Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ku jira ee deeganada Puntland ka soo jeeda

0
Monday September 21, 2015 - 12:17:27 in Wararka by
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ku jira ee deeganada Puntland ka soo jeeda

    Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali "Gaas" ayaa kulan gaar ah wuxuu la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee ka soo jeeda deeganada Maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali "Gaas" ayaa kulan gaar ah wuxuu la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee ka soo jeeda deeganada Maamulka Puntland. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayay arimaha ku aadan shirka ka socda Magaalada Muqdisho oo shalay Puntland ay ka baxday iyo sidoo kale mowqifka Puntland ay shirkaasi ka qaadatay ka qaybgalkiisa.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda deeganada Puntland ee kulanka la qaatay Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay ahmiyada kulanka inuu ahaa sidii looga tashan lahaa mowqifka Puntland ay ka qaadanayso shirka, isaga oo sheegay Puntland inay ku saxan tahay inaysan la fariisan Maamulka Galmudug.


Xildhibaan Cabdi Barre, ayaa sheegay Maamulka Galmudug inuu yahay mid sharcidaro ah, islamarkaana wadada loo maray dhismaha Maamulka Galmudug uu yahay mid qaldan oo Dastuurka hareer marsan.

Cabdi Barre waxa kale uu sheegay Dowladda Soomaaliya inay ansixisay sharciyo badan oo aysan kala tashan Maamuladii mudnaa in lagala tashado, isaga oo tusaale u soo qaatay Maamulka Puntland.

Maamulka Puntland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jira ayaa tabashooyin kala duwan ka qaba Dowladda Federalka Somaliya, inkastoo Puntland Dowladda dhexe ula loolanto sidii Dowlad la jaar ah Somaliya.

Shirka madasha wadatashiga Siyaasada Somaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Muqdisho.
Xigasho:-Dhacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip