HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA OKTOOBAR 2018-KA

0
Tuesday October 02, 2018 - 09:07:39 in Wararka by
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA OKTOOBAR 2018-KA

    SACUUDIGA OO WAR KA SOO SAAARAY ISMIIDAAMINTII TALYAANIGA LALA EEGTAY War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sacuudiga ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay ciidan ka tirsan Midowg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SACUUDIGA OO WAR KA SOO SAAARAY ISMIIDAAMINTII TALYAANIGA LALA EEGTAY War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sacuudiga ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay ciidan ka tirsan Midowga Yurub oo u dhashay dalka Talyaaniga. Weerarkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii gaari Kaarib ah oo uu kaxeynayay ismiidaa miye Al Shabaab ka tirsan uu qarax la helay mid ka mid ah gaadiidka kolonyada ah ee ciidanka Talyaaniga ay wateen. Laba qof oo uu ku jiro ninka is qarxiyay ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale oo ay ku jiraan arday xilligaasi ka timid iskuulaadkooda waxbarasho.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.

Warsaxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Sacuudiga uu ka soo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha, sida argagixisada iyo xagjirnimada iyo wax kasta oo lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah.

Sacuudiga ayaa ugu dambeyn sheegay inuu kordhin doono taageerada Millatari iyo mida dhaqaale ee uu siiyo dowladda madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), si looga adkaado ururka Al Shabaab.

Afhayeenka dhinaca hawlgalada ururka Al Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo qaraxan ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen ilaa Afar sarkaal oo caddaan ah, weerarkana uu u dhacay sidii loogu tala galay.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO JOOJISAY KA GANACSIGA DAAWADA CUDURKA TPDA

Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fawsiyo Abuukar Nuur ayaa waxa ay sheegtay in cudurka TPda uu si weyn fara ba’an ugu hayo dadka Soomaaliyeed ee bukaanka u ah.

Waxa ay sheegtay wasiir Fowsiyo oo la hadashay VOAda daawooyinka laga ganacsado ee TPda ay uga sii dartay in cudurka uu bulshada ku dhex faafo, islamarkaana ay adkaato daweynta dadka uu soo ritay cudurkan.

Waxa ay sheegtay iyada oo arrimahaasi oo dhan laga hortagayo in dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay joojisay ka ganacsiga daawada cudurka TPda.

"TPda waa cudurada ugu badan ee Soomaalida aadka u saameeya, waxaa naga kaalmeeya dawadooda, bukaanada dawooyinka la siiyo ee cudurkan waa daawo lacag la’aan ah, laakiin Soomaaliya waxaa ka jira dawooyin aan sax aheyn oo dalka la soo geliyo, Soomaaliya cudurkan aad ayuu u hayaa”. Ayay tiri wasiirka caafimaadka.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fawsiyo Abuukar Nuur ayaa waxa ay ka mid aheyd wafdiga Soomaaliya uga qeyb galay shirka golaha guud ee QM oo arrimihii looga hadlay ay ka mid ahaayeen cudurada dhibaatooyinka kala duwan ku haya dadka ku nool geeska afrika.

HIRSHABELLE OO WALAACSAN QORSHAHA BALLAARINTA MUQDISHO

Afhayeenka maamulka HirShabelle Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay Warbaahinta ayaa walaac ka muujiyay qorshaha lagu ballaarinaya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasi oo uu wado maamulka G/ Banaadir.

Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in aan wax la aqbali Karin ay tahay in deegaano hoostaga maamulkaasi lagu daro Caasimadda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu tilmaamay in cabashooooda la xariirta arrintaasi ay ugud biyeen guddiga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan guddoomiye Yariisow uu sheegay in ay wadaan qorshe lagu ballaarinayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

WARARKII UGU DAMBEEYAY KOLONYO CIIDAMO TALYAANI AH LA SOCDEEN OO LAGU QARXIYAY MUQDISHO

Ugu yaraan 4 ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday baabuur milatari oo ay leeyihiin ciidamo Talyaani ah ,xilli ay marayeen agagaarka xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Dayniile.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baabuur uu waday qof ismiidaamiye ah uu ku dhacay baabuurka milatari Talyaanig ,khasaare ayaa soo gaadhay baabuurka la bartilmaameedsaday, ilaa haatan ma cadda khasaaraha inta uu le'eg yahay.

AlShabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxa, waxayna intaa ku dareen inuu bartilmaameedku ahaa saraakiil ka tirsan tababarayaasha Midowga Yurub ee jooga Soomaaliya.

Illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Midowga Yurub iyo may'adaha ammaanka ee dawladda ma jiraan.

Ciidamadda Talyaaniga ee jooga magaalada Muqdisho ayaa qayb ka ah kuwa Midowga Yurub ee Soomaaliya u jooga tababarka ciidamadda Soomaaliya iyo talosiinta kuwa AMISOM.

Midowga Yurub waa mid ka mid ah ilaha ugu weyn ee maalgaliya ciidamadda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM, ciidanka oo dowladda gacan ka siiya ammaanka xarumaha muhiimka ah iyo dagaalka alShabaab.

CIIDANKA JUBBALAND OO GACANTA KU DHIGAY HUB AY LAHAAYEEN SHABAAB

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay daraad ku qaadeen degaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, ciidamada ayaa u suuragashay inay la wareegaan degaanada Maana Muufo iyo Bangaani.

Taliye kuxigeenka hoggaanka ciidanka daraawiishta Jubbaland Saleemaan Axmed Bashiir oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu sheegay inta uu hawlgalka socday inay ciidamada gacanta ku dhigeen hub iyo mootooyin ay lahaayeen Al Shabaab.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SOO BANDHIGTAY DEEGAAN LOO DIYAARINAYO DALXIISKA

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhis lugu sameyn doono degmada Warshiikh ee gobolka Shabeelaha dhexe,halkaas oo loo diyaarin doono deegaan dalxiis.

Wafdigii ugu horreeyay ee dowladda ka socda ayaa deegaanka u tagay iney qiimeyn iyo baaris ku sameeyaan degmada iyo goobaha ay kaga habboon tahay in lagu dalxiiso si dib u dhis loogu sameeyo.

"Dowladda waxay deegaanka u dooneysa inuu noqdo goob loo dalxiistago oo daqli badan uu ka soo xaroodo." ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi Cabdullaahi.

Degmada Warshiikkh oo ku taal xeebta waqooyiga ee caasimadda Muqdisho,waxay horay u ahayd xarun Islaami ah oo Diinta Islaamka looga iman jiray gobollada dalka iyo qaar ka mid ah dalalka dibadda ,sida uu sheegay guddoomiyihii hore ee degmadaasi, Axmed Xuseen Axmed Shiidka.

Dadka ku nool degmada, ayaa nolashooda waxay ku tiirsantahay jallaabashada Kalluunka,Beeraha iyo waliba dhaqashada Xoolaha nool hadana waxaa ku soo kordhay dalxiiska oo dad badan maalmaha fasaxa u dalxiis tagaan si ay u soo qaataan neecowda iyo jawiga qurxoon ee xeebta degmada.

Cabdirisaaq Xuseen Axmed oo ka mid yahay qurbajoogta Soomaaliyeed oo safar dalxiis ku tagay degmada Warshiikh,wuxuu Soomaalida ku nool dalka dibadiisa ku dhiirrigaliyay iney ku soo laabtaan dalkooda kana qeybtaan dib u dhiskiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka go’an tahay horumarinta goobaha dalxiiska dalka,islamarkaana ganacsatada Soomaaliyeed ka dalbatay iney maalgashadaan dalkooda hooyo.

SHIRKA SIYAASADDA LOO DHANYAHAY OO LOOGA HADLAY DAWLADWANAAGGA IYO DOORASHOOYINKA 2020

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalayshir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen beesha caalamka.

Kulanka shalayayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka u sheegay in dawladdu si buuxda looga taageero fulinta qorshayaasha qaran ee lagu gaarayo doorashada si lamid ah caawimaadii horay looga gaystay dibuhabaynta nidaamka dhaqaalaha oo guulo waaweyn laga gaaray.

"Dibuhabaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah …waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaari karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo.

WARIYE TOOXOW OO DIB U HELAY XORIYADDIISA

Wariye Maxamed Cabdi Weli Tooxow oo muddo siddeed maalin ah ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda dib xoriyaddiisa u helay,sida ay baahisay warbaahinta uu ka tirsanaa ee Kulmiye.

Tooxow ayaa daraad maxkamad ku xukuntay lix bilood ah oo xarig ah,kaddib markii lugu eedeyay inuu baahiyay warar been abuur ah,balse dadaallo lugu raadinayo inuu suxufigan dib xoriyadiisa u helo ayaa guuleystay habeenkii Axadda.

Ururrada warbaahinta iyo hay'adaha kale ee xaquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay xukunka maxkamadda oo ay sidoo kale ka soo horjeesatay wasaaradda cadaaladda Galmudug.

"Tooxow wuxuu u mahadceliyay dadkii ka qaybqaatay soo deyntiisa iyo bahda warbaahinta." ayuu lugu yiri war lugu baahiyay bogga raadiyaha Kulmiye ee u wariyaha uga soo warrami jirey magaalada Dhuusamareeb.

Wariyayaasha ka howlgalla Soomaaliya ayaa la kulma dhibaatooyin isugu jira dil, xarig iyo handadaad,taas oo dalka ka dhigtay mid ka mid ah goobaha ugu qatarta badan ee u wariye ka howlgallo.

GEN. INDHA QARSHE "AL SHABAAB SHACABKA AYAY DHIBAATEEYEEN MARKII LAGA SAARAY MARKO”

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay Al Shabaab kala wareegeen degaano hoostagga degamada Marko ee gobolka Sh/Hoose.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la furay wadada xiriirisa Muqdiisho iyo Marko ee ka kala tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo gobolka Banaadir.

Waxa uu xusay in ciidanka xoogga dalka ay hada qorsheynayaan in ay Al Shabaab kala wareegeen degaano kale oo hada ay ciidamada ku wajahan yihiin.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in degaanada laga qabsado Al Shabaab ay ka jiraan xaalado adag maadaama AlShabaab ay horay u sii qaataan dhammaan adeegyadii bulshada.

Taliye Indha qarshe ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan awood u lahayn in gurmad deg deg ah ay u fidiyaan shacabka ku nool degaanada Al Shabaab laga qabsado.

DOWLADDA INDONESIA OO CAALAMKA KA CODSATAY GARGAAR DEG DEG AH

Xukuumadda Indonesia ayaa codsatey kaalmo deg deg ah,kaddib markii saddex maalmood ka hor ay ku dhufteen dhulgariir dhibaato baaxad leh gaystay iyo duufaan ka dambaysay jasiiradda Sulawesi.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay dhinteen 833 ruux,iyadoo shaqaalaha gurmadka degdegga ah ay sii wadaan dadaallada ay ku samato bixinayaan dadka ku hoos xanniban dhisamayaasha burburay ee magaalada Palu.

Dadka mashaakilka ka samato baxay oo diif badan ay hayso ayaa dukaammada ka raadsanaya cunto, biyo iyo shidaal.

Madaxweynaha Indonesia,Joko Widodo oo Axaddii booqday gobolka uu mashaakilku ka dhacay wuxuu amar ku bixiyay in dadka waxyeelada ka soo gaartay musiibadaasi lala gaaro gurmad deg deg ah ,wallow ay jirto dhibaato xagga isgaarsiinta oo goobihii sunaamigu ku dhuftay.

Waxaana la soo sheegayaa in tobanaan ka tirsan hay’adaha gargaarka aan dowliga aheyn ay codsiga madaxweynaha ka jawaabeen.

Dalka Indonesia ee koonfurbari Aasiya ayaa wuxuu yahay dal u nugul duufaanta iyo dhulgariirka dhaca maaddaamaa dalka oo dhan uu jasiiraddo tira badan oo bad ku hareereysan uu ka kooban yahay.

YUUSUF HAJI OO UGU BAAQAY DHALINYARADDA IN AYSAN KU BIIRIN ALSHABAAB

Wasiirkii hore ee wasaaradda difaaca dalka Kenya Yusuf Haji islamarkaana laga soo doortay Waqooyi bari Kenya ayaa ugu baaqay dhalinyadda kasoo jeeda goboladaasi in aysan ku biirin Alshabaab.

Senator Yuusuf Haji ayaa sheegay in looga baahan yahay masuuliyiinta deegaanada waqooyi bari Kenya in ay aad kaga taxa daraan in caruurtooda ay ku biiraan Alshabab isagoona sheegay in Alshabab ay inta badan maskaxda ka badalaan dhalin yarada kenyanka ah ee kusugan guud ahaan dalkaasi.

Wasiirkii hore ee wasaarada difaaca dalkaasi oo ka hadlayay magaalada Ijara ayaa sheegay in loo baahan yahay in caruurtaasi loo sameeyo shaqo abuur si aysan ugu dhicin dabinka ay dhigayaan Alshabaab ee ku aadan ka qeyb noqoshada kooxdaasi.

Mudooyinkii dambe boqolaal ruux oo qoysas ah oo kunool waqooyi bari Kenya ayaa ka dalbanayay ciidamada difaaca dalkaasi in ay dib ugu soo celiyaan caruurtooda kuwaa oo in muda ah ka maqnaa inkastoo ciidamada Policeka dalkaasi lagu eedeeyay in qaar badan oo kamid ahaa dhalin yaradaasi ay iyagu kaxeysteen kadib markii ay kaga shakiyeen in ay cariir lala hayeen Alshabaab.

Dhawan ayay ahayd markii sida uu daabacay warqeyska the standard ee kasoo baxa Kenya in xubnaha kenyanka ah ee kabar bar dagaalama Alshabaab ay haatan cadaadisyo xoogan kala kulmayaan xubnaha ugu sar sareeyo Alshabaab iyadona qaarkood xukuno kala duwan lagu riday kadib markii lagu eedeeyay in ay kala qeybin kusamenayaan dagaalyahada katirsan Alshabaab.

KOOX HUBEYSAN OO QOF SHACAB AH KU DILAY DULEEDKA MUQDISHO.

koox hubeysan ayaa habeen hore waxaa ay qof shacaba ku dileen Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ilaalo ka ahaa geerish gaadiidka lagu xareeyo degaankaasi ku yaala.

Kooxda dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysa dilka loo geystay ninkan ilaalo ka ahaa Geerish ku yaala Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay tageen goobta uu dilka ka dhacay, waxayna soo qaadeen meydka marxuumka la dilay, iyadoona halkaasi baaritaano ay ka sameeyeen.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE "DOWLADNIMADEENNU WAXAY KU SOO DHACDAY WADDADA SAXDA AH”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qayb galay munaasabadda daahfurnaanta maaliyadda dalka ayaa sheegay in si isku filnaansho loo gaaro ay lagama maarmaan tahay in mas’uuliyad la iska saaro shaqooyoinka fududayn kara yagleedidda mustaqbal ifaya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in aasaaska dawladnimada Soomaaliya oo waqti dheer Jihada ka lunsanayd ay hadda haleeshay waddo sax ah, hase yeeshee la taagan yahay bilaawga dariiqa saxan loona baahanyahay in waddadaas lagu taagnaado oo aan mar kale jihadu ka qaldamin.

Waxaa uu kula dardaarmay mas’uuliyiinta dowladda in ay ilaaliyaan ammaanada oo ay ka fogaadaan xatooyada xoolaha dadwaynaha iyo joogtaynta sababihii dariiqa wanaagsan ka leexiyay dawladnimada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen laaluush, musuqmaasuq iyo qabyaalad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in habka kaliya ee shaqo abuur loogu samayn karo dhallinyada Soomaaliyeed, ciidan xoog leh lagu dhisi karo, daynta looga cafin karo dalka ay tahay in la horumariyo dhaqaalaha, arrintas oo iyana ku xiran in musuqa lala dagaallamo iyo in shaqooyinka loo diro shaqsiyaad karti u leh, wasiir kastana uu wasaaraddiisa ka bilaabo isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daahfurnaanta.

Barnaamijka daahfurnaanta maaliyadda oo ay hormuud ka tahay wasaaradda maaliyadda xukuummadda fedraalka Soomaaliya ayaa loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed ay kula socdaan dakhliga dawladda soo gala, ilaha dakhliga iyo sida loo maamulo, maadaama shacabku ay leeyihiin hantida, muhiimna ay tahay in ay si daahfuran ula socdaan hannaanka loo maamulo.

MAHDI GUULEED "MADAXWEYNE FARMAAJO WUXUU DIYAAR U YAHAY INUU KA DEGO HARGEYSA”

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in dowladda Federaalka diyaar u tahay in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland oo hakad ku jiray labadii sano ee u dambeysay.

Mahdi Guuleed oo wareysi siiyay Idaacada BBCda ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu diyaar u yahay inuu ka dego magaalada Hargeysa, lana gaaray waqtigii wada hadalku ka bilaaban lahaa dhul Soomaaliyeed.

"Madaxweyne Farmaajo wuxuu diyaar u yahay inuu ka dego magaalada Hargeysa, isagoo sida Calanka Soomaaliya”ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay arrinta wada hadalka u sameysay qorshe iyo jadwal la doonayo in xal lagu gaaro, balse arrintaas ay hakad geliyeen doorashooyinkii ka dhacay Somaliland, waxaa uu xusay inay horay isku afgarteen Mas’uuliyiinta Somaliland in wada hadalada dib loo bilaabo wixii ka dambeeya doorashooyinka Somaliland marka ay dhamadaan oo Madaxweyne la doorto.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay inuu jiray qorshe Madaxda labada dhinac ku kulmi lahaayeen bishii Maarso ee sanadkan, hase ahaatee uu qabsoomi waayay kulankaas arrimo farsamo awgeed iyo xiisadii ka dhalatay dagaalkii Tukaraq.

Somaliland oo sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, ayaa dooneysa inay hesho aqoonsi.

DADKA KU NOOL XEEBAHA MAXAA BADBAADO U AH HADDII MOWJADO WAAWEYN AY DHANKA BADDA KAGA YIMAADAAN?

Dhawaan waxaa dalka Indonesia mar kale ku dhuftay dhulgariir badda hoosteeda ka dhacay (Tsunami), kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 800 oo qof.

Dhacdadan oo kale ayaa isla xeebaha dalkaas ka dhacday 14 sano ka hor, markaasoo ay saamaynteeda soo gaartay inta badan xeebaha saaran badweynta India, oo kuwa Soomaaliyana ay ku jiraan.

In ka badan 200,000 oo qof ayaa naftooda ku waayey xilligaas.

Haddaba qormadan waxaan ku eegaynaa waxa la gudboon dadka ay ku dhacdo, ama ay ku soo socoto Sunaamiga.

Sidoo kale waxaan ku eegaynaa qaabka gurmadka ee loo baahan yahay haddii masiibo noocaas ay dhacdo.

C/raxmaan Axmed Ismaaciil waa khabiir muddo 14 sano ah soo ahaa kabtan markab, haatanna wuxuu ka mid yahay mas'uuliyiinta dekedda Berbera.

Maxaa keena Sunaamiga?

"Sunaamiga waa lakabyada dhulka ee badda hoosteeda oo mid uu hoos u dhaco, ka dibna biyihii lakabka sare ay ku soo shubmaan lakabka hoose. Marka uu lakabkaas halkiisa ku soo noqdo ayey biyihii ka soo baxaan, waxaana samaysma hirar waweyn oo 10 ilaa 15 mitir ah oo xawaare xoog leh ku socda".

"Hirarkaas ayaa ilaa masaafo fog oo berriga ah socda, wax kasta oo hortooda ahna way qaadayaan, waxayna sababaan dhimasho".

Sidee looga gaashaaman karaa?

"Waxaa loo baahan yahay in dadku ay mar kasta feejigan yihiin. Tusaale ahaan, haddii Sunaami uu ka dhaco Indonesia, waxay biyaha ku soo gaari karaan xeebaha Soomaaliya ee saaran badweynta India 89 saacadood".

"Muddadaas dadku waxay ku gaari karaan dhul taag ah, laakin qofkii jooga haddii uusan meel xoog leh qabsan way qaadayaan".

Maxaa loo baahan in laga fekero marka gurmadka la samaynayo?

"Waa in laga taxaddaro xarkaha korantada, waayo meesha ay ku dhacaan ciddii joogta ama biyahaas taabata way qabanayaan. Sidoo kale waa in laga taxaddaro wixii dhalin kara xanuunnada faafa"

"Waxaa kaloo muhiim ah in dadka la siiyo biyo nadiif ah. Meelo badan dadku berkado ayey biyaha ka cabaan. Biyahaas way wasakhoobayaan".

Ma la sii ogaan karaa in uu Sunaami dhacayo?

"Waa la ogaan karaa, meelo badan ayaa qalab lagu ogaado lagu xiray, inkastoo mandiqadeenan aysan ahayn meelaha uu sunaamigu ka dhaco".

"Indonesia way ku badan yihiin dhul gariirrada, wixii ka dhacaya halkaasna waa la ogaan karaa, sababtoo ah shalayadduunyada waxaa ka jira isgaarsiin casri ah sida Internetka".

Qalab ma loo baahan yahay marka gurmadka la samaynayo?

"Arrinta ugu muhiimsan waa in laga digtoonaado oo marka digniint la helo in dadku ay goobtaas degdeg uga baxaan".

Waxaa aad muhiim u ah gadiid geli kara meelaha musiibadu ka dhacdo, gaar ahaan Helkobtarro, haddii waddooyinku ay noqdaan kuwo aan la mari karin oo go'a".

OGOW SAGAAL ARRIMOOD OO KU SAABSAN XAQIIQOOYINKA DAYAXA, KUWAA OO AADAN HORAY U OGEYN

Dayaxa u muuqda iney godad ku dhex yaallaan, dayaxa midabkiisu buluugga yahay, dayaxa buuxa, dayaxa leh labada af ee fiiqan waxaa jira waxyaabo cajiib ah oo ku saabsan dayaxa la jecleysto. Waa kuwan xaqiiqooyin la yaab leh oo ku saabsan dayaxeenna sida fiican noogu ifa habeenkii.

1. Dayaxu ma ahan shey wareegsan oo dhinac walba iskala eg

Dayuxu wuxuu u sameysanyahay sida ukunta. Marka aad eegeyso, waxaad runtii arkeysaa mid ka mid ah dhinacyadiisa yar yar ee uu ku dhammaado. Ubucdiisana oo ah qeybtiisa dhexe kuma aaddana bartamaha, waxay bartanka u jirtaa 1.2 mayl.

2. Waligeen si buuxda uma aynaan arkin dayaxa.

Mar walba oo aan eegno waxaan aragnaa boqolkiiba konton iyo sagaal (59%) ka mid ah dayaxa. Boqolkiiba afartan iyo kowda(41%) soo hartayna waligeed lagama arki karo dhulka xaggiisa. Haddii aadan taas rumeysaneyninna, ogow in haddii aad hawada sare tagtid oo aad eegtid qeybta kaa qarsaneyd ee ah 41%, markaas awood uma yeelan doontid inaad aragtid meeraha dhulka!.

Kenya oo Dayax gacmeedkii ugu horreyay samaysanaysa

Cirbixiyeen sheegay in uu dadka u dalxiis gaynayo meeraha Mars

3. Dayaxa midabkiisu buluugga yahay waxaa sababtay Folkaano ama buur qaraxday

Erayga 'dayaxa buluugga ah' waxaa la aaminsanyahay in markii ugu horreysay la abuuray sannadkii 1883kii ka dib markii ay qarxeen buuraha Krakatoa ee dalka Indonesia. Markaas ayuu boor fara badan hawada sare gaaray wuxuuna sababay in markii dayaxa la eego uu u muuqdo mid uu midabkiisu buluug yahay. Sida iska cadna waxay ahayd arrin qeyrul caadi ah oo aan horay u dhici jirin, sidaas awgeedna jumladda ingiriiska ah ee "once in a blue moon" oo micneheedu yahay "hal mar oo uu dayaxu buluug noqdo" waxay muujineysaa in loo adeegsado waxyaabaha dhif iyo naadirka ah.

4. Qarxinta dayaxa

Mareykanku waxay si dhab ah uga fakarayaan iney hubka nukliyeerka ku qarxiyaan dayaxa. Fikraddaan waxaa lagu caddeyn doonaa quwadda ay leeyihiin milatariga Mareykanka iyo in ay muruqooda ku soo bixiyaan ruushka hortiisa, iyo waliba in lagu handado. Mashruucaas sirta ah waxaa lagu magacaaby 'Duullimaadyo daraasad cilmi baaris ah loogu soo sameynayo dayaxa', ama 'Mashruuca A119'.

5. Qorrax madoobaadka waxaa sababa xayawaan la yiraahdo dragonka ee holaca afka ka sii daaya Khuraafaad

Waxyaabo ay dadkii hore ee shiinaha aaminsanaayeen ayaa qeexaya in Qorrax madoobaadka uu dhaco ka dib marka uu qorraxda liqo xayawaanka holaca afka ka sii daaya ee loo yaqaanno dragonka. Si ay arrintaas uga jawaabaan, dadka shiineyska ah waxay sameyn jireen qeylo xoog leh oo intii karaankooda ah, si ay xayawaankaas u cabsi galiyaan oo uu qorraxda u soo tufo. Waxay sidoo kale aaminsanaan jireen inuu xayawaan aad u weyn oo u eg sida Raha ku dhex noolyahay dayaxa, iyagoo u daliishan jiray godad ka muuqda dayaxa dhexdiisa. Godadka ku yaalla dayaxa waxay dhab ahaantii ka abuurmeen dhagaxaanta hawada sare ku wareega oo dayaxa ku dhacay 4.1 bilyan oo sano ka hor.

6. Dayaxa wuxuu yareynayaa wareegga dhulka

Marka uu dayaxa aad ugu soo dhawaado dhulka waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa perigee. Arrintaas waxay sababeysaa in dayaxa uu yareeyo awoodda uu dhulka ku wareego, wuxuuna hoos u dhigayaa 1.5 milliseconds halkii qarniba.

7. Iftiinka Dayaxa

Qorraxdu waxay dayaxa buuxa ka iftiin badantahay dhacaa ilaa 500 oo digrii feranhayt muddo ka yar 90 daqiiqo gudaheed.

8. Leonardo da Vinci ayaa ogaaday micnaha ka dambeeya.

Marka uu dayaxa muuqdo isagoo leh labo af oo fiiqan, waxaan aaminsannahay iney ka dhalatay iftiinka qorraxda oo haya dayaxa. Qeybta kale ee dayaxa waxaa kaliya oo lagu arki karaa si daciif ah iyadoo ku xiran cimilada. Leonardo da Vinci ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ogaaday in xilligaas dayaxa qeybtiisa kale ay u qarsantahay sababo la xiriira iftiinka qorraxda awgood.

9. Magacaabista dayaxa

Waaxda caalamiga ah ee culuumta cirka iyo hawada waxay magacyo u bixiyeen godadka ku dhex yaalla dayaxa iyo dhammaan waxyaabaha kale ee cirka. Godadka ku dhex sameysan dayaxa waxaa loo kala bixiyay magacyada dadka wax ku oolka ah ee isugu jira seynisyahannada, farshaxamiisteyaasha iyo kuwa culuumta kala duwan raadiya.

Waxaa jira waxbaayo fara badan oo aynaan ka ogeyn arrimaha dayaxa. Laakiin waxaan ognahay waxyaabo ka badan kuwa ay ogyihiin dadkaan: daraasad la sameeyay sannadkii 1988kii ayaa lagu sheegay in dayaxa uu ka sameysanyahay burcad.

cabir dhan 14 magnitude. Sidaas awgeed iftiinka qorraxda waxaa la ekaan kara 398,110 dayax oo buuxa. Inta uu socdo dayax madoobaadka oo ah xilliga uu dayaxa u soo siqo dhanka hooska ka sameysma meeraha dhulka, heer kulka dayaxa dushiisa ah wuxuu hoos ugu

DAD AJAANIB AH OO LAGU DILAY MAGAALADA BOOSAASO

Koox hubeysan ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay ku dileen Saddex qof oo u dhashay Qowmiyadda Oromada, halka ay dhaawaceen Laba kale.

Dadka la dilay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa la sheegay inay socoto ku ahaayeen magaalada Boosaaso oo ay ahaayeen tahriibayaal.

Laamaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen inay baxsadeen dadkii dilkaasi geystay, islamarkaana aysan jirin cid heybtooda garaneysa balse waxaa goobta uu weerarka ka dhacay ciidamada ammaanka ee gobolka Bari.

Labada qof ee dhaawaca uu soo gaaray rasaastana dableyda ku rideen ayaa waxaa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaalka magaalada Boosaaso.

Dhalinyaro u badan rag iyo dumar u dhashay dalka Itoobiya ayaa waxa ay ku nool yihiin magaalada Boosaaso ee Puntland, kuwaasi oo ku nool duruufo aad u adag.

Dhalinyaradan ayaa ku tahriiba doonyo tabar daran oo ay ugu kictamaan xeebaha dalka Yemen, balse xilliyada qaarkood ayay ku rogmadaan badda marka ay isku dayaan tahriibka.

OGEYSIISKA MARKA LAGA HELAY LAHAYN




OGEYSIIS WAXAAD ISKU JIRA in calaamadda ganacsiga sare (NETFLIX Series) ay tahay hantida NETFLIX, INC., a Delaware, USA Corporation of 100 Winchester Circle, Los Gatos, California 95032 United States iyo in calaamadda ganacsiga loo adeegsado kuwa soo socda alaabooyinka:

Fasalka 09: Barnaamijka loogu talagalay walxaha maqalka iyo miidhiyaha maqalka iyadoo la adeegsanayo shabakadaha internetka iyo isgaadhsiinta caalamiga ah; software si loogu wareejiyo maqalka iyo muuqaalka miyuusikada qalabka elektaroonigga ah; software si loo raadiyo, abaabulo, iyo kugula talineyno maadada fiidiyowga; qalabka barnaamijka horumarinta ee abuuritaanka software-ka iyo codsiyada mobile; software computer; barnaamijyada kombuyuutarka; codsiyada kombuyuutarrada la iibsan karo; codsiyada moobilka la iibsan karo; software video game; software computer games; barnaamijyada ciyaarta interactive video; qalabka kombiyuutarka lagu ciyaaro iyo sawirada; barnaamijyada cayaaraha elegtarooniga ah iyo software; qalabka elektaroonigga ah ee taleefannada gacanta, kiniiniyada, kombiyuutarada shakhsiyeed, iyo qalabka elektarooniga gacanta; muuqaalka dhabta ah iyo qalabka dhabta ah ee hardware iyo software; sawirrada

la qaadi karo iyo bandhigyada telefishanka lagu bixiyo iyadoo la adeegsanayo adeegga fiidiyoowga ah; sawirro la iibsan karo oo leh bandhigyo muuqaal ah iyo astaamo loogu talagalay isticmaalka kombiyuutarada, kiniiniyada, iyo taleefannada gacanta; CD-yada iyo DVD-yada; sawirrada la qaadi karo iyo bandhigyada telefishinka; buugaagta maqalka; rinjiyeyaasha lagu duubi karo iyo duubista codka; maqal iyo maqal muuqaal ah; duubista musikada; qalabka loogu talagalay duubista, gudbinta ama dhalida codka ama sawirada; Kaararka elektarooniga ah kaararka hadiyadeed ee loo yaqaan 'encoded gift cards'; daabacaadda elektarooniga; qalabyada warbaahinta ilaalada warbaahinta; rikoodhada digital-ka ah; DVD-yada iyo cayaaraha sare ee sawir-qaadaha; Nidaamka masraxa guriga oo ka kooban aqbaarta maqalka iyo fiidiyowga; cayaaraha heesaha; telefishinnada; sanduuqyada telefishanka sare; qalabka kombiyuutarka iyo aaladaha dhejiska; sariirta ciridka; cududda iyo gacanta ayaa ku fadhiya isticmaalka kombiyuutarada; waxay u taagan yihiin taleefannada gacanta, kombiyuutarada kiniinka; xisaabiyeyaasha; sawir qaadayaasha; kamaradaha; kamaradaha dijital ah; raadiyaha; USB-ga USB-ga; dhawaaqa maqalka; taleefanka gacanta; kiis taleefanka gacanta; taleefanka gacanta; Keybelayaasha kiniinnada; daboolaya kombiyuutarada kiniinka;

kiisaska kombiyuutarada kiniinka; daboolka daboolka kombiyuutarada kiniinka; daboolka difaaca iyo kiisaska qalabka elektaroonigga ah, kombiyuutarada, kombiyuutarada kumbuyuutarka, telefoonada gacanta, kamaradaha dijitaalka ah, ciyaartoyda warbaahinta digital, akhristayaasha elektaroonigga ah, smartwatches, ciyaarta ciyaaraha fiidiyowga, iyo kaaliyayaasha digital-ka ah; shaashadda bandhigyada ilaalinta; rakibayaasha; sariiraha; samaacadaha dhagaha; walbahaarka; taleefannada; taleefannada gacanta; talooyinka moobiilka; qalabeeyayaasha loo isticmaalo taleefannada; batariyada; fiilooyinka batteriga; damiinada wireless; saacadaha smart; indhoole; buugaagta indhaha; muraayadda indhaha; muraayadaha indhaha; indeglass iyo muraayadaha indhaha; digaagga; qurxinta qurxinta; taliyayaal qalanjabiyey; kor u qaadida muraayadaha; mikrofones; Koofiyadaha isboortiga; Koofiyadaha baaskiilka; Jeexjeexyada jilicsan; snorkels; oogada ciyaaraha; codsiyada kombuyuutarrada la iibsan karo.

Fasalka 38aad: Dhegeysiga iyo fiidiyowga ee baahida gudbinta; socodka maqalka iyo maqalka; gudbinta codka, xogta, sawirrada, calaamadaha, farriimaha iyo macluumaadka; maqal iyo maqal muuqaal ah; gudbinta iyo gudbinta maqalka iyo muuqaalka muuqaalka; adeegyo gudbinta fiidiyowga ah oo laga duubay; bixinta shirarka internetka oo dadka isticmaala ay soo diri karaan qiimeynta, dib u eegista, iyo talooyin ku saabsan filimada iyo bandhigyada telefishinka iyo dhacdooyinka iyo waxqabadyada ka jira goobta madadaalada iyo waxbarashada.

Fasalka 41: Adeegyada madadaalada; Macluumaadka madadaalada; wax soo saarka filimka, oo aan ahayn filimaanta xayeysiiska; bixinta filimaan aan la soo dhicin iyo bandhigyo talefishin ah oo la adeegsado adeegyo gudbinta fiidiyoowga ah; bixinta macluumaadka madadaalada ee website-ka; Adeegyada Baarkinka Adeegyada; Adeegyada madadaalada ee dabeecadda telefishanka iyo filimyada ku jira mowduucyada ficilada, animation, anime, biography, fasalada, majaajilada, dembiga, documentary, riwaayada, iimaanka, qoyska, khiyaaliga, filimka-noir, taariikh, cabsi, caalami, muusik , qarsoodiga, jacaylka, qiyamka sayniska, isboortiga, xiisaha, dagaalka, iyo galbeedka; adeegyada madadaalada ee dabeecadda bandhigyada iyo heshiisyada ku saabsan telefishanka iyo filimka, iyo astaamaha telefishanka iyo filimada; adeegyada madadaalada ee dabeecadda horumarinta, abuurista, wax soo saarka, qaybinta, iyo soosaaridda soo-saarka filimada

sawirada, bandhigyada telefishanka, dhacdooyinka gaarka ah, iyo madadaalada madadaalada ee miidhiyaha; adeega madadaalada ee dabiiciga ah oo ah muusikada nool, muusikada ama majaajilada; adeegyada naadiyada taageerada; wax soo saarka iyo qaybinta filimada sawirada iyo bandhigyada telefishinka; oo bixiya adeegyo madadaalo ah oo leh shabakadda isgaadhsiinta caalamiga ah ee nooca cayaaraha internetka iyo boggaga internetka oo leh macluumaadyo badan oo xiisaha guud ee xiisaha leh ee la xiriira filimada sawirada, barnaamijyada telefishanka, muyuusikada muusikada, filimada filimka la xiriira, sawirada iyo qalabka kale ee miidhiyaha; iyagoo siinaya fiidiyoowyo aan duubnayn oo internetka ah iyo waxyaabo kale oo badan oo dijital ah oo lagu soo duubo oo ay ku jiraan maqalka, fiidiyowga, farshaxanka, iyo / ama qoraalka laga soo qaaday ama la xidhiidha taxanaha telefishanka; bixinta macluumaadka madadaalada ee website; Adeegyada madadaalada, oo ah, inay bixiyaan kombiyuutar online ah, elektaroonikada iyo fiidiyowga fiidiyaha bixinta isticmaalka ku-meel-gaadhka ah ee aan la geyn karin cayaaraha interactive; bixinta macluumaadka, dib u eegista, iyo talooyinka la xidhiidha filimyada iyo telefishinka iyadoo la adeegsanayo website-yo iyo adeegyo gudbin fiidiyow ah; adeegyada waxbarashada iyo madadaalada, kuwaas oo ah, inay bixiyaan taxanayaal taxadar leh oo ku salaysan barnaamijyada internetka iyo filimada.

OGAYSIIS WAXAA KA BEDELAYAA in NETFLIX, INC., Ay sheeganayso dhammaan xuquuqda marka la eego calaamadda ganacsiga ee ka jirta Soomaaliya oo bilaabi doona tallaabo sharci ah oo ka dhan ah qof kasta ama qof lagu helo inuu isticmaalayo calaamadda ganacsiga ama calaamad kale oo ganacsi ama si khalad ah , ama haddii kale xadgudub ku ah xuquuqdiisa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip