
Hogaamiye ka tirsan Daacish oo lala xiriiriyay weeraradii Paris oo lagu dilay Suuriya
Charaffe al Mouadan ayaa lagu dilay duqeyn ay fulisay diyaarad Drone ah 24-kii bishan, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Milateriga Mareykanka Col. Steve Warren oo fadhigiisu yahay Baqdaad.
Ninkan oo u dhashay Faransiiska ayaa la sheegay inuu ku lug lahaa weeraradii Paris ee dhacay 13-kii bishii November, sidoo kale waxaa uu xiriir dhow la lahaa Abdelhamid Abaaoud oo lagu dilay howl gal Booliska Faransiiska ka fuliyeen duleedka Paris, maalmo kadib weeraradii dhacay.
Afhayeenka Ciidamada Milateriga Mareykanka ayaa sheegay al-Mouadan uu xiriir toos ah kala dhaxeeyay Abdelhamid Abaaoud.
Sidoo kale waxaa uu ninkan saaxibo dhow ay ahaayeen Samy Amimour oo ka mid ahaa raggii fuliyay weeraradii Paris, gaar ahaan weerarkii lagu qaaday Tiyaatarka Bataclan.
Tani ayaa ku soo beegmeysa maalin kadib markii Ciidamada Ciraaq ay la wareegeen magaalada Ramadi.
Weeraradii Paris ka dhacay oo ay Mas’uuliyadeeda sheegatay Daacish waxaa ku dhintay 130-ruux, waxaana weeraradaas isugu jireen qaraxyo ismiidaamin iyo toogasho toos ah.
Hogaamiye ka tirsan Daacish oo lala xiriiriyay weeraradii Paris oo lagu dilay Suuriya
Hogaamiye ka tirsan Ururka Daacish oo si toos ah loola xiriiriyay maskaxdii ka dambeysay weeraradii Paris ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday Suuriya, sida ay xaqiijisay Pentagon-ka Mareykanka.