA MAREYKANKA OO DAMBI KU WEYSAY KORNEEL KA TIRSANAA DOWLADA DHEXE

Maxkamada gobolkaFerjiiniya ee dalka mareykanka ayaa sheegtay in taliyihii guutada shan aad ee dowladii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, korneel yuusuf Cabdi Calilagu waayeey eed eemo inmuddaa lagu heystay taliyaha.

Waxaa taliyaha loo heestay dacwado ku aadan in uu dad rayad ah dil u geestay kuwaasi oo kunoolaa deegaanada maamulka Somaliland mudadii uu xilka taliyaha guutada 5aad uu hayay san adka markuu ahaa 1980 ilaa burburkii dowladii dhaxe ee madaxweyne siyaad barre .

Qoyska farxaan Warfaa oo dacwada lagu soo xirasy korneel cali yuusuf u gudbiyey maxk am ada mareykanka ayaaan ku qancin goaanka maxkamada ay manta ku sheegtay in aan wax dambiyaa lagu helin korneel yuusufcabdi cali .

Farxan warfaa ayaa kusoo ban dhigay maxkamada horteeda dil uu taliyaha u geestay wala lki is oo lagu magacaabi jiray cali warfaa.

Maxkamada cadaalada iyo la xisaabtanka ee loo soo gaabiyo CJA ayaa shaacisay in kiiska taliyaha oo mudda dheer yaalay maxkamada baaritaanana lagu sameeyey in ugu dambeen korne elka lagu waayey eedeemaha loosoo jeediyey.

Kathy Roberts waa qareen ka tirsan maxkamadda cadaalada iyo isla xisaabtanka ee CJA waxaa uu cadeeyey in eedeemo qaldan lagu heystay korneel yuusuf cabdi

BOGGA CAYAARAHA

GARYNEVILLE OO DIIDAY INUU ISCASILO KA DIB XASUUQII VALENCIA XALAYTO KA SOO GAARAY BARCELONA.

Tababaraha kooxda Valencia Gary Neville ayaa sheegay inuusan ku fekereynin inuu iscasilo ka dib markii uu daawaday kooxdiisa oo guuldarro ceeb ah oo gaareysa 70 ay ka soo gaartay Barc elona lugtii hore ee wareega afar dhamaadka koobka boqorka ee Copa del Rey.

Copa del Rey ayaa aheyd kaliya halka uu ku baxsanayay Neville mudadii sideeda kulan ee uusan badinin horyaalka La Liga tan iyo markii uu tababare ka noqday Mestalla Stadium bishii December, laakiin Los Che ayaa waxaa kala dhantaashay kooxda Barcelona oo ku soo laabatay qa ab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa islamarkaana qarka u saaran inay soo gaarto finalka markii shanaad lixdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.

Si kastaba, Neville ayaa ku adkeysanaya inuusan diyaar u aheyn inuu iscasilo kaliya labo bolood oo uu kooxda tababare ka yahay, waxaana uu ku jawaabay kaliya ‘maya’ markii la weydiiyay haddii uu ka fiirsanayo inuu iscasilo.

"Si wacan uma seexan doono caawa” ayuu yiri kabtankii hore ee Manchester United. "Ma aan an jecleysanin wixii aan arkay. Taageerayaasha uma aysan qalmin taas, waxaana nagu qasab ah inaan si degdeg ah u soo kabsano.”

Waxaana uu hadalkiisa raaciyay: "Waxa ay noqon doontaa wax xanuun badan seddexda iyo afarta maalmood ee soo socota. Tani waa mid ka mid ah maalmihii iigu xanuunka badnaa kubada cagta.”

CHELSEA OO LIISKA CIYAARTOYDA KOOXDEEDA EE CHAMPIONS LEAQUEGA KA SAARTAY XIDIGA AMAAHDA KULA JOOGA EE RADAMEL FALCAO, ALEXANDRE PATO OO BOOSKIISA LAGU BUUXIYAY IYO MATT MIAZGA OO LIISKA KU JIRA

Xidiga xulka qaranka Colombia iyo kooxda Chelsea ee Radamel Falcao ayaa laga saaray lii ska ciyaartoyda kooxda Chelsea ee Champions Leaquega ka ciyaari doona inta ka hadhay xili ciyaa reedkan. Falcao ayaa maalintii suqa kala iibisaga ugu danbaysay u safray Spain si uu ugu biiro koo xdiisii hore ee Atletico Madrid balse heshiiskaas ayaan noqon mid lagu guulaystay.

Falcao ayaa xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku dhibtoonaya horyaalka Ingiriiska isaga oo aan wax fursad ah ka helin Stafamford Bridge oo uu xagaagii amaah ugu soo biiray. Saxiixa cus ub ee ay Chelsea amaahda kula soo wareegtay ee Alexandre Pato ayaa lagu buuxiyay booska Falcao laga saaray. falcao_3536186b

Chelsea ayaa shalay oo arbaca ah ku dhawaaqday liiska kooxdeeda ee Champions Leaqu ega, waxaana liiska Blues ee Champions Leaquega ka maqan Falcao iyada oo booskiisa lagu buu xiyay Pato.Pato ayaa Champions Leaquega xidhan doonaa No.11 halka No.9 kii Falcao uu liika ka maqan yahay.pato

Dhinaca kale saxiixa kale ee ay Chelsea samaysay ee Matt Miazga ayaa liiska Champions Leaquega ee Chelsea ku jira, wuxuuna qaadan doonaa No.20.Chelsea ayaa wareega 16 ka koox ood ee Champions Leaquega la ciyaari doonta kooxda ay xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay isku soo noqnoqdeen ee PSG.

GERARD PIQUE "QALAD AAN ANAGA GALNO OO KALIYA AYAA BARCELONA LA LIGAHA LOOGA QAADI KARAA XILI CAYAAREEDKAN”

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ka tirsan Gerard Piqeu ayaa 100% ku kalsoon in kooxd iisa ay xili cayaareedkan La Ligaha Spain difaacan karto.

Kooxda Barcelona bilawgii todobaadkan waxay iska reebtay naadiga Atletico Madrid ayadoo 21 guusha kaga qaadatay.

Waxay Barcelona haatan 3dhibcood hogaanka kaga hayaan kooxda Atletico Madrid sidoo ka lena 4dhibcood naadiga Real Madrid oo kaalinta sedexaad ku jirto ayay ka sareeyaan balse Barcel ona kulan ayaa baaqi u ah weli.

Gerard Pique wuxuu yiri "La Liga weli laguma guuleesanin balse waxaan taaganahay boos aan horyaalka ku difaacan karno”

"Qalad aan anaga galno oo kaliya ayaa Barcelona La Ligaha Spain looga qaadi karaa inta ka harsan xili cayaareedkan”

Gerard Pique ayaa ka dhawaajiyay dhinaca kale inuu aduunka guuldaro ugu neceb yahay wuxuuna daafacan yiri "Marnaba ma jecli dareenka ka dhasho guuldarada waayo aduunka ayaa guuldaro ugu necbahay”

"Sidoo kalena dhamaan saaxiibadeyda Barcelona igala tirsan iyaga ma jeclaan inay guul dare estaan waana sababta keentay inaan kulankan walbo galino juhdi ah guusha inay xageena soo mar to”

KULAMADA LA CIYAARAY EE ITALYSERIE A

Sassuolo 02 Roma

Frosinone 10 Bologna

Empoli 11 Udinese

Fiorentina 21 Carpi

Hellas Verona 21 Atalanta

Inter 10 ChievoVerona

Juventus 10 Genoa

Lazio02 SSC Napoli

Palermo 02 AC Milan

Sampdoria 22 Torino

Kulamada la ciyaaray ee EnglandPremier League

Everton 30 Newcastle United

Watford 00 Chelsea

Kulamada la ciyaaray eeSpainCopa del Rey

Barcelona 70 Valencia

caawa

22:30 Sevilla ?? Celta Vigo


MADAXWEYNAHA: "QARAMADA MIDOOBAY DOOR WEYN AYAY KU LEEDAHAY DIB U SOO KABASHADA SOOMAALIYA"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabiley, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca arrimaha siyaasadda, Danjire Jeffrey Feltman oo shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Danjire Feltman uga mahad celiyay booqashada uu ku yimid dalka, oo uu tilmaamey inay muhiim u tahay Soomaaliya oo qaadeysa talaabooyin taariikhi ah oo dhinaca siyaasadda iyo dib u qaabeynta mustaqbalka waddanka la xiriira.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay si tartiib ah u soo kabaneyso, taasina ay ku timid wadashaqeynta iyo wadaxaajoodyada muhiimka ee dhexmaraya Soomaalida."Wax badan ayaa inoo qabsoomay, wax baddan way inoo dhiman yihiin. Waxaan xoogga saarnay saddex ajenda oo lafdhabar u ah dib u dhiska Soomaaliya. Waxaana saddexdaasi arrimood ay kala yihiin hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, arrimaha amniga oo Golaha Nabadgelyada Qaranka oo aan ku soo darney maamullada dalka ka jira iyo qeybsiga kheyraadka. Dhanka kale aad baan uga mahad celinayaa Qaramada Midoobay oo door weyn ku leh dib u soo kabashada dalkeena, anigoo rajeynayaa inay sii waddo taageerada ay inoo fidiso’’’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka warbixiyey baahida loo qabo isku dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada AMISOM iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida Al Shabaab.

Danjire Feltman, ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku ammaanay go’aankii dhowaan ay qaateen ee meel marinta nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadkan, isagoo sheegay inay tallaabadaasi ay taageereen, si weyna ay u soo dhoweeyeen dalalka gobolka, caalamka iyo Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjire Feltman ay ka wadahadleen shirka ka dhici doona magaalada Istanbul bishan February dhammaadkeeda ee ay isugu imanayaan Soomaaliya iyo waddamada iskaashiga la leh, shirka ka dhacaya magaalada Djibouti ee ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa xarumo ay ku bartaan mihnadaha kala duwan, loona heli lahaa maalgashi sahlaya fursado shaqo.

Danjire Feltman ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u taageereyso Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaalida ugu baaqey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dib u soo kabashada dalkooda, kana faa’iideystaan taageerada beesha caalamka.

CASHARKII 28AAD HABKA CILMIBAARISTA EE RESEARCH METHOD

Qorista iyo Dib u Eegista Qoraaladii Hore(Writing Literature Review)Cashiradii 25, 26 iyo 27 aadwaxaan uga soo hadalnay in la soo xigto maqaalada kala ah Empirical iyo theoretical articles,

waxaan sidoo kalekasoo hadalnay argtida(Theory) iyo sida ay muhiim u tahay in hal ama labo argti lagu dabaqo qorista literature ka. Hadaba casharkan waxan uga hadli donaa sadax nuuc oo kale oo lasoo xigan karo, waxayna kala yihiin literature review articles,Anecdotal Reports, Reports on professional practices and standards. Si aan u fahno waxan ka bixin doonaa mid waliba tusaale kooban.

Maxaa loola jeedaa literature review articles? Waa Maqaalo, hadafka loo daabacay ay tahay in meel la isugu keeno qoraaladii hore looga sameeyay maado cayiman. Tayada Maqaalada nuucaani ah aad ayay u saraysaa, muhiim ayayna u tahay cilmibaaraha in uu helo wax ka mid ah maqaaladaas, maxaa yeelay waxay xambaarsan yihiin xogihii ugu dambeeyay ee laga daabacay maadadaas.

Sidioo kale, qoraalada ku qoran waxay soo gudbiyaan kala aragti duwanaanta literature ka, sida loo soo aruuriyay xogta cilmibaarista kala duwan (qualitative ama quantitive) iyo turjubaanida kala duwan ee laga bixiyay maadada. Intaas waxaa dheer in maqaalka uu soo gudbiyo halka banaan ee aan wax laga qorin iyo sida wax loogu soo kordhin karo madadaas.

Anecdotal Reports. Waa maqaal lagu saleeyay khibrada uu qof u leeyahay maado cayiman. Qoraa ayaa waxaa uu maqaal ka qorayaa arin uu ku ogaaday qibrada uuleeyahay. Lakin qoraaga maqaalka ka waxaa uu racayaa habka saxda ah ee cilmibaarista, sida asagaoo observation mudo dheer ah samaynayo, waxaa uu ururinayaa warbixino iyo xog ku saabsan arin gaar ah. Maqaalka nucaan ah inta badan waxaa qoro (clinical psychologies, iyo Teachers) Qoraaga waxaa uu cadeeynayaa doorsoomaha uu barayo iyo sida u baarayo.

Tusaale, macalin ayaa waxaa uu qoray article uu ku qeexayo khibrada uu u leeyahay ardayda ku guul daresato in ay waxbartaan marka lagu guda jiro waxbarashada fasalka. Macalinka waxaa uu soo bandhigaya, calaamadihi uu ku ogaaday ardayda. Marka laga hadalayo maqaalada cilmibaarista, dhaliilo badan ayuu yeelan karaa maqaalka nuucaan ah, sida in uu san lahayn isbar bar dhig (comparison) macada in macalinka in uu kalin wayn ka geestay in ardayda uu ku guuleesto waxbarashada.

Waxaa laga yabaa guul darada ardayga in ay sabab u tahay dhib guriga ka heesto iyo in uu san helin cid ka caawiso wixi la baray in loo meeriyo. Madaama aysan ka muuqan xog dhameestiran iyo dul duleelo badan oo xaga xog aruruinta ah,articles ka nuucaan ah, waxaa haboon in aan la soo xigan, hadii ay dhacdo in la soo xigto oo lagamaarmi waayo waa in si cad loo sheego in uu yahay Anecdotal Reports.

Marka laga hadlaayoReports on professional practices and standards, Jaraa’idada tacliinta qaarkood waxay daabacaan warbixino la xiriiro xeerar sharciyo cusub oo tacliinta lagu soo dabaqay. Sida nidam cusuboo lagu dabaqayo qaacidada xisaabta ama sharciyo ogolanayo isticmaalka iyo qorista dawoyinka qaar. Hadii arimahan oo kale ay la xiriiraan (literature) ka waxaa haboon in lagu daro oo la soo xigto, maxaa yeelay waxay misaan u yeelayaan xigashada qoraaladii hore.

Gabab gabadii marka la soo xiganayo qoraaladii hore, waa in si taxadar leh loo doorto cida la soo xiganayo iyo halka laga soo xiganayo. Cilmibaaraha ayay mas’uuliyad ka saran tahay in uu ogaado waxa uu soo xiganayo in ay yihiin sax iyo in mugdi ku jiro.Ogow, hadii aad soo xigto xog qaldan, waxaad maro habaabisay aqristaha…

 

WAXAA SOO DIYAARIYAY DR. SHAFICI SHARIF

MOHAMEDFAYOSOM@HOTMAIL.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip