WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ISNIIN 1-DA FEBARAAYO JANNAAYO 2016-KA

0
Monday February 01, 2016 - 09:04:01 in Wararka by
  • Visits: 1538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ISNIIN 1-DA FEBARAAYO JANNAAYO 2016-KA

    MADAXWEYNAHA OO SHIR MADAXEED KA MIDOWGA AFRIKA UGA WARAMEY XAALADDA SOOMAALIYA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md.Xasan Sh. Maxamuud, ayaa Mad axda Mido wga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatey horumar la taaban kar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO SHIR MADAXEED KA MIDOWGA AFRIKA UGA WARAMEY XAALADDA SOOMAALIYA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md.Xasan Sh. Maxamuud, ayaa Mad axda Mido wga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatey horumar la taaban karo ee dhinaca siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, dalkana ay sannadkana ka dhacayaan doorashooyin markii u gu horeysay muddo haatan laga joogo 47 sanno Madaxweynaha oo shalay khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 26aad ee Midowga Afrika ayaa sheegay in gu ulaha ay Soomaaliya ku tallaabsatey ay ka dhasheen biseylka Soomaalida ee ku aaddan inay waddankooda dib u dhistaan, kana xoroobaan coladaha iyo kala qeybsanaanta.

"Waxaan sidoo kale u mahad celin ayaa beesha caalamka oo gacan muu qata ka geysatey in Soomaaliya ay ka soo gudubto xilliyadii adkaa. Ciidam mada AMISOM ayaan si gaar ah u xu saya doorka ay ka qaateen taageera da Soomaaliya, iyadoo ciidan isugu ji ra rag iyo dumar kana tirsan AMISOM ay naftooda u hureen sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa.

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dalalka ay ciidammada kaga dhinteen Soomaaliya, gaar ahaan dhacdadii xa nuunka badneyn ee loo geystey ciidan ka Kenya oo dalkeena u jooga inay na gacan qabtaan’’, ayuu yiri Madaxwey naha.

Md.Xasan Sh.Maxamuud ayaa khud baddiisa, waxaa uu beesha caalamka kaga codsadey inay taageero ka geyst aan sidii looga mira dhalinlahaa door ashooyinka sannadkan la filayo inay qabsoomaan, oo uu sheegay inay cala amad wanaagsan u noqon doonaan hirgelinta hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyna ha xusey inuu hubo in argagixisada fal alka aadminimada ka baxsan ka fulina ya Soomaaliya iyo dalalka deriska ah laga adkaan doono, dalalka gobolka iyo caalamkana laga doonayo inay da gaalkaasi u midoobaan.

Md.Xasan Sh waxaa sidoo kale uu madaxda Midowga Afrika uga warbixiy ey qaraarkii dorraad ka soo baxay Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciida mmada sida degdegga u hawlgala ay ku yeesheen Addis Ababa, kaas oo ay kaga hadlayeen xasaradda ka aloosan dalka Burundi. Shirkaasi dorrad dhac ay ayaa waxaa shir guddoominayey Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud, waxaana lagu taageeray dadaalka Mid owga Afrika ee xal u helista colaadda Burundi ka jirta iyo in dowladda mag aalada Bujumbura lagu taageero sidii ay nabad iyo xasilooni dalka ugu soo dabbaali lahayd.DHAMMAAAD

DOWLADA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN AY BAAREYSO DUQEYNTA DIYAARADAHA EE CIIDAMADA KENYA KA GEYSATAY GEDO

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in xukuumadda ay gu ddi u saartay duqeyntii diyaaradaha Kenya ay ka geysteen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

R/Wasaare Sharma;arke oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay kala hadleen in ay joojiso duqeymaha xagga cirka ah ee ay ka fulineyso qaar ka mid ah go bollada dalka, waxaana uu intaa raaciy ay in guddi xaqiiqo raadin ah oo uu ho gaaminayo Wasiirka Difaaca ee Soom aaliya ay dhawaan tegi doonaan deeg aanka Ceel Cadde ee G/Gedo, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda dadka halka asi ku nool iyo saameynta ay ku yeel atay duqeymaha xagga cirka ah.

"Guddi xaqiiqo raadin ah ayaa tega ya, waxaana hogaaminaya Wasiirka Gaashaandhigga si ay u soo qiimeeya an xaaladda dhabta ah ee ka jirta dee gaanka, sida aad ogtihiin ciidanka AMI SOM way isaga baxeen deegaan ka, waxaana qorsheyneynaa in wafdiga ay goordhaw tegaan Ceel Cadde” ayuu yiir Ra’iisul wasaaraha. Waa markii u gu horeysay ee ay dowlada Soomaliya ka hada sho duqeynta ay ciidamada cir ka ka geystay deegaano ka mid ah G/ Gedo. Iyadoo beryahaan cabashooyin dadweynaha deeganadaasi ay ka soc deen warbaahinta iyo waxgaradka ay aa waxay dhaleceynayeen dowladda

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY OO KA WADA HADLEY XAALADDA SOOMAALIYA

Madaxweynaha JFSo Md.Xasan Sh.Maxamuud, ayaa shalay xarunta Midowga Afrika ee magaa lada Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha Guud ee QM Mr.Ban Kimoon.

Madaxweynaha iyo Mr Ban ayaa ka wadahadley xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaas adda, amniga, dhaq aalaha, xuquuqda aadanaha iyo arri mo kale. Md.Xasan Sh.ayaa Xoghaya ha Guud ee QM uga mahad celiyay ta ageerada ay mar walba QM iyo bee sha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

"Soomaaliya horumar la taaban ka ro ayay ku tallaabsatey, waxaana hor umarkaasi la gaarey gacan weyn ka geystey QMi. Waxaan ku faraxsanah ay in Q/Midoobay iyo beesha caalam ka Soomaaliya garab istaageen xilli xa saasi ah oo taageeradooda loo baah naa. Dhowaan waxaan ku guuleysan ey inaan la imaanno qaab doorasho oo aan u qaadaney doorashada wadd ankeenna ka dhacaysa sannadkan. Waan rajeynayaa in QM ay sii waddo wadashaqeynta iyo iskaashiga ay ina la leedahay’’, ayuu yiri Madaxweyna ha.

Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay Mr.Ban Kimoon, ayaa kulanka ka she egay inuu ku faraxsan yahay horumar ka muuqda ee Soomaaliya ka jira oo uu yiri waxaa sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya. Waxaa uu sheegay in di moqraadiyadda Soomaaliya ay kobcey so, isagoo kula dardaarmey Soomaali da in dumarka laga siiyo talada dalka qeybta ay xaqa u leeyihiin sida uu dhig ayo dastuurka.

Waxaa uu Xoghayaha Guud shee gay in Q/M ay Soomaaliya kala shaqe yneyso arrimaha la xiriira dhowrista xu quuqda aadanaha iyo ka hortagga tac adiyada ka dhanka ah aadminimada.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ee QM ayaa sidoo kale ka wadahadley qaabka loo tayeyn karo hawlgalada cii dammada Soomaaliya iyo kuwa Mido wga Afrika ee AMISOM, hawlgaladaas oo muhiim ah ciribtirka haraaga kooxa ha argagixisada. Dhammaaad

GALMUDUG OO SHEEGTAY INUU MEEL WANAAGSAN MARAYO WADA HADAL U DHAXEEYA IYAGA IYO AHLU SUNNA

Maamulka Galmudug, ayaa shee gay inuu jiro wada hadal meel wana agsan maraya oo u dhax eeya Galmud ug iyo Ahlu Sunna, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carab eey.

Ku xigeenka Madaxweynaha maam ulka Galmudug, ayaa tilmaamay in wa da hadalkaan oo ha dda socda ay ka fil ayaan inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo anfaca dadka dega Gob olada Mudug iyo Galgaduud. Ma xamed Xaashi Carabeey, ayaa wuxuu tilmaamay wada hadalka Ahlu Sunna ay kula jiraan inuu yahay mid lagu do onaayo in lagu soo afjaro Isfahan waa ga ka dhex taagan Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wuxuu tilmaamay qorshaha Galmu dug mar waliba inay tahay nabad ku noolaanshaha Bul shada degta Gobola da Mudug iyo Galgaduud, iyadoo taasi laga duulayana Galmudug culeys bad an ay saartay sidii Ahlu Sunna ay u la hadli laheyd. Inkastoo Madaxweyne ku xigeenka uusan shee gin masuuliyiinta Ahlu Sunna u matalaysa wada hadal ka, ayuu tilmaamay inay yihiin masuuli yiin sar sare oo Ahlu Sunna ka tirsan.

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobola da Dhexe ayaa gabi ahaanba diiday jiri taanka Maamulka Gal mudug, xilli Ahlu Sunna ay ku dhawaaqeen Dowlad Go boleed. Maamulka Galmudug ayaa ma rkii la dhisay caqabadii ugu horeysay ee uu la kulmay waxa ay noqotay Ahlu Sunna oo diiday inay raa cdo Maamul kaasi.Xigasho :dhacdo.com

KENYA OO BAARAYSA IN CIIDAMADA DOWLADDA KU LUG LAHAAYEEN WEERARKII CEELCADDE

Guddi loo xil saaray Baaritaanka ku aaddan weerarkii 15kii Bishan Sha baab ay ka geysteen Saldhigii ciidama da Kenya ee Degmada Ceelcadde, ay aa sheegay inay baarayaan in ciidam ada Dowladda ee Gobolka Gedo ku lug leeyihiin weerarkaasi.

Guddigaan ayaa sheegay ka hor inta uusan dhicin weerarka Ceelcadde in la jaray Barta Xiriirka Isgaarsiinta ee ciid anka Ceelcadde, ka dibna uu dhacay weerarka. Waxaa shaki laga muujina yaa in ciidamada Dowladda ee Gobol ka Gedo ku sugan ay ku lug lahaaye en weerarkaasi, sababtana waxa ay ku sheegayaan Guddiga in Xiriirka dha nka Isgaarsiinta ee ciidamada Kenya kaliya ay jari karaan ciidamada Dowla dda oo cid kale aysan u sahlanaan kar in. Taliyaha Ciidanka Difaaca dal ka Ke nya Samson Mwathethe waxa uu she egay in barta xiriirka ciidanka Kenya ay ahayd mid ka mid ah Bar tilmaame edka dadka weerarka fuliyay.

Waxa uu sheegay in intii uu socday weerarka ay ay isku dayeen in ay xiriir la sameeyaan 19 Xar un Ciidan oo ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya iyo Xa runta dhexe ee Nairobi,intuba ay suuro gali weysay.

Shabaabka weerarka geystay ayaa la sheegay in marka hore ay beegsade en oo qarax Ismii daamin ah la beegsa deen Xarunta Isgaarsiinta ciidanka Ce elcadde ku sugnaa, ka dibna ay xige en qaraxyada kale iyo dagaalka toos ka ah. Shabaab ayaa ilaa hadda waxa ay gacanta ku hayaan Maxaabiis nool, kuwaasi oo ay ku qabteen Dagaalkii Ceel cadde.

DOWLADDA JAPAN OO DOWLADDA SOOMAALIYA UGU DEEQDAY 37 MILYAN.

Dowladda Japan, ayaa Dowladda Fe deralka Somaliya waxa ay ugu deeqd ay lacag dhan 37 Milyan, waxaana de eqdaasi ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaa raha dalka Japan oo Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga qaybga laya Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

Ra’iisal Wasaaraha Japan, Mr Ka wai Katsuyuki ayaa deeqda uga dhaw aaqay kulan ay dalka Itoobiya ku yee sheen isaga iyo madaxweynaha Soo maaliya, Xasan Sheeekh Maxamuud.

Deeqdaan ayeey Dowladda Japan, waxa ay ugu talo gashay in wax looga qabto arimaha ku aaddan dib u dhiska iyo Horumarinta dalka Somaliya iyo si doo kale wax k qabashada dhanka am maanka.

Ra’iisul Wasaaraha Japan, waxa uu ballan qaaday in Dowladdiisa ay caa winayso Dowladda Federalka Somali ya, si loo muujiyo taageerada loo haa yo Somaliya. Madaxweynaha Sooma aliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahad celiyay Taageerada Japan uu siiyo Soomaaliya.

Dowladda Japan ayaa gacan joogto ah ka geysata dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xaqiijiso amn iga iyo dib u dhiskeeda. Dhawaan aye ey aheyd markii gaadiid loogu talo ga lay ciidamada Booliska Somaliyed Do wlada Japan ay ku wareejisay Taliska ciidamada Booliska Somaliya, gaadii dkaasi oo ah kuwa ay hadda isticmaa laan ciidamada Booliska Somaliya.

SOMALIA IYO BRITAIN OO SHALAY KU KALA SAXIIXDAY MUQDISHO HESHIIS DHINACA AMNIGA

Dowladda Soomaaliya iyo Britain ay aa shalay Heshiis Dhanka Ammaanka ah ku kala Saxiixday Xarunta Safaar adda Britain ee Muqdisho, iyadoo dha nka Somaliya uu heshiiskaan u saxiix ay W/difaaca, C/dir Sh.Cali Diini, Hal ka dhanka Britain ay u saxiixday safiir adda u joogta Soomaaliya, Harriet Mat hews. Saxiixa Heshiiska ka dib, ayuu Wasiirka Difaaca Somalia Sheegay in Heshiiskaan uu wax badan u Tarayo labada dal, isla markaana ka caawina yo inay labada dal iska kaashadaan ladagaallanka Kooxaha Xagjirka ah ee khatarta ku ah Somalia, gobolka iyo ca alamka intiisa ahaan.

"Heshiiskan wuxuu Somalia ka caa win doonaa in awood ay u hesho Dhis maha Hay’adaha Ammaanka iyo sidoo kale in labada Dalka ay yeeshaan Wa dashaqayn dhaw oo la Xiriirta Amni ga, si aan uga guuleysanno kooxaha Xagjiriinta ah ee ku haya dhibatada Dalkeenna,” ayuu yiri Wasiir Diini.

Jen. C/qaadir Diini ayaa xusay in Britain keliya aysan ka Qaybqaadan Xaqiijinta Amaanka dalka, laakiinse ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo ba dan oo ka mid yihiin siyaasadda iyo dhis maha ciidanka qalabka sida.

Ugu dambeyn, Safiiradda UK ee So maliya, Harriet Mathews ayaa iyana dhankeeda sheegtay inay mar walba la garabtaaganaan doonaan dowlad da Somalia Taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, iyadoo u Rajeysay dowladda Somaliya inay ku guulaysan doonto Qorshayaa shee da kala duwan.

DOWLADDA SOMALIYA: WAA WAX LAGA XUMAADO IN SOMALILAND AY AQOONSI WEYDIISO DADKA KA SOO JEEDA KOONFURTA..

Janaraal Cabdullaahi Maxamuud Gaafoow, Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal ka soo yeeeray mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Soo maaliland kaasi oo ku aadan Dadka ka soo jeeda Gobolada Koonfurta Soomaaliya kuna nool Magaalooyinka Maamulka Soomaaliland in ay qaataan aqoonsi ay ku joogi karaan Degaanadooda.

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Janaraal Cabdullaahi Maxamuud Gaafoow ayaa sheegay in Dad badan lagu dhibaateeyo Magaalooyinka Soomaaliland, isagoona xusay n Soomaalidu ay wadaagaab diin iyo dhaqan islamarkaana loo baahan yahay in meesha laga saaro kala soocida lagu hayo Dadka Soomaalaiyeed ee ku dhaqan halkaasi.

Dhinaca kale, isagoo sii hadlaya Janaraal Cabdullaahi Maxamuud Gaafoow ayaa waxuu ugu baaqay Maamulka Soomaaliland in aysan ka talaabsan midnimada, dhaqanka, iyo Diinta ka dhaqeynta Umadda Soomaaliyeed.

Hadalka Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxuu imaanayaa Xili Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliland Cali Waran Cadde uu ku dhawaaqay in Dadka soo jeeda Konfurta Soomaaliya eek u dhaqan magaalooyinka Maamulka Soomaaliland looga baahan yahay qaad ashada aqoonsi ay ku joogaan halkaasi

WASIIRKA HOWLAHA GUUD OO CARRUUR UGU DEEQAY JOODARIYAAL KANA HADLAY WASAARADA.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Somalia, Inj. Saalax Sh. Cism aan ayaaka warbixiyey halka uu Mar ayo dhismaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, ka dib markii uu shir jar aa’id ku qabtay Wasaaradda dhismuhu ka socdo, isagoo yiri. "Tod dobaad gudihiis ayaa anniga iyo sha qaalaha wasaaradda Halkaan u soo wargeegeynaa."

Isagoo sii hadlaya ayuu intaa ku daray. "Waxaan ugu baaqayaa xildhi baanada Baarlamanka Somaliya iyo Wasiiradaha inay ka qaybqaataan dib u dhiska Somalia, gaar ahaan xafiisya da wasaaradaha, si hore loogu dhaqa ajiyo hanaanka dowladnimo,” ayuu yiri wasiirka howlaha guud iyo dib u dhi ska oo u mahadceliyey Shariikadihii iyo Shaqsiyadkii gacanta ka gestay dhismaha wasaaradda.

Sidoo kale, Wasiirka Saalax Sh. Cismaan ayaa 100joodari shalay ugu deeqay Carruur darbijiiif ah oo wax la gu baro Xarunta dhaqancelinta carru urta darbijiifka ah ee Xuseen Sh. Axm ed Kadare ee degmada Cabdicasiis, iyadoo inta uusan Wareejin deeqdaas Warbixinno ka dhageystay maamulka Xaruntaas, oo Sheegeen in carruur fa ra badan ay dhigtaan dugsiga, kuwaa soo laga soo ururiyay Dariiqyada Muq disho.

"Waxaan u Mahadcelinayaa Wasi irka iyo Wasaarraddiisa oo Gartay inay ka Damqadaan carruurta xeradaas ku xareysan, Waxaana u soo jeedinaynaa Wasiirrada kale inay ku Daydaan Wa siirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Inj. Saalax Sh. Cismaan,” ayay yiraah deen mas’uuli yiin ta xarunta oo u mah adceliyay Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar oo buddhigtay xrunta an.

Dhanka kale, W/Howlaha Guud oo is agana halkaas ka hadlay ayaa xusay in deeqdan uu ugu talogalay in lagu xannaaneeyo carruurtaas oo uu sheeg ey inay yihiin mustaqabalkii burrito.

"Halkan Waxaan uga Mahadceli nayaa Marwada Madaxweynaha Som aliya oo garatay ama ka damqatay Car ruurtaan Soomaaliyeed, kuna soo ururi say halkan, marka waxaa ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Ilnaxariis leh ay ku eegaan Carru urta ku Dayacan guud ahaan dalka,” ayuu yiri Inj. Saalax Ugu dambeyn, Ma rwo Naleey oo ka socotay xafiiska Mar wada Madaxweynaha oo iyaduna halk aas ka hadashay ayaa u mahadcelis ey Wasiirka iyo Wasa araddiisa oo ay sheegtay inay qaadeen tallaabo ku da yasho mudan; iyadoo carruurta xerad aas la gu xanaaneeyo loo qaybiyay Jo odariyaashii; kuwaasoo ku faraxsanaa Joodariyaasha loo qayb iyay.

WASIIRKA KALLUUMEYSIGA OO LA KULMAY SAFIIRKA TURKIGA EE SOOMAALIYA …

Kulankaan oo looga hadlayay sidii iskaashi looga samayn lahaa horumarinta Kalluumaysiga ayaa waxa wada qaatay Safiirka Dowlada turkiga u fadhiya Somaliya iyo Madaxda Wasaarada Kal luumaysiga

Intii uu socday Kulanka ayaa waxaa looga hadlay in ganacsatada reer Turki ay ka kalluumeys an karaan xeebaha dalka, iyagoo raaca sharciyada u yaalla dalka ee dhanka kalluumeysiga qaabil san.

Danjire Olgen Bekar Safiirka Dowlada Turkaga u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Warb aahinta Qaranka in ay isku afgarteen Wasiirka, dhanka horumarinta iyo iskaashiga kalluumaysiga dalka, ayna joogteynayaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka Soomaaliya.

Wasiirka kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamad Cumar Caymooy ayaa xusay in saf iirka ay isla garteen arrimo ay ka midtahay in ganacsatada u dhalatay dalka Turkiga ay ka kalluum eysan karaan xeebaha dalka, iyagoo raacaya sharciyada u degsan dalka.

 

FAAHFAAHINTA WEERAR KA DHACAY SHALAY GUDAHA DALKA KENYA.

Afar Qof ayaa geeriyootay mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii kooxo hubeysan oo aan la aqoon weerar gaadmo shalay subaxn imadii ay ku qaadeen xaafada Kaisar ia ee ka tirsan degmada Lamo.

Joseph Boinett, oo ka mid ah Sara akiisha ciidanka Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay dhacdada,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in Laamaha amaanka ay howlgal ku qaadeen goobta wax ay ka dhaceen si ay u soo qabtaan kooxa ha weerarka geystay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha weerarka gaadmada ku soo qaaday deegaanka Kaisaria argagax geliyeen shacabka mudo shan saac ka hor inteysan baxsan. Weerarkaan aya a ku soo aadaya,maalmo yar uun ka dib markii shan ka tirsan Saraakiisha Booliska Kenya ay dhinteen halka sag aal kale lagu la’yahay aaga Milimani oo ku teedsan dhul xeebeedka Lamu markii kolonyo ay saarnaayeen la kac ay miino dhulka lagu aasay.

Kenya ayaa sheegtay in miinada dhulka loogu aasay askartooda ay ka danbeeyaan ururka Alshabaab, maa dama weeraro badan dalkaasi ay ka geysteenq

QAAR KA MID AH XILDHIBAANADA KENYA OO U SOO JEEDIYAY KENYA INAY CIIDAMADEEDA KALA SOO BAXDO SOOMAALIYA.

Xildhibaanada Kenya qaarkood ayaa u soo jeediyay dawlada Kenya inay qaadato go’aanka ah inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya maadaama ay dhibaato badan kala kulmayaan.

Xildhibaanka la yiraahdo Fred Outa oo laga soo doorto degmo la yiraahdo Nyando ayaa u sheegay warbaahinta dalkaasi in xukuumadda Kenya looga baahanyahay inay ciidamadeeda ka saarto Soomaaliya waxaana uu sheegay in ciidamada Kenya ay culeys kala kulmayaan joogitaankooda Soomaaliya sida uu yiri.

Xildhibaankaan u hadlay baarlamaanka Kenya waxaa uu sheegay in dawlada Kenya sidoo kale looga fadhiyo inay ka run sheegto khasaaraha ciidamada Kenya kasoo weerarkii lagu qaaday xerada CeelCadde ee gobolka Gedo 15 bishaan January oo uu sheegay inay dawladu qarinayso khasaaraha ciidamada gaaray.

"Waxaan la kulmaynaa culays xoog leh dawladu ha sheegto inta ay gaarayaan ciidamada aanu weynay ciidankeena hakasoo saarto Soomaaliya” ayuu yiri xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ka tirsan.

Xildhibaankaan oo sidoo kale ka tirsan isbahaysiga Dimoqraadiga waxaa uu xusay inay sidoo kale ka shaqaynayaan sidii ciidanka Kenya looga saari lahaa Soomaaliya oo ay ugu ekaan lahaayeen xaduudooda si ay amaankadalka Kenya kaliya u sugaan. "Baarlamaanka Soomaaliya waxaa horey loo keenay mooshin ama qaraar ku saabsan in ciidamada Kenya Soomaaliya ka baxaan marka maxay tahay sababta uu M/weynaheena Uhhuru Kenyatta ciidamadeena uga soo saari la’ayahay Soomaaliya” ayuu sidoo kale yiri xildhibaanka Kenyanka ah ee la yiraahdo Fred Outa.

Xildhibaankaan waxaa uu sidoo kale sheegay inuu aaminsanyahay in Soomaalidu ay ciidanka Kenya u aaminsanyihiin ciidan soo duulay oo aysan u baahnayn shaqada ay Soomaaliya ka hayaan sidaas darteed aanba loo baahneyn joogitaankooda Soomaaliya.

Ciidamada Kenya oo hadda qeyb ka ah howlgalka ururka midawga Africa ee AMISOM ayaa duqeeya meelaha ay dadka rayidka ah degen yihiin marka la weeraro xarumahooda iyo magaalo oyinka dalkooda ku yaala inkastoo ay ku andacoodaan in duqeyntaas la bartilmaam eystaan saldhigyo AlShabab leeyahay.

QARAXYO IS XIGXIGA OO KA DHACAY DULEEDKA CAASIMADA DALKA SIIRIYA

Ugu yaraan 45 ruux ayaa ku dhimatay tiro kabadana waa ay ku dhaa wacmeen ka dib markii qaraxyo is xigxiga ay ka dhaceen duleedka magaalo madaxda dalka Siiriya ee Dimishiq.

Meel ay si aad ah u tixgeliyaan dad ka shiicaha ah ayaa ahayd halka wee rarkan lala beegsaday iyadoo hore dhowr jeer loo weeraray goobtaas.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay iy adoo wafuud ka socota dowlada Siiri ya iyo mucaaradka ay gaareen magaalada Geneva iyagoo ka qeybgalaya shir ay qabanqaabisay Qaramada Mid oobay. Mucaaradka ayaa ka laabtay diidmadooda ahayd inay ka qeybgalaan shirka hase ahaatee waxa ay ku xireen in marka hor dalbaadkooda laga hadlo inta uusan shirku bilaaban.

Televisionka Rasmiga ah ee Syria ayaa baahiyay sawirro muujinaya dhis mayaal gubanaya iyo gaadiid burbursan oo laga soo qaaday xaafadda weerarkuu ka dhacay. Isla Xaafadaan weerarka uu ka dhacay ayaa bishii February ee 2015 waxaa ka dhacay 2 qarax oo ismiidaamin ah kuwaas oo ay ku dhinteen 4 qofayna ku dhaawacmeen 3 kale.

BOGGA CAYAARAHA

RASMI: KABTANKA CHELSEA EE JOHN TERRY OO SHAACA KA QAADAY IN WAAYIHIISII CIYAAREED EE STAMFORD BRIDGE UU SOO GABGABAYN DOONO.

kabtanka Chelsea ee John Terry ayaa shaaca ka qaaday in waayihiisii ciyaareed ee Stamford Bridge uu soo gabagabayn doono dhamaadka xili ciyaareedkan.Heshiiska uu John Terry kula jiro Blues ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkan, wuxuuna Terry go’aansaday in uu xagaaga ka bixi doono Chelsea.

John Terry ayaa cadeeyay in Blues ayna heshiiska u cusboonaysiin doonin marka uu dhamaadka xili ciyaareedkan dhaco heshiiska uu hadda kula joogo kooxda ree London, wuxuuna si cad u sheegay in uu soo dhamaaday waqtigii dheeraa ee uu ka soo ciyaarayay Stamford Bridge.Terry ayaa cadeeyay in uu doonayay sidii uu Chelsea ugu sii nagaan lahaa balse ayn Blues doonayn in ay hehsiiska u kordhiso.JohnTerryTerry ayaa waayihiisa ciyaaareed oo dhan ku soo qaatay Chelsea isaga oo kooxda kula soo guulaystay afar koob oo horyaalka Ingiriiska ah, afar koob oo FA Cupka ah, Saddex koob oo Capital One Cupka ah iyo min hal oo Champions leaquega iyo Europa Leaque ah, laakiin Terry ayaan ciyaaraha ka fadhiisan doonin balse kuma biiri doono koox horyaalka Ingiriiska ah si uu kooxdiisa Blues ixtiraam ugu muujiyo.Terry

John Terry oo 14 koob kula soo guulaystay Chelsea ayaa buugaagta Chelsea ku jiray tan iyo markii ay da’diisu ahayd 14 sano jirka isaga oo kulankiisii ugu horeeyay ee Chelsea u ciyaaray sanadkii 1998 kii markaas oo ay da’diisu ahayd 17 sano jir. Sanadkii 2004 kii ayuu Jose Mourinho kabtanka Chelsea ka dhigay Terry, wuuxuna 35 jirkani uu hadda ka bixi doonaa koox uu waqti dheer maaliyadeeda soo difaacay.

Terry ayaa yidhi: "Waxay sheegeen in marka uu tababare cusubi yimaado ay wax isbadali karaan, ilaa hadda waxba ismay badalin, anigu waxaan doonaa in aan hadda ogaado sida aan bisha January markasta sameeyo, waxayna mararka qaar qaadataa ilaa laba bilood in la dhameeyo. Nasiib daro waxay noqotay maya, ma aha dhamaad cadaalad ah, anigu ma doonayo in aan ciyaaraha kaga fadhiisto Chelsea, waxaan doonayaa in aan meel kale aado, taas oo igu qaadan doonta laba maalmood in aan ku dhamaystiro”.ayuu Terry ku sharaxay bixitaankiisa Chelsea.Tery

Terry oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Laakiin sidii aan sheegay ka hor kulankii Arsenal anigu waan ogaa, anigu ma doonayo in badhigayga, sida aan tababarka u qaato iyo waxa aan kooxda siiyaa ay isbadalaan. Waxaan doonayaa in aan waxkasta kooxda siiyo si ay halka ugu saraysa ugu dhamaysato oo aan xili ciyaareed fiican kooxda la qaato”.Terry1

Intaa kadib ayuu Terry sheegay in aanu jirin ciyaartoy kooxda ku waari doonaa isla markaana ay kooxdu sii socon doonto wuxuuna yidhi: "Kooxdu way sii socon doontaa, ma jiro ciyaartoy waligii kooxda ka wayni, anigu waxaan jeclaa in aan kooxda sii joogo, laakiin kooxda ayaa jaho kale u socota. Wax shaki ahi kuma jiro in ay la soo saxiixan doonaan laba ama hal difaac dhexe oo fiican, waxaan doonayaa in aan sanada soo socda Chelsea ugu soo laabto aniga oo taageero u ah oo wata caruurtayda. Waxa uu noqon doonaa sanadkaygii ugu danbeeyay, waxaanan doonayaa in aanu halka ugu saraysa gaadhno”.

MACALIN ARSENE WENGER MUXUU KA YIRI IN KOOXDIISA ARSENAL KU HUNGOWDAY SAXIIXA JAVIER HERNANDEZ.

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger waxaa wax laga weydiiyay sida ay kooxdiisa ugu suura gali weesay inay bishan Janaayo lasoo saxiixato weeraryahanka reer Mexico Javier Hernandez.

Macalin Wenger wuxuu yiri "Uma baahni Chicharito mana dalbadanin”

"Wellbeck iyo Sanchez ayaa kooxda dib ugu soo laabteen sidoo kalena Giroud iyo Walcott ayaan heesanaa marka ma jirto baahi u qabno saxiixa weeraryahan dheeri ah”

"Ma fahmi sababta aan Hernandez u dalbanaayo mar hadii aan heesto Giroud waxaan heesanaa xidigo tayo wanaagsan mana qabno baahi muuqato”

Macalin Arsene Wenger ayaa ka jawaab celiyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray kooxda Bayer Leverkusen oo ahaa in Javier Hernandez uusan beec ahayn kuna biiri doonin naadiga Arsenal.

Javier Hernandez ayaa dib soo ceshtay qaab cayaareedkii aadka u wanaagsanaa wuxuuna xili cayaareedkan wacdaro ka dhigayaa Bundesligaha Jarmalka sidoo kalena kooxda Liverpool ayaa xidigan saxiixiisa ku raad joogto.

CHELSEA VS MANCHESTER CITY, ARSENAL VS HULL CITY IYO ISKU AADKA WAREEGA SHANAAD EE EMIRATES XIISO BADAN OO FA CUPKA OO LA SOO SAARAY IYO KULAMO KA SOO BAXAY

Waxaa hadda la soo saaray isku aadka wareega shanaad ee FA Cupka, waxaana wareega shanaad ku tartami doona 16 kooxood, waxaana wareega shanaad u soo baxay dhamaan kooxa waa wayn marka laga reebo Liverpool oo kulan ku celis ah la ciyaari doonta kooxda West Ham.

Kooxda Chelsea ayaa ugu danbaysay oo wareega shanaad u soo baxday kadib markii ay 5:1 ku xasuuqday kooxda MK Dons, Arsenal ayaa guul garoonkeeda kaga gaadhay kooxda Burnley, iyada oo Man United iyo Manchester City ay guulo ka soo gaadheen kooxaha Derby County iyo Aston Villa sida ay ukala horeeyaan. Sidoo kale kooxaha Tottenham iyo Everton ayaa boos ka helay wareega shanaad taas oo xiiso gaar ah u yeeshay wareega 16 ka kooxood ee FA Cupka.FA Cup

Koox kasta oo guulaysta kulamada wareega shanaad ee u soo baxda sideed dhamaadka FA Cupka ayaa heli doonta abaal marin lacageed oo ah £180,000 kun oo Pound, kooxdii guul darysata ayaan wax lacag ah heli doonin, waxaana kulamada wareega shanaad ee FA Cupka la ciyaari doonaa usbuuc dhamaadka 1922 Feburay.

22-5 Kooxda koobkan difaacanysa ee Arsenal ayaa wareega shanaad la ciyaari doonta kooxda Hull City ku soo dhawayn doonta Emirates Stadium, laakiin kulan ugu xiisaha badan ayaa ah in Chelsea ay Stamfrod Bridge ku soo dhawayn doonto kooxda Manchester City.

Manchester United ayaa markale marti noqon doonta waxayna u safri doontaa kooxda Shrewsbury halka Liverpool haddii ay soo baxdo ay la ciyaari doonto isla makraana ay booqan doonto kooxda Blackburn. Waxa kale oo soo baxay kulan London Derby ah oo dhex mari doona kooxaha Tottenham iyo Crystal Palace halka Bournemouth iyo Everton ay kulan wada yeelan doonaan.





KULAMADA LA CIYAARAY EE HORYAALKA TALYAANIGA

Chievo Verona 0 4 Juventus

Bologna 3 2 Sampdoria

Genoa 0 0 Fiorentina

SSC Napoli 5 1 Empoli

Torino 0 0 Hellas Verona

Udinese 0 0 Lazio

AC Milan 3 0 Inter

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARTAXIYAAN {SHEEKOTAXANE AH}

Q/67aad

Raxma in yar ayey geed ka mid ah geedihii ku yaalay tiy aatarka qaran ay sal dhigataywaxaana ugu timid saaxiibteed Bushra , inta la isku soo booday oo la is dhun dhunkaday da badeedna la is marxabbeeyey ayey u soo dhaqaaqeen dhina ca boorka si loo ogaado habeenkaa riwaayadda socoto iya doo ay habeenkaana tiyaatarka qaranka ay ka socotay riway ad hal ku dhiggeedu yahay {Xuskii Jaceylka}.

Ka dib waxaa la isula dhaqaaqay daaqaddii Tikidhada laga ibsanlahaa waxaayna soo iibsadeen 2 tikidho ah , iyagoo gud aha u gakleen Tiyaatarka Qaranka iyagoo sal dhigtay kuraas tii Tiyaatarka dhex taalay 2 ka mid ah waliba 2 isku dheega noo qeybta dhexda ah .

Xilliga wuxuu socdaba oo ay saacaddii isa soo gurtaba waxaa la gaaray 8:00 habeennimmo waxaana la bilaabay showgii Riwaayadda ka horeeyey.Raxmo iyo Saaxiibteed Bu shrana waxaa isugu baxday sheeko in cabbaar ah ka dib mar kii la dhgeystay C/qaadir ayaa wuxuu soo galay gudaha tiyaa tarka, sidii uu u soo socday wuxuu fariistay kursigii ga badhii Raxma aheyd ku dhegganaa , Raxmana ma ay fahmini nan ka soo barbar fariistay.

C/qaadir waxaa uu fahmay markii lammaanihiisa Raxmo ay hadashaydurbadiiba salaam buu ku boobay kolii Raxmo la salaama inta faraxd darted is heyn kari weyday ayey lamm aanaheeda C/qaadir dhunkasho ku boobtay ilowdayna saaxi ibteed bushra iney dhinaceeda fadhido. Intaa ka dib waxaa ay is bartay lammaanaheeda C/qaadir iyo Saaxiibadeeda Bu shra in cabbaar ah ka dib waxaa la bilaabay Ruwaayaddii la magac baxday {XUSKII JACEYLKA} oo ay hoboollada qaran ka soomaaliyeed ay dhigayeen waxaana ay habeenkaa libsat ay xalaawiyad iyo macmacaan u badan sida lows,Garaziina, shukulaato,buskud,I cun,ii iyo kuwo kale waxaana in daqaiiq ado ah ka dib lammaanayaashii is Jeclaa ee Raxmo iyo C/q aadir waxaa u bilowday kaftaniyo haasaawihii macaanaa oo ay isku yaqaaneen iyadoo habeenkaa hadalka uu daah furki isa bilowday gabadhii Raxma aheyd iyadoo ku bilowday sida tan waxayna tiri:

C/qadir Abboowe Macaane Aaad baan kuu Jecelahay oo aan kaaga helayXusuusteeydana kama aad faaruqeydid, hab een walba xilliga jiifka oo adigaa ku brogarameysan miro dheeman la moodyoow.

Waxaa gidaarada wadanaheyga iyo qalbigeygaba ku qor an oo ka dhaqmi waayey hadalladaadamacaan ee aad igula haasaawi jirtaygacaliye C/qaadir, wiil aan si fudud ku ilaawi karo ma aad tihid waxaana u hiloobay aragtidaada , waxaana cuntada iyo hurdada ila qeybsada xusuustaada farxadda igu igu beertay marka aan ku soo xusuusto aad baan ula yaabaa dabeecaddada wanaagsan iyo daacadnnimadaada waana ilm eeyaaoo weli arlada kuma aanan arag wiil kula mid ah runtii ilaa iyo maalintii aan caqliga yeeshay ayaan ku fikiray inaan helo wiil ii daacad ahoo aan wada beerno nolol cusub iyo Ub ax Curdin ah oo Fiid Qurx badanla soo baxa.

Sida aroorta waaberiga oo kale nuur indhaha u roonla soo baxay ilaa iyo haddana faraha kuma aan hayo waase jiraan wiilal aan horey u soo wada hadal wadaagnay oo aan rafiiq nay laakiinma eysan aheyn kuwa iidaacad ah. Marka in ta aan niyad jan aan ka qaadi lahaa ayaan waxaan door biday in aan isaga haro xabiibkaan jeclaayoow.

Gacaliye C/qaadir Abboowe Macaane jaceylka waxaan u aqaanaa inaan la noolaado shaqsiga aan jeclahay ,iyadoo be en, naf jecleysi iyo qiyaano aan lagu wada socon,Jaceylka no ocaan ahna nafteyda ayaan u hibeeyaa laakiin waa inaan he laa mid u dhigma mana aan rabo inuu igu koobnaado kalig eey .Midda kale Gacaliye C/qaadir,Jceylka xummaankumaku ma sameeyo qalbiga iyo naftaa deris la ah , balsewaa uu qaddariyaa oo aanunoqono kuwo is qaddariya mar walba

Midda kale Mcaane C/qaadir aad baan u aqaannaa qiim aha bani’aadminnimada iyo qaddarinta Jaceylka uu leeyahay mana aan jecli inaan kuugu xadgudbo aniga Raxma ah ,wax aana aan jecelahay inaanu noqonno lammaanayaal isku qeyb ,isku quud iyo isku firaash ah, inan iska kaa xummeeyana marnaba ma aan jecli walaaloow, ogoowna maalintaan ku ar ko ineey maalmaha kale iiga qiimo iyo farxad badan tahay, mana aan jecli qof I jecel ama aan jecelahay in aan waddada ugu tago ama uu waddada iiga tago haddiise C/qaadiroow shaqsi ku jecel uu hortaada ku ilmeeyo jaceyl uu adiga kuu qabo daraaddiis maxaad sameyn laheyd?

Ogoowse inaan ahay qof basher ah oo dareen,damqasho iyo damiir leh, illeyn waa tii la yiri : {kii wax yar beertaa waxa yar buu goosan doonaa , kii wax badan beertaana wax badan buu goosan doonaa}.

Jaceylkana aanu isugu beerno sida beeraha miraha loogu beero oo kale hana igu abuurin macaangooyaheygii aan jec laayoow qalbi jab iyo qiyaano hana igu qiyaameyn hadal mac aan oo raaxo leh inaad qalbigeyga ku brogaraamiso, ogoo wse macaane inaan adiga kuu qabo jaceyl Xad dhaaf ah oo aan la qiyaasi Karin.

Ogoowna inaan raalli ku ahay xaalad walba oo xaggaada igala soo derista,waxaana aan jeclahay inay qalbiyadeeyna isku duubnaadaan sida laammaha ubax,miraha bardaha, Tid aca Timaha Dumarka oo kale macaane waxaana igu beeran jaceeyl hibaaqaada ka soo haajiray oo dhammaan xubnaha jirkeyga saameeyey.

Ogoowse jaceylka xiisa xiisaha ka dhasha inuu naceyb ku dhammaado,dullinnimoiyo ceeb. Qaarbaa intay hiigsanaay ee guur iimaankoodii ka anbaday oo waxaa ka soo baxay nabs igii jaceylka, marka gacaliye C/Qaadir iska ilaali in nabsigii jac eylka in sida taajka ama tusbaxa oo kale qoorta laguu suro.

Gacaliye C/qaadir haatana igula raaxeyso geeraarkan mii dda iyo malabka shinnida ka macaan iyo maaxda sonkorta.

GEERAAR

Ø Macaan gooyahigii, midki aan jeclaayoow

Ø qalbigeyga deeqdee, Dadka dunida joogaan

Ø Adaan kaa Asteestee, uunkale ma aan rabo walaal adiga mooyee

Ø Adduunyada dhammaanteed kuma arag sidadoo

ruux aan ba kula simo lam keenin duniideed

uurkeey u roonoow waan kugu ilwaadsaday.

Ø Inta Awliyaahoo Rabbi Aamineenoo

Ø Aqriyaan Qur’aankaan kuu awal wacaayoo

Ø Guul baan filaayaa iyo go’aan hagaagee

guur wacan alahayoow geesigaan jeclaay iyo

ani aan wada gorfeynaa ku guuleysto canshaqa

mirihiisa gaamuro muddaan gar dadinay

Ø Ma ogtahay macaanoow in aragaagu ii yahay

Sida Ugaadha Duurkoo indhahana u roon

Ø Ayaamahaan jaceylbaa ogadeyda saarane

oontii an cunaayiyo anfacii ka soomoo

oomayoo dartaayee aragaaga

mooyee inta kale aduunyada

oogadeeda saran uma jeedo anigee

indhagey ruux kale arkibamaayaan inanyahow

ee ma I uur naxeysaa kaa oollimaayee

Ø Alle waxaan baryaayaa

labadii aroosee aqal wada galaan oo

ubada wada dhalaan ayna uba ahaatee

aamiin dhe adiguna …….

La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {QalbbiDahab}

Tel: 0618455506

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip