HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGYESKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 22-KA OKTOOBAR 2018-KA

0
Monday October 22, 2018 - 09:08:01 in Wararka by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGYESKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 22-KA OKTOOBAR 2018-KA

    REER GALBEEDKA: FAAH FAAHINTA SACUUDIGA UU KA BIXIYAY DILKA JAMAL LAMA RUMEYSAN KARO War murtiyeed ay si wada jir ah u soo wada saareen seeddexdaasi dal ayaa waxay ku sheegeen arrinta ah inuu Khashoggi uu ku dhintay "dagaal ka dhacay" qu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

REER GALBEEDKA: FAAH FAAHINTA SACUUDIGA UU KA BIXIYAY DILKA JAMAL LAMA RUMEYSAN KARO War murtiyeed ay si wada jir ah u soo wada saareen seeddexdaasi dal ayaa waxay ku sheegeen arrinta ah inuu Khashoggi uu ku dhintay "dagaal ka dhacay" qunsuliyadda Sacuud iga uu ku leeyahay Istanbul ay u baahan tahay in laga keeno "caddeeymo macquul ah oo la rumeysan karo". Madaxweyne Trump wuxuu mar sii horreysay sheegay "inuu ku qanacsaneyn" sida arrinta loo dhigay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu wacad ku maray inuu mudda gaaban uu ku soo bandhigayo caddeymaha dhabta ee dilka wariyahaasi la xiriira.

Madaxweyne Erdogan wuxuu intaa ku daray inuu faafaahinta ku saabsan dilka Khashoggi uu Talaadada baarlamaanka la hor iman doono.

Dibadbax lagu qabtay Istanbul mar uu ka hadlayna wuxuu sheegay "waxaan raadineynaa ee iisu kaanna keenay waa caddaalad taa ayaana keeneysa inaan runta la qariyey oo dhan aan dibadda soo dhigno.”

Mr Khashoggi wuxuu Qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul uu galay 2da bisha October si uu uga soo dhammeysto warqadda furriinka. Waxayna Sacuudigu inta ay dhimashadiisu qiranin uu marar badan sheegtay inuu Khashoggi isaga oo nabad qaba uu qunsuliyaddooda uu ka baxay, iyaga oo marki dambana sheegay inuu qunsuliyaddooda uu ku dhex dhintay.

kashoogi



War murtiyeedka ay sida wada jirka ah u soo wada saareen seeddexdaasi dal maxay kaga hadleen?

Britain, Faransiiska iyo Jarmalka waxay war murtiyeedkooda ku sheegeen iney ka argagaxeen dilka wariyaha loo geystay iyaga oo sheegay "Inaan dilka wax qiil ah loo sameeyn karin si aad ahna ay u cambaareynayaan”.

Waxayna soo qaateen Sacuudigu sida uu amuurtan uga hadlay, iyaga oo raaciyey "iney u baahan tahay faahfaahin iyo caddeeymo degdeg ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen uu Sacuudiga dilka Khashoggi ka bixiyo. Balse Sacuudiga hadalka ka soo yeeray ee ay ku sheegeen iney tahay natiijada baaritanka ee ay sameeyeen aan la qaadan karin oo ay u baahan yihiin in la keeno "caddeeymo macquul ah oo la rumeysan karo”.

Waxayna waddamadu sheegeen "iney xukmineyn ilaa ay sharraxaad dheeraad ah ka helaan dhanka Sacuudiga.”

Iyaga oo sheegay "iney dalbanayaan in la sameeyo baaritaanno kale oo lagu ogaanayo ilaa laga sal gaaro cidda mas’uuliyadda dilka wariyaha loo geystay iska lahayd, ciddii dambiga dilka yeelatana ciqaabta ku habboon la marsiiyo.

Muuqaal muujinaya Khashoggi oo sii galaya Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul

Waddamada kale maxay ka yirahdeen?

Talaadadi madaxweyne Trump wuxuu sheegay "aniga ahaan kuma qanacsani ilaa su’aalahayga aan jawaab u helo.”

Wuxuuna Mareykanku sheegay iney suuragal tahay inuu Sacuudigu wajaho Cunaqabateyn, heshiisyada hubka uu la galayna uu hakinayo "Inkasta oo heshiiska hub kala iibsiga ay aad noo saameyneyso sida ay iyaga u saameyneyso si ka daran.”

Wasiirka maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin wuxuu Axaddi sheegay, in la fisho cunaqabateyn weliba "xilligiisa ka soo degdega.”

Wasiirka arrimaha dibadda Kanada Chrystia Freeland waxay sheegtay faahfaahinta Sacuudiga ay ka bixisay dilka Khashooggi ay u baahan tahay caddeymo la qaadan karo iney u keenaan.”

Raisal wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu isna sheegay "Hadalka Sacuudiga inuusan ahayn mid miisaaman, oo keligii istaagi karo.”

Hay’adda Amnesty waxay faahfaahinta ku tilmaantay marin habaabin, "dilka naxdinta leh waxa loo sababeeyey.”

Wargeyska Washington Post, oo uu Khashoggi maqaallo badan uu ku soo qori jiray waxay sheegtay inuu Boqortooyada sacuudigu "Hadal laga xishooda uu ka soo yeeray iyada oo weliba beenteedi hore been kale sii dul dhigtay.”

Dhanka Sacuudiga maxaa ka soo kordhay?

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya Adel alJubeir oo Axadda la hadlay telefishiinka Fox News ayaa wuxuu sheegay "iney jiraan shaqsiyaad isku dayay iney dilka Khashooggi ka qariyaan dowladda sacuudiga balse uu isaga ahaan faahfaahin intaasi dheer ogeyn.”

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO XARIGA KA JARAY XARUNTA DEGMADA WADAJIR

wadaji-630x420 Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Du qa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusma an (Eng. Yarisow) oo xarigga ka jaray sha lay xarunta Degmada Wadajir ayaa she egay in horumarka Gobolka aanu u joogs anayn falalka burburinta iyo gumaadka ah AlShabaab. Xarunta Degmada oo dib u dhis lagu sameeyey ayaa ku burburtay weerar argagixisanimo, waxaana dib u dhiska xaruntan ka qayb qaatay shacab ka iyo M/ulka GBanaadir. waa siduu yiri Md.Yariisowe

Guddoomiye Yarisow ayaa uga mahad celiyey bulshada iyo waxgaradka Degma da Wadajir dadaalka ay ku bixiyeen dib u dhiska xarunta degmada iyo sida ay uga mideysan yihiin xaqiijinta horumarka ay higsanayaan.

Sidoo kale, Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka degmada in ay dardar geliyaan howlaha adag ee horyaalla oo la xiriira ila alinta bilicda iyo fayo dhaworka degmada, la dagaalanka musuq maasuqa, xoojinta wada shaqeynta bulshada degmada iyo laamaha amniga, baahinta adeegyayada asaasiga ah, xoojinta isku duubnida iyo dariswanaagga bulshada deg.Wadajir.

Maamulka iyo dadka degmada ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha G/ Ba naadir dadaalka joogta ah ee uu ku bixiy ey dib u dhiska xarunta degmada iyo sida casriga ah ee loo qalabeeyey xafiisyada loogu adeegayo bulshada, iyagoona ball an qaaday inay si siman oo hufan ugu adeegayaan bulshada Xarunta degmada Wadajir

MAREYKANKA OO SHEEGAY IN UU KA BAXA YO HESHIISKII DHINACA HUBKA EE RUUSHKA KALA DHEXEEYAY

Madaxwaynaha Marekanka, Donalda Trump ayaa wariyayaasha u sheegay in Ruushka uu jabiyay heshiiskii 1987 ee dhanka niyukleerka oo ay horey u wada galeen dowladaha Ruushka iyo Mareykan ka.

Trumpayaa ka dhawaajiyay in Marey kanka uu ka baxayo heshiiska oo mam nuucayay gantaalrakibo dhexdhexaad ah, oo leh tiro u dhaxaysa 500 ilaa 5,500 km (3103,400 mayl).

Madaxweynaha Marekanka, waxaa kalo u sheegay in dalkiisa uusan oggol aan doonin in tallaabo dhinaca Nuclearka ah oo ay qaaddo xukuumaddo Moscow, iyadoo aan loo oggoleyn Mareykanka.

Wuxuu soo hadal qaaday sababta ma daxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama uu uga hadli wayaay arrintaasi in uu ka baxo gebi ahaanba ama in wadax aajoog laga galo ayuu sheegay in uusan ogayn sababta ay siddaasi ku dhacday, balse isaga uu ka bixi doono.

Sidoo kale ,madaxweyne Trump ayaa sheegay in arrintani aysan micneheedu ahayn in Mareykanka uu Midowga Yurub cadaadis uu uga imaanayo,isagoo xusay in dhaq dhaqaaqaRuushka uu horseedi karo loolan hor leh oo dhanka hubka ah.

Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka ayaa dhankiisa laga soo xigtay inuu shee gay in tallaabadan ay gadaal ka riixayaan dowlado kale,wuxuuna xusay in aysan ahayn wax sidaa u ballaaran oo muran dhalinkara gantaaladeeda riddada dhexe.

Balse Mareykanka ayaa ku adkeysa naya in Ruushka uu awood u yeelan karo inuu helo sawaariiq uu ku weerarri karo waddamada ku bohoobay Gaashaanbu urta NATO.

GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO DHALIILO USOO JEEDIYEY MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

feysalll Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyey inaa nu dal ka hogaam in Karin, isla mar kaana ku baaqay haddii uu xal ka ga adhi waayo khilaaf ka guddida doora shooyinka ay shir tallo qaran la iskugu iman doonno.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay arrimaha la isku hayo ay waajib ku tahay madaxweynuhu inuu xaliyo, isa goo ku dhaliilay in garnaqsi iyo yooyootan uu rabo balse aanu diyaar u ahayn inuu xalliyo murannadda jira.

"Waxay u eegtahay inaanu Muuse Bii xi u diyaar ahayn inuu wax xalliyo ee uu ka jecel yahay in la garrammo oo la yooy ootamo oo ah dhaqan uu ku soo noolaa toddoba iyo labaatankii sanadood ee uu mucaarad ahaa, shalaytoole khudbadiisii waxay ahayd mid dadka sii kala fogayna ysey”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo naqdiyey khudbadii dorraad ee madaxw eynaha.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in sharcinimadii ay ku ogolaadeen inuu mad axweyne yahay uu shaki galinayo mada xweynuhu, waxaanu yidhi " Tii aanu ugu oggolayn inuu madaxweyne yahay ee no ogu yeedhay ee nagu casuumay inuu haatn su’aal galiyo oo uu yidhaahdo max kamad ha la tago aad baan uga xuma hay, ku eegi mayno inuu dalka burburiyo oo waxaanu marin sharciyada xil ka xayu ubin shir qarana waa la iskugu iman”.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wakhtigii uu Daahir Rayaale joogay oo ay ka dalba deen in la kala diro komishanka doorasho oyinka uu oggolaaday oo uu kala direy, waxaanu ku baaqay inuu nidaamkii hore raaco oo dhibaatooyinka jira uu xalliyo ha ddii kale laga tashan doonno hogaaminta madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dorr aad sheegay inaanu awood u lahayn inuu kala diro Komishanka doorashooyin ka, waana arrinta uu haatan Faysal ka jawa abayo.

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa isagu dalbaday in la kala diro gudd ida doorashooyinka, halka xisbiga UCID na soo jeediyey in laba xubnood oo dheer aad ah loogu daro guddida doorashooyin ka, hase yeeshee 2da soo jeedin ayaa ke entay in la isku mari waayo madaxweynu huna ka gaws qabsado 2da soojeedime ed ee mucaaradku dalbaday.

Xigasho:hiiraan.com

SARAAKIIL SHABAAB OO ISKU DHIIBAY JUBBALAND

Saraakiisha Ciidamada Nabad Suggi da Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen xubno ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

2da Sarkaal oo Shabaab ka tirs anaa, ayeey sheegeen Nabad Suggida Jubbala nd inay isa soo dhiibeen, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanno ku dhaw Degmada Af madow ee Gobolka Jubbada hoose.

Jubbaland ayaa sheegtay in si nabad gelyo ah loo soo dhaweeyay xubnahan isa soo dhiibay.

"Colaad Faarax Xasan iyo Nuur Cabdi Xasan oo ka mid ahaa AlShabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabad gelyada Jubbaland ee Degmadda AfMadoow.” Ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay Bogga xiriirka Bulshada ee Nabad Suggida Jub baland.

Ka sokow hadalka ka soo baxay Tali ska Nabad Suggida Jubbaland ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya in xubnah an ay ka tirsanaan jireen Ururka Al Shaba ab. Al Shabaab ayaa ku sugan deegaano iyo Degmooyin ku dhaw Degmada Afm adow ee Gobolka Jubbada hoose, hal kaasi oo Shabaab ay kula dagaalamaan ciidamada dowladda

BAARLAMAANKA KOOFUR GALBEED OO COD AQLABIYAD LEH KU ANSIXIYAY GUDDIGA DOORASHADA MADAXWEYNAHA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Baarl amaanka Koofur Galbeed C/qaadir Sha riif Sheekhuna Maye ayaa shalay ku dha waaqay Guddiga doorashada Mada xwey naha Koofur Galbeed.

Guddigan ayaa ka kooban 27 xubno od, waxaana markii la magacaabay la hor geeyay Baarlamaanka, iyagoo ansix iyay. Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Gal beed ayaa cod aqlabiyad leh ku ansi xiyay, waxaana ogolaatay 93 Xildhi baan, halka 13 Xildhibaan ay diideen.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Ga lbeed ayaa la qaban doonaa 17 bisha November ee soo socota, waxaana ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Madaweynaha xilka haya Shariif Xasan Xasan.

MAGACAABID GUDDIGA GOLAHA WAKIILLADA DOWLAD GOBOLEED KA KGS EE DOORASHADA MADAXWEYANAHA KMGKGS.

ka dib markay soo gabagboobeen dha ge ysiga talo soo jeedinta Xildhibaana da iyo la tashiyadii Guddoonka Golaha Wakilada DGKGS, si waafaqsan qod obka 42 aadfafqadiisa 2aad ee xeer ho osaadka GolahaWakiilada DGKGS o u Goluhu ansixiyey Kalfadhigii 5aad fa dhigii 4aad ee 8da August 2018, wax aa la magacaabay Guddiga Golaha Wa kiilada DGKGS ee Qabqaabada Door ashada Madaxweynaha DGKGS oo ka kooban Xildhibaannada soo socda:

1.YuusufCali Maxamed

2.Amiin Maxamed Raax

3.Cbadifitaax Cali Axmed

4.Maxamed Nuur SJ.cADDE

5.cudbbi C/raxmaan Cabdi

6.C/laahi C/qaadir Macow

7.Nurto Maxamed cacbi

8.C/laahi nUUr Maxamed

9.Aamina Isaaq Maxamed

10.Ibraahin Cusmaan Maadoow

11.Maxamednuur Maxamed Xabiib

12.Ugaas Isaaq Cali

13.C/wahaab Sh.Mad kariin

14.C/risaaq Maxamed Yuusuf

15.Yarow Cali Xuseen

16.Farxiyo Maxamed Axmed

17.Aadan Dooyoow Suuroow

18.Axmed Maxamed Cabdi

19.Ruuni Siraad Cali

20.Cusmaan Macallin Cabdi Ibaraahin

21.Xasan Macallin Yuusuf

22.Cali Cabdi Cali {CaliGarruun}

23.Shaacir Abuukar Cali

24.Mad Kariim Mad Iftin

25.Ibraahin Macallin Aaddan Cismaan

26.Carfa Ibraahin Adan

27.Maxamed Maxamuud Ciise ,waxaa ku saxiixnaa guddoomiayaha Go laha Wak iilada dowlad goboleedka KGs Md. Caqa adir Shariif Sheekhunaa

W/ARRIMAHA DASTUURKA OO HESHIIS LA SAXIIXATAY HAY’ADAHA KU GU ULAYSTAY FULINTA WAXBARASHADA MADANIGA

XAAF-681x454 Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ayaa shalayheshiis ku saabsan si da loo fulinayo Barnaamijyada waxbar ashada madaniga ah iyo wacyigelinta bulshada ee Arrimiha Dastuurka la sa xxiatay hay’adihii ku guulaysta fulinta ba rnaamijyadaas islamarkaana u furtay kulan wacyi gelin ah oo ku saabsan sidii ay iskula jaanqaadi lahaayeen hay’ad ahan iyo wasaaradda Arrimaha Dastuur ka si bulshada loogu wacyi geliyo dibueegiata Dastuurka.

Ugu horrayn, agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Md.Maxamed Abuukar Zubeyr oo kula nka ka hadlay ayaa sharaxaad guu ka bixiyay muhiimadda heshiisyada ay wa saaraddu la saxiixatay shirkadaha Ku guulaystay fulinta waxbarashada mada niga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha si loo daadajiyo howlaha wacyi galinta isla markaana qof kasta oo soomaali ah uu wax ka ogaado muhiimadda dastuurku u leeyahay iyo in uu la socdo halka uu marayo geedi socodka dibueegista da stuurka.

Agaasimaha ayaaa sheegay in ay muhiim tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu barto muhiimadda dastuurku u le eyahay bulshada isla markaana uu fahmo xuquuqda iyo waajibaadka muw aadinku, si taas loo fuliyana wasaarad du waxay u wakiilatay hay’adihii fulin la haa arrintaas kuwaas oo ku soo baxay si daahfurnaan oo caddaalad ah.

Sidoo kale agaasimaha ayaa xusay in hay’ad kasta oo ku guulaystay

barnaamijkan iyo wasaaraddu ay isla qaadan doonaan kulan saddex maalin ah hay’addiiba oo ku saabsan sidii la is kula jaanqaadi lahaa islamarkaana far riin midaysan loogu gudbin lahaa bulsh ada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dal ka ka joogaan.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka wa saaradda arrimaha Dastuurka mudane Dr. Hussein Abdi Elmi oo goobjoog ka ahaa saxiixa Heshiisyada ayaa kula dar daarmay ha’adaha ku guulaystay inay si wanaagsan u gutaan howshooda isla markaana ay iska ilaaliyaan wax kasta oo baabi’in kara heshiiska. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa xusay in wasra addu ay ka go’antahay in la daadajiyo barnaamij yada wacyigalita dastuurka iyadoo la raacayo istaraatiijiyadda ay wasaaraddu u dejisay."Hay’adaha ku guulaytsay fulinta barn aamijkaan waxaa looga baahanyah ay daahfurnaan, wasaaradduna waxay ku samayn doontaa korjoogtayn iyo qiim ayn sida ay u fulinayaan barnaamijyada as” ayuu yiri wasiir Hussein.

Ugu dambayn wasiir ku xigeenka ay aa si rasmi ah u furay kulanka oo ku saa bsan isla jaanqaadidda hay’adaha ku gu ulaystay fulinta waxbarashada ma daniga ah iyo wasaaradda arrimaha das tuurka. Gabagabadii waxaa heshiika ka la sax iixday wasaaradda Arrimaha Das tuurka iyo hay’adaha kala ah IIDAoo ku guulay satay Bulshada Rayidka, Talowadaag iyo PUNSAA Haweenka, IFI YE iyo Somali Youth Vision (SYV)dhall inyarada, Horn Connect Ololaha Wacy igalinta Warbaah inta iyo Somali Media Production Center oo ku guulaystay soo saarista video Doc umentary .DHAMAD

MADAXWEYNE XAAF "HADDII GALMUDUG GUBATO, XAMAR NABAD AHAANMEYSO”

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa wux uu sheegay haddii maamul goboleedyada rabshado iyo burbur uu ka bilawdo gaar ahaan Galmudug inaysan nabad ahaan doonin Muqdisho.

Hadalkan wuxuu ka sheegay ka dib ma rkii shalay uu khudbad ka jeediyay shirka madaxda maamul goboleedyada oo ka fu rmay M/Garowe, kaasi oo looga hadlayo arrimo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka. "Waxaan u sheegayaan oo aan jec lahay inaan fariin u dhiibo madaxda fed eraalka, haddii gobolada gubtaan gaar ah aan Galmudug, wallaahi inaysan Xamar nabad ahaaneyn.” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Md.xaaf ayaa soo hadal qaaday arrim aha ammaanka, wuxuuna sheegay in do wladda ay ku fashilantay inay wax ka qab ato arrimaha ammaanka, islamarkaana keliya ay ku soo aruurtay waddada Maka Al Mukarama.

Khubadaha kala duwan ee ay jeediye en madaxda maamul goboleedyada ee ku shirsan M/Garowe ayaa intooda badan waxa ay ku dhaliilayeen dowladda federa alka oo ay muujinayeen inay ka gaabisay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dow lad goboleedyada.

TALIYE INDHA QARSHE OO SHEEGAY SHABAAB INAY SANAD UGA SAARAYAAN DALKA

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Som aliya Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa sheegay muddo sanad ah Shabaab inay uga saarayaan dhammaan deegan ada ay ka joogaan Gobolada dalka Som aliya.

Indha-Qarshe (1) Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, ayaa wuxuu tagay deeg aanka Ba ar San gu uni, halk aasi oo uu kula hadlay ciid amo ka tirs an kuwa Xoogga dal ka Somaliya iyo ku wa Jubbaland ee difaacyada halka asi kaga sugan.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeye Gaas Indha Qarshe ayaa shee gay in DFS ay qorsheynayso in sanadka soo socda AlShabaab laga xoreeyo dal ka oo dhan la iskuna furo waddooyinka muhiimka ah ee Gobollada dalka sida waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Ki smaayo, Muqdisho iyo Baydhabo iyo wal iba in la furo wadada isku xirta magaaloo yinka Muqdisho iyo Baladweyne.

"Jen.Aad iyo aad waxaan idin kugu dhi ira galineynaa inaad iska dhicisaan nim ankaasi, anaguna waxaan ballan qaadd eynaa inaan idin ku taakuleyno sidii la isa ga dhicin lahaa ama aqoon ha noqoto ama qalab ama wax walba oo aad Dow ladda uga baahan tihiin, idinkana waajib aadkiina sidaasi oo kale baan idin ka ra bnaa inaad u gudataan,aad baad u maha dsan tihiin waxaan isku ognahay guul iyo gobanimo.” Ayuu yiri Sareeye Gaas Daa hir Aadan Cilmi Indho Qarshe.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay aa inta badan waxa ay la dagaalamaan Ururka Al Shabaab, balse ma haystaan niyad fiican oo Shabaab ay ugu babac dhi gi karaan dagaalka Shabaab.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO SHEEGAY DOWLADDA INAY GORGORTAN KULA JIRTO AL SHABAAB

Madaxeynaha Jubbaland ayaa ugu hor eyn dowladda iyo Shacabka reer Punt land uga mahad celiyay soo dhawayntii qi imaha lahayd ee ay u sameeyeen dham aan hogaamiyayaasha ka soo qayb galay shirka maanta ka furmay magaalada Gar owe, kadib markii uu khudbad ka jediyay shirka.

MdAxmed Madoobe wuxuu ku dheeraa day sida uu usii xumaanayo amniga wad anka iyo gaar ahaan in la gabay masuuliy adii ka saarayd dowlada federaalka ah ho gaaminta dagaalka ka dhanka ah Argagi xisa da isagoo cadeeyay inuu qabo tuhun ah in AlShabaab ay dowladu kula jirto go rgortan taas oo meesha ka saartay howl ga ladii dalka lagaga xorayn lahaa. Axm ed Madoobe ayaa sheegay in am nigu uu yahay ahmiyad gaar ah oo ay ah ayd in laga wada shaqeeyo haddii la waa yo ta asna aysan xaalada waddanku ho ray u socon karin wuxuu sheegay in dowl adu ay xiita sugi ladahay amniga wadda da makka Almukkarama taas oo xiita la kala xidh xidhay oo shacabku ay dhib ba dan ku qabaan isagoo hoosta ka xariiqay inay tahay in howlahaas dib loo eegi doo no isla markaasna madashu ay go’aan ka soo saari doonto xaalada amaanka wa ddanka.

Dhinaca kale Md axmed madoobe wu xuu sheegay in dhammaan heshiisyadii la galay aysan waxba ka fulin qaarkoodna ay dowlada federaalka ah isbadal ku sam aysay kuwaas oo kala ahaa heshiiyada qaybsiga khayraadka, amniga iyo Doora shooyinka. Isagoo arintaas ka hadlaya ayuu Axmed Madoobe sheegay in dowla du ay faafisay daacayado been ah oo ay ku sheegtay in madaxda Dowlad Gobol eedyadu ay mudo xileedkooda kordhin ayaan taas oo uu sheegay in ayna waxba kama jiraan tahay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam wux uu sheegay in Doorashada Jubbaland ay na hal maalin daba maraynin wakhtigee da isla markana ay sidaas oo kale yihiin dhamaan Dowlad Goboleedyada oo ay san jirin cid mudo kororsi samaynaysa wararka ay faafisay DFS ahna ay qayb ka tahay dagaalka cad ee ay kula jirto hana anka Federaalisaka ah oo ay uga gol lee dahay in shaqaaqooyin ay ka abuurto Do wlad Goboleedyada.

Waxaa kale oo uu sheegay in Doorash ada 2020 ayna qabsoomi karin waliba la gu hungoobi karo hanaankii qof iyo Cod ka ahaa hadii Dowlada Federaalka ah ay na badalin wadada ay dalka ku wado oo burbur horseedi kara.

Madaxwaynahu wuxuu sheegay in han aanka Federaalka ah ee yahay nidaam daawo looga dhigayo dhibaatadii dalka ka dhacday isla markana guulo waa weyn la ga gaadhay taas oo ay tahay in aan in dhaha la iska tirin umada Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay u taalo in ay wado kale qaado marka ay dhamaadaan dhib abkii loo qaatay hanaanka Federaalka ah oo anan wali gaadhin isgoyska aan wado kale ku dooran lahayn.

Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu madaxda Federaalka ah xusuusiyay in ay Dowladnimada Soomaaliya tahay qori isku dhiib ninba uu meel gaadhsiinayo oo aanay ahayn wax maanta uun bilowday Dowladahii Soo maray dalka burburkii ka dib ayuu sheegay in ay mudan yihiin in lagu amaano sida ay ugu soo dhabar adaygeen marxaladahii adkaa ee ay dalka soo dhaafiyeen.

Khilaafka Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka ayuu sheegay inay sal u yihiin qodobo masiiri ah sida amniga wadanka qaybsiga khayraadka doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka oo hadii aan laga heshiin koox kali ah ayna siday doonto ka yeeli karin islamarkaana daraf qudha ay na Soomaaliya aragtidooda iyo wixii ay je cel yihiin ku maamuli karin.

Gaba gabadii wuxuu sheegay in xaala da waddanka si guud loo qiimayn doono muddada shirkan uu socdo islamarkaana kadib la guda gali doono sidii dhamaan Bulshada siyaasiyiinta aqoonyahanka iyo Culimadu u yeelan lahayeen shirar aaya ha wadanka lagaga hadlayo.

AKHRISO: GUDOOMIYE CUSUB OO LOO MAGACAABAY BELEDWEYNE

Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ay aa xilka ka qaaday Gudoomihihii M/Beledw eyne Cusmaan Maxamed Qalaafow, wax aana xilkaasi loo magacaabay Gudoom iye cusub. Gudoomiyaha cusub ee loo ma gacaabay Beledweyne ayaa waxaa loo Magacaabaa Maxamed Axmed Ibraahin (Foodcadde).

Ku: Md.Maxamed Axmed braahin {Food Cadde} Baladweyne

Ku: Md. Maxamed Axmed {Qalaadoow} Baladweyne

Og:Guddoomiyaha G/G/Hiiraan Baladw eyne

Og:Madaxweyne Kuxigeen ka DGHirsha beelle Jowhar

Og:Madaxweynaha DG ka Hirshabee lle Jowhar

UJEEDDO XIL KA QAADID IYO MAGACAABID GUDDOOMIYAHA DEGMADA

Ka dib markuu Arkay Soo Jeedinta Xi dhi bananada Deegaan Doorashadado odu tahay degmadaas

Markuu la Tashaday Madaxda Sare ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle,

Markuu la tashadaBulshada Qeuba ka mid ah iyo waxgaradka degmada ,

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowlad aha Hoose wuxuu garwaaqsaday in loo baahan yahay isbeddel lagu same eyo de gmadaas waxaana xilki Guddo omiyaha Degmada Baladweyne ka qaad ay Md. Maxamed Cismaan Cabdi {Qal aafoow}, isagoo isla xilkaas u magacaa bay Md. Maxamed Axmed Ibraahin {Food cadde} Guddoomiyaha degmada Balad weyne Dhammaan heyadaha Amniga iyo Ma amulka Gobolka waxaa la farayaa in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub si uu u guto waajibkiisa shaqo. wareegtadaan waxaay dhaqangaleysaa markii wasiirku Saxiixo Md.Maxamed Cali Cadle Wasii rkaArrimaha Gudah iyo Dowladaha hoose

XEERDEJINTA HANNAANKA LABADA GOLE (BICAMERAL SYSTEM)

Q/2aad

xeer dejinta hannaanka 2da goleSababaha ugu waaweyn ee ka dambeeya hindisidda aq alka sare waxa kamid ah: In la cabburiyo oo neefta loo di ido kaligitalisnimada inta badani ku sameeyaan inta yar, taas oo dhibaato weyn ku haysay waddamada aqoon yahan ka dhali yey aragtida dhismaha aqalka sare, iyada oo la dhiirr igelina yo wadanoolaansho nabad ku dhisan oo dhex mara dad kala dhaqan, diin iyo Af duwan

Dhiirrigelinta in dad waayaaragnimo iyo aqoon leh ay gal aan dowladnimada

Awoodsiinta qaanuun yahanka iyo xirfadlayaasha si ay u hub iyaan dheellitirka laamaha dowladda (check and balance)

Tirada xubnaha aqalka sare ee Soomaaliyada cusub waa 54, xubnood, oo lagu saleynayo goboladii 1991dii,

Marka aad aragto qodobka 71aad ee dastuurka km ah; Aqal ka sare (Guurtida) waxa uu golaha shacabka la wadaagayaa awoodda xeerdjinta,sida meelmarinta, Wax ka beddelidda dastuurka, dibu eegidda iyo Baabi’inta xeerarka iyo qawaan iinta. Waxa uu ka qaybqaadanayaa doorashada madaxweyn aha iyo xil ka qaadistiisa

Xaaladaha degdegga ah iyo xilliyada dagaal ku dhawaaqi dda ayaa kamid ah shaqada aqalka sare

Waxa uu ka qaybqaadanayaa magacaabidda guddiyada

Adeegga garsoorka, Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha max kamadda dastuuriga ah, Guddiyada qaran ee Doorashooyin ka, Xudduudaha iyo Xallinta khilaafka.

Marka laga hadlayo habka loo xallinayo haddii khilaafku saa bsan go’aan siyaasadeed ka dhex dhasho labada gole waxa si kooban u sheegaya qodobka 81aad.

Ceebaha hannaanka Aqalka sare (Guurtida)

Aqoon yahan badan oo wax ka qoray aragtida dowladnimada ayaa isweydiiya sababta loogu baahan yahay aqal sare, mar haddii golaha shacabku uu qabanayo shaqada xeerdejinta, ee wax ka beddelidda, dib u eegidda iyo baabi’inta xeerarka?

Balse waddamada u arkay xal in ay yeeshaan hannaan ku dhisan xeerdejin laba gole, waxa ay qabaan in aqalka sare uu u taagan yahay hubinta xeerarka kasoo baxaya laanta ful inta ee soo mara golaha shacabka, inta aanay gaarin heerka dhaqangelinta iyo saxiixa madaxweynaha.

Waddamo badan ayaa awoodda xeerdejintooda sal uga dhi gay Aqalka sare, waxa kamid ah Mareykanka, Kanada, Hindi ya, Jermalka iyo Jabbaan.

Mareykanka waxa xoogga xeerdejineed iska leh Aqalka sare (Congress), sababta ugu weyn waxa uu dastuurka Mar eykanku ku sheegay in ay tahay: In la meelmariyo ka hortag ka dhan ah keligitalisnimo, sabab ta oo ah aqalka sare waxa uu hubinayaa oo kormeerayaa dhaqdhaqaaqyada ku laran xeerarka ee keligi talisnimadu ka dambeyso, kuwaas oo soo mara golaha shacabka.

VII. Dhismaha aqalka sare ee Soomaaliya

Waxa jira welwel badan oo haya dadweynaha Soomaaliy eed, kaas oo ku wajahan sida ay kalanoqon doonto shaqada Golaha shacabka iyo tan aqalka sare, taas waa suuragl in wax ka jiraan, balse aan meel kale ka eegno.

Aqalka sare oo metelaya dowladgoboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe waxa uu leeyahay awood uu ku met elo dowladgoboleedyada, sidaas awgeed waxa hoos u dhici do ona iska hor imaadka dowladda dhexe iyo dowladgobole edy ada, halkaasna waxa ka sameysmi kara isaaminaad iyo in muwaadiniinta dowladgoboledyadu helaan cid leh awood ay kula dooddo dowladda dhexe. Xubnaha golaha shacabku malaha awood ay ku difaacaan gobolada ay ka yimaadeen, xitaa haddii ay isku dayaanna wax weyn ma sameyn karaan, sababtuna waa in ay u dhexeeyaan muwaadiniinta oo dhan, si kale xildhibaan kasta oo kamid ah golaha shacabku waxa uu metela guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, sidaas awg eed ma geyn karo golaha shacabka arrin deegaan ama cid gaar ah u dan u ah, halka xubnaha aqalka sare ay si toos ah ugu doodi karaan dowladgoboleedyada ay ka soo jeedaan.

VIII.Xaggee ka iman doonaa khilaafka golayaasha Baarla maanku?

Aqalka sare mar haddii uu metelayo dowladgobleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka waxa uu adeegsan do onaa awooddiisa dastuuriga ah, taas oo ka dhigan in marka lagareebo 4; arrimood uu inta kale ku diidi karo xukuumadda iyo madaxweynaha:

Datuurka kumeel gaarka ah ee JFSoomaaliya, cutubki isa 5aad, qodobka 54aad, waxa uu kala qaybiyey awoodaha iyo sida ay u kala leeyihiin dowladda dhexe ee federaalka iyo dowladgoboleedyada xubnaha ka ah , isaga oo u la dhaq maya dowladda dhexe ee federaalka habka koobidda awoo daheeda, kaas oo halistiisa leh,

Cutubka 5aad, Qodobka 54aad. Kala Qaybinta Awoodaha

"Awoodqaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona XFiyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo:

1) Arrimaha Dibadda;

2) Difaaca Qaranka;

3)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo

4) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuli yaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka”…

Qodobka 2aad ee difaaca qaranka, aqalka sare waxa uu dast uurku siinayaa awood uu uga qaybqadan karo ku dhawa aqidda xaaladdagaal.

Arrinta ugu weyn ee lagayaabo in ay dhaliso dood iyo khil aaf dhexmara labada gole ee Baarlamaanku, waa qodobka ku saabsan go’aanada siyaasadeed, oo aad mooddo in das tuurka qudhiisu u dhigay si isku dhex yaacsan,.

Laga billaabo qodobka 81aad illaa Qodobka 83aad, waxa ka dhalan doona dood adag, haddiiba ay dhacdo in xukuuma ddu qaadato go’aano siyaasadeed saameeyn leh.

. DHAMMAAD

WQ: Axmed Ciise Guutaale ,Dersa shareecada iyo QaanuunkaXIGASHO:shaaciye.com

DOWLADDA SOMALIYA OO BAAQ U DIRTAY MADAXDA MAAMUL GOBOLEEDYADA DALKA

Sida la wada ogsoon yahay waxaa 8dii September 2018, uu madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu gogol u fidiyay madaxda maamul goboleedyada inay ka soo wada qeyb galaan shir wadatashi ah oo looga wada xaajoonayo arrimaha masiiriga ah ee dalka, balse maamul goboleedyada ayaa shirkaasi qaadacay.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay gogoshii uu fidiyay madaxwey naha Somaliya in weli ay sideedii tahay, islamarkaana dowladda federaalka ay diy aar u tahay inay dhageysato kana garaw do wixii cabashooyin iyo tabashooyin ee jira.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxa ay markale ku baaqday in doorasho oyinka baarlamaanada iyo madaxda ma amul goboleedyada ay ku qabsoomaan waqtigii loogu tala galay, una dhacaan si daahfurnaan oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO, WARQADA KA SOO BAXDAY WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA SOMALIYA:

Tix:WAGF&D/XW/0064/18 Taariikh 21/10/2018

WARSAXAAFADEED

sida la wada ogsoon yahay , waxaa 8dii septembar 2018 uu Maxadaxweynaha J.F.S. uu Gogolu fidiyey Madaxda maamulgoboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirk wada tashi oo looga wada xaajoonayo arrimaha Ma siiriga ah ee Dalka oo ay ka mid yihiin Arimaha Amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Alshabaab iyo daa cish , hirgelinta siyaasadda loo dhan yah ay iyo horumarinta arrimaha dhaqa laha. Madaxda maamulGoboe edya du.

Haddaba,wasaaradda arrimaha gudaha ,federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa ay halkaan ku cadeyneysaa kuna baaq eysaa:

1} In Gogoshii uu Fidiyey Madaxqwe ynaha JFS ay weli sidiidii tahay isla markaana Dowladda FS ay diyaar u tahay in ay soo dhageysato kana garaowdo wixii cabashooyin iyo tasbashooyin ah ee jira ee ay soo gudbiyaan madaxdadowlad goboleedyadu.

2} Dowladda FS iyadoo Ixtiraameysa Dastuurka iyo SharuucdaDalka u yaal, waxa ay aamisan tahay wadatashi, isla ta shi iyo isku tashi iyadoo wixii khilaaf ah ee dhaca lagu xallinaayo si soomaalinnimo ah.

3} Dowladda FS waxaa ay adkeyneysaa in xal u helist arrimaha Masiiriga ah ee alka ay tahay mid u taalla ummadda soo maaliyeed , iyada oo loo marayo hab ku saleysan wada tashi, isu tanasul iyo ilaa linta danta guud oo ah waajib saaran dha mmaan madaxdaqaranka , federaal iyo heer MaamulGoboleed arrimaha Soomaa liya waxaa iska leh Dadka Soomaaliyeed.

4} Wasaaradda Arrimaha Guduhu iyadoo tixgelineysa sharuuxda dalka waxaa ay mar kale ku baaqeysaa indorashooyinka Baarlammaannada iyo Madaxda Maamul Goboleedyadu ay ku qabs oomaan waq tigii loogu tala galay , una dhacaan si da ahfuran oo waafaqsan Dastuurka iyo shar uucda dalkau yaala, Jadwalka doora shooyinka ee 2 Maamul Goboleed ee u horreeya waxaa uu u dhacayaa sida tan: {K/Galbeed 17ak Novembar 2018, Punt lnad 8da Jauary, 2019} maa mul Gobole edyada ku xigaa waa in ay ila aliyaanxili ga dorashada =DHAMMAD=

WASIIRKA AMNIGA : TALAABO AYAAN KA QAADEYNAA DADKII KA DANBEEYAY WEERARKII KA DHACAY DEGMADA WADAJIR

Wasiirka Wasaarradda Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo booqday xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ayaa uga tacsiyeeyay waxgaradka deegaanka weerarkii ay dadka ku dhinteen oo ay ku qaadaan xaafadda ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo la kulmay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa u balanqaaday in dowladda Soomaaliya talaabo deg deg ah ka qaadi doonto dadkii ka danbeeyay weerarka, isaga oo intaa ku daray in dowladdu damaanadqaadeyso in mar aysan dib u soo noqon arrintan oo kale.

‘’Waxaan rabaan in aan ka tacsiyeeyo dadkii ku dhintay weerarka, waxaan idin leeyahay meydadka hala aaso, dadka dhaawaca ahna waa la daweynayaa, wa xaan idinka codsaneynaa in leysdajiyo, dadkii arintan ka danbeeyay maga cyo ay aan heynaa, waa lagu raad joogaa tallaa bana waa laga qaadayaa’’ ayuu yiri Wasiirka oo sidoo kale booqday dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen, ,ku waa oo qaarkood ku dulkatiinadeys naa sariirihii ay ku jiifeen.

Inkastoo Wasiirku uusan ka hadal in weerarkan ku lug lahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, haddana xildhibaanno ka tirsan Baarlama anka ayaa ku eedeeyay saraakiisha ciida mada Booliiska in ay ka danbeeyeen wee rarkan, kuwaa oo qaarkood magacyad ooda la soo hadal qaaday.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Xassan Ibraah im Qoono ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaa dadka rayidka ah lagu dilay ka danbeeyeen taliyaha ciidam ada Booliis ka gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta Galbeed ee ciidamada Booliiska, waxaa na uu ugu baaqay madaxda ugu sareysa dalka in ay soo faragaliyaan arintan.

GUDDOOMIYE DHEDO OO DIGNIIN U DIRAY DHALINYARADA DHACA KA GEYSATA BARI

dhedo Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dilal loo geysanayay dadka shacabka ah iyo ciidamada ka tirsan Puntland ayaa goobaha qaar waxaa la sheegay in la soo dhigay ciidamo fara badan oo xaqiijinaya ammaanka.

Xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dhaca in dhalinyaro hubeysan ay dhac u geystaan dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa wuxuu sheegay falalkii dhacay inaanay jirin mid aan raad laheyn, islamarkaana hada ay ku guda jiraan sidii ay u soo bandhigi lahaayeen jawaabta falalkii dhacay.

Waalidiinta dhalinyarada dhaca geysanaysa ayuu ugu baaqay in caruurtooda ay ka celiyaan falalka burcadnimada, wuxuuna tilmaamay in dhawaan ay bilaabi doonaan hawlgal ay ku beegsanayaan dhalinyaradaasi.

"Dhawaan waxaan bilaabi doonaa hawlgal aan ku beegsaneyno dhalinyarada dhaca geysaneysa, waalidiinta waxaan uga digeynaa inay caruurtooda ceshtaan, hadii aan dhalinyaro hawlgal ku soo qabano oo dambi lagu helo sharciga ayaan horgeyn doonaa”. ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari oo la hadlayay VOAda.

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay kordhiyeen hawlgalada ammaanka ay ku xaqiijinayaan, kadib markii shacabka ay dareemeen falal ka baxsan ammaanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip