
Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaano laga qabsaday iyo amisom oo shaacisay inay dileen Sarkaal cadaan ah .
Wararka ka imaanaya degmada Buulo barde ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya oo is garabsanaya inay la wareegeen Degaano hoostaga Degmadaasi , kadib markii ay ka saareen kuwa maleeshiyaadka Al-Shabaab. Ciidamada isla socda ayaa Weerar ku qaaday Fariisimo Al-shabaab ay
ku lahaayeen Degaano hoos yimaadda Magaalada Buulabarde,waxaana halkaa
ka dhashay Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac ah, inksatoo aan la ogeyn inta
ay le eg tahay Khasaaraha labada dhina.
AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in Sargaal Cadaan ah oo ka tirsan Al-shabaab ay Weerarkaasi ku dileen islamarkaana Goobo Muhiim ah ay ka qabsadeen Al-Shabaab.
Dhanka kale Al-Shabaab dhankood wali wax war ah kama soo bixin Dagaalka lagu qaaday ee ka dhacay Degmada Buulabarde Degaanada hoostaga.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaano laga qabsaday iyo amisom oo shaacisay inay dileen Sarkaal cadaan ah .
Wararka ka imaanaya degmada Buulo barde ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya oo is garabsanaya inay la wareegeen Degaano hoostaga Degmadaasi , kadib markii ay ka saareen kuwa maleeshiyaadka Al-Shabaab.