
Raggii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Taliyihii Booliska Kismaayo oo xabsiga la dhigay
Ciidamada Nabad Suggida Magaalada Kismaayo ayaa xalay xabsiga dhigay Afar nin oo ku hayb ah Wasiirka Arimaha Bulshada Macalin Maxamed, Afartaasi nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii 19-kii Bishan lagu qaaday Taliye Xasan Gaboobe.
Amarka lagu xiray Afartaasi nin ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Arimaha Bulshada Jubbaland Macalin Maxamed, maadama uu sheegay in Raggaasi si qaldan ay u weerareen Taliyaha ciidamada Booliska Kismaayo.
Shalay Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay kulan ay wada qaateen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka Arimaha Bulshada Macalin Maxamed, waxaana kulankaasi lagu bixiyay magtii nin lagu dilay weerar ciidanka Booliska ay ku qaadeen Boos Banaan oo muran uu ka taagnaa oo ku yaallo Xaafada Dalxiiska ee Magaalada Kismaayo.
Taliyaha ciidamada Booliska Kismaayo Gaboobe Xasan Barre, ayaa lagu amray inuu si caadi ah shaqadiisa u wato, maadaama la xaliyay Shaqaaqadii dhawaan isaga lagu weeraray.
Arimahan ayaa salka ku haayay arimo qabiil, balse hada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka Arimaha Bulshada Jubbaland ayaa go’aan ka gaaray oo xaliyay.
xigasho:-dhacdo.com
Raggii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Taliyihii Booliska Kismaayo oo xabsiga la dhigay
Afar nin oo sida la sheegay ka dambeeyay weerar lagu qaaday Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo Gaboobe Xasan Barre 19-kii Bishan ayaa lagu xiray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.