Maamulka Puntland oo maanta Maxkamadeynaya Kaluumeysato ajaaniib ah
Maxkamad ku taal magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ayaa maanta lagu wadaa in la soo taago Labo nin u dhashay dalka Indonesia, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay si sharci darro ah ugu kaluumeysanayeen xeebaha Puntland.
Labada nin oo lagu kala magacaabo Mohli Batiwawa oo ah 46-sano jir ah iyo Eng. Casiis Hermans oo ah 56-jir ayaa ka mid ahaa 14 shaqaale oo laga soo bad baadiyay dooni kaluumeysi ah oo bishii Agosto ku degtay xeebaha Puntland.
Maxkamadda darajada koowaad ayaa horay kiiska labada nin dib u dhigtay, kadib codsi kaga yimid qareenada u doodayay, hase ahaatee waxaa maanta lagu wadaa in arrintooda la soo gaba gabeeyo.
Puntland ayaa labada nin ka reebtay shaqaalihii kale ee la socday doonidaas, waxaana si gaar ah lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen doonida, taasoo wadatay shati kaluumeysi sharci darro ah, isla markaana doonida ay saarneyd kalluun gaaraya 46-tan
Doonida kaluumeysi ee ay wateen ayaa ka diiwaan gishaneyd dalka Yemen, balse waxaa laga lahaa waqooyiga Kuuriya, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Puntland