Qarax Ciidamada AMISOM lagula eegtay Magaalada Muqdisho

0
Tuesday December 22, 2015 - 19:37:58 in Wararka by
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Ciidamada AMISOM lagula eegtay Magaalada Muqdisho

    Qarax ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay wada u dhexeysa Ceymiska iyo Carafaat ee degmada Yaaqshid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay wada u dhexeysa Ceymiska iyo Carafaat ee degmada Yaaqshid. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa khasaaro uu ka soo gaaray Ciidamada AMISOM laakiin aan la ogeyn xadigeeda sababo markii qaraxu dhacay oo Ciidamada Afarta Gees ay rasaas u fureen , dadkii ka ag dhawaa nawaaxigaasna ay meesha isaga carareen.

Hayeeshee Goob Joogayaasha waxa ay sheegeen in indhahooda ay qabteen Gaari Booyad ah oo qaraxu haleelay taas oo gubaneysay.

Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxaasi laakiin Al Shabaab ayaa horay looga bartay qaraxyo nuucaasi ah oo ay la eegteen Gawaarida Ciidamada AMISOM ay saaran yihiin.

Sidoo kale ma jiro wax war ah oo Taliska AMISOM ay uga warbixiyeen Qaraxaasi lagula eegtay Kolonyadooda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip