
Booliska Koonfur Afrika oo ka dalbaday Ajanbiga iyo Soomaalida inay Amniga kala Shaqeeyaan
Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in bishaan December ay kordhinayaan dhankooda howl-gallada si loo sugo amniga deegaanka; isagoo xusay inay muhiimaddu tahay in laga wada-shaqeeyo amniga booliis iyo shacab.

"Waxaan rabnaa in bulshada aan ku wargalinno inay la shaqeeyaan ciidanka booliiska inta xilligan lagu jiro, si ay noogu soo gudbiyaan fal-dambiyeed kasta oo ay goobjoog u yihiin; taasoo qayb ka qaadanaysa in ganacsigaooda uu ammaan noqdo. Haddii dambiyadu bataan waxay saameyn ku yeelan doontaa ganacsiga waxaana dareemi doonnaa inay yaraadaan dadka halkan yimaada si ay wax uga iibsadaan,” ayu hadalkiisa ku daray Andre Van Dyk.
Ku-simaha taliyaha booliska ee xaafada Bellville oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri. "Waxaan codsi gaar ah u jeedinanayaa bulshada ajaanibta ah oo tirada ugu badan oo faras-magaalaha ganacsiga ku leh ayna Soomaalidu ka mid yihiin inay xaqiijinta amaanka qayb kaga aadan ka qaataan, taasoo dhaaanteed ay naga saaran tahay mas’uuliyad, si amniga iyo ganacsigu u socdaan.”
Ugu dambeyn, hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan la galayo ciidda masxiiiyiintu xusaan oo ku beegan 25-ka bishan December; waxaana xilliyadaan oo kale bata weerarrada lala beegsado ganacsiyada ay ajaanibtu Koonfur Afrika ku leeyihiin.
Booliska Koonfur Afrika oo ka dalbaday Ajanbiga iyo Soomaalida inay Amniga kala Shaqeeyaan
Ku-simaha taliyaha booliiska xaafadda Soomaalidu ay ku badan tahay ee Bellville oo ka tirsan magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin amniga deegaanka Soomaal