Daawo Sawirada: Qaraxa Baabuur ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
Sunday January 10, 2016 - 12:28:28 in Wararka by
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Qaraxa Baabuur ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

    Gaari nooca raaxada ah oo uu lahaa nin ka shaqeeya Dekada MuqdishoMuqdisho oo magaciisa lagu soo koobay Jaarlees, ayaa saaka lagu qarxiyay Xaafada Maanabooliyo Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaari nooca raaxada ah oo uu lahaa nin ka shaqeeya Dekada MuqdishoMuqdisho oo magaciisa lagu soo koobay Jaarlees, ayaa saaka lagu qarxiyay Xaafada Maanabooliyo Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho. Jaarlees Qaraxa waxaa ka soo gaaray dhaawac aanan sidaasi u buurneyn, kadib markii uu Baabuurka ka dagay ka hor inta uusan qarxin baabuurka.

Labo ruux ayaa ku dhaawacantay oo shacab ahaa oo wadada dhinaceeda maraayay, xilliga Qaraxa Baabuurka uu dhacaayay ayaa waxa ay aheyd aroor hore oo jugta qaraxa si weyn ayaa looga maqlay Degmooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama Jawiga uu ahaa mid degan.

Sawiro laga soo qaaday Baabuurka la qarxiyay ayaa muujinaayay in baabuurka si xun uu qaraxa u saameeyay, islamarkaana gabi ahaanba baabuurka uu u ekaaday wax gubtay.

Qaraxyada Gaadiidka la isugu xiro oo dadka Dowladda u shaqeeya lagu dhibaateeyo, ayaa si aad ah ugu badan Magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka Dowladda ayaa sheegay inay qaadayaan howlgalo lagu sugaayo ammaanka Magaalada Muqdisho oo guri guri loogu baarayo Xaafadaha Magaalada.

Qaraxa 1 Qaraxa 2 Qaraxa 3 Qaraxa 4 Qaraxa 5





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip