
Ugu yaraan 40 qof oo ku dhintay dagaal dhex maray Soomaali iyo Orommo
Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen seddexdii usbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay deegaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.
Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dad ka qaxay tuulooyin u dhow halka lagu dagaallamay, ayadoo dadka dagaalladaas ku dhaawacmayna loo kala qaaday Tulli Guuleed iyo Jiracsaney.
Weli labada maamul ee Soomaalida iyo Orommada, iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.
Inkastoo ay labada jufo dagaallami jireen tan iyo 1980-meeyadii, misna dadka la socda arrimaha ku saabsan khilaafka u dhaxeeya Soomaalida iyo Orommada waxay sheegayaan in uu markan salka ku hayo xiisadda guud ee u dhaxaysa labadaas qabiil.



0 



Ugu yaraan 40 qof oo ku dhintay dagaal dhex maray Soomaali iyo Orommo
Dad ka cararay dagaallada u dhaxeeya Soomaalida iyo Orommada Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba jufo oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, kuwaasoo uu iska hor imaad ku dhex maray meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waq