Akhriso: Magacyadda Tahriibayaal Somali lagu qabtay Zimbabwe oo la soo masaafurinayo.

0
Thursday December 31, 2015 - 10:38:25 in Wararka by
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Magacyadda Tahriibayaal Somali lagu qabtay Zimbabwe oo la soo masaafurinayo.

    Tahriibayaal Somali ah oo tiradoodu dhan tahay 6 qof ayaa lagu qabtay dalka Zimbabwe, kadib, markii ay si sharci-darro ku galeen dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tahriibayaal Somali ah oo tiradoodu dhan tahay 6 qof ayaa lagu qabtay dalka Zimbabwe, kadib, markii ay si sharci-darro ku galeen dalkaasi. Ilaaladda joogta xuduudka Biyo-dhaca the Victoria Falls Border ee u dhexeeya dalalka Zimbabwe iyo Zambia ayaa la sheegay inay qabteen Muwaadiniinta Soomaalida, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay:- Maxamed Betuna oo 20-jir ah, Xaliimo Saciid oo 20-jir ah, Cismaan Isaaq oo 17 jir ah, C/salaam Nuur oo 17 jir ah, Naciimo C/llaahi oo 16 jir ah iyo Fu’aad Cabdi oo 14-jir ah.

Tahriibayaasha ayaa la hor geeyey Maxkamadda, waxayna qirteen inay si sharci-darro ah ku soo galeen dalka Zimbabwe.

Garsoore Rangarirai Gakanje ayaa Eedeysanayaasha u sheegay inay yihiin dad da’ yar ah oo dalkooda u bahaan yahay, wuxuuna ugu digay inaysan mar kale soo tahriibin.

Waxa uu amar ku bixiyey in loo masaafuriyo dalkooda hooyo ee Somalia.

Qaar ka mid ah Tahriibayaasha ayaa ilmeeyey, markii loo sheegay in dib loogu celinayo dalkooda, waxayna muujiyeen inay dhibaatooyin kaga soo carareen Somalia iyo inay raadinayaan Mustaqbal Fiican.

Xigasho:-Radio Dalsan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip