Hooyo ilma yar oo ay dhashay kaga tagtay isbitaal ku yaalla Muqdisho

0
Sunday September 30, 2018 - 22:22:46 in Wararka by
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo ilma yar oo ay dhashay kaga tagtay isbitaal ku yaalla Muqdisho

    Hooyo magaceeda lagu sheegay Xamdi Xasan Macalin ayaa wiil ay ku dhashay Isbitaalka Wardi ee degmada Xamar Jajab kaga dhex tagtay Isbitaalka oo ka dhuumatay, sida dhaqaatiirta ay sheegeen. Sawirro laga soo qaaday wiilkan yar ayaa muujinaya isaga oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyo magaceeda lagu sheegay Xamdi Xasan Macalin ayaa wiil ay ku dhashay Isbitaalka Wardi ee degmada Xamar Jajab kaga dhex tagtay Isbitaalka oo ka dhuumatay, sida dhaqaatiirta ay sheegeen. Sawirro laga soo qaaday wiilkan yar ayaa muujinaya isaga oo lagu xanaaneynayo qeybta caruurta ee isbitaalka, waxaana wiilkan loo bixiyay Maxamed. Dr. Maxamed Aadan oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka ayaa wuxuu sheegay markii hooyada ay dhashay ubadkeeda, gargaar deg deg ahna loo sameeyay in canugeeda yar ay xilli saq dhexe ah isbitaalka kaga dhuumatay. Maamo Xaawo oo ka mid ah hawlwadeenada Isbitaalka Wardi ayaa sheegtay inay kafaalo qaadeyso haysmada wiilkaasi yar ee Hooyadiis Isbitaalka kaga dhex dhuumatay. Inkastoo dhacdooyinka nuucaan oo kale ah aysan ugub ku hayen Soomaalida dhexdeeda hadana waa dhacdo kale oo xanuun badan, maadaama wiilkan oo dhalan wax ka yar Saddex maalmood ay ka tagtay hooyadiisa daruufo iyada heysta aawadeed


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip