
Macallin u dhashay Kenya oo abaalmarin caalami ah ku guuleystay
Lahaanshaha sawirkaVARKEY FOUNDATION
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Abaalmarinta waxaa lagu iclaamiyey munaasabad lagu qabtay Dubai, waxaana Peter loo aqoonsaday inuu yahay macallin "ka go'naasho leh" oo u taagan inuu wax ka beddelo noolasha dadka saboolka ah ee ku nool deegaanka Rift Valley ee dalka Kenya.
Abaalmarinta lacageed ee la guddoonsiiyeyna 80% wuxuu ku deeqay in wax looga qabto dadka saboolka ah gaar ahaanna dugsiga sare ee Keriko oo ku yaalla tuulada Pwani gobolka Nakuru, lacagtaasina lagu iibiyo dharka ay ardaydu dugsiyada u xidhaan (uniform) iyo buugaagta manaahjita.
Macallinkan 36 jirka ah hammigiisu wuxuu yahay inuu maaddooyinka saayniska gaar ahaanna xisaabta iyo fiisiksi uu bulshada ku dhiirrageliyo isga oo hammigiisa ku koobneen Kenya balse gaarsiisan ilaa heer qaradeed.
Guusha macallin Peter ayaa lagu sheegay iney tahay mid ididiilo wanaagsan ku abuureyso jiilka waxbartay ee dhalinyarada ah ee ku nool dalka Kenya iyo qaaradda Afrika intaba.


0 


Macallin u dhashay Kenya oo abaalmarin caalami ah ku guuleystay
Macallin dhiga maaddooyinka Saayniska oo ka soo jeeda dhulka miyiga ee dalka Kenya oo mushaarka uu qaato intiisa badan muddo ku soo caawinayey dadka saboolka ah ayaa ku guuleystay abaalmarin lacageed oo dhan 1 milyan oo doolar (£760,000 oo gini