Ahlu Sunna oo qaadacday shirka Magaalada Muqdisho iyo eedeymo ay u jeedisay Nicholas Kay

0
Sunday September 20, 2015 - 14:53:23 in Wararka by
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlu Sunna oo qaadacday shirka Magaalada Muqdisho iyo eedeymo ay u jeedisay Nicholas Kay

    Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe dalka Somaliya ayaa waxa ay qaadaceen shirka ka soconaayo Magaalada Muqdisho ee looga tashanaayo Marxalada Siyaasadeed ee sanadka 2016-ka looga gudbaayo Siyaasada dalka Somaliya. Cali Baashi Faarax Cali Madaxwey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe dalka Somaliya ayaa waxa ay qaadaceen shirka ka soconaayo Magaalada Muqdisho ee looga tashanaayo Marxalada Siyaasadeed ee sanadka 2016-ka looga gudbaayo Siyaasada dalka Somaliya. Cali Baashi Faarax Cali Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna, ayaa sheegay shirkaasi inuu yahay mid aanan loo dhameyn xilligan, islamarkaana ay isugu tageen dad gaar ah.
Cali Baashi oo Saxaafadda Dhuusamareeb kula hadlay ayaa aqriyay Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, kaasi oo ku aadan mowqfika Ahlu Sunna ay ka qabto shirkaasi.
1:In Shirka Wadatashiga La sheegay in Somaliya loo qabanaayo uu ka mid noqdo Dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe, hadii aan laga qaybgalin in aysan aqbali doonin natiijo waliba oo kasoo baxda.
2:Dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe Inaysan aqbali dooni xil kororsi ay loo sameynayo ama ay sameynsanayaan Xukuumadda Federalka Somaliya ee hada jirta.

3: Waxaan aaminsanahay soona jeedinaynaa in dalka intiisa badan ay ka dhici karto doorasho qof iyo codkiisa ah, lana dhameystiri karo mudada ka harsan waqtiga.
4:Waxaan Beesha caalamka u cadeynaynaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya uu qayb ka noqday dhibaatada Somaliya uusana dhex dhexaad ka aheyn arimaha Somaliya.
5: Waxaan umadda Somaliyed iyo Beesha caalamka u sheegaynaa in Madaxweynaha Somaliya uu jabiyay Dastuurkii dalka Somaliya ee ahaa in maamul Goboleed kasta uu dhisan karo labo Gobol iyo wixii ka badan iyo in dadka Goboladaasi ay iyaga xaq u leeyihiin dhismaha Maamulkooda Dowladana ay dusha ka eegto, taas oo Madaxweynaha ku bedelay shaqsiyaad uu si gaar ah u wato uu doonaayo Maamul kasta madax uga dhigo si uu 2016-ka ugu soo baxo mar kale doorashada dalka.
6: Waxaan mar kale Beesha caalamka iyo Soomaalida u sheegeynaa in Madaxweynaha Somaliya uu Gobolo nabad ah iskana xureeyay Shabaab uu ku haayo duulaan iyo guluf colaadeed, kuwii Amisom Shabaab ka xureysay laga soo saarayo ciidamadii Dowladda Somaliya si ay Shabaab mar kale u qabsadaan, looguna muujiyo Beesha caalamka dalka inaysan nabad ka jirin oo Doorasho aysan ka dhici karin.
Eedeymahan ka soo yeeray Ahlu Sunna weli Dowladda Federalka Somaliya kama aysan jawaabin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip