River Plate oo noqotay horyaalka South America kuna guuleysatay Cope Libertadores!

0
Monday December 10, 2018 - 13:30:34 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    River Plate oo noqotay horyaalka South America kuna guuleysatay Cope Libertadores!

    kooxda kubadda cagta ee River Plate ayaa shanta farood ku dhigtay Copa Libertadores ka dib markii ay xalay lagdeen Boca Juniors. Ciyaar xiiso badnayd oo ka dhacday garoobka Santiago Bernabeu ee ku yaalla magaalada Madrid ayaa ku billaabatay dardar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kooxda kubadda cagta ee River Plate ayaa shanta farood ku dhigtay Copa Libertadores ka dib markii ay xalay lagdeen Boca Juniors. Ciyaar xiiso badnayd oo ka dhacday garoobka Santiago Bernabeu ee ku yaalla magaalada Madrid ayaa ku billaabatay dardar xooggan. Labada kooxood waxa ay u muuqdeen kuwo aad isugu careysan, waxaana hardanka kubadda barbar socday handadaad ay is handadayaan xiddigaha garoonka ugu kala jiray labada dhinac. Dhammaadkii qaybta hore ee ciyaarta ayaa waxaa gool dhalisay kooxda Boca, ka dib markii uu Dario Benedetto daqiiqaddii 44-aad ee ciyaarta. Xilliga nasiinnada ayaa lagu kala aaday natiijadaas oo ay hooggaanka ku heysay kooxda Boca Juniors. Markii dib la isugu soo laabtay, River ayaa lasoo baxday qaab ciyaareed ka wanaagsan kii ay ku billaabatay, illaa goolka bareejada uu u dhaliyo Lucas Prattodaqiiqaddii 68-aad ee ciyaarta. Waqtigii kullanka ayaa bareejo 1-1 ah ku idlaaday, waxaan lagu daray waqti dheerri ah (30-daqiiqo). Daqiiqaddii 109 ee ciyaarta ayaa waxaa gool ka nixiyay kooxda Boca dhaliyay Juan quintero, kaasoo hooggaanka u dhiibay River Plate. Boca Juniors ayaa dadaal badan u gashay inay soo celiyaan goolka lagu leeyahay, balse waxaa joogga ka riday daqiiqaddii 120-aad ee ciyaarta Gonzalo Martinez oo ciyaarta kusoo af jaray 3-1 inay kooxdiisa ku adkaato. Waxaa River Plate saaciday casaan uu qaabaty Wilmar Barrios oo ka tirsan Boca Juniors daqiiqaddii 92-aad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip