
Ciidamo ku dheereeyay howlaha Miino baarista oo Soomaaliya loo soo dirayo.
Ciiddanka la tababaray ayaa la sheegay inay ku soo biiri doonaan Hawlgalka AMISOM, si ay uga taageeraan Ka hortaga Khataraha Miinooyinka oo ay inta badan waxyeello ka soo gaaraan Gaadiidka iyo Ciiddanka AMISOM.
Titus Ekain oo ka mid ah Sraakiisha ka qeyb gashay Tababarkaasi ayaa sheegay inuu Tababarkaasi kaalin ka qaatay Dhismaha Aqooneed ee Ciiddanka Uganda ee loo diyaarinayo inay ku biiraan Hawlgalka AMISOM.
"Waxay Al-Shabaab inta badan isticmaalaan Miinooyinka, balse haatan waan baranay qaabka looga hortegi karo, si loo badbaadiyo nolosha ciiddanka AMISOM” ayuu yiri Gaashaanle Titus Ekain oo ka tirsan Ciiddanka Uganda.
Dhanka kale Gawaarida Gaashaaman ee dul mara meelaha lagu aaso miinooyinka ayaa la sheegay inay bixinayaan digniin hore oo ku aadan Waddada lagu aasay Miinooyinka.
Ciidamo ku dheereeyay howlaha Miino baarista oo Soomaaliya loo soo dirayo.
Mariniska Maraykanka ayaa soo gebagebeeyey Tababar socday muddo 2 bilood ah oo ay siinayeen Ciiddamo ka tirsan kuwa dalka Uganda ee UPDF, kuwaasi oo la doonayo inay ka howlgalaan Soomaaliya.