Iska-horimaad Maalintii 2-aad galay oo ka socda deegaan Buq-goosaar ee Galbeedka G/Hiiraan

0
Friday January 01, 2016 - 20:31:29 in Wararka by
  • Visits: 907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska-horimaad Maalintii 2-aad galay oo ka socda deegaan Buq-goosaar ee Galbeedka G/Hiiraan

    Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Buq-goosaar ee galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne, ayaa sheegaya in halkaa maalintii labaad uu dagaal ku dhamarayo maleeshiyaad ka kala tirsan beellaha Gaaljecel iyo Jajeelle oo dhawaan siddan oo kale ku dag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Buq-goosaar ee galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne, ayaa sheegaya in halkaa maalintii labaad uu dagaal ku dhamarayo maleeshiyaad ka kala tirsan beellaha Gaaljecel iyo Jajeelle oo dhawaan siddan oo kale ku dagaalamay xaafadda Howl-wadaag ee degmada Beledweyne.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid culus uu ku baahay dhul ballaaran oo ka tirsan deegaanka Buq-goosaar, islamarkaana sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Lama oga illaa hadda sababta ka dhalisay dagaalkaan mar kale kasoo dhax cusboonaaday labada beelood, madaama dhawaan degmada Beledweyne lagu soo gunaanaday heshiis ay kala saxiixdeen waxgaradka labada dhinac.

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo marar badan kala dhax-gallay labad beelood ayaa sheegaya in aysan u sahlaneyn tagista deegaannada lagu dirirayo oo siweyn uga durugsan magaalada Beledweyne,.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip