Madaxweynaha: "Nicholas Kay waxaa uu dadaal badan u galey fududeynta hawlaha Qaramada Midoobay ka fulineyso Soomaaliya"

0
Thursday December 31, 2015 - 10:58:36 in Wararka by
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: "Nicholas Kay waxaa uu dadaal badan u galey fududeynta hawlaha Qaramada Midoobay ka fulineyso Soomaaliya"

    Muqdisho, Khamiis-31 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorkii wanaagsanaan ee uu dalka ka geystey Mr Nicholas Kay, Wakiilkii waqtigiisa dhammaaday ee Xoghayaha Guud ee Qaram

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, Khamiis-31 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorkii wanaagsanaan ee uu dalka ka geystey Mr Nicholas Kay, Wakiilkii waqtigiisa dhammaaday ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

"Anigoo ku hadlaya magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaan Mr Kay uga mahad celinayaa hawshii uu dalka ka qabtey muddadii labadii sanno iyo barka ahayd. Waxaa isagoo aan marna ka daalin uu dadaal badan geliyay nabadda iyo xasiloonida, isagoo dusha kala socday hawlihii Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka waddey, isla markaana xil weyn iska saaray in dadaalka beesha caalamka uu noqdo mid si wacan la isugu dubbariday. Waxaan ku bogaadinaynaa kaalintiisa, inagoo aqoonsan, kuna ammaanayna dadaalka uu geliyay Soomaaliya iyo shacabkeeda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

"Waxaan u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan, inagoo ku rajo weyn in xil kasta oo uu qabto uu ku muujin doono dadaal la mid ah tii uu ku bixiyey Soomaaliya’’, ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr Kay waxaa loo magacaabay xilka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya sannadkii 2013. Waxaa beddelaya Mr Michael Keating oo xilka la wareegi doona bisha January, 2016-ka.

---DHAMMAAD---



©2015 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia 1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip