Aqal Sare xilligiis Lama Joogo

0
Tuesday February 02, 2016 - 01:17:15 in Maqaallo by
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqal Sare xilligiis Lama Joogo

    Saddex sababood dartood waxay iigu muuqataa in aan la joogin xilligii la dhisi lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Qaabka la go'aansaday in loo dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu lid ku yahayMidnimada Soomaaliya, wuxuu garabmarsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex sababood dartood waxay iigu muuqataa in aan la joogin xilligii la dhisi lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Qaabka la go'aansaday in loo dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu lid ku yahayMidnimada Soomaaliya, wuxuu garabmarsan yahay Dasuurka Dalka, wuxuuna horseedi karaa xasillooni darro siyaasaadeed.

Somaliland Dowlad Goboleed ma aha

Aqalka Sare waxaa qorshuhu ahaa in la dhiso marka ay dhammaystirmaan dhismaha Dowlad Goboleedyadu. Xataa midda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo aan weli dhalan haddii lagu daro, Dowlad Goboleedyadu waxay ka dhismeen oo keliya Gobollada Koofureed ee magaca Qarammada Midoobay uu Talyaanigu ku gaarsiiyay xornimada.

Waxaa ka maqan Gobollada Woqooyi oo Ingiriisku gumeysan jiray ee Hargeysa ay caasimadda u tahay.

Khaatumo oo Gobolladaas ka tirsan laakiin Midnimo doon ah, waxay ku dhawaaqday Dowlad Goboleed ah qaab aan aad uga duwaneyn sida kuwa Koofurta qaarkood ay ku billowdeen. Haddana Federaalku ma aqoonsana kana mid ma ahayn Madasha Wadatashiga, kamana mid ahaan doonto Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya ee kuraasta qeybsanaya.

Somaliland inteeda kalena awalba diyaar uma ahayn in ay qeyb ka ahaato Baarlamaanka Soomaaliya, marka laga tago mas’uuliyiin ayagu iskood midnimo doon u ah.

astaanta-qaranka



Markaa Somaliland oo dhan waxaa laga soo qaaday in ay la miisaan tahay hal Dowlad Goboleed oo ka mid ah Shanta Koofurta. Taas waxaan u arkaa in ay meel ka dhac ku tahay Soomaalida woqooyi oo dhan. Waxayna sii fogeyneysaa Midnimada Soomaaliya, haddiiba ay rajo laga qabi lahaa in maalin uun la is afgarto.

Dastuurka yaan la reed marin

image
Sida ay madashu u qoondeysay in kuraasta Aqalka Sare loo qeybsado waxay khilaafsan tahay Dastuurka.

Dastuurku wuxuu qorayaa in loo baahan yahay in ay Dowlad Goboleedyadu ay ku yeeshaan Aqalka Sare kuraas is tiro le’eg. Laakiin hadda markii si siman loo qeybsaday ayaa lix kursi oo soo hartay loo bixiyay qaab aan loo hayn qiil Dastuuri ah oo looga haro.

Dastuurku waxaa uu qabaa in murashixiinta u tartamaya Xubinnimada Aqalka Sare ay ka yimaadaan dhammaan 18 – ka Gobol ee dalka, taas oo hadda go’aanka soo maxay uu baal maray.

Midda kale, Dowlad Goboleedyada hadda jira ma ahan kuwa la hubiyay in ay buuxiyeen shuruudaha Dowlad Goboleed lamana yaqaan soohdimahoodu meesha ay dhacaan.

Xamar lama Xaqiri karo

Gobolka Banaadir oo ka kooban 17 Degmo, cod kuma laha Aqalka Sare!

Haa, waa dhab oo hal kursi kuma laha.

Taasi ma ahan wax maangal ah. Dadka qaar u qaba in ay si aqoon iyo waayo aragnimo leh u hadlayaan laakiin aan ogeyn in wax aan isku nooc ahayn aan la isbarbardhigi karin ayaa ku dooda caasimadda Mareykanku, Washington, kursi kuma laha Aqalka Sare ee Mareykanka, Muqdisho-na waxba kama duwana.

Marka laga soo tago taariikhda Washington Kursi ugu yeelan weyday Aqalka Sare, wakiilkeeda Aqalka Hoose-na aanuu u lahayn xuquuq cod oo la siman inta kale, Washington iyo Muqdisho tirada dadkoodu kala badan, dalalka ay caasimadaha u yihiinna kala dad badan. Muqdisho laba jeer ayay ka dad badan tahay Washington.

Midda kale waxaan isu dhigmin saamiga ay dadka Washington ka yihiin tirada guud ee Mareykanka oo ah 318 milyan iyo saamiga ay Muqdisho ka tahay tirada aan la hubin ee qiyaas ahaan u dhexeysa 10 ilaa 15 milyan oo Soomaali ah.

Dadka Washington waxay tirada guud e dadka Mareykanka ka yihiin 0.21%. Laakiin Muqdisho waxaa ku nool, inkasta oo aanay muran la’aan ahayn, in ka badan 10% tirada guud ee dadka Soomaaliya.

Federaalku hadduu isku dayo in uu xuquuqda Muqdisho iska indha tiro, ma hubo in uu iska indha tiri karo dakhliga canshuurta Muqdisho ka soo gala.

Markaa inta la soo saarayo xeerka laga seexday ee qeexaya maqaamka Caasimadda, waxaan qabaa in aan lagu xad gudbin xuquuqda dadka Muqdisho deggan.

Gunaanad

Saddexdaas qodob oo aan kor ku sheegay, waxay muujinayaan in qaabka la doonayo in loo dhsio Aqalka Sare ee lagu go’aamiyay Madasha Wadatashigu uu halis ku yahay midnimada Soomaaliya, xad gudub ku yahay Dastuurka uuna horseedi karo qalalaase siyaasadeed.

Sidaa darteed waxaan qabaa in dib loo dhigo dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qalinkii Yusuf Garaad

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip