
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA SEPTEMBAR 2015-KA
Mar uu soo hadal qaaday wadahalkii u dhaxeeyey Maamulka Somaliland iyo Dowladda Feder alka ayuu sheegay in arintaas ay meel fiican u mareyso uuna ku rajo weyn yahay in wax kasta ay guul ku dhamaadaan.
Madaxweyaha Soomaaliya wuxuu sheeegay in Shirka Wadatashiga ee daraad ka furmay Muq dhisho uu Qof kasta oo Sooaamli ah looga baahan yahay fikirkiisa iyo taladiisa sida ay isga la tahay haddii ay mid wanaagsan ahaatana ay noqoneyso mid ay qaatan.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay waxyaabaha ay isla fahmi waayaan Madaxda Maamul Goboleedyadda in dib u dhiganayaan ayna ka wada hadlayaan waqti kale oo ku haboon.
Soomaaliland ayaa waxaa ay mar sii horeysay sheegtay inay ka madax banaan tahay Sooma aliya inteeda kale balse waxaa jiray in wada hadalo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Soomaaliland ay ka dhaceen Dalka dibadiisa, inkastoo aysan jirin wax miro dhal ah oo ka soo baxay shirarkaasi.
MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO ISNA ISAGA BAXAY SHIRKA WADA TASHIGA DOORASHADA 2016
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku biiray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo hore ugaga baxay shirka loogaga hadlayo qaabka loo marayo in doorasho ka dhacdo dalka sanadka 2016ka.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaan la ogeyn sababta dhabta ah ee uu ugaga baxay shirka inkastoo uu saaxibkii koowaad ee dhanka siya aasada uu yahay Madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas.
Hase yeeshee Maamulka Puntland ayaa shirka uga baxay arrimo la xiriira Maamulka Galmu dug iyo sababo uu maamulka ku tilmaamay inay tahay dowlada federalka oo hareer maray dastuurka dalka.
Shirka ayaan la soo xirin iyadoo lagu waday in gelinkii dambe ee shalay la soo afjaro isla mar kaana laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan waxa lagu heshiiyay.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND C/WALI GAAS OO ISAGA BAXAY SHIRKA WADA TASHIGA DOORASHADA 2016
Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali ayaa isaga baxay shirka ka furmay darraad magaalada Muqdisho kaasoo ay ka soo qeyb galeen madaxda ugu sareysa dowlada federalka. maamul goboleedyada dalka ka jira iyo wufuud caalami ah.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegay in sababaha ugu waaweyn ee uu ugaga baxay shirka ay tahay in uu galo wadahadalo dib u heshiin ah iyo welibao isagoo diidan maamulka Galmudug oo ka qeybgalay shirka.
Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in dib uu ugu soo laabto madaxweyne Gaas shirka wax ana cadaadis xoog leh saaraya beesha caalamka maamulka Puntland oo ka biyo diidsan qaabka ay wax u socdaan maadaama maamulka Puntland.
Shirkaan oo furmay maalintii daraad ahayd ayaa waxaa looga hadlay arrimaha wada tashiga dowladda iyo maamul gobaleedyada iyo sidii looga bixi 2016-ka, waxaana lagu wadaa in lagu dhisi shirkaa gole wadatashi qaran
MUHAAJIRIIN AFAR KUN GAARAYSA OO 24KII SAACADOOD EE LA SOO DHAAFAY GAARTAY XEEBAHA TALYAANIGA
Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegtay in qaxooti kabadan 4.500 ay soo gaareen xeeb aha Talyaaniga 24kii saacadood ee la soo dhaafay.
War ka soo baxay ilaalada xeebaha ayaa lagu sheegay in howlgalo lagu badbaadinayo illaa labaatan doonyood ay shalay sameeyeen ayna ka heleen mid kamid ah doonyaha ay saarnaayeen qaxootiga meydka ruux dumar ah.
Howlgaladan badbaadinta dadka qaxootiga ah ayaa waxaa ka qeybgalaya wadamada Jarma lka,Croatia iyo Britian, sidoo kale waxaa howlgalada ayaa waxaa ka qeybqaadanaya shaqaale caafimaad oo ka socda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn.
Dadka la soo badbaadiyay ayaa waxaa ka mid ah dad ka soo jeeda wadamada Erit rea,Nigeriya,Soomaaliya,Libya,Siiriya iyo wadamo ka mid ah Galbeed Afrika.
Qaxootiga ku soo galaya qaarada Yurub doonyaha kana imanaya wadanka Libya ayaa aad uga yar qaxootiga ka soo gudbaya wadanka Turkiga ee soo galaya Yurub.
MADAXWEYNIHII HORE EE BANADIR STATE OO WAR CULUS KA SOO SAARAY SIYAASADDA DALKA
Madaxweynihii hore ee Banadir State C/llaahi Axmed Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda siya asadeed ee uu dalku marayo, gaar ahaan mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Xasan, isagoona baaq degdeg ah u diray xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka ka dambeeya, wuxuuna si gaar ah uga hadlay dhibaatooyin ka jira degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.
Ex Madaxweynihii Banadir State ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xilli kala guur ah, isagoona ku booriyay xildhibaanada wada mooshinka looga horjeedo inay u tanaasulaan dadkooda iyo dalkooda, isla markaana ay gutaan howlaha culus ee horyaala oo uu sheegay inay ka mid yihiin sidii dalka looga hirgelin lahaa hannaan doorasho sanadka 2016-ka.
"Looma baahna in xilligaan Mudanayaashii Baarlamaanka ee dalka badbaadin lahaa ay iyagu horseed ka noqdaan fowdo iyo dib u dhac kale inay dalka geliyaan” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Dheere oo sheegay in xilliga yar ee uga haray jiritaankooda ay la yimaadaan howl hufan, isagoona ku tilmaamay xildhibaanada mooshinka wada aan xilligaan ku habooneyn in dalka la geliyo qalalaase siyaasadeed.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Banadir State ayaa sheegay in degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe uu ka jiro cudurka shuban biyoodka, kaasi oo galaaftay nolosha malaayiin caruur ah, kuwaasi oo qaarkood isbitaalada ay la jiifaan caruur iyo dad danyar ah cudurka shuban biyoodka.
Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka iyo kuwa caafimaadka inay gurmad degdeg ah u fidiyaan.
AHLU SUNNA OO QAADACDAY SHIRKA MAGAALADA MUQDISHO IYO EEDEYMO AY U JEEDISAY NICHOLAS KAY
Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe dalka Soomaaliya ayaa waxa ay qaadaceen shirka ka soconaayo Magaalada Muqdisho ee looga tashanaayo Marxalada Siyaasadeed ee sanadka 2016-ka looga gudbaayo Siyaasada dalka Soomaaliya.
Cali Baashi Faarax Cali Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna, ayaa sheegay shir kaasi inuu yahay mid aanan loo dhameyn xilligan, islamarkaana ay isugu tageen dad gaar ah.
Cali Baashi oo Saxaafadda Dhuusamareeb kula hadlay ayaa aqriyay Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, kaasi oo ku aadan mowqfika Ahlu Sunna ay ka qabto shirkaasi.
1:In Shirka Wadatashiga La sheegay in Soomaaliya loo qabanaayo uu ka mid noqdo Dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe, haddii aan laga qaybgalin in aysan aqbali doonin natiijo waliba oo kasoo baxda.
2:Dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe Inaysan aqbali dooni xil kororsi ay loo sameynayo ama ay sameynsanayaan Xukuumadda Federalka Somaliya ee hada jirta.
3: Waxaan aaminsanahay soona jeedinaynaa in dalka intiisa badan ay ka dhici karto doorasho qof iyo codkiisa ah, lana dhameystiri karo mudada ka harsan waqtiga.
4:Waxaan Beesha caalamka u cadeynaynaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu qayb ka noqday dhibaatada Soomaaliya uusana dhex dhexaad ka aheyn arimaha Soomaaliya.
5: Waxaan umadda Soomaaliyed iyo Beesha caalamka u sheegaynaa in Madaxweynaha Somaliya uu jabiyay Dastuurkii dalka Soomaaliya ee ahaa in maamul Goboleed kasta uu dhisan karo labo Gobol iyo wixii ka badan iyo in dadka Goboladaasi ay iyaga xaq u leeyihiin dhismaha Maamulk ooda Dowladana ay dusha ka eegto, taas oo Madaxweynaha ku bedelay shaqsiyaad uu si gaar ah u wato uu doonaayo Maamul kasta madax uga dhigo si uu 2016-ka ugu soo baxo mar kale doorashada dalka.
6: Waxaan mar kale Beesha caalamka iyo Soomaalida u sheegeynaa in Madaxweynaha Som aliya uu Gobolo nabad ah iskana xureeyay Shabaab uu ku haayo duulaan iyo guluf colaadeed, kuwii Amisom Shabaab ka xureysay laga soo saarayo ciidamadii Dowladda Soomaaliya si ay Shabaab mar kale u qabsadaan, looguna muujiyo Beesha caalamka dalka inaysan nabad ka jirin oo Doorasho aysan ka dhici karin.
Eedeymahan ka soo yeeray Ahllu Sunna weli Dowladda Federalka Soomaaliya kama aysan jawaabin.
NUSOJ OO KU BAAQDAY IN LA BAARO SHILKA WERIYE GACAN AMISOM KU DHAAWACMAY…
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ku baaqday in baaritaan lagu same eyo qaabka uu Wariye ka tirsan Radio Muqdisho qeybta ciidamada uu ugu dhawacay gaari ay leey ihiin ciidamada AMISOM.
Wariye Cabdiraxman Maxamed Ibrahim "Gacan” oo maraya afaafka hore ee Madaxtooyada ayaa dhaawacay gaari ciidamada AMISOM ay leeyihiin, isla markaana loo cararay Cusbitalka Daaru Shifa ee magaalada Muqdisho. Wariyaha ayaa waxa dhaawac ka soo gaaray mid ka mid lugihiisa, sida ay sheegtay idaacadda Kulmiye.
"Waa in baaritaan deg deg ah lagu sameeyaa shilka weriye Gacan AMISOM ku dhaawacday,” ayuu yiri Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, "Wax aan Alle uga baryeynaa caafimaad deg deg ah.”
Ma ahan wax ku cusub Magaalada Muqdisho in Gaadiidka Ciidamada AMISOM ay Jiiraan Mu waadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo Dhimasho iyo Dhaawacba u geysta.
XUKUUMADA SOOMAALIYA OO BILOWDAY TAYEYNTA BEERALEYSA SH/HOOSE
Cabdi Casiis Saalax Carmaan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha ee Xukuumada Sooma aliya ayaa sheegay in Wasaarada beeraha ay bilowday Tayaynta iyo tababarida beeraleyda Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxa uu sheegay in Wasaarada Beeraha ay ku dadaaleyso wax ka qabashada dhibaatooy inka heysata Beeraleyda Gobolka iyo sidoo kale taageerida dhanka qalabka ay ku shaqeyn lahaa yeen.
Wuxuu xusay in ay joogteyn doonaan kulamada ay la qadanayaan Beeraleyda ku sugan qaar ka mid ah Gobolada Dalka oo ay ka warqabanaan.
Hadalkaan ayuu Cabdi Casiis Saalax Carmaan Wasir ku xigeenka Wasaarada Beeraha ee Xu kuumada Soomaaliya ka sheegay ka dib kulan uu la qaatay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Beera leyda Gobolka Shabeelaha Hoose.
EDWARD SNOWDEN OO IIBINAAYA SIR KU SAABSAN DF AH EE SOOMAALIYA
Edward Snowden oo ah Sargaal ka tirsanaa Sirdoonka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in imin ka uu iib ku raadinaayo Macluumaad uu ka hayo sir ay wadaagan Sirdoonka Mareykanka iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka.
Qoraal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Mr Ed-ward Snowden uu doo nayo in Macluumaadkaasi oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya Sirdoonka iyo Xubno ka tirsan DF oo aan la carabaabin ayaa lagu sheegay in laga iibinaayo Dowladaha ka soo horjeeda Mareykanka inkastoo qoraalkaasi lagu sheegay in Dowlada Iran ay dadaal ugu jirto sida ay xogtaasi ku iibsan laheyd.
Sidoo kale qoraalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Macluumaadkaasi faaf intooda ay caqabad hor leh u abuuri doonto Dowlada Mareykanka markii loo eego qaabka ay u adeegsaneyso Dowlada Soomaaliya.
Edward Snowden ayaa muddooyinkaani ugu danbeeyay si aad ah uga macaashay iibinta xogaha Mareykanka ka dib markii uu ka gadooday Dowlada Mareykanka.
Mr Edward Snowden ayaa horay u iibiyay Macluumaad dagaal ka dhex dhaliyay Dowladaha reer galbeedka, bacdamaa Sirdoonka Mareykanka la sheegay inay dhageystaan Telefoonada gaarka ah oo ay isticmaalan Madaxweynayaasha ugu tunka weyn Yurub.
Si dhab ah looma oga shaqsiyaadka ka tirsan Dowlada Soomaaliya ee iyagu ay saameyn doo nto Macluumaadkaasi laga hayo Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya
Xigasho:-caasimadda .com
UNHCR OO SHAACISAY TIRADA QAXOOTIGA SOOMAALIDA DALKA DIB UGU SOO LAABTAY
Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR, ayaa shaacisay tirada Qaxo otiga Soomaaliyed ee dalka dib ugu soo laabtay, tan iyo Bishii December ee sanadkii 2014-ka.
UNHCR, ayaa sheegtay 4,108 ruux inay dalka dib ugu noqdeen tan iyo Bishii December ee sanadkii 2014 sidoo kale Hay’adda ayaa sheegtay in 250 ruux ay mareen dhulka, halka 224 kalena ay saareen Diyaarado kuwaas oo la geeyay Soomaaliya 15-kii hore ee bisha September.
UNHCR ayaa sheegtay dhammaan dadkaan in laga qaaday Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasi oo ay daganaayeen sanado badan, waxaana dadkaan lagu kaxeeyay rabitaan dhankooda ka yimid.
"Tirada guud, waxa ay noqoneysaa ee aan caawinay ee sida iskooda ahna ugu laabtay Soom aaliya 4,108 ruux 15-kii hore ee Bisha September waxaa dhulka ku safray 3,510 waxaa sidoo kale aan diyaarad saarnay 598 kale” Ayaa lagu sheegay Warbixin ay ka soo saareen xafiiskooda Magaa lada Nayroobi Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qa-xootiga ee UNHCR.
Dadkan dalkooda Soomaaliya dib loogu soo celiyay, ayaa kala tagay Gobolada dalka, gaar ahaan Gobolka Jubadda hoose, Gobolka Gedo iyo qaar si toos ah looga soo dejiyay Gobolka Banaadir.
Dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Kenya ayaa horay u kala saxiixday heshiis saddex geesood oo dhigaayay in Qaxootiga Soomaaliyed ee dalka Kenya ku nool si iskooda ah dalka Soomalaiya loogu soo celiyo.
Soomaaliya ayaa hada u muuqata mid ka soo kabanaysa sanado badan oo colaado ah, inkastoo weli ay taagan yihiin dagaaladii ay ka barakaceen kol hore dadkaan.
KALLUUMEYSATADA PUNTLAND OO KA CABANEYSA MARAAKIIB KA QOOLEYSANEYSA BIYAHA SOOMAALIYA
Kalluumeysatadani oo ka qooleysta xeebaha Maamulka Puntland ayaa ka cabanaya Maraakiib ay sheegeen in ay si sharci darro ah ugu kalluumeystaan xeebaha maamulka Puntland .
Qaar ka mid ah kalluumeysatada Xeebaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in maraak-iibt aasi ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan xeebaha Puntland taas oo keentay in ,in kalluun yari ay soo food saarto xeebahaasi.
Kalluumeysatadani Soomaaliyeed ayaa intaas ku daray in taas ay tahay mid caqabad ku ah noloshooda , iyo weli midda Soomaalida guud ahaan iyagoona ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto arrintaan.
Dhawaan Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Maraakiib ay leeyihiin wadamo ajnabi ah ay kalluumeysi sharci darro ah ka sameeyaan xeebaha Maamulka Puntland ,iyadoona maamulku soo ba ndhigay lacagaha ay ka helaan Maraakiibtaasi kalluunka ay jillaabtaan xeebahaasi taas oo gaareysa malaayiin dollar.
KOOXO HUBEYSAN OO HAWEENEY KU DILAY MAGAALADA MUQDISHO
Koxo hubeysan ayaa Maanta waxa ay ku dileen Degmada Xamar jajab Haweey Ka tirsaneyd Ciidmada boliska ah ,
Haweneyd Ayaa Markii La dilayay Waxa ay ku sugneyd Goob Ganacsi oo ay ku lehayd Suuq ku Yaalo degmada Xamar jajab .
Canshuuro Ali Madaxeey oo ah haweynda la dilay aya Waxa ay ka tirsaneyd Ciidnak Boliska Saldhiga Galbeed
Waxayna ifka Kag tagay Labo Caruur
Kooxah dilka Geystay Ayaa La sheegay in Goobta Ay ka Baxsaden Dilka marki ay geysteen
Xariir aaan la sameynay Maamulak degmada Xmar jajab noom suurto galin inaan wax ka Weeydiino dilk ka dhacy Degmadaasi.
DAD MUHAAJIRIIN AH OO KU GEERIYOODAY BADDA TURKIGA
Ugu yaraan 13 muhaajiriin ah ayaa ku dhimatay Badda turkiga ka dib markii doon ay ku tahrii bayeen ku dhacday Markab.
Dhacdadaan ayaa ka dhacday xeebta dalka Turkiga gaar ahaan meel u dhaw dekadda la yiraa hdo Can kale.
Doonidaan ayaa waxaa la sheegay in ay ku wajahneyd Jasiirad ku taallo dalka Giriigga.
Sida ay sheegtay wakaalad laga leeyahay dalkaasi oo la yiraahdo Dogan in doonidaas ay waday 46 qof laga soo badbaadiyay 23 halka 13 kalena ay halkaasi ku dhimatay ayna ku jiraan 4 caruur ah.
Dhanka kale bilihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Yurub ku sii qulqulaayay Kumanaan Siiriyaan iyo Afr-ikaan muhaajiriin ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in safaf dhaadheer ku jiraan muhaajiriin ku sugan xadka u dhaxeeyo dalalka Croatia iyo Austria halkaas oo ay doonayaan in ay uga sii gudbaan Yurub inteeda kale.
Austria, Hungary iyo Croatia waxaa lagu eedaynayaa in aysan wax ka qaban arrimaha muhaaj iriinta kasoo gudbayey xudduudooda.
JENERAAL AXMED CABDI SATAAR OO LAGU DILAY WAQOOYIGA SIINAAY
Dablay ayaa dalka Masar ku dishay Jeneraal booliis ah, waa toogashadii labaad ee sarkaal sare lagu dilo maalmihii u dambeeyay.
Dilkaasi waxa uu ka dhacay waqooyiga gobolka Sinaay.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in Axmed Cabdel Satar lagu toogtay banaanka xarun booliis oo ku taala caasimadda gobolkaasi ee Al-Arish.
Bishan horaanteedii laamaha ammaanka ee Masar ayaa gacanka Sinaay ka bilaabay hawlgal wayn oo ka dhan ah malayshiyaad xiriir la leh malayshiyada isku magacaaba Dawladda Islaamka.
Dadka jihaad doonka ah ayaa dilay boqolaal ka mid ah booliis iyo ciidammada tan iyo markii uu bilawday kacdoon labo sano ka hor.
ISLAAMKA IYO DASTUURKA MARAYKANKA ISMA QAADAN KARAAN'
Musharax ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo doonaya in uu u tartama xilka madaxtinimada dalka Maraykanka ayaa ku dooday in diinta Islaamka dastuurka Maraykanka aysan isqaadan karin.
Ben Carson, oo ah dhakhtar hawlgab ah oo ku takhasusay xanuunada neerfaha ayaa sheegay in uusan waligii aqbali doonin in qof muslim ah uu madaxweyne ka nqodo dalka Maraykanka.
Hadaladiisan ayaa yimid maalmo ka dib markii ninka ugu cadcad tartanka musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, uu diiday in uu iska fogeeya mid kamid ah taageerayaashiisa oo ku eedeeyay madaxweyne Obama in uu muslim yahay oo xitaa ‘’uusan Ameerikaan dhalad ah ahayn’’.
Madaxweynaha Machadka darso arimaha carabta Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay in arigtida Mr. Carson ay tahay mid nacsinimo ah.
MA OGTAHAY IN LIXDAAN SABAB AAD FACEBOOK KU NICI KARTO?
WAQTI LUMIS:
Sababta koobaad ee aad ku nici karto Facebook, waa adigoo u arko waqti lumis, waayo Faceb ook lagama hurdo, waqti walba dad ayaa ku jira, Dhamaan Qaaradaha ah, waxaa laga yaabaa in xiliga dalka aad joogto hurdaan, dalal kale markaas hurdada laga toosay, marka waa waqti lumis.
XAYEYSIIS KU DHIB:
Fecebook, waxaad ku nici kartaa Xayeysiis badan, Shalay oo dhan waxaa laguugu Tage gar eyn Xayeysiino aadan raali ka aheyn, waxaad arkeysaa sheekooyin iyo Bogag aadan rabin oo Bage-kaad dhex yaalla, marka waa tilaabo kale oo Facebook aad ku nici karto.
CAAFIMAADKA AYUU U DARAN YAHAY:
Dhafarka iyo Qoraalka badan iyo xitaa sheekada Malaa yacniga ah, waxaa uu u daran yahay Caafimaadka, dad badan ayaa quus ka taagan isticmaalka Fecebook, dad badan ayuu Indhahooda waxyeelo gaarsiiyay, sidaa darteed waa arin kale oo qofka ku qasbi karta in uu ka baxo facebook.
DADAD AADAN AQOON:
Facebook, shalay oo dhan waxaa kula soo hadlaya dad aadan aqoon, waxaa kugu darsanaya dad aadan aqoon, waxaad la sheekeysan dad aadan aqoon, marka dambe waxaad is weydiineysaa waa kuwee dadkan, waayo ma taqaanind, waxaa laga yaabaa in aad la yeelato xiriir been ah, waxaa kugu filan in lagu tiro ama unfrend laga adhigo, waxaa ka qaadeysaa niyad jab, sidaa darteed waxaa haboon inta aan lagu saarin in aad Facebook iskaga baxdo.
HADDII AAD BAXDO LAGUMA TABAAYO:
Maalin walba Faecbook dadka isticmaala waa sii badanayaan, in ka badan 1.2 Billione oo aadan aqoon ayaa ku jirta, haku waalan sida aad dad ugu darsaneyso, waayo ntaa oo dhan wey ad ag tahay in aad barato.
FAA’IDO MA LEH WAXA- AAD SHARE GAREYSO.:
Dadka qaar waxa ay qoraan cidna ma aqrisato, waxaa laga yaabaa in aad caajisto oo aad iska ga baxdo Faecbook, marka aad weyso dad xiiseeya waxa aad soo qorto.
Weriye C/risaaq IndhaJaceyl
MA ISTICMAASHAA WHATSAPP ? ISKA JIR ARRINTAAN YAABKA LEH !
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA SEPTEMBAR 2015-KA
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA "DOWLADU WAXAY DIYAAR U TAHAY INAY SII WADO WADAHADALADA SOMALILAND, MEEL FIICANA AY MARAYSO.." Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa shee agy in Maamulka Somaliland uu ku jiro q