Shaqaale Caafimaad oo laga Afduubay Degmada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud

0
Thursday December 31, 2015 - 11:33:23 in Wararka by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaale Caafimaad oo laga Afduubay Degmada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud

    Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in lagu afduubay kalkaaliye caafimaad iyo darawal, xilli ay la socdeen gaari kuwa gurmadka deg-degga ah oo marayay dulleedka Bari ee Dhuusa-mareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in lagu afduubay kalkaaliye caafimaad iyo darawal, xilli ay la socdeen gaari kuwa gurmadka deg-degga ah oo marayay dulleedka Bari ee Dhuusa-mareeb.
Shaqaalahan la faduubay ayaa kala ah; Cabdi-kaafi Jabaan oo ka tirsanaa kalkaaliyeyaasha caafimaadka isbitaalka Dhuusa-mareeb iyoYaxye Muxiyadiin oo ahaa darawalkii gaariga gargaarka gurmadka ah waday.

Guddoomiyaha degamada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, Cabdi Xasan Biya-quute oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dableyda afduubka geystay ay ururka Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Sidoo kale, Biya-quute wuxuu hadalkiisa ku daray in ka hor intii aysan afduubin raggan iyo gaariga inay taleefoon ka waceen; iyagoo u sheegay inay yihiin ehel ah oo haweeneey ay ka foolanayso, hase yeeshee markii ambalaasta ay halkaas tagtay ay ugu tageen ragga hubeysan ee afduubka u geystay.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga la afduubay lagu arkay degmada Gal-hareeri ee gobolka Galguduud, balse ma jiraan weli wax oo kasoo baxay xaaladda ay ku sugan yihiin shaqaalahan la afduubay.

Ugu dambeyn, Al-shabaab iyo maamulka degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud ayaan ka hadlin afduubka raggan, iyadoo aysan tani ahayn markii u horreysay oo afduub uu ka dhaco gobolka Galguduud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip