Xildhibaan Jeesow: " Awooda guddiga doorashooyinka dad gaar ah ayaa isku soo koobay".

0
Thursday December 31, 2015 - 10:56:05 in Wararka by
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Jeesow: " Awooda guddiga doorashooyinka dad gaar ah ayaa isku soo koobay".

    Isagoo ka hadlayay Golaha shacabka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayuu daboolka ka qaaday in awooda guddiga doorashooyinka ay dad gaar ah isku soo koobeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isagoo ka hadlayay Golaha shacabka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayuu daboolka ka qaaday in awooda guddiga doorashooyinka ay dad gaar ah isku soo koobeen. Jeesow ayaa tibaaxay in guddiga Madaxa banaan hananka shaqada loogu igmaday ay ka mid ahayd in xittaa ehelkooda aysan ka mid noqoneynin doorashada dalka.

" haatan wax shaqo ah oo guddiga doorashada gacanta ugu jira ma jiraan howlahooda dad aan shaqo ku laheyn ayaa wata oo doonaya in ay isi soo sharraxaan” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa tilmaamay in Guddiga doorashada Madaxa banaan uusan ahayn mid hour u socod ah islamarkaana uu mustaqbalka Soomaaliya uu yahay mid jiis ah maadaama dadkii u xilsaarnaa ay gabeen hooshooda.

Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku soo beegmaya iyadoo Baarlamaanka Federaalku uu kala diray Madasha wadatashiga Qaran iyadoona ay Xildhibaanadu sheegeen in hooshooda ay ku shuqul leeyihiin guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka.

xigasho:-radioshabeelle.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip