Madaafiic khasaare geystay oo Maanta ku dhacay degmada Wardhiigley iyo Shabaab oo sheegatay

0
Thursday January 07, 2016 - 20:19:53 in Wararka by
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaafiic khasaare geystay oo Maanta ku dhacay degmada Wardhiigley iyo Shabaab oo sheegatay

    Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday, afar ruux oo kalena way ku dhaawacmeen hoobiyeyaal maanta duhurkii ku dhacay xarunta Degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir iyo xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday, afar ruux oo kalena way ku dhaawacmeen hoobiyeyaal maanta duhurkii ku dhacay xarunta Degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir iyo xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah.
Hoobiyeyaashan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa labada qof ee ay dileen waxaa mid ka mid ah ay ahayd haweeney, iyadoo dadkii dhaawacyadu soo gaareenna loo qaaday isbitaallada Muqdisho.

"Waxaa maanta degmada Wardhiigley kusoo dhacay tiro hoobiyeyaal ah oo ay ku dhinteen laba ruux oo ay haweeney ku jirtay, waxaana ku dhaawacmay afar ruux oo kale,” ayuu yiri Cumar Nuur oo ka mid ah dadkii goob-joogayasaha ahaa.

Sidoo kale, Goob-joogahan ayaa xusay in duqeyntu ay argagax weyn gelisay dadka ku nool xaafadda ay hoobiyeyaashu ku dhaceen, isagoo intaas ku daray in xero ay barakacayaal ku noolaayeen ay ku dhaceen hoobiyeyaashan qaarkood.

Dhanka kale, haweeney ku nool xerada barakacayaasha ee ay hoobiyeyaashan qaarkood ku dhaceen ayaa sheegtay in laba ka mid ah hoobiyeyaasha ay kusoo dhaceen xerada ayna qof ku dileen, saddex kalena ku dhaawaceen.

Haweeneyda ayaa intaa raacisay in tirada hoobiyeyaasha ah ee ay maqleen ay shan hoobiye ahaayee, iyadoo sheegtay in tani ay cabsi weyn gelisay dadka oo dhan; ayna qaar ka mid ah shacabku ka carareen gurayhooda.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay tiro hoobiyeyaal ah ku weerareen maanta madaxtooyada Somalia, laakiin Al-shabaab ma sheegin in ay khasaare ka dhashay duqeyntan.

Si kasta ha ahaatee, dowladda Somalia ayaan weli wax war ah kasoo saarin madaafiicda ku dhacday degmada Wardhiigley, gaar ahaan dhabarka dambe ee madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo duqeyntan ay noqonayso tii ugu horreeyay oo ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho sannadkan cusub ee 2016-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip