
Cawaale Aadan: "Waxaan weli raadineynaa qarankii Soomaaliya, ma kareyno Qaran labaad oo burbura"
Cawaale Aadan oo ka mid ah fannaaniinta caanka ah ayaa fariin culus ka soo saaray dhacdooyinkii dalka Jabuuti ee geystay qasaaraha dadka rayidka ah, isagoona sheegay in dad aan waxba galabsan oo birima geydo ah sida caruur iyo waaxyeel, madax horay xilal uga soo qabatay lagu waxyeeleeyay. Fannaanka oo degan magaalada Toronto ee wadanka Canada ayaa sheegay
inuu isagu ka aamusi waayay isla markaana waxa uu farriin gaar ah u
diray madaxda Dowladda iyo siyaasiyiinta dowladda Jabuuti
"Waxaan weli raadineynaa qarankii Soomaaliya, ma kareyno qaran labaad oo burbura” ayuu yiri Cawaale Aadan oo laga dareemayay sida uu uga xun yahay in dalka yar maanta la geliyo qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac hor leh.
Fannaanka ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadalka nin ka hadlayay idaacadda VOA-da oo argagixiso ku tilmaamaya wixii ka dhacay xaafadda Balbala oo ummadda reer Jabuuti ah wanqal u sameyneysa odaygii ay ka soo tafiirmeen.
"Aniga argagixiso ma arkin, waxaan arkay meydka gabar lagu magacaabo VOA Sumaya C/raxmaan Jaamac oo dhalatay sanadkii 2009” ayuu yiri Cawaale Aadan oo baaq guud u diray muwaadiniinta Jabuuti inay u midoobaan nabadda.
Cawaale Aadan: "Waxaan weli raadineynaa qarankii Soomaaliya, ma kareyno Qaran labaad oo burbura"
Cawaale Aadan oo ka mid ah fannaaniinta caanka ah ayaa fariin culus ka soo saaray dhacdooyinkii dalka Jabuuti ee geystay qasaaraha dadka rayidka ah, isagoona sheegay in dad aan waxba galabsan oo birima geydo ah sida caruur iyo waaxyeel, madax horay x