
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA SEPTEMBAR 2015-KA
Khadiijo Cosoble oo ka mid ahayd haweenkii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegtey in loo baa-hanyahay in dhamaan bulshada ay ka wada qeyb qaataan ducada maalinta ay ku beegantahay ciidul Adxa.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimadii ka qeyb galay kulnaka loogu magacda rey u ducee Soomaaliya munaasabada ciidul Adxa awgeed ayaa bulshada ka dalbaday inay is caf iyaan oo ay u istaagaan sidii ay horumarka dalka uga wada qeyb qaadan lahaayeen.
Abwaanadii ka qeyb galey kulanka ayaa waxaa ay iyana dhankooda soo bandhigeen hadalo iyo gabayo murti ahaan bulsha soomaaliyeed ay kula talinayaan.
Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub ayaa tix gabay ah oo uu kaga hadlayay in ummadda iscafiyaan goobta ka jeediyay.
Guddoomiya ku xigeenka siyaasada ee maamulka gobalka banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegey in ka maamul ahaan ay soo dhoweynayaan qorshahan ay Wasaaradda Warfaafinta soo qaban qaabisay ee bulsha Soomaaliyeed isugu duceynayaan.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” ayaa sheegay in bulshada looga baahanyahay inay iscafiyaan, maalinta ciddana la qabto kulan balaaran oo la isku cafinayo.
"Waxaan codsanayaa in Soomaalidu ay is cafiso, waxaan kaloo soo jeedinaa in la sameeyo todobaad aan ugu magac darnay is cafinta iyo isdhexgalka bulshada, iyo in maalinta ciida si wada jir ah loo duceysto” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta
UNICEF IYO EU OO ISKA KAASHANAYA SIDII LOOGA HORTAGI LAHAA ASKARAYNTA CARRUURTA SOOMAALIYEED
Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in laga badbaadiyay boqolaal carru ur Soomaali ah in ay ku biiraan ciidamada ka dib markii la siiyay tababaro farsamooyin kala duwan leh.
Mashruuc socday muddo 15 bilood ah oo bilowday bishii June 2014 ayaa carruur iyo dhal inyaro gaareysa 401 waxaa ay ka faa’ideysteen tababaro kala duwan waxaana ku baxday lacag gaareysa hal malyan o dollar taasoo Midowga Yurub uu ugu deeqay.
Dhalinyaradan oo rubuc ka mid ah ay ahaayeen gabdho ayaa la siiyay tababaro ay ka mid yihiin xirfadaha farsamada korontada,maamulka xafiisyada,farsamada baabuurta jyo xirfado kale. Sidoo kale tiro ka mid ah dhalinyaradaa ayaa la geeyay xarumaha waxbaraashada tooska ah iyagoo ku biirey fasalo kala duwan.
Gabdhaha iyo wiilasha ayaa waxa ay hore u ahaayen cunto kariyaal,xamaali iyo weliba shaqooyin kale oo ay u hayeen kooxaha hubeysan.
"Carruurta ka mid ah kooxaha dagaalamaya ha noqdaan kuwo Soomaaliya iyo caalamka oo idil waa qaar aan la aqbali karin.”ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub ahna safiirka u qaabilsan EU Soomaaliya war uu ka soo saaray magaalada Nayroobi.
Ugu yaraan shan kun oo ah dhalinyaro da’a yar iyo carruur ayaa ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka jira dalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka dhacayeen muddo kabadan labaatan sano.
Hase yeeshee warbixintan ay soo saareen UNICEF iyo EU ayaan lagu xusin magaalooyinka carruurtan lagu tababaray xirfadaha kala gedisan.
SHIRKA WADA-TASHIGA DOORASHOOYINKA 2016-KA OO SHALAY SI HORDHAC AH UGA FURMAY MUQDISHO
Iyadoo Shalay ay Muqdisho soo Gaareen Xubno ka mid ah Madaxda Maamulgoboleedyada dalka ayaa waxaa uga furmay gellinkii dambe ee Shalay Xarunta Madaxtooyada Soomaalyia shirka Wada-tagshiga Doorashooyinka 2016-ka.
Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali iyo Madaxweynaha Jubbaland Sh. Axmed Maxamed Islaan [Axmed Madoobe] ayaa Shalay soo Gaaray Muqdisho; iyagoo ka Qayb-galaya Shirka ka furmay Madaxtooyada Soomaaliya.
Baraha Bulshadu ay ku xiriirto ee Madaxtooyada Soomaaliya. ayaa lagu sheegay in si rasmi ah u furay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Shirka Wadatashiga Doorashooyin ka dhici doona Soomaaliya. Sannadka soo socda.
Inkastoo Xukuumadda Soomaaliya. ay shaacisay in Shirkan Wada-tashiga ah uu Furmi doono Axadda Maanta ah ayaa haddana waxaan la ogeyn sababta shalay uu shirkan si hordhac ah uga Furmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud Villa Soomaaliya. iyadoo aysan weli shir kan ka soo wax War ah oo ku saabsan Qodobbadii looga hadlay.
Sidoo kale, Shirka ka Furmay Gellinkii dambe ee Shalay Villa Soomaaliya. ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa xubno ka socda Beesha Calaamka, waxaana shirkan furitaankiisu uu ahaa mid ay Alba abbadu u xirnaayeen.
Madaxweynaha Puntland ayaa intii uusan imaan Muqdisho wuxuu Gaalkacyo ka sheegay inaysan jirin wax iska bedelay Mowqifkeedii Doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya. 2016-ka oo ay Puntland Aaminsanayd.
Waxaa la Qorsheynayay in shirkan uu ka furmo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Toddobaadkii hore ka dib xafladdii Caleemo saarkii Axmed Madoobe ayaa waxaa madaxdii ka Qayb galayay Shirkaas soo Dhex galay muran sababay in furitaanka Shirkaan dib , iyadoo daqiiqado ka dibna ay kaga dhawaaqeen Kismaayo Madaxweynaha Soomaaliya. iyo R/W/hiiisa inuu Muqdisho ka furmi doono Shirka Wadatashiga Doorashooyinka 20-ka bishan September oo ku Aaddan Maalinta Maanta .
Golayaasha Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay inaysan Soomaaliya ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah Sannadka 2016-ka, Laakiin ay Dowladda FS iyo maamul-goboleedy adu ka tashan doonaan Doorashada dhacaysa sannadka soo socda.
Ugu dambeyn, Shirka Wadatashiga doorashooyin dalka ka dhaca 2016-ka ayaa looga hadli doonaa Qodobbo ay ka mid yihiin; Nooca ay noqon doonto Doorashada Dalka ka dhacaysa 2016-ka iyo Arrimo kale oo la Xiriira Hiigsiga Soomaaliya ee Sannadka 2016-ka
WASIIR CAYNTE: WAXAA WADNAA SIDII DALKU U YEELAN LAHAA QORSHE DHANKA DHAQAALAHA AH
Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Somalia, C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali [Caynte] ayaa Shaaciyay shalay inay wadaan Qorshayaal lagu Horumarinayo dhaqaalaha dalka, maadaama dalka uusan 25-kii sano ee lasoo dhaafay lahayn Qorshe dhaqaale oo dagsan.
C/raxmaan Caynte ayaa Sidoo kale ka hadlay Howlaha Wasaaraddiisa Horyaalla Muddada horreysa Sanadka 2016-ka oo howlaha dowladda ay ku egyihiin, markaasoo la filayo inuu dalku galo xilli kala guur ah; ayna dhacdo doorasho, inkastoo aan si rasmi ah Go'aan looga gaarin Doorashada dhacaysa nooca ay noqon doonto.
"Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxa saaran mas’uuliyad ay ugu waaweyn yihiin laba mas’uuliyadood oo kal ah; In dalka ay u sameyso Qorshe Qaran oo Xagga Hor marinta dhaqaalaha ah, maadaama 25-kii sano ee la soo dhaafay aanu dalku lahayn Qorshe Qaran. Seddaxdii Sano ee la soo dhaafay waxaa Qorshe Qaran inoo ahaa New Dealka, isagana ku soc onnay, Marka midda aan doonayno waa in dalku uu yeesho Qorshe Qaran oo marka uu Dhammaado New Deal-ka bisha August ee Sannadka 2106-ka, Qorshahaasoo Shacabkeennu heshiis ku yihiin,” ayuu yiri Caynte.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa intaas ku daray. "Qorshaha kale ee inoo xiga taasna waxa weeye inaan helno Waddooyin, Isbitaallo, Iskuullo, Warashado, Meelo korontada laga dhaliyo, meelo biyaha lagu nadiifiyo, tabartii dhaqaale ee loo baahnaa aanu dalku lahayn hadda. Marka waxaan u baahan nahay in awoodii dhaqaale ee aan heli karno maahane tan kale aan Saaxiibada Soomaaliya aan ka baadi goobno.”
"Mas’uuliyadda Labaad Waxay tahay sidii wixii aan Qoranay ee Qorshaha ahaa aan u raadi nno taageero dhaqaale, dabcan howlo kale ayaa Wasaaradda u dheer oo ay ka mid tahay Anigana iga hor billowday oo ahaa in shacabka Soomaaliyeed tiradooda Qiyaas lagu sameeyo, waana midda aan sii daynay Sahankii Qiyaasta, dood badanna dhaliyay. Hadana waxaa nalaga doonayaan inaan sameyno tirokoob rasmi ah oo shacabka Soomaaliyeed cadadkooda ku saleysan, waayo midii hore qiyaas ayay ahayd, iyana Waajibaadka Wasaaradda u yaalla ayay ka mid tahay,” ayuu mar kale yiri Wasiir C/raxmaan Caynte.
Dhanka kale, mar uu ka hadlayay doorasho dalka ka dhacda ayuu yiri. "Dabcan Mas’uuliyadda Dalka oo dhan taalla weey taas; lakiinse waxa ugu muhiimsan oo hadda Dastuuriyan noo yaalla waa in laga shaqeeyo in dalka uu ka dhaco tartan doorasho ah sannadka 2016-ka, Sida la ogyahayna Muddada Dastuuriga ah ee Dowladan waxay ku egtahay Ogoosto, 2016-ka, markii xilligaa la dhaafo wixii ka dambeeya waxaa loo baahnaan doonaa in umadda Soomaaliyeed ay doortaan ciddii xukumi lahayd, balse qaabka lagu soo dooran lahaa weli lama caddeyn; howsheediina waa lagu jiraa, waana in dowladda oo shacabka oo dhan ay si guud uga tashadaan arrintan; halkaasna ay kasoo baxdo hanaankii doorasho ay ku dhici lahayd marka la gaaro 2016-ka.”
Wasiirka oo la weydiiyay su’aal ahayd in 2016-ka ay soo dhawdahay, iyadoo la sheegay in dal ka aysan doorasho Qof iyo Cod ah ka dhici karin, marka sided ayay kuula muuqataa in doorasho ay dalka ka dhici karto, isagoo ku jawaabay.
"Runtii Arrinta ku saabsan doorashada 2016-ka, Dowladda Soomaaliya, maamullada kale ee Dalka ka jira iyo Beesha Caalamka mabda’ ayay ku heshiiyeen, waxaana ka mid ah in loo baahan yahay Qaabka doorashada u dhacayso sannadka 2016-ka inuu noqdo mid ummadda Soomaaliyeed ay taladeeda yeelato oo aanay Dowladdu keliya ku ekaan, Waxaana Bishan 20-keeda oo Berri ah dhici doona kulan wadatashi ah oo ballaaran kaasoo ay ka qaybgaeli doonaan dhammaan maamullada dalka ka jira iyo madaxda dowladda Soomaaliya, si go’aan looga gaaro doorashada qaabka ay ku dhici doonto.”Ugu dambeyn, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalmaiga ah ee Somalia, C/raxmaan Caynte ayaa wareysigan oo dhinacyo badan taabanayay siiyay Radio Goobjoog oo ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho.
HAWEEN LAGA MASAAFURIYAY MAGAALADA KISMAAYO
Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa 70 Haween ah ka masaafuriyay Magaalada Kismaayo ee xar-unta Gobolka Jubbada Hoose.
Haweenkaan ayaa loo Masaafuriyay deegaanka Buulogaduud ee duleedka Magaalada Kismaayo , iyadoona lagu wado in looga sii masaafuriyo halkaas deegaanadaAl Shabaab ay ku sugan yihiin.
Dumarkaan ayaa la soo qab qabtay kadib howl gallo Ciidamada Maamulka Jubba ka sameeye en Magaalada Kismaayo Howl galladaas oo ka dambeeyay qarax Ciidamada Maamulka Jubba lagula eegtay Magaalada Kismaayo.
Saraakiisha Maamulka Jubba ayaa ku eedeeyay haweenkani in ay yihiin Xaasaska xubno ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.
Dhinaca kale Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubba ayaa Askari kale oo isla maamul kaas ka tirsan ku dilay Magaalada Kismaayo.
Kismaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal amni xumi iyadoona maalin ka hor Ciidamada Maamulka Jubba lagu eedeeyay in dil wadareed ay kula kaceen dad shacab ahaa.
GUDDOOMIYIHII GOBOLKA MUDUG EE MAAMULKA PUNTLAND OO ISCASILAY
Wararka aan ka heleyno Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudugayaa ku soo waramaya in shalay uu is casilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug Yuusuf Max’ed Waceys ee Maamulka Puntland.
Guddoomiyaha oo qadka Taleefanka ay kula xiriirtay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqd isho ayaa xaqiijiyay iscasilaadiisa isagoo tilmaamay in istiqaaladiisa uu ugudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo shalay u soo safray Magaalada Muqdisho.
Iscasilaadda guddoomiyaha Gobolka Mudug sida uu isagu u sheegay Warbaahinta wada sha qeyn la’aan daashatay maamulkiisa iyo kan sare ee Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale shalay waxaa gadood sameeyay Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa ku sugan deefaanka Xaafuun ee maamulkaas oo la sheegay in ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo deegaanka ku yaalla.
Hayeeshee saraakiisha Ciidamadaasi gadooday oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan wax dhib ah wadin hayeeshee ay ka gadoodeen mushaar la’aan hareysay Ciidamadaasi.
WASIIR FARGEETI: SI CANSHUURAHA LOO XOOJIYO WAXAAN ISKU KEENAYNAA DOWLADDA & MAAMULADA
Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Maxamed Aaden Ibraahim [Farkeeti] oo darraad ka Qayb-galay kulanka Jimcaha ee Raadiyaha Afka Dowladda Soomaaliya ku hadla ayaa si faahfaahsan uga hadlay dib u eegistaMiisaaniyadda Sannadkan 2015-ka, canshuuraha, Qaabka dakhligu u soo xaroodo, dhibaatooyinka haysta badeecooyinka ka taga Muqdisho, Mushaarka Ciidanka iyo Qorshaha ku aadan isku xirka canshuuraha dalka.
Wasiirka oo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisu ay su’aalaha si toos uga soo weydiinayeen khadadka telefoonada, Facebook iyo Twitte-kar, ayaa si faaf-aahsan bulshaweynta Soomaaliyeed ugu waramay caqabadaha dhaqaale ee dalka ka jira iyo in shalay mu hiimad gaar ah u leedahay in umadda Soomaaliyeed la fahanysiiyo fa’iidada ay canshuurtu u leedahay horumarka dalka.
"Waxaan dhibaatada dhaqaale sabab u ah qoondadii aan ka sugaynay deeq bixiyayaasha oo aan si wanaagsan u soo xaroonin, taasina waxay sababtay inaan dib u eegis ku samayno misaan iyadda 2015, waxaana ka dhinay 40 milyan oo Dollar. Meelaha aan dhimtaanka ku samaynay waxaa ka mid ah mushaaraadka ciidamada oo makrii hore qaarkood heli jireen laba mushaar, waxaana hada ku soo koobnay inay isku xuquuq noqdaan, waxaana dhawaan bilaabayna inaan siino mushaar dkooda, hadda ka dibna bilkasta waxaan bixinaynaa laba bilood mushaarkood si sanadkaan dham aadkiisa aan u bixino dhamaan mushaaraadka ciidamada oo noo leh mudnaanta koowaad, waxaa sidoo kale aan dhinay kharashaadkii dowladda, waxaana noo qorshaysan in misaaniyadda sanadka 2016 oo aan hadda bilownay wada tashigeedu iney noqoto mid ku tiirsan dakhliga dowalada, anagoona balaarinaynaa wada tashiga ku aadan diyaarinteeda” ayuu yiri wasiir Farkeeti
Wasiirka ayaa sidoo kale aad uga hadlay canshuuraha is bar bar yaaca ah ee laga qaado shacabka, kuwaas oo qaarkood loo aaneeyey Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna Wasiirku sheegay in Wasaaraddu ay ogtahay oo kaliya canshuurta lagu qaado boonada Xafiiska Xisaabiyaha Guud, wixii intaas ka soo harana aysan wasaaradu wax shaqo ah ku lahayn.
"Cabashooyin badan ayaa ka taagan canshuuraha, wayahaan danabana aad ayeey u bateen dadka qaabka khaldan u qaada canshuuraha, ilaa iyo hada waxaan ogahay canshuurta uu qaado gobolka iyo mida wasaaradu qaado, waxaana degmo kasta ku yaala xafiis ay leedahay wasaaradda maaliyaddu, qof kasta oo si khaldan canshuur looga qaado waa inuu la xariiro xafiiskaas si loo hubiyo canshuurta laga qaaday iney sax tahay iyo in kale”
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in waasaradu ay wado qorshe ay isugu keenayso Maamul Goboleedyada dalka si loo mideeyo canshuuraha dalka, taas oo looga gol leeyahay in canshuuraha hada laga qaado ilaha dhaqaalaha in loo badalo hab Tariifo ku salaysan.
"Canshuurta laga qaadayo ilaha dhaqaalaha dalka, marka hore waa in laga heshiiyo siya asadda, lagana wada qayb qaato sugida amniga, maamul goboleedyada dalka ka jira waxay gacma ha kula jiraan shaqooyin badan oo dowladda federaalka ah leedahay, si arrimahaas loo saxana waa in si guud loo dhaqan galiyaa nidaamka federaalka ah, lana qeexaaa awoodaha ay kala leeyihiin maa mul goboleedyada iyo dowaladda dhexe. Dhanka kale baaritaan aan samaynay ayaan ku ogaanay in badeecooyinka ka soo daga dekedda Muqdisho ay qabaan dhibaatoyin gooni ah iyo culaysyo dhanka canshuuraha marka badeecooyinkaas loo raro gobolada iyo dalalka dariska ah waxaa dhacada in Isbaaroyin tiro badan looga qaado canshuur siyaado ah” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.
Ugu danabyn, Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay sanadkii hore ay bilowday qaadida can shuuraha barriga. "bur burka dalka soo gaaray awgiis dadku waaba iloobeen in canshuur layska rabo, si doorkaas loo soo celiyo waxaan sanad ka hor bilownay qaadista canshuuraha barriga, ujeed ka laga leeyahayna waa in marka ugu horaysa la fahamsiiyo shacabka in ay canshuur ku waajibtay, si loogu qabto adeegyada asaasiga u ah bulshada, waxaana ilaa hadda ay canshuurahaas ku socd aan hab ku dhisan xaal mastuur, madaama looga gol leeyahay in dadka la baro nidaamka canshuur aha oo ay shalay ka fahansan yihiin oo kaliya in marka ay wax soo degsadaan laga rabo canshuur”
RASHID BIN MAXAMED BIN RASHID AL MAKHTOUM OO SHALAY KU GEERIYOODAY MAGAALADA DUBAY
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA SEPTEMBAR 2015-KA
WASIIR MAAREEYE "UMMADDA SOOMAALIYEED HA IS CAFIYEEN MEELKASTA OO AY JOOGAAN" Kulankan oo u jeedkiisu ahaa in Soomaalidu ay is cafiso, isla markaana ay soo qaban qaab isay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soom