Dowladda Iiraan oo beenisay in Mad-habta Shiicada ku faafinayeen Soomaaliya

0
Wednesday December 30, 2015 - 11:50:04 in Wararka by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Iiraan oo beenisay in Mad-habta Shiicada ku faafinayeen Soomaaliya

    Dowladda Iiraan ayaa iska fogeysay warar sheegaya in Mad-habta Shiicada inay ku faafinayeen Soomaaliya, kadib markii todobaadkii hore Muqdisho lagu xiray labo nin oo u dhashay Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Iiraan ayaa iska fogeysay warar sheegaya in Mad-habta Shiicada inay ku faafinayeen Soomaaliya, kadib markii todobaadkii hore Muqdisho lagu xiray labo nin oo u dhashay Iiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Xuseen Jaabir Ansaari ayaa heegay in aysan waxba ka jirin wararkaas, isagoo ugu baaqay Xukuumadda inay faah faahin ka bixiyaan xariga labada muwaadin ee Muqdisho ku xiran.

Waxaa uu sheegay in labadaas ruux loo xiray is faham la’aan, isagoo tilmaamay Safaaradda Iiraan ay arrintan toos ugala xiriireen, waxaana uu ugu baaqay dowladda inay sii deyso muwaadiniintaas.

Safaaradda Iiraan ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ka dalbaday dowladda Federaalka in la sii daayo raggaas u xiran hey’adaha ammaanka dowladda.

Hey’adda Nabadsugida Qaranka ayaa sheegay in todobaadkii hore ay Muqdisho ku xireen labo nin Iiraaniyiin ah oo faafinayay Madhabta Shiicada, waxaana labadaas nin oo markii hore sheegay inay yihiin Diblomaasiyiin la ogaaday in aysan aheyn, isla markaana ka diiwaan gashaneyn Wasaaradda Arrimaha Dibadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip