Dowladda oo layaabtay hubka laga helay Masaajidka ku yaala Degmada Hodan

0
Thursday December 31, 2015 - 11:43:12 in Wararka by
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo layaabtay hubka laga helay Masaajidka ku yaala Degmada Hodan

    Dowladda Somaliya, ayaa waxaa layaab ku noqotay in hub iyo lacag laga helo Masaajid ku yaala xaafadda Sey Biyaano Ee Degmada Hodan, xilli gelinkii dambe ee Arbacadii ay hawlgal ka sameeyen Ciidamada Dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Somaliya, ayaa waxaa layaab ku noqotay in hub iyo lacag laga helo Masaajid ku yaala xaafadda Sey Biyaano Ee Degmada Hodan, xilli gelinkii dambe ee Arbacadii ay hawlgal ka sameeyen Ciidamada Dowladda. Wasiirka Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Masaajidkan, ayaa sheegay inay layaaban yihiin hubkaasi iyo lacag dhan ($3,950) oo Masaajidka laga soo saaray.

Wasiirka, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay jiraan dad laga soo qab qabtay Masaajidkaasi, oo lala xiriirinaayo ku lug lahaanshaha amaba inay wax ka ogyihiin hubkaasi, isla-markaana ay baaritaano wadaan.

Sidoo kale waxaa uu ka gaabsaday inuu ku hadaaqo cidda iska leh hubkaasi, balse ay weli baaritaano socdaan, isagoona ka gaabsaday in uu ka hordhaco baaritaanadaasi.

Wasiirka, ayaa xusay in Ciidanka Booliska Somaliyeed ay ka hortaggeen hubkaasi, oo sida uu sheegay khatartiisa leh, isla-markaana uu kaga mahadcelinaayo shaqada qaran ee ay qabteen.

Sey BiyaanoSey Biyaano1Sey Biyaano2Sey Biyaano4

Waxaa jira tuhun laga qabo in hubkaasi ay leeyihiin ganacsatada hubka, oo si suuq madow ah hubka ugu iibiya qaybo ka mid ah Degmada Hodan, maadaama la xiray suuqii hubka ee Cirtoogte.

Waa hawlgalkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo laga sameeyo Masaajid ku yaala Degmada Hodan Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho

xigashodhacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip