Militeriga Kenya oo sheegay inay dileen 8 dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan, hubna ay qabsadeen

0
Sunday September 20, 2015 - 14:57:09 in Wararka by
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Militeriga Kenya oo sheegay inay dileen 8 dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan, hubna ay qabsadeen

    Militeriga dalka Kenya, ayaa sheegay inay dileen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib markii dagaal uu ku dhexmaray Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya, ciidamo ka tirsan Shabaab iyo kuwa Dowladda Kenya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Militeriga dalka Kenya, ayaa sheegay inay dileen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib markii dagaal uu ku dhexmaray Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya, ciidamo ka tirsan Shabaab iyo kuwa Dowladda Kenya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah.
Afhayeenka Ciidanka Militeriga dalka Kenya Col. David Obonyo, ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Xinhua inay dileen ciidamadooda 8 dagaalyahano oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib markii dagaalka lagu dilay Askartaasi uu ka dhacay duleedka deegaanka Dhamase oo ku yaallo Gobolka Gedo iyo Keynta Boni ee dalka Kenya.

Obonyo, ayaa ku faanay inay Shabaab ka qabsadeen labo qori oo nooca Ak-47 ah iyo sidoo kale inay gacanta ku dhigeen taleefoon nooca gacanta ah oo ay ka carareen raggii ka tirsanaa Shabaabka.


"Ciidamadu waxay weerar ku qaadeen Al-shabaab tiradoodu tahay 20 waxaan ka dilnay 3, halka intii kalena ay carareen waxaan ka helnay goobta 2 qori oo AK 47 ah telefanka gacanta iyo raadiye.” Ayuu yiri Afhayeenka Militeriga dalka Kenya.

Weerar kale oo ka dhacay deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo, ayuu sheegay inay Shabaab ku fashilmeen, kadib markii ay qarax Miino u dhigeen ciidamada Kenya oo halkaasi ku socdaalayay, balse qaraxaasi waa ay ku fashilmeen sida uu yiri Obonyo.

Militeriga dalka Kenya waxa kaloo ay sheegeen inay fashiliyeen weerar Shabaab ay doonayeen inay ku qaadaan Saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Keynta Boni, waxaana ay sheegeen Kenya weerarkaasi la fashiliyay in lagu dilay dagaalyahno Shabaab ka tirsan.

Waxa uu afhayeenku intaas ku daray in ciidamada Kenya ay weerarkaas uga dileen Al-shabaab 3 dagaalyahan intii uu socday hawlgalka iyadoo ciidamada Kenya ay bur buriyeen Saldhigyo ku meelgaar ah oo Al-Shabaab ay kasoo qaadaan weerarada waa sida uu hadalka u dhigay.

David Obonyo wuxuu sheegay in isku darka ciidamada laga dilay Al-shabaab ay yihiin 8 isagoo aan sheegin waxyeelada ciidamada Kenya ka soo gaaray weeraradaasi.

Al Shabaab ayaa shalay sheegtay weeraro ka dhacay Gobolka Gedo inay ku dileen 11 askar oo ciidamada Kenya ka tirsan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip