imco wanaagsan & baadi goob Arday.

0
Saturday September 08, 2018 - 19:20:59 in Wararka by
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    imco wanaagsan & baadi goob Arday.

    Maanta waxaan soo xasuustay Ardaydeydii Dalka Malaysia – Magaalada Kuala Lumpur, iyo kuwii Branch-yada kale ee Open University of Malaysia aan 4 sanno wax Ku barayay, ma hilmaamin kuwii wax Ku Baranayay Universiti Utara Malaysia ee Gobalka Keda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxaan soo xasuustay Ardaydeydii Dalka Malaysia – Magaalada Kuala Lumpur, iyo kuwii Branch-yada kale ee Open University of Malaysia aan 4 sanno wax Ku barayay, ma hilmaamin kuwii wax Ku Baranayay Universiti Utara Malaysia ee Gobalka Kedah, oo igu yiri: ma annagaa Dayaarad soo raaceyna kuligeyn oo Kuala Lumpur kuugu imaaneyna mise adigaa noo imaanaa, 360km annigaa dayaarad u raacey, ma hilmaamin Muxaadaradii, Casha sharaftii iyo Hadiyadihii aad i sii seen.

Ma helmaamin ardaydeydii Japan, hal wiil oo Tokyo University Ka baxay ayaa iga halaabay, oo shaqa Ka helay xafiiska siyaasada ee UN – New York maalintii aan Ku balanay in aan Ku kulano Xafiiskiisa New York, waxaa ila socday arday Soomaaliya oo wax Ku barto NY. fiiri sawirka ugu dambeeyo, Japankii waa noo gooyay.kkkkk,mar dambe ayuu ii soo qaray in xaaskiisu foolatay. Cafis.

Mar kale, Ma hilmaamayo ardaydii Malaysia, waxaan aaminsanahay in Hadda ay waddama badan Ku kala noolyihiin, meel kasta oo aad joogtiin, Jimca wanaagsan, kheyr ayaan Allaah idiiinkaga baryayaa.

FG: kuwa Hadda wax Ku barta Malaysia, waxaa ii qorsheeysan in aan idiin imaado 6 da bil ee soo socota dhexdooda haddii Alla idmo.

Ardaydeydii Malaysia, Guuuuul, Guuuuul meel kasta oo aad maanta Ku nooshihiin.

Kuwii aan wax bari jiray iyo kuwii aan Ku kulanay Muxaadarooyinka, waxaan u wada ixtiraamayaa isku si.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip