WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIEMS DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 19-KA -KA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Saturday September 19, 2015 - 14:03:01 in Wararka by
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIEMS DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 19-KA -KA SEPTEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA "QABSASHADA ALSHABAAB EE DEEGAANADA YAR YAR WAX MACNO AH MA LAHAN" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u qabsashada AlShabaab ay dib u qabsatay deegaanno ku yaaalla koonfurta Soomaaliya aanay wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA "QABSASHADA ALSHABAAB EE DEEGAANADA YAR YAR WAX MACNO AH MA LAHAN" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u qabsashada AlShabaab ay dib u qabsatay deegaanno ku yaaalla koonfurta Soomaaliya aanay wax macno ah ku fadhin. Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siinayay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay in aanay jirin calaamad muujineysa in AlShabaab ay dib u soo noolaaneyso.
"AMISOM iyo Ciidamadeena Soomaaliya ayaa ka xoreeyay AlShabaab inta badan magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya oo ah meelaha istiraatiijiga ah, wax macno ah ma soo kordhineyso "ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaanada yar yar ee AlShabaab la wareegeen aanay aheyn kuwi Istiraatiiji ah

Madaxweynaha ayaa diiday in AlShabaab ay awood u leeyihiin inay xilligan Badda isticmaalaan, si ay hubka isugu gudbiyaan.

Hase ahaatee AlShabaab ayaa gacanta ku haya magaalo xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaasoo caan ku aheyd afduubka kooxaha burcad badeedka.

"AlShabaab waa lumiyeen wax walba, mana lahan awood ay dib isugu soo abaabuli karaan, waana tabar dareeyeen”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha.

Diblomaasiyiinta reer galbeedka ayaa aaminsan in awoodii AlShabaab loo wiiqay si tartiib tartiib ah, laakiin weli ay jirto hanjabaado halis ku ah Ammaanka iyo horumarka Soomaaliya.AlShabaab ayaa deegaanadii u dambeeyay ee ay la wareegeen waxaa ka mid ah deegaanka Janaale oo ay isaga baxeen AMISOM, halkaasoo horaantii bishan ay weerar ku qaadeen xero ay degenaayeen Ciidamada Uganda.

SHIRKAD LAGA LEEYAHAY HINDIYA OO WAR SHAD SOKOR KA DHISEYSA MAGAALADA JOWHAR

Wafdi uu horkacayo wasiiru dowlaha wasaarada Warshadaha iyo Ganacsiga Maxamed Xasan Aadan ayna ka mid ahaayeen injineero ka socday shirkad laga leeyahay dalka Hindiya ayaa booqday magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhexe.

Xubnaha wafdigan ayaa xarunta maamulka gobolka Sh/dhexe ku qaabilay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulahi Xuseen waxana ay ka wadahadleen sidii maalgashi ay loogu sameysan lahaa gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa ka warbixiyay xaalada gobolka isagoo u sheegay wafdiga in gobolka uu ammaan yahay ayna ka fahmi karaan safarkii lugta ahaa ee ay magaalada Muqdisho ugaga soo baxeen kuna soo gaareen magaalada Jowhar.

"Shacabka gobolka waxa uu u baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo gobolka oo caan ku ah warshadaha iyo wax soo saarka beeraha maamulkuna wuu soo dhoweynayaa shirkadaha maalgashi ku samaysanaya gobolka.”ayuu yiri guddoomiye Guudlaawe oo ka hadlayay shir jaraaid oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka.

Wasiiru dowlaha wasaarada warshadaha iyo ganacsiga Mudane Maxamed Xasan Aadan ayaa sheegay in gobolka Sh/dhexe uu yahay gobol dabooli kara baahida dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ay u qabaan inay fursado shaqo helaan maadaama gobolka uu caan ku yahay wax soo saarka beeraha iyo warshadaha.

"Waxaan soo booqanay warshadii ugu horeysay ee Soomaliya laga dhisay iyo dhul beereed ballaaran oo laga faa’ideysan karo, dowladuna waa ay ku dadaali doontaa sidii maalgashi loogu sameyn lahaa gobolkan.”ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaarada Warshadaha iyo ganacsiga.

Sidoo kale waxaa shirka jaraa’id ka hadlay injineer ka socday shirkad caan ka ah dalka Hindiya oo leh warshado soo saara sokorta. Inj Vijay Kumar waxa uu sheegay in shirkadiisu ay diyaar u tahay in ay ka dhisto warshad sokor gobolka Sh/dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar ayna sidoo kale maalgashi ku sameysan doonaan dhinaca beeraha.

"Annagoo ka helayna kaalmo dowlada Soomaaliya waxaan ka dhisi doonaa warshad sokor magaalada Jowhar, shirkadeena waxaa ay hore uga soo dhistay warshado sokor dalalka Sudan iyo Burkano Faso,”ayuu yiri Inj Vijay Kumar.

Wafdigan ayaa soo booqday halkii ay ka dhisneyd warshadii hore ee sokorta SNAI,beerihii warshada,warshada dharka ee Balcad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Jowhar ay ka kooban tahay.

Gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa kahor sanadkii 1991kii ka dhisnaa warshado ay kamid yihiin warshada sokorta SNAI, warshada dharka ee Balcad iyo warshada bariiska ee Baaroweyne ee ku tiil duleedka magaalada Jowhar.

Warshadahan ayaa waxa ay ku burbureen dagaaladii sokeeye balse waxaa ka badbaaday warshadii dharka ee Balcad oo qeybo kamid ah weli ay howl gali karaan.

SARAAKIL UNKAKA SOCOTA IYO AMISOM OO GAARAY MAGAALADA CEELBUUR

Diyaarad qaas ah oo siday Saraakiil UNka ka socota iyo kuwa Amisom ah ayaa goor dhow ka dagatay Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud halkaasoo ciidamo itoobiyaan ahi maamulaan.

Wararka wafdigaan ku saabsan ayaa sheegaya inay gudaha Magaalada kulan kula qaadayanaan shalay Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Dowlada Soomaaliya ee ceelbuur iyo saraakiisha Itoobiyaanka.

Xaalada amni ee Magaaladaasi ayaa la sheegay inay ka hadli doonaan labada dhinac walina wax war ah kama soo bixin.

Magaalada Ceelbuur waxay ka mid tahay magaalooyinkii ugu waa weynaa ee alshabaab mudo ka maamulayeen Galgaduud walow dhawaan Itoobiyaanku ka saareen.

ALSHABAAB OO LAGALA WAREEGAY DEGAANKA YAAQBARI WEYNE

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen Degaanka Yaaqbari weyne ee Gobolka Shabellaha Hoose,kaas oo shalay subaxdii Alshabaab ay kala waregeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dolwadda Soomaaliya.

Guddomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dolwadda ay dib u qabsadeen Degaanka Yaaqbari weyne.

Saaka ayaa Degaanka waxaa ka dhacay Dagaal Xooggan ka dib Markii Weerar Qorsheysan ay Alshabaab ku soo qaadeen Degaankaas,kuwaas oo ay u sooro gashay in ay Gacanta ku dhigaan.

Sidoo kale waxaa jira in Dadkii Shacabka ahaa ee Degaanka ku noolaa ay intooda badan ka barakaceen Degaanka,kuwas oo ka cabsi qaba in lagu dul Dagaalamo.

MADAXWEYNAHA MAREYKANKA OO WARAAQAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE SOMALIYA

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo waxa uu ka guddoomay Danjiraha Somaliya u fadhin doono Magaalada Washington Ee Xarunta Wadanka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu Khamiistii ku qaabilay Aqalka Cad (White House), iyadoona uu kaga guddoomay waraaqahiisa safiirnimo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sanadkan magacaabay Danjiraha, ka dib markii Danjirihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, uu noqday Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, dhammaadka sanadkii hore.

Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa waxay Madaxweynaha Mareykanka ka wada hadleen arrimaha labada dal, isagoona gaarsiiyay dhambaal uu kaga waday dhigiisa Somaliya.

Obama oo waraaqaha ka guddoomay Safiirka Somaliya

Safiir Cawad oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay Madaxweynaha Mareykanka in uu daneynayo arrimaha dalka Somaliya, gaar ahaan inay soo hagaagto nabadgelyo Somaliya, sida uu yiri.

Barack Obama, ayaa Khamiistii waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay 17 xubnood oo safiiro ah, kuwaa oo dalalkooda u fadhin doona Xarunta Mareykanka Ee Magaalada Washington.

MAXKAMADA CIIDAMADA MAAMULKA JUBB ALAND OO DIL TOOGASHO AH KU FULISAY 7 ASKARI

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in maxkamada ciidamada ee maamulka Jubba ay xukun dil ah ku fulisay 7 askari oo la sheegay in ay dileen labo ruux oo rayid ah.

Ciidamadan dilka lagu fuliyay ayaa ka mid ahaa toban askari oo loo soo qabqabtay inay dilka geysteen shalay duleedka magaalada Kismaayo. Askarta lagu fuliyay falka dilka ah ayaa la sheegay in ay ka tirsanayeen ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland

Guddoomiye kuxigeenka maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqey in 7 kamid ah ciidamada daraawiishta uu xukunkoodu yahay dil toogasho ah, halka saddex askari oo lagu cadeyn waayay in rasaas ay fureen lagu xukumay min saddex sano oo xarig ah,

Waa markii ugu horeysey ee ay maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Jubbaland ku fuliso tiro intaas dhan oo xukun qisaaseed ah ayada oo uu guddoomiye kuxigeenka maxkamaddu kaga dhawaaqey in askari kasta oo dil si bareer ah u geysta kana tirsan ciidamada Jubbaland sidaas si lamid ah loo qisaasi doono iyada oo la marinayo sharciga islaamka iyo sharciga dastuuriga ee maxkamadeed ee u degan Jubbaland.

XUKUUMADA SOOMAALIYA OO SHARCIGA LA TIIGSANEYSA DADKA LACAGA BEEN ABUURKA SAMEEYA

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Lacago been abuur ah ay soo galeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya,islamarkaana ay ka hortagayaan.

Wuxuu sheegay Wasiirka Maaliyada ineysan aqbali dooni Lacago been abuur ah oo dalka Soomaaliya gaar ahaan,magaalada Muqdisho,isagoona carabka ku adkeeyay iney qaadanayaan Talaabo ka dhan ah arintaasi.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa xusay in Maamulada dalka lagula Xisaabtami doono isticmaalka Lacagaha been abuurka ah,Sidoo kale Max'ed Aadan Ibraahim fargeedi ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumada Baaritaan dhab ah ku sameyn doonto halka laga keenay Lacagahan Been abuurka ah.

Hadalkaan ayuu Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ka sheegay Xilli uu shalay ka qeyb galayay Barnaamijka ka baxayay Warbaahinta ku Hadasha Afka Dowlada.

HAY’ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA DOWLADDA OO SHEEGTAY KOOXO LA SHAQEYSA MAGAFE INAY DALKA KA JIRAAN

Markii ugu horeysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka Somaliya ayaa cadeysay inay jiraan dad la shaqeeya nin Somalida ay u bixiyeen magaca Magafe oo ku sugan dalka Libya, kaasi oo qafaasha dadka tahriibka ah, kadibna lacag madax furasho ah ku sii daaya.

Jeneral C/laahi Gaafow Maxamuud oo ah Taliyaha Hogaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha, ayaa sheegay inay ka war hayaan dadka la shaqeeya Magafe ee ku sugan dalka, wuxuuna sheegay inay ku daba jiraan dadkaasi sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Gaafoow inkastoo uusan sheegin dalka meesha ay ka joogaan dadkaan Magafe la shaqeeya, laakin wuxuu xaqiijiyay jiritaanka dadkaasi.

Sidoo kale Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Somaliya, ayaa uga digay waalidiinta Somaliyed inaysan caruurta Tahriibka u dirin, maadaama qatar badan lagala kulmo tahriibka.

"Horta tahriibka waa la soo yareeyay waxaa la rabaa marka waalidiinta iney gacan ka geystaan in ilmahooda aysan u ogolaan ma gefayaasha, markii Liibiya lagu qabsado ilmahooda waa ay wel welayaan.” Ayuu yiri Jenaraal Gaafoow.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya, xilli ay jirto hadal hayn badan oo ku saabsan Koox la shaqeysa Magafe inay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada Somaliyeed ayaa si weyn u dareensan dhibaatada uu leeyahay Tahriibka iyo qatarta adag ee lagala kulmo, hadana kuma tusaalo qaataan dhacdooyinka maalin waliba taagan ee tahriibka lagala kulmo.

HAWEENEY HABEEN HORE SAYGEEDA KU DISHAY XAAFADDA KOOSHIN EE MAGAALADA BALADWEYNE

Mid ka mid ah haweenka ku dhaqan Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxay habeen hore ku dishay Magaaladaasi saygeedii, ka dib khilaaf ka dhex taagnaa maalmihii la soo dhaafay.

Dhacdadan, ayaa ka dhacday Xaafadda Kooshin, iyadoo haweeneydu ay dilka saygeeda u adeegsatay toorey/mindi, waxayna kaga dhuftay qaybaha kore ee jirkiisa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdi Aadan, ayaa daqiiqado ka dib ugu geeriyooday hoygiisa, markii tooreyda ay kaga dhacday meel halis ah.

Ciidanka Booliska Magaalada Baladweyne oo ku baxay hoyga uu dilku ka dhacay, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeneydaasi, oo xilligan su’aalo lagu weydiinayo Xarumaha Boolisku ku lee yihiin Magaalada.

Cabdalla Cumar Jeelow oo ka mid ah dadka degan Magaalada Baladweyne, ayaa sheegay dhacdadaasi inay ahayd mid ay ka wada naxeen bulshada reer Baladweyne.

Jeelow, ayaa sheegay haweeneyda dilka gaystay in maalmihii ugu dambeysay uu khilaaf soo kala dhexgalay saygeeda, ka dib markii ay isu qabteen arrimo uun la xiriira qoyska.

Baladweyne waxaa si weyn looga hadalhayaa dilkaasi, iyadoona ay dadku isla dhex marayan dilka ay gaysatay haweeneydu.

C/KARIIN XUSEEN GUULEED OO TABABAR U FURAY CIIDAMO KA MID NOQONAYA MAAMULKIISA

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay xero ku taalo duleedka magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug tababar ugu furay ciidamo ka mid noqonaya Maamulkaasi.

Ciidamo ka badan 300,ayaa ka mid noqonaya Ciidamo la doonayo iney sugaan amaanka deegaanada maamulka Galmudug,waxaana ciidamadaasi si rasmi ah ugu furmay tababarkaasi.

Tababarkan ayaa looga Furay Xerada Kulmiye ee ku taala Duleedka Magaalada Cadaado waxaana munaasabadii furitaanka ka qeyb galay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha GalmudugC/Kariin Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah maamulaasi.

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo La hadlay Ciidamada shalay tababarka loo furay ayaa kula dardaarmay in si wanaagsan uga faa’ideystaan tababar si ay iyagana ugu sii faa’ideyaan dad kale ee aan fursadaan helin.

Sidoo kale,madaxweynaha ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in la helo Ciidamo dhisan oo suga amaanka deegaanada Hoos yimaada maamulka Galmudug.

ALJAZEERA OO BAAHISAY IN SOOMAALIYA AY DIB UGU LAABANAYAAN XAYAWAANADKII U QAXAY DALKA KENYA.

Ka dib hawlgal ciidamada Kenya ay bilaabeen gudaha dalkaasi, gaar ahaan keynta loo yaqaano Boni oo looga shaki qabo in dagaalyahano Alshabaab ah ay ku dhuumaaleysanayaan ayaa waxaa gudaha Jubbada Hoose lagu arkay ugaadh horey uga suushey dalka.

Sida uu taleefishinka Aljazeera u sheegey Faarax Heybe, guddoomiyaha degmada Badhaadhe waxaa markii ugu horeysey ay dadka deegaanka arkayaan geri, maroodi, goroyo, shabeelo iyo xayawaano kale .

"Dadka deegaanka waxaan u sheegney in ay sharci darro tahay in la waxyeeleeyo xayawaankaasi, haddii ay taasi dhacdana waa dambi” ayuu yiri guddoomiyaha.

Gudaha Soomaaliya ayaa hadda noqotey meel nabdoon oo ugaadha aysan maqleynin dhawaqa rasaas badan, aysana jirin wax ugaadhsanaya.

MAXAY TAHAY SABABTA UU DR GAAS U AQBALAY JIRITAANKA GALMUDUG, XOG MUHIIM AH OO AAN HELNAY

Xog la helay kulankii madaxweynaha Puntland uu la qaatey madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka ee ka dhacey magaalada Kismayo ayaa sheegaya inuu aqabley inuu heshiis la qaato madaxweynaha maamulka Galmudug iyo dowlada Federalka.

Xogataan ayaa sheegeysa in beesha caalamka cadaadis ku saartey madaxweyne Gaas inuu aqoonsado maamulka dhowaan laga dhisey gobolada dhexe ee Somalia, madaama aan loo baahneyn iney caqabad ku noqoto khilaafkaan kulamada laga yeelanyo wadahadalada laga galayo higsiga 2016.

Magaalada Galkacayo ayaa madaxweyne Gaas waxaa uu ka wada wadahadalo uu la leeyahay qaybaha kal duwan ee buslhada Gobolka Mudug iyo Barlamanka kuwasoo ku qancinayo sidii uu uga qayb gali lahaa kulamada dhowaan laga yeelanayo arrimaha Somalia.

Barlamanka Puntland oo horey kulamo uga yeeshey arrimaha Somalia ayaa diidey inuu aqoonsado maamulka cusub ee Galmudug isagoo shuruud uga dhigey dowlada Federaalka in gobolka Mudug laga saaro.

Xogtaan ayaa xuseysa dhinaca kale in madaxweyne Gaas inta uu kasoo noqdey magaalada Kismayo uu kulamo gaar ah la qaatey Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo iminka ku sugan magaalada Galkacayo.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo warsaxafeed ku qabtey magaalada Galkacyo markii uu kasoo noqdey magaalada Kismaayo ayaan saxaafada iyo shacabka Puntland u sheegin go’aamada balan qaadka uu kasoo sameeyey magaalada Kismayo iyo ka qayb galka kulamada ka dhacaya Muqdisho.

GUDDOOMIYE KU XIGEENKA 2AAD EE BAA RLAMAANKA OO LA KULMAY XUBNO KA TIRSAN HAWEENKA KU DHAQAN GAALKACYO

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo islamarkaana seddexdii cisho ee lasoo dhaafay ku sugnaa xaafadda Dahraan ayaa shalay la kulmay Haweenka ku dhaqan xaafaddaasi iyo xaafadaha ku dhow dhow.

Kulankan oo ka dhacay hooyga uu Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka degen yahay xaafadda Dahraan ee magaalada Gaalkacyo ayaa xubnaha Haweenka ah ee kasoo qeybgalay waxay uga mahad celiyeen sida uu fursad ugu siiyey guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka in uu fikirkooda dhageysto iyo in uu indhihiisa ku arko xaaladaha hormarka ah ee ka jira deegaannada iyo degmooyinka gobolka Mudug iyo in baahida ka jirta deegaanka uu wax ka qabto, sidoo kalena tixo bunaanburro ah oo isugu jiray duco iyo bogaadin ayey Haweenku goobta kasoo jeediyeen.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad u jeediyey Haweenka kulanka kasoo qeybgalay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dadka ku dhaqan gobolka Mudug iyo Puntland guud ahaan sida ay u soo dhaweeyeen waxaana uu dhanka kale ka hadlay in uu diyaar u yahay in lagala xisaabtammo waxyaabaha uu ka qabtay ballan qaadyadii uu sameeyey safarkii hore uu u yimid Mudug oo ay ka mid ahaayeen in iskuul,xarunta maamulka degmada,saldhiga booliiska laga dhiso degmada Toowfiiq.

Booqashada uu Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku joogo magaalada Gaalkacyo oo hada qaadatay mudo todobaad ah ayaa intii uu joogay waxa uu kulammo la qaatay Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka Puntland,odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

DANJIRAHA SOOMAALIYA EE UGANDA OO SUXUFIYIIN TABABAR UGU SOO XIRAY KAMBALA

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa Suxufiyiin iyo agaasimayaal warbaahineed tababar ugu soo xiray magaalada Kambala.

In ka badan Sodon suxufi oo ay ku jiraan qaar ka mid ah agaasimayaasha warbaahinta dalka ayaa tababar loogu soo xiray Kambala kaasoo lagu qaadanayay casharro la xiriira arrimaha jinsiga iyo sidii warbaahintu ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan laheyd horumarinta dalka.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay tababarkaasi ayaa xusay iney waxyaabihii ay ka kororsadeen tababarka ay gaarsiindoonaan bulshada Soomaaliyeed. "Waxyaabaha naloo soo xushay waxaan u fahamsanahay inaan nahay dhegaha shacabka, indhahooda iyo caqligooda, wixi wanaagsanaa een halkan ku baranayna isbedelaan ku sameynkarnaa haddaan dib u labano” ayuu yiri agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Caddoow.

Ciiidamada Amniga Somaliland oo Xiray Suldaan ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka SOMALILAND

Ciidamada Amniga Somaliland ayaa caawa xabsiga u Raxaabay, Suldaan Mowliid Cali Sabayse oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland.

Booliiska oo sita warqad waaran Qabasho ah oo kasoo baxday Maxkamada ayaa suldaanka ka qabtay guriga Salaadiinta ee xaafadda jig jiga yar magaalada Hargeysa Wakhtigaasoo la sheegay inay ku jireen shirar u gaar ah.Suldaan Xasan Suldaan C/llaahi ayaa Cambaareeyey Xariga Suldaan Sabayse, isagoo sidoo kale ku eedeeyay Xukuumadda Somalialnd inay Cabudhinayso Madaxdhaqameedka.

Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland C/raxmaan Liibaan Fooxle oo horkacayay Ciidanka Suldaanka xiray ayaa sheegay in suldaanka la xiray iyadoon dhib loo gaysan

"Suldaanka waxaanu u gaynay waaran qabasha ah kadibna waa uu na soo raacay, iyada oo aan wax dhiba loogaysan” ayuu yiri C/raxmaan Liibaan Fooxle.Xukuumadda Somaliland ayaa Suldaanka ku eedeysay inuu Warbaahinta ka sheegay Hadal dadka kicinaya, isla markaana abuuri karta Amnixumo.

Si kastaba ha ahaatee, Suldaan Mawliid ayey wararku sheegayaan dagaalkii gacan ka hadal ee dhex maray Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa oo uu xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambayso dagaalkaasi dhex maray labadda masuul, taasina ay keentay xadhiga Suldaanka.

MAAMULKA JUBBALAND OO DIL TOOGASHO KU FULIYAY ASKAR LAGU EEDEEYAY DILKA LABA QOF OO RAYID AHAA

Maamulka Jubbaland ayaa Shalay Toddoba Askari oo ka Tirsan Ciidamada Booliiska Maamulkaas ku Fuliyay Dil Toogasho, kaddib markii ay ku Caddaatay inay dulleedka Magaalada Kismaayo shalay ku dileen laba Ruux oo rayid ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Maamulka Jubbaland, Bashiir Nuur Xareed ayaa ku dhawaaqay xukunka toogashada ah ee Toddobadan Askari lagu Fuliyay Shalay, isagoo sheegay inay qirteen inay dileen laba qof oo rayid ah.

"Askartan Waxay si Cad u Qirteen inay Dulleedka Magaaladan Kismaayo Shalay ku dileen laba Qof oo rayid ah, sidaa awgeed Maxkamaddu Waxay ku Xukuntay Dil toogasho,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale, Bashiir Nuur ayaa xusay in cid walba oo lagu helo inay disho qof shacab ah ay Mudan doonto Xukunkan oo kale, iyadoo Toddobada Askari isla shalay lagu fuliyay dilka Toogashada ah ee lagu Xukumay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland wax faahfaahin ah kama bixin sababta Askartan ay u dileen labada qof ee la sheegay inay shacabka ahaayeen, taasoo ahayd midii sababtay in lagu xukumo dil toogasho; laguna fuliyo isla shalay oo Jimco ah.

Toogashadan Askari ayaa ka dhacday Xeebta Cagadhiig ee Magaalada Kismaayo, iyadoo ay Toogteen Ciidamo ka Tirsan kuwa Jubbaland, iyadoo Goobta Toogashadu ka dhacaysay ay ku sugnaayeen Qaar ka mid ah Saraakiisha sare ee Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale, Maxakamdda Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxay saddex Askari oo kale oo ka tirsan Maamulka Jubbaland ku riday midkiiba saddex sano oo xabsi ah, kuwaas oo la sheegay inay dambiyo galeen. Inkastoo aan dambiga ay galeen la sheegin.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu Horreysay oo Maamulka Jubbaland uu mar Qura ku Fuliyo xukun toogasho oo dil ah toddoba ka mid ah ciidamadiisa, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli Qaraxyo isxigay ay Alshabaab ka geysatay Degmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

MADAXWEYNAYAASHA MAAMUL GOBOLEEDYADA OO LAGU WADO INAY MUQDISHO SOO GAARAAN

Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa Magaalada Muqdisho inay soo gaaraan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira, xilli maalinta Berito ah lagu madalsan yahay Muqdisho in uu ka furmo shirka wadatashiga marxalada looga gudbaayo 2016ka.

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa inay soo gaaraan Magaalada Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada kala ah, Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland, C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay oo durba saaka aroortii Isgoysyada qaar ee Magaalada waxaa la soo daadiyay ciidamo Nabad Suggida ka tirsan, kuwasi oo gaadiidka baaraya.

Sidoo kale waxaa la adkeeyay wadada badi ay isticmaalaan Madaxda Dowlada kolka ay ka dhoofayaan Garoonka Muqdisho, taasi oo ah mida kasoo baxda Madaxtooyada ee Marta Isgoyska Umbulutooriyada, kadibna Dekada sii hormarta, halkaan waxaa la dhigay ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaan Koofi Gaduuda.

Ka sokoow adkeynta ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaa lagu wadaa Magaalada inay soo gaaran Wafuud kala duwan oo shirka ka qaybgalaysa, kuwaasi oo qaarkood ay ka socdaan Beesha caalamka iyo Dowladaha daneeya arimaha dalka Somaliya. Shirkan Berito lagu wado inuu Magaalada Muqdisho ka furmo, ayaa horay waxaa ugu dhawaaqay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Cumar C/rashiid.

Dowladda Somaliya ayaa horay u sheegtay dalka inaysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, balse laga tashanaayo nooca ay noqon doonto Doorashada.

 

TACSI TIRAANYO LEH

Maamaulka Wargeyska Mogadishu Times Marwo.Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto}iyo axsaabta kala ah Dr.Cismaan Axmed Jimcaale Madiino Axmed Jimcaale,,C/Naasir Cali Cumar,C/Qaadir Maaxamed Calsoow {Cals},Muuse Maxamed Cismaan, Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe, C/Fitaax Maxamed Salad {Diyeeshe}, Maxamed Maxamuud Nuureey {Jimcaale}, Aweys Xasan Xuseen {A.Shiino}C/laahi MaxamedSalaada,{Dalle} C/laahi Cumar {Mucjis},Shariif Macallin Maxmed, Najiib Cali Cumar,Sh.Cali Cumar Max amuud,Xaawo Axmed Jimcaale, Khadro C/laahi Cali Hagareey,Maxamed Xasan Xuseen {Anaaleh}, Nasro Cali Cumar, Qaasin Axmed Numcaan,Cabdalla reer Xaaji, Nuur Xasan Gadaamoow,Cabdi Sh.Maxamed,salaam dheere,maxamed jecelow iyo dhammaan qorayaasha iyo tifaaftirayaasha wargeyskada iyodhallinta iibiyayaasha wargeysada Magaalada muqdisho waxaay tacsi u dirayaan qosykii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayMARXUUM MAKARAAN XASAN TOOXOOW oo dorraad ku Geeriyooday magaalada Muqdisho waxayna alle ugu baray ayaan inuu naxariistii janno ugu bishaareeyomarxuumka Qoskii iyo qaraabadii uu ka Ge eriyooday SamIr iyo Iimaan saadaqa ah ka siiyo

Aamiin Aamiin Aamiim

INNAA LILLAAHI WA INAY ILAAHI RAAJICUUN



WARARKA CAALAMKA


Qaramada Midoobay iyo EU oo iska kaasganay dhameynta askareynta Carruurta Soomaaliyeed

Hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruur ee UNICEF,ayaa shaaca ka qaaday iney badbaadisay boqolaal carruur Soomaaliyeed oo ay qoran rabeen Kooxaha hubeysan ka dib markii ay siisay taageero dhaxal gal ah oo ay ku jiraan fursado xirfadeed iyo Waxbarasho sida daryeelka nafsad ahaan iyo mid madadaaleed.

Inta lagu guda jiray mashruuca 15ka bil oo soo bilowday bishii June 2014,ayaa waxaa ka faa’ideystay in ku dhow 401Carruur iyo dhalinyaro isugu jira inta uu socday mashruuca,waxaana ku baxday lacag gaareysa US$1 million oo timid Midowga Yurub.

Intii lagu guda jiray mashruuca 15 bil oo bilaabmay bishii Juun ee 2014, 401 caruurta iyo dhalinyarada ka faa'iideystey ka dib markii maaliyad ah oo US $ 1 milyan oo ka tirsan Midowga Yurub.

Dhalinyaradaan oo isugu jira Hablo iyo Wiilal,ayaa iska diiwaan geliyay Barnaamijka tababarka xirfada,sida Barashada maamulka,farsamada Baabuurta iyo tubooyinka.

Midowga Yurub ayaa taageero caalami siisa xukuumada iyo Shacabka Soomaaliyeed oo mudo ka badan 20sano dagaalo ku soo jiray.

War cusub oo laga soo saaray dhibaat ada Kaneecada ama Malaariyada,

Daraasaad cusub ayaa sheegaysa, in ololaha ka hortaga malariayada ee qaarada Afrika uu ka hortagay ku dhawaad toddobo boqol oo milyan oo jiro tan iyo qarniga bilowgiisii.

Daraasaadka oo ay samaysay Jaamacada Oxford, ayaa heshay in dadka cusub ee cudurka qaada uu kala bar yaraaday.

Laakiin daraasaadka ayaa sheegaysa in tallaalka lagula dagaalamo malariyada inaan wali la ogolaan.

Waxaa jira walaac laga qabo in cudurka uu adkaysi u yeesho daawada muhiimka u ah ee cudurka lagu daweeyo

Saldhig ay leeyihiin ciidamada cirka dalka Pakistan oo la weeraray

Koox hubeysan oo ka tirsan ururka Talibanta Pakistan ayaa caawa xilli saq dhexe ah weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada cirka dalka Pakistan ku leeyihiin meel u dhaw magaalada Peshawar.

Wararku waxay sheegayaan weerarkaas oo saacado badan socday inay ku naf waayeen ciidamo ka tirsan military,ga Pakistan .

Afhayeen dawlada u hadlay ayaa sheegay in saldhiga la weeraray oo la yiraahdo Badabeer oo ay degen yihiin saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada cirka Pakistan inay dileen 5 ka mid ah kooxdii weerarka qaaday.

Afhayeenkaan oo la yiraahdo Caasim Bajwa waxaa uu sheegay in dhankooda ay 2 ka askari kaga geeriyooday weerarkii habeen hore

Golah amanka ee Q,M oo doonaya in lasii daayo madaxda dalka Burkina Faso iyo rabshado ka socda caasimada dalkaas

Xubnaha golaha amaanka ee Q,M ayaa ku baaqay in deg deg loo sii daayo madaxda dalka Burkina Faso oo ay ciidamadu xireen.

Kulan ay xubnaha joogtada ah ee golaha amaanku ku yeesheen magaalada New York ayaa waxaa ay ku sheegeen in xariga madaxda loo geystay uu yahay mid diidan dastuurka wadankaas u yaala waxaana ay sidoo kale ku baaqeen in xaaladda dalkaasi lagu dhameeyo wada hadal.

Dhanka illaa toboneeyo ruux ayaa ku waxyeeloobay rabshad ka dhacday caasimada dalka Burkina Faso ee WoogaDuuga .

Ciidamada afgambiga sameeyay ayaa rasaas nool nool ku furay dad isku soo bax ka sameeyay banaanka madaxtooyada.

Kenya oo macalin la’aan awgeed albaabada isugu dhufatay xarumihii waxbarashada

Dowlada Kenya ayaa amartay in albaabada la isugu dhufto dhammaan xarumaha waxbarashada ay dowlada gacanta ku hayso iyo gaarka loo leeyahay kadib markii ay saameyn ku yeelatay shaqo joojin ay sameeyeen macalimiinta dugsiyaa Kenya.

Hase yeeshee, Wasaarada Waxbarashada dalka Kenya ayaa sheegtay in imtixaanka dugsiyada dhexe iyo kuwa dugsiyada sare ay la qaadi doono. Qoraal loo qeybiyay madaxda waxbarashada dalka Kenya ayaa lagu sheegay in xilliyadii waxbarashada isbedel uu ku yimid gaar ahaan iskuulada gaarka ah iyo kuwa dowladaba.

Warka ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada Kenya ayaa lagu sheegay in fasalka koowaad dugsiga hoose illaa iyo fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe iyo fasalka koowaad ee dugsiga sare illaa iyo fasalka 3aad ee dugsiga sare ay guryahooda aadi doonaan maadaama ay jirto shaqo joojin ay sameeynayaan macalimiinta.

Wasaarada Waxbarashada Kenya ayaa ka codsatay macalimiinta inay ilaaliyaan imtixaanaadka fasalada 8aad iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sare. Ardayda u fariisan doonto imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada dhexe ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 937,467 KCPE halka ardayda fasalka 4aad ee dugsiyada sare lagu sheegay tiradooda 525,802 KCSE.

Macalimiinta dalka Kenya ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin ka dalbaday dowlada inay kordhiso mushaaraadka ay qaataan, hase yeeshee dowlada Kenya ayaa weli ku adkeysanaysa in aysan mushaarka aysan u kordhin karin macalimiinta

Saddex qof oo dumar ah oo lagu xiray Magaalada Mombasa, xilli lala xiriirinaayo Al Shabaab

Saddex qof oo dumar ah, ka gadaal markii Arbacadii laga soo qabtay Deegaanka Mtwapa oo 15km u jirta Magaalada Mombasa.

Xeer Ilaalinta Kenya, ayaa Khamiistii dumarkaasi ku soo eedeysay inay agabyo u wadeen Ururka Al Shabaab, xilli ay ka soo muuqdeen Maxkamadda Magaalada Mombasa.

Maxkamadda, ayaan ku qancin cadaymaha ay soo gudbisay Xeer Ilaalinta, maadaama dumarkaasi ay iska fogeeyen eedeymaha loo soo jeediyay, iskuna sheegeen dad uun ka mid ah bulshada caadiga ah.

Garsooraha Maxkamadda, Diana Mochache, ayaa amartay in xabsiga lagu sii haayo dumarkaasi muddo soddon maalmood ah, si laamaha ammaanka ay baaris dheeraad ah u sameeyan, Xeer Ilaalintuna u soo gudbiso cadaymo lagu qanci karo.

Diana Mochache, ayaa sidoo kale sheegtay inaanu cadayn magaca Sarkaalka baaraya kiiskan xasaasiga ah, loona baahan yahay in magaciisa la soo sheego.

Booliska, ayaa sheegay haweenkaasi in la soo qabtay, xilli uu safarkoodu ku wajahnaa Magaalada Garissa Ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya, si ay uga sii tallaaban Somaliya.Dumarkan oo lagu kala magacaabo Nargis Arafat Gulan, Mwanajuma Mweru Tayari iyo Saumu Ali Athman, ayaa iska fogeeyay in wax xiriir ah ay la lee yihiin Ururka Al Shabaab.

Booliska Kenya, ayaa gacan adag ku wajahaya dadka ku dhaqan Gobolada Xeebta & Waqooyi Bari, iyagoo markaasi sas ka qaba dhinaca Ururka Al Shabaab, oo sanadkii hore sheegay in dagaalkoodii ay u weeciyen dhanka Kenya.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip