
Danjirihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagu soo dhoweeyay jasiiradda Malta
Jasiirada Malta ee wadanka Talyaaniga waxaa markii ugu horeysay muddo ka badan 20-sano gaaray Danjirihii ugu horeeyay ee Soomaali ah, iyadoo boqolaal Soomaali ah ay halkaasi ku dhoweeyeen. Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ayaa casuumaad ka helay jaaliyadda
Soomaalida Malta degan, isagoona horay u sheegay inuu booqanayo
jasiiradaasi, wuxuuna Soomaalida kala hadlay dhibaatada tahriibka iyo
dalalka Yurub ee ay naftooda u biimeynayaan inuu u dhaamo dalkooda.
Danjire Cali Ameeriko oo maalmahaan sii joogaya jasiirada Malta, ayaa booqanaya xeebaha ay sida weyn ugu dhammaandeen muhaajiriinta.
Sidoo kale Danjire Cali Ameeriko ayaa kulamo la qaadanaya saraakiil ka tirsan Dowladda Talyaaniga, anagoo socdaalkiisa wixii warar ah ee ku soo kordha idiin soo gudbin doona.
Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Malta ayaa ku ammaanay Danjire Cali Ameeriko waxqabadkiisii mudadii uu xilka safiirnimo hayay, iyagoona ku tilmaamay inuu booqasho taariikhi ah ku tegay jasiirada Malta.
Dhinaca kale wixii warar ah ee ku soo kordha socdaalka Safiirkii hore
ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya wararkeena dambe ayaan idinkugu
soo gudbineynaa.
XIGASHO :-SOMALIWEYN.COM
Danjirihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagu soo dhoweeyay jasiiradda Malta
Jasiirada Malta ee wadanka Talyaaniga waxaa markii ugu horeysay muddo ka badan 20-sano gaaray Danjirihii ugu horeeyay ee Soomaali ah, iyadoo boqolaal Soomaali ah ay halkaasi ku dhoweeyeen.