GABAL DUMAY IYO GURI ROGMADAY AYAY IIGA DHIGAN TAHAY GEERIDII GOOBDOON !!

0
Thursday January 28, 2016 - 17:06:02 in Maqaallo by
  • Visits: 1171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GABAL DUMAY IYO GURI ROGMADAY AYAY IIGA DHIGAN TAHAY GEERIDII GOOBDOON !!

    Gacalkeey, Xabiibi, Walaal, Ustaadoow, Duca-qabe iyo erayo kale oo ka tarjumaya af macaanida lagu yaqaano dadka dabeecadda wanaagsan ayaa hal-hays u ahayd Allaha u naxariistee Al-ustaad Cabdi Xaaji Goobdoon, Salaan qiima badan, Waji fur-furan, Qalbi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gacalkeey, Xabiibi, Walaal, Ustaadoow, Duca-qabe iyo erayo kale oo ka tarjumaya af macaanida lagu yaqaano dadka dabeecadda wanaagsan ayaa hal-hays u ahayd Allaha u naxariistee Al-ustaad Cabdi Xaaji Goobdoon, Salaan qiima badan, Waji fur-furan, Qalbi saafi ah, Dhoola cadeyn iyo Sheeko aan laga xiisa dhaceyn oo aqoon iyo xikmad miiran ah ayaa mar walba laga heli jiray saaxiibkii inaga baxay.
Waaberigii Salaasada oo ku beegneyd 26-kii bishan 2016-ka ayaa laga war helay geerida ruug cadaagii Saxaafadda Soomaaliyeed, naxdin iyo murugo ayaa la soo darastay qof walba oo maqlay warkaasi aan dhagaha u rooneyn, ooyin (oohin) ayay dadka qaarkiis jabsadeen halka kuwa kalana naxdinta darteed ay la miir daboolmeen (suuxeen), laga soo bilaabo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ilaa ruux kasta oo ku abtirsada ummad-weynta Soomaaliyeed waxay si isku mid ah uga wada tacsiyeeyeen geeridaasi xanuunka badan.

Miyi, Magaalo iyo meel walba oo ay Soomaalidu ku sugan tahay si baahsan ayaa looga dareemay dhimashadii mutacalimkaasi, goob iyo geed kasta oo dadku ku kulmo, baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ee loo yaqaano SOCIAL MEDIA-ha iyo qalabka kale ee Warbaahinta waxaa si xiriir ah uga socday ka sheekeynta taariiq nololeedkii marxuumka xijaabtay, xaqiiqdii ma arag Soomaali ka saameyn badan sanadahaan dambe Cabdi Xaaji marka loo eego sida loo hadal hayay geerida wadanigaasi.

Waa mutaystay marxuumku in guri walba laga dareemo maxaa yeelay wuxuu ahaa hal-door naftiisa u hibeeyay waxtarka Wadankiisa, hubaashii wuxuu ahaa Aqoonyahan ALLE jecel yahay dadkiisana ay jeclaayeen, sifo ahaan wuxuu ahaa xilkas cibaado badan, daacad ah, xaqsoore ah isla markaana naxariis iyo deeqsinimo caan ku ah, taariiq ahaan halyeey Goobdoon kuraynimadiisii (yaraantiisii) illaa uu ifka ka wareegay wuxuu ahaa adeege u dhaga nugul Qarankiisa, xirfado kala duwan ayuu ku soo shaqeeyay sida Macalinimo, Wariye, Maamule, Tababare Saxaafadeed iyo La taliye, iyadoo muddo dheerna uu ahaa Siyaasi wax ka jaangooya horumarinta bulshada.

Muddadii u dhaxaysay 1966-1980-kii wuxuu ahaa casrul dahabigii ugu qaalisanaa ee soo mara marxuumka, sanado badan wuxuu ahaa horseedkii loogu jecelaa Weriyayaashii joogay xilligaasi marka loo eego fasiixsanaanta codkiisa iyo macaanta af- Soomaaligiisa, xilal kala duwan ayuu soo qabtay, intii uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta wuxuu ku guulaystay curinta hal abuuro badan oo saldhig u noqday Saxaafadda Soomaaliyeed sida barnaamijkii Kadis, balaarinta Wargeyskii Xiddigta Oktoober, bud-dhigii Kulliyada Saxaafadda ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, aas-aaskii Taleefishinka Qaranka ee 1982-1983-kii iyo wax soo saar kale oo taariiqda galay ayaa lagu xasuusan doonaa geesigaasi.

Geeridu waa xaq, shaqsi walbana maalintiisa ayuu dha-dhamin doonaa balse shacbiga Soomaaaliyeed oo idil waxaa tiiraanyo ku reebtay geerida hanadkii inaga baxay, Gudoomiyaha Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlayay geerida Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa ii xaqiijiyay markii uu maqlay geeridaasi inuu naxdin darteed la miir daboolmay (suuxay), wuxuuna intaasi ku daray xasuustiisa marnaba inaaney ka bixi doonin halgankii uu marxuumku ugu jiray u hiilinta Afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, isagoo hoosta ka xariiqay in loo sameyn doono Xus iyo Xusuus u qalanta.

"Rag waligiis waa go’i jiray laakiin kama gam’i karo geerida walaakeey Cabdi Xaaji” ayuu yiri Maxamed Daahir Afrax, "Gabal dumay iyo Guri rogmaday ayay iiga dhigan yahay geeridii Goobdoon ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhabtii Soomaaliya toddobaadkaan waxay weysay CAAQIL culus oo aan la illoobi karin, wey adag tahay in la helo cid buuxin karto booskii uu baneeyay marxuumka, duco ayuu naga mudan yahay inaan u hibayno, Allaha weyn ee loo wada noqonayo waxaan uga baryaynaa inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo.

20151211_095402 - Copy abdi IMG_3921 unnamed

W/Diyaariyay:- shiiqaaloow xasan.


E-mail:-shiiqaaloow114@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip