
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 22-KA DICEMBAR 205-KA
Wareegtada ayaa lagu sheegay in Ma daxweynaha uu tixgeliyay dareenka shac abka, isla markaana dhageystay soo jeed inta odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda labada gobol.
Haddaba Wareegtada ayaa u qorneyd Sidan:
Xeer madaxweyne lr. 86 taariikh:19/12/2015
Magacaabis caasimad gobaleedka maamulka kmg ah ee hiiraan iyo shabbeellada dhexe
Madaxwaynaha J.F.S
Markuu Arkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’,Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee Dastuurka J.F.S.
Markuu Arkay : SharciLr. 116 ee soo bax ay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinka iyo Goballadad alka
Markuu Tixgaliyey:
Dareenka dadweyn aha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqan ka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedo Ee Gob allada Hiiraan iyo Shab eellada Dhexe
Markuu Garwaaqsaday:
inay lagama maarmaan tahay ilaalinta wa dajirka shacabka Soomaaliyeed iyo Xallin ta khilaafaadyada iyo inay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalkasi ay u dhisman Dowl ad goboleedyo Dastuurka waafaqsan
Waxa Uu Soo Saaray Xeerkaan:
Qodobka 1aad
Waxauu Madaxwaynaha J.F.S ansixiy ay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2015 in Magaalada Buulabur de oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto Caasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyo Sh/ Dhe xe ay yeelanayaan.
Qodobka 2aad
Magaalada Jowhar oo ah magaalo mada xda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa no qoneysa MADASHA martigalineysa shi rka maamuldhisashada Goballada Hiira an iyo ShabeelladaDhexe.
Qodobka 3aad
Sagaashan (90) cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuri do onaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.
Qodobka 4aad
Waxa uu Xeerkaan dhaqan gelayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaa na lagu soo daabici doonaa Faafinta Ras miga ah Dowladda JFS.
MUQDISHO: 19/12/2015
Madaxweynaha J.F.S
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
CALI GUUDLAAWE "WAAN SOO DHOW EYNEYNAA IN JOWHAR MARTI GELISO SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN IYO SH/DHEXE”
Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo dhoweeyay wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Ma da xweynaha Soomaaliya oo aheyd in ma ga alada Jowhar ay marti gelineyso shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Mr Cali Guudlaawe ayaa sheegay in si niyad sami leh ay shacabka Gobolka Sha beellaha Dhexe u soo dhoweynayaan go’ aankaas, isagoo ku tilmaamay inay mud neyd in Jowhar loo xusho marti gelinta shi rka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shab eellaha Dhexe.
"Waxaan soo dhoweynayaa go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku gaa ray in magaalada Jowhar ee xarunta Gob olka Shabeellaha Dhexe ay marti geliso shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waa ku faraxsana hay, wuxuu ahaa go’aan geesinimo leh, shacabka gobolkana aad ayay ugu riya aqeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheeg ay in magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee gobolka ay ka jirto nabad la isku haleyn karo, isagoo uga mahad celiyay shacabka reer Jowhar iyo kuwa gobolka inay kala shaqeeyaan maamulka iyo hey ’adaha ammaanka sugida ammaanka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan ergooyinka iyo mas’uuliyi inta ka qeyb galeysa shirka maamul u sa meynta, isagoo xusay in magaalada Jowh ar ku caan tahay marti soorka wafuuda.
"Magaalada Jowhar waxay ku caan tah ay marti soorka iyo soo dhoweynta wafuu da, waxay shacabka Gobolka Shabeella ha Dhexe si diiran u soo dhoweynayaan ergooyinka imaanaya magaalada”ayuu yiri Guddoomiyaha oo ugu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta mart ida u imaaneysa.
Waxaa uu sheegay in magaalada Jow har sanadkii 2005tii ay marti gelisay dowl addii KMG ee lagu soo dhisay Mbagathi ee uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxwey ne C/llaahi Yuusuf, isla markaana ay noq otay xaruntii KMG ee dowladda.
Si kastaba ha ahaatee Maamulka Gobo lka Shabeellaha Dhexe ayaa dadaal u gal ay diyaar garowga marti gelinta shirka ma amul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la dhisay xarumo la dejiyo ergooyinka, hoolal shirar, waxaana dhowa an dib u dayactir lagu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
DAGAAL U DHAXEEYA CIIDAMADA DOWL ADDA IYO SHABAAB OO KA SOCDA SH.HOOSE
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha hoose, da gaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa Shabaab ayaa ka dhacay deegaano hoostagga Deg mada Awdheegle ee Gobolkaasi. Dagaalk aan ayaa yimid, ka dib markii ciidamada Millateriga Dowladda Federalka Somaliya ay weerar ku qaadeen ciidamada Shab aab oo ku sugnaa Nawaaxiga Degmada Awdheegle.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Sh/hoo se Maxamed Xuseen Shiine, ayaa sheeg ay dagaalka inuu ka dhacay Hareeraha Degmada Awdheegle, qorshahana uu ya hay in Degmadaasi ciidamada ay gacanta ku dhigaan.
"Dagaalka wuu socda Awdheegle Hare erihiisa ayuu ka socda ciidamada Milltarei ga ayaa weerarka qaaday, shan nin oo Shabaab ah ayaan dilnay anaga dhankee na labo Askari ayaa dhaawac naga ah.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose.
Shabaab weli kama aysan hadlin daga alkaan ka socda Duleedka Degmada Aw dheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada Millateriga ee weerarka ku qaaday Degmada Awdheegle, ayaa waay ahan waday hub aruursi iyo Diyaargar oow, sida uu afhayeenka sheegay, balse Diyaargaroowgii ayaa soo dhamaaday oo ciidamada sidaasi ayeey ku dhaqaaqeen.
Shabaab ayaa cudud Millateri waxa ay ku leeyihiin G/Sh/hoose oo inta badan ay weerarada ka geystaan.
LABA NIN OO U SHAQAYNAAYAY DOWLA DDA SOOMAALIYA OO SHALAY LAGU DIL AY M/MUQDISHO
Laba nin oo u shaqaynaayay Dowla dda Soomaaliya, ayaa waxaa shalay siy aabooyin kala duwan loogu dilay M/Muq disho, iyadoona ay baxsadeen kuwii dilalk ooda ka dambeeyay.
2daan nin oo lagu kala magacaabi jiray C/risaaq C/qaadir Xaaji Masalle iyo C/l aahi Muumin, ayaa lagu kala dilay Degmo oyinka Hodan iyo Wadajir, iyadoona aad mooddo in weeraradu ku soo badanayaan Degmada Hodan. Weerarka hore oo ka dhacay Degmada Wadajir, ayaa waxaa la gu dilay C/laahi Muumin, kaasoo dhawaan ka shaqo bilaabay Bankiga Dhexe Soom aaliya.
Weerarka 2aad oo ka dhacay waddada Taleex ee Degmada Hodan, ayaa lagu di lay C/risaaq C/qaadir, markii gaari uu wa tay lagu horgeeyay gaari kale. Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in C/risaaq uu ka tirsanaa Hay’adda Nabad Suggida.
C/risaaq waxaa uu dhawaan ka soo laabtay dalka dibadiisa. Nabad Suggida kama hadlin tallaabada shalay lagu dilay ninkaasi
Magaalada Muqdisho waxaa ku soo ba danaaya weerarada ay ka gaysanayaan xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab, ku waa oo beegsi joogto ihi ku haaya Saraaki isha Dowladda Somaliya.
Weerarada ka dhacaaya Caasimadda, ayaa waxay ku soo aadayaan, iyadoo diya argarow loogu jiro noocii ay noqon laheyd doorashada lagu wado in sanadka soo so cdo ay ka qabsoomto dalka. Waxaana M/ muqdisho iyo dhammaan gobollada dalka laga wadaa sugidda ammaanka iyadoo inta badan la fashiliyo qaraxyo ay soo ma leegaan kooxaha dowladda iyo ciidmada amisom ka soo horjeeda ee la dagaala .
JAWAARI "DOWLADDA HOOSE HA LAGU WA RGELIYO INAAN LAGU DEG DEGIN HAN TADA MA GUURTADA BAARLAMAANKA”
Guddoomiyaha Baarlamaanka Sooma aliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Ja waari oo shalay ka hadlayay kulankii Baar lamaanka kaasoo warbixin loo ga dhagey stay Guddi loo saaray arrinta Ex Xaruntii Baarlamaanka ayaa sheegay inaan la bix in karin hantida maguurtada Baarlamaan ka. Warbixin ay soo diyaariyeen Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo lagu soo lifaaqa Warqad uu qoray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax wareejin oo ku saabsan dhimsihii Xaruntii EX Baarlamaan, iyadoo la sheegay in xaruntaas uu Guddoomiyah a ka codsaday Nin Ganacsade ah inuu da yactiro, isla markaana laga suuliyo qashin ka, si looga dhigo goob loo dalxiis tago.
Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ay aa sheegay in loo baahan yahay in xarun ta EX Baarlamaan lagu wareejiyo silig, is la markaana laga ilaaliyo qashinka, si aan ay mar kale u dhicin inay noqoto goob qa shin qub ah
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in howsha nadiifinta Ex Baarlamaan ay iy aga qabsanayaan oo aanay cid kale u ba ahneyn, isagoo u mahad celiyay Shirkad da Universal oo horay iyada loo sheegay Inay qashinka ka nadiifineyso, isla markaa na dayactireyso
"Waxaa u mahad celineysaa sida niya dsami leh ee u ogolaatay Shirkadda Univ ersal, laakiin waxaa u sheegeynaa in Baar lamaanka isaga xaruntiisa nadiifsana yo”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo mee sha ka saaray heshiiskii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kula galay Milkiilaha Universal in dhismaha Ex Baarlamaan ay nadiifiyaan, dibna u dayactiraan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya loo baahan yahay in la ogaado hantida maguurtada uu leeyah ay Baarlamaanka, isagoo tilmaamay in diiwaanka la geliyo in goobahaas amarka Baarlamaanka la’aantiis cid kale lagu war eejiyo
"Waxaa rabaa inaan meeshan ka cade eyo in Milkilyada maguurtada ee Baarla maanka Federaalka uu leeyahay, waa sa ddex goobood oo kala ah, xaruntan aan fa dhino ee Golaha shacabka, Beerta Xoriy adda iyo Xarunta aan hadda ka hadleyno ee EX Baarlamaan, diiwaanka hala geliyo, hana lagu wargeliyo dowladda Hoose a ma Gobolka Banaadir inaan lagu talax ta gin oo Baarlamaanka amar la’aantiis la bix in karin” 11kii bishan ayay aheyd markii Guddoomiy aha G/Banaadir Yuusuf Xuse en Jimcaale uu sheegay in xarunta EX Ba arlamaan laga dhigayo goob loo soo dalxi is tago, isla markaana Shirkadda Univers al ay gacan ka siin doonto dayactirka iyo nadiifinta xaruntii EX Baarlamaan oo ah meel bur bursan oo lagu shubo qashinka.
Si kastaba ha ahaatee tallaabada Gud doomiyaha Baarlamaanka uu ku gaaray in howsha nadiifinta ee Xarunta EX Baarlam aanka ay iyaga qabsanayaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa, iyadoo Barnaamij Maad ah oo ka baxa Telefishinka Univer sal habeen hore laga soo daayo warbixin ka hadleysay Ex Baarlamaan iyo sida Xil dhibaanada Baarlamaanka u dayaceen, taa soo loo arkayay mid Telefishinka dani hiis ku difaacayay.
BARRE HIIRAALE OO LAGU WADO INUU SHIR KAGA QAYBGALO M/KISMAAYO
Warar soo baxaya ayaa shegayaa inay socoto qaban qaabada shir ku aadan isfa han dhexmara Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale iyo Siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin ee ay ku kala aragtida duwan yihiin Dhismaha Maamulka Jubbaland ee fadhig iisa uu yahay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.
Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in Barre Hiiraale uu ku wajahan yahay Magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kula kulmi do ono xubnaha ay isku haybta yihiin ee Maa mulka Jubbaland ka tirsan, ka dibna lagu wado inay aragti mideysan ka qaataan Dhismaha maamulka Jubbaland.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbala nd ayaa sheegay in Barre Hiiraale uu taga ayo Magaalada Kismaayo oo shirkan lagu qabanaayo, ka dibna ay kulmi doonaan Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Barre Hiiraale oo ay kawada hadlayaan sidii loo xalin lahaa Khilaafaadka taagan.
Kismaayo hadda waxaa ku sugan Ergo Odayaal ah oo uu Wakiishay Barre Hiira ale, kuwaasi oo Maamulka Jubbaland ay uga wada hadlayaan arinta ku aaddan ta gitaanka MKismaayo iyo in wax amnidaro ah aysan ka dhicin Magaalada.
Aadan Axmed Xuseen oo ka mid ah Sa raakiisha Jubbooyinka ayaa sheegay in Shirkaasi uu yahay mid lagu doonaayo in meesha looga saaro Khilaafaadka ka taa gan Dhismaha Maamulka Jubbaland.
Xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Barre Hiiraale la dejina ayo Guriga Martida ee Magaalada Kismaa yo haddii la isku raaco tegitaankiisa Ma gaalada Kismaayo.
Dhawaan Barre Hiiraale iyo Axmed Ma doobe ayaa kulan aanan la ogeyn waxa ay uga wada hadleen waxa uu ku dhexma ray Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hot elka City Place ee Magaalada Muqdisho.
TIRO DAD AH OO KU DHINTAY RABSH ADO KA DHACAY SHALAY BARTAMAHA CAASIMADDA DALKA JABUUTI
Inkastoo aan lahayn tirada rasmiga ah ee ku iyo kuwa ku dhaawacmay Rabsha do shalay ka dhacay M/Jabuuti ee Wadd anka Jabuut, ay aa haddana gud doomiye ku xige enka Isbahaysiga mucaaradka USN wuxuu sheegay inay 19qof oo sha cab ah ku dhinteen rabshadihii shala y dhacay.
Guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga USN,Cumar Cilmi Khayre oo u warram ay ay VOAda ayaa sheegay in dadka la lay ay ay soo weerareen ciidamada Qaranka Jabuuti, xilli ay dhiganayeen mowliid, isla markaana xusayeen Sheekh Yoonis oo culummada Jabuuti ka mid ahaa.
"Dad shacab ah oo mowliiid iyo xus dhi ganayay ayaa waxaa weeraray ciidamada Qaranka Jabuuti, mana garanayno saba bta loo weeraray dadkaas, laakiin waxaan u maleyneynaa in loogu marmarsiyooday inay mucaarad yihiin,” ayuu yiri Cumar Kheyre.
Mar la weydiiyay sababta loo weeraray ayuu ku jawaabay inay u maleynayaan in ay tahay inay taageersan yihiin mucaarad ka dalka Jabuuti, waxaanan si aad ah uga xunnahay in la weeraro dad shacab ah oo mowliid dhiganayay.
"Waxaan dhihi lahaa in dadkan lagu la ayay hubkii lagu soo iibiyay canshuurtii ay bixiyeen, waxaana dadkaan laayay ciid amo wata gaadiidka dagaalka oo ay qoryo ku rakiban yihiin,” ayuu hadalkiisa raaci yay Khayre.Sidoo kale, mar la weydiiyay sida ay tirada dhimashada ee intaan ah ku heleen ayaa kaga jawaabay inay goobta rabshadu ka dhacday tageen, ayna arke en maydadka, isagoo meesha ka saaray in hadalkiisu uusan been ahayn oo berri la arki doono, sidii ay wax u dhaceen iyo khasaarihii dhashay.
Khayre ayaa hadalkiisa ku daray in la weeraray xubno ka tirsan mucaaradka dal ka Jabuuti, saddex ka mid ah la dhaawac ay, wuxuuna saddex ruux ee dhaawacm ay magacyadooda ku kala sheegay; C/ra xmaan Maxamed, Geeddi Siciid Xuseen iyo Axmed Yuusuf.
Dhanka kale, Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabu uti, Xasan Cumar Maxamed ayaa lagu sheegay in xukuumadda Jabuuti ay ka go ’an tahay inay sugto ammaanka shacabka Jabuuti.
Warbixinta ayaa lagu xusay in rabsha dahan ay ka dhaceen dulleedka Xaafadda Balbalal, ka dib markii tobaneeyo ruux oo hubeysan ay rasas as la beegsadeen ciid amada am niga, ciidamaduna ay ka jawa abeen rasaa staas. "Rabshaddaas waxaa ku dhaaw acmay sagaal qof oo uu k jiro sarkaal ciidamada ammaanka Jabuuti ka tir san oo lagu magacaabo, Abuubakar Maxamuud Aadan,” ayaa bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha guda ha Jabuuti lagu xusay.
Qoraalka ayaa waxaa kaloo lagu she egay in gacanta lagu dhigay todd oba qof oo la sheegay inay ahaayeen kuwii soo ab aabulay rabshadahan; iy adoo wasiirku uu ku sheegay qoraalka in dadkan maxkam ad lasoo taagi do ono si waajibkooda loo mariyo.
Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha guda ha Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed ayaa falkaas ku tilmaamay mid loo la dan lahaa in nabadgalyada Jabuuti qalqal la geliyo,.
SHABAAB OO WEERAR DHIMASHO SABA BAY KA FULIYAY DALKA KENYA
Ugu yaraan labo ruux ayaa geeriyoo tay, ka dib markii weerar lagu qaaday Ga ari bas ah Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, meel ku dhaw M/Mandheera, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Wararka ayaa sheegaya weerarkaasi oo lagu qaaday gaariga Baska ah labada ru ux ee ku dhintay inay kala ahaayeen Qof shacab ah iyo Askari ka tirsan Booliska Kenya oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga.Weerarka wuxuu si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaan Dabacity oo ah duleedka Degmada Mandheera, ka dib markii rag hubaysan oo la aaminsan yah ay inay Shabaab yihiin waddada ay u gal een gaarigaan oo ay rasaaseeyeen.
Guddoomiyaha Deegaanka Dabacity Yunis ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, wa xa ana uu sheegay falkaasi inay ka da mbe eyeen Ururka Al Shabaab.
Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in ha dda ay laamaha amaanka ku raad jooga an raga weerarkaasi geystay.
U qaabilsanaha dhanka ammaanka Gobo lka Waqooyi Bari dalka Kenya Mohamed Salah ayaa dhankiisa xaqii jiyay jiritaanka weerarkaasi, waxa ana uu sheegay inay baarayaan. Shabaab ayaa baraha Internet ka ee ay wararka ku faafiyaan ku qoray in ay ka dambeeyeen weerarkaasi oo ay ku dileen Saraakiil Kenyan ah.
BANAANBAX LAGU TAAGEERAYAY MARTIG ELI NTA MADASHA SHIRKA MAA MULADA SH/ DHEXE IYO HIIRAAN OO JOWHAR KA DHACAY
Banaanbax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bu lshada degmada Jowhar iyo maamulka go bolka Sh/dhexe ayaa shalayka dhacay ma gaalada jowhar ee xarunta Gobolka Sh/ Dhaxe. Banaanbaxa ayaa waxaa lagu taa geerayay wareegtadii Madaxweynaha So omaaliya Xasan Sheekh uu ku sheegay in magaalada Jowhar ay marti gelin doonto shirka maamul u sameynta gobolada wal aalaha ah ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa ay isugu soo baxeen xarunta maamulka deg mada Jowha,r waxaana dibadbaxa kasoo qeybgalay masuuliyiinta maamulka go bolka Shabeelaha Dhexe iyo kan degma da Jowhar. Xubno ka socday Odayaasha dhaqanka,dhalinyarada iyo haweenka oo ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay in shacabka iyo maamulkaba ay u diyaarga roobeen marti gelinta shirka islamarkaana ay soo dhaweynayaan wareegtada uu Ma daxweynaha Dowlada Federaalka Sooma aliya uu ugu dhawaaqay in magaalada Jowhar.
Gudoomiyaha degmada jowhar Cabdu qaadir C/lle buurfuule oo ka hadlay bana nabaxa ayaa sheegay in ay aad ugu fara xsanyihiin ka maamul ahaan in magaal a da jowhar ay marti galiso laguna qabto shirka maamul u sameynta.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka arr imaha bulsha ee G/Sh/Dhexe Muxu med Sugaal Cismaan oo isna hadlay ayaa she egay in shacabka iyo maa mulka ay rajey nayeen in shirka lagu qabanaayo Jowhar uu noqdo mid mira dhala.
Gudoomiyaha maamulka G/Sh/Dhe xe mudane Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudla awe) oo soo gabagabeeyay qu dbadaha ayaa ugu baaqay shacabka gobolka in ay u diyaar garoobaan soo dhaweynta marti gelinta ergooyinka ku soo wajahan ma gaalada Jowhar, isagoona sheegay in shi rka uu dhan waliba ugu diyaar garoobay maamulka gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Magaalada Jowhar ayaa hore u marti gelisay dowladii uu Madaxweynaha ka ah aa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuus uf Axmed iyadoo mudadii ay dowlad ku meelgaarka ahaydna lagu qabtay kulamo kala duwan oo uu ka mid ahaa kulan ay ku yeesheen wasiirada arrimaha dibada wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.
FAAHFAAHIN: SOCDAALKII MADAXWEYNE XASAN & WAFDIGIISII AY KU TAGEEN B/DEWYNE
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan She ekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuu madda iyo baarlamaanka oo duhurnimadii shalay Beledweyne soo gaaray,ayaa dur ba billaabay kulamo kala duwan iyo wad datashiyo ay la yeelanayaan Siyaasiyiin ta,Waxgaradka,odayaashadhaqanka, Ha weenka iyo Qaybaha bulshada ee ku dha qan gobolka Hiiraan.
Xasan Sh.ayaa waxaa safarkiisa ku we hlinayay wasiirka arrimaha gudaha Soo maaliya, C/raxmaan Maxamed Xusseen [Odawaa], Wasiirka dhalinyarrada iyo cay aaraha, wasiirudowlaha madaxto oy ad da, wasiir kuxigeenka maaliyadda, wasiir kuxigeenka caafimaadka, xildhibaanno, taliyaha ciidammada xoogga dalka So omaaliyeed, iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Da bageed.
Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay xoojinta arrimaha dibuhishiisiin ta, xalinta dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Beledweyne iyo xiis adii ka dhalatay dil bishii hor bartamaha magaalada loogu geystay sarkaal ka tirsa naa QM gaar ahaan hay'adda miino baari sta UNMAS Mahdi Xusseen Shiiqaal oo wali kiiska dacwadiisa ay gacanta ku ha yaan laamaha ammniga dowladda.
Hase ahaatee, kulammada ugu badan ee wafdiga madaxweynaha iyo odayaashadhaqanka ayaa looga wadahadli doonaa qorshaha dhismaha maamulka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan oo khilaaf cusub uu ka soo shaacbaxay, kaddib war eegtadii uu maalintii shalay madaxweyna ha ku sheegay in gogosha dhismaha ma amulka labada gobol la dhigo Jowhar hal ka degmada Buulaburta na wareegtada lagu xusay in ay noqoneysa xarunta maamulka dhismaya.
Odayaasha dhaqanka oo saacado ka hor inta uusan soo iman madaxweynaha kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Be ledweyne ayaa si adag uga hor yimid war eegtada madaxweynaha oo ay ku tilma meen inay tahay mid kalitalisnimo ah waa sida ay hadalka u yiraahdeenne, isla mar kaana aan u faa'ideyn doonin dhismaha maamulka labada gobol.
Odayaasha ayaa sheegay in marnaba ka tanaasulin doonin mowqifkoodii ahaa in gogosha dhismaha maamulka labada gob ol la dhigo degmada Beledweyne ay ka fi dsan tahay sida ay hadalka u dhigeen mu ddo ka badan sideed bilood gogol dibuhishiisiin ah.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo saddexda cisho ee soo socta sii joogi doonna magaalada Beledweyne, ayaa la gu waddaa in ay bilaabaan kulamo goonigooni ah oo ay la qaadanayaan siyaasiyiin ta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka, iyaga oo xoogga saaraya sidii meesha looga saari lahaa khilaafka ka dhashay wareegtada madaxweynaha.
Xasan Sheekh oo hadal kooban jeediy ay ayaa sheegay inuu mudadda uu joogo magaalada Beledweyne dhageysan doo no tallooyinka iyo aragtida bulshada ku no ol gobolka gobolka si la iskula meeldhigo arrimo badan oo u baahan in xal loo helo.
Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa qaba dhinacooda in aysan ku qanci doonin wax ka yar in gogosha dhismaha maamulka la bada gobolka la dhigo Beledweyne oo ay ka fidsan tahay sidda ay hadalka u dhige en muddo siddeed bilood ah gogol isugu jirta dibuhishiisiin iyo waddatashi.
Ugu dambeyn, kulammada ayaa sii so con doona, lamana oga go'aanka ugu da mbeeya ee laga gaarayo qorshaha dhis maha maamulka labada gobol oo dood adagi ka taagan tahay.
XOOGAGA TAALIBAAN OO LA WAREEGAY MAGAALO KA TIRSAN GOBOLKA HELMAND EE AFGHANISTAN
Dagaalyahano ka tirsan Ururka Taalib aan ayaa la wareegay M/Sangin ee ka tir san G/Helmand ee dalka Afghanistan, hal kaa soo maalmihii u dambeeyay ay go’ do omiyeen, ka dib weeraro culus ay ku qaa deen.Saraakiisha dowladda Afghanistan ayaa sheegay in Taalibaan ay guulo ka ga areen dagaalka Sangin, ayna la wareege en xarunta dhexe ee booliska M/ Sangin.
Dagaalo culus ayaa ka socday qeybo ka mid ah Sangin, waxaana kooxda Taali baan ay qabsadeen xarumihii maamulka iyo meelaha kale ee muhiimka ah. Boqo laal qoysas ayaa ka barakacay dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka socday maga alada, waxaana laga cabsi qabaa in goo bo hor leh la wareegeen.
Illaa sagaashan askari oo ka tirsan ciid amada Afghanistan ayaa lagu dilay dagaa lada maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Sangin. Guddoomiye kuxige enka Gobolka Helmand ayaa sheegay in dowladda Afghanistan aanay ka helin wax taageero ah, isla markaana warqad uu u diray Madaxweyne Ashraf Ghani waxaa uu ka cawday in kaalintii dowladda ay wali maqan tahay.
Taalibaanka Afghanistan ayaa muddo oyinkii u dambeeyay weerarro ku hayay magaalooyinka ay la wareegeen amnigoo da Ciidamada Afghanistan.
Iyadoo markstaaba magaaladaasi ay ku jirto xaalado aan deganeyn
SEPP BLATTER IYO MICHEL PLATINI OO 8 SANO LAGA GANAAXAY CIYAARAHA
Madaxweynaha Guddiga Kubada cagta Ad duunka ee FIFA Sepp Blatter iyo Mad axweyn aha xiriirka kubada cagta ee Yur ub Michel Pla tini ayaa laga mamnuucay muddo 8sano ah inay qabtaan wax shaqo oo ku saabsan ciy aaraha. Go’aankan ayaa waxaa uu soo afj ar ayaa hogaaminta Blatter ee dhinaca maamul ka ciyaaraha, waxaana mamnuuci stan ay dha qan galeysaa sida ugu dhaqsi yaha badan. Sepp Blatter ayaa tan iyo sa nadkii 1998 ahaa Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Add uunka ee FIFA, inkas too sanadkan uu la kul may fadeexooyin dhanka musuq maasuq ah.
Blatter oo 79jir ayaa bartamihii sana dkan ku dhawaaqay inuu xilka ka dagayo bisha Fe braayo ee sanadka 2016, xilligaa soo la qaban ayo doorashada Madaxtini mada FIFA. Sidoo kale Madaxa xiriirka ku badda cagta ee Yurub Michel Platini ayaa isna waxaa saameyaya ga naaxan hankie sa ahaa inuu bedelo Mr Blatter, waxaana lagu soo eedeeyay wax is daba ma rin iyo in sanadkii 2011 uu Sepp Blatter siiyay lacag gaareysa labo milyan.
Platini iyo Blatter
Guddiga Anshaxa ee FIFA ayaa ku hel ay labada Mas’uul anshax daro iyo laca go aan sharci aheyn la siiyay Platini, taa soo soo de dejisay ganaaxa garka loo gel iyay ee mudada 8da sano ah. Horay ay aa waxaa Madaxda waxaa muddo saga shan cisho laga mamnuuc ay kubadda cag ta, inkastoo ay racfaan ka qaateen.FIFA ayaa waxaa tan iyo bishii May haree yay fadeexado musuq maasuq oo dha liy ay in 14 sarkaal oo sare oo ka tirsan xiriirk aas xabsiga la dhigo.
15 RUUX OO KU DHAAWACMAY QARAX KA DHASHAY BAS KA MID KUWA KA SHAQEEYA NAYROOBI
Illaa 15 ruux oo rakaab ah ayaa ku dha awa cantay qarax ka dhashay mid ka mid ah Bas aska ka shaqeeya magaalada Nay robi ee da lka Kenya, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxa uu ahaa qaraxa. Qaraxa ayaa ka dhex dhacay gudaha gaariga dadweynaha ee loo yaqaano Mat atu, xilli uu marayay agagaarka halka lagu magacaabo Umoja.Baabuurta gur madka deg dega oo gaaray goobta ayaa qaa day dadkii ku dhaawacmay qaraxaas, waxa ana loola cararay Isbitaalka Kenyatta Nati onal Hospital iyo isbitaalo kale oo ka ag dhow halka qaraxa ka dhacay Goob jog ayaal ayaa she egay inay maqleen qarax xoogan, waxaana wararka qaar sheegay aan inuu ka dhashay qof sitay jeerigaan shidaal ah oo saarnaa gaa riga.Taliyaha Booliska Nayroobi Japeth Koo me ayaa sheegay in aanay ogeyn waxa sabab ay qaraxa, hase ahaatee ay baarayaan.
baska
Dhinaca kale Kaniisad ku taal deega anka Kutus ee gobolka Kirinyaga ee dalka Kenya ay aa laga helay waxya abaha qar xa (IED), iyad oo boqolaal ruux ay isu diyaarinayeen in sha lay oo Axad aheyd ay kaniisadaas ku cibaade ystaan. Waxyaa baha qarxa ayaa waxaa lagu dhex qariyay miis hoostiisa, iyadoo ay arkeen dad ka mid ah kuwii ku cibaadeysanayay, wa xaa na goobta ay noqotay mid jahwareer ah, laguna kala cararay. Booliska ayaa qarxiyay waxyaabaha qarxa, iyadoo dadkii faraha bad naa ee ku ci baadeysanayay laga daadguree yay goob ta, markii la helay waxyaabaha qar xa. Dhammaan dalalka caalmka ayaa ah kuwa wadnaha farta ku haya ka dib markii inta bad an ay ka dhacayaan qaraxyo iyo is miidaa injo ogta ku noqtay
XAFLADDA CAYAARAHA HIRDA IYO ABAALMARINTA SANNADKA OO LAGU QABTAY DALKA HOLLAND
Xaflad lagu Furayay Cayaaraha Xag aaga ee HIRDA AFT 2015ka, ayaa lagu qabtay magaalada Amsterdam ee dalka Holland. Iyad oo sanadkan uu noqona ya kii 11aad, isago ona aad ugu duwa naa sa nadihii hore marka la fiirayo qaab ka qaba n qaabada iyo barna amijyada la gu soo bii riyay. Munaasabaddii furitaanka ayaa wax aa goobjoog ka ahaa, RW hore ee Sooma aliya, C/weli Sheekh Ax med Maxamed, Guddoomiyihii hore ee gobo lka Banaadir oo sannadkii labaad kasoo qeybg alay cay aaraha Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Safiirka Somalia u fadhiya Mid owga Yurub iyo wadamada Benulex, Dr. Cali Saciid Faqi, Khabiir Isboorti Axmed Shell, Sad iiq Warfaa oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqa aqa Arrimaha Bulshada ee Mareykanka ahna soo saaraha Barnaamij ka Fagaaraha, Kuxige enka Safiirka Soo maaliya ee dalka Beljium Cali Wolf, bahda ciyaaraha iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid Yurub, Ameeriko iyo Africa.
Khudbadihii ay madaxda Soomaalida ka jeediyeen ayaa muhiimadooda kusoo biyo shubanayeen mahadnaqa iyo dadaal ka 11 sano ay Hay'adda HIRDA ugu jirtay horumari nta dhalinyarada iyo kor u qa adista hamiga dhalinta Soomaaliyeed ee ciyaaraha jecel.
RW hore ee Somalia, C/weli Sheekh Ax med, ayaa khudbad uu ku dheeraaday ugu waramay muhiimada ay leedahay in bulshada la isu keeno, loona qabto tarta mo kuwaan la mid, taasoo meesha ka saa raysa kala qeybsa naanta iyo isku xirnaan la'aanta bulshada Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in Hay'adda HIRDA ma qal hore uu u maqlay in ay hoggaamiso qof dumar ah, taasoo buu yiri maanta in 11 guuradeedii la isugu yimaado, duma rkana ay ka duwan yihiin ragga, wuxuuna ugu mahad celiyay Aga asimaha Hey'adda HIRDA Dr. Faadumo Faa rax iyo howlw adeenada la shaqeysa dadaalka ballaaran oo ay ugu jiraan dhiiri gelinta bulsha da ku nool Yurub.Guddoomiyihii hore ee gobo lka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tar san) ayaa isna ka hadlay xafladda isagoo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay xafla dan iyo tartanka ay Hirda u qabato dhali nyarada, wu xuuna tilmaamay in Spoortigu uu yahay caa fimaad, bulshadana ka suuli naaya qabiilka iyo waxyaabaha xun xun ee dib u dhaca iyo kala fogaanshaha u ke enaya.Tarsan wuxuu ugu mahad celiyay Hey'adda HIRDA dadaalka ay 11 sano u gu soo jireen in la helo bulsho caa fimaad qabta, isagoo ku booriyay in ay sii xoo jiyaan tartamada noocaan ah si loo helo ciya aryahano Soomaaliyeed oo caalamka ka dhex muuqda. Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yu rub, Dr. Cali Saciid Faqi ayaa isna hadalo qiiro ba dan leh ka jeediyay munaasabada furitaanka tartanka cayaaraha HIRDA, isa goona ku dhe eraaday in Soomaalida loo ga baahan yahay inay muujiyaan isku xir naan si loo gaaro hiig siga iyo mustaq balka Soomaali dhab ah oo is ku xiran. Ka sokow xaflada Furitaanka Cayaar aha HIRDA AFT 2015, waxaa sanadka an ay hey'a dda abaal marisay, shaqsiya ad lagu abaalma riyay howlaha ay bulsha da u hayaan, iyadoo na abaalmarintaasi lo ogu magacdaray, (HIR DA Achievers Aw ard), waxana dadkii halkaasi lagu abaal mariyay oo nasiibka u helay in ay helaan Abaalmarinta sanadka ee HIRDA ka mid ahaa; 1. Omar Muunye, oo ah wiil dhalinyaro, is la markaana shirkad sameysa boorsooyin ka ku leh wadanka Netherlands, kaasi oo guulo ka gaaray dhinaca Ganacsiga.
2. Wariye, Abdisalan Hareri, oo ah rug ca daa dhinaca Saxaafada ayaa isaguna hal kaasi lagu guddoonsiiyay Abaalmarin loo gu gartay howlaha uu ka hayo dhinaca Warbaahinta.
3. Yaasmiin Ali Alas, oo ah gabar Soo maal iyeed oo buugaag dhowr ah ku qo rtay Afka Dutchka, ayaa iyaduna halkaasi lagu abaal mar iyay.4. C/qaadir Wardheere, oo ah farshaxa niista, dhinaca sawir gaca meedka ku cab ira dhaqan ka iyo Wadaniyada, ayaa Abaal marinta sanad ka ee HIRDA la guddoon siiyay.
5. Axmed Warsame oo ah Halyey Soomaaliy eed, Muwaadin u istaagay Badbaadi nta Safa arada iyo gurigii Safiirka ee dalka Beljium ay aa halkaasi lagu Abaalmariyay, waxaana waxqabadkiisa iyo howlaha uu bulshada u haayo halkaasi kusoo bandhi gay Danjire Cali Saciid Faqi.Danjirihu wuxuu sheegay in muwaadin Ax med Warsame uu muddo 30 sano ka bad an u taagnaa difaacida calanka Soo maaliye ed, isagoo ka tirsan shaqaalaha Safaaradda, oo xitaa maskaxdiisa ku be elay ilaalinta hant ida qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhis maha safaaradda iyo qasriga safiirka loogu tal agalay in uu dego.
Axmed Wrsame oo goobta lasoo istaaji yay ayaa dadkii kasoo qeybgalay ka ilmee siiyay, markii uu is celin waayay, waxaana uu isagoo qalbigiisa badalan mar qura u soo wada ista agay mas'uuliyiintii xaflada ka soo qeybgalay, iyagoo ugu baaqay do wladda Soomaaliya ma daxdeeda in Axm ed loo sameeyo astaan lagu xasuusto ma adaama hantidiisa iyo maskaxdii sa ku bix iyay difaacida safaaradda Soomaali ya ee Brussels.
Dhinaca kale, Dood ku saabsaneed dhina ca Isboortiga oo uu daadihenayay War iye C/s alaan Hareeri, ayaa munaasabada lagu soo bandhigay iyadoona doodaasi lagu soo qaatayhorumarka Isboortiga iyo qaabka looga qeyb qaadan karo, waxaana ka qeybgalay, Duqii hore ee Muqdisho Maxamed Axmed Nuur Ta rsan, Macalin Xasan Faarax Joon, Istaahil, Ax med Shell iyo Faadumo farax, waxaana la isku weydaarsaday fikrado kala duwan iyo qaabka loo heli karo ciyaartooy tayo leh oo awoodii ciy aareed ee Soomaaliya laheyd soo celin kara.Ugu danbeyntii waxaa goobta shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dhalinyaro ku firfircoon cayaaraha Orodada oo ku nool dalka Holland, kuwaasi oo horey ugu qeyb galay tartamada cayaaraha Fudud oo ay qabato Hey'adda HIRDA, waxaana shahaado sharafta lagu dhi irrigelinayay cayaaryahanadaas bixiyay, Ba shiir Cabdi oo ah
cayaaryahanka heysta orod ka dheer ee dalka Beljium.
Duqayn dhinaca cirka ah, ayaa habeenkii xalay ahaa ka dha cay Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana soo baxaaya warar sheegaaya in Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsanaa lagu qaar ajiyay. Jug is xig xigtay, ayaa caweysnimadii xalay laga maqlay Deegaanka Shanta Ameerika. Shanta Ameerika waxay ku taal laa barta kulmisa Gobolada Shabellaha Hoose, Jubbada Dhexe & Baay. Haddii si kalana loo dhiggo Shanta Ameerika waxay dee gaan ahaan ka tirsan tahay Degmada Kunturwaarey.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in duqayntan lagu dilay Madaxii Jabhadaynta Ururka Al Shabaab, kaasoo magaciisa la gu soo koobay Abuu Cuteyba.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdi Ibraahim Sha amow, ayaa sheegay inay maqleen jug xoogan, laakiin aanay kala cadayn karin cidda uu bartilmaameydku ahaa.
Dagaalyahano Ururka Al Shabaab ka tirsan oo ku baxay goobtii ay duqayntu ka dhacday, ayaa waxay xireen wadooyinka soo gala, si aan macluumaad dhameystiran looga helin cidda lala eegtay duqayntaasi.
Ilo wareedyo, ayaa ku waramaaya in Abuu Cuteyba lala dilay xubno kale oo Shabaabka ka tirsanaa, walow ay adag tahay in la’ogaado waxa ay kala yihiin xubnahaasi. Billihii ugu dambeey ay, ayaa waxaa soo badanaayay weerarada dhinaca cirka ay diy aaradaha Mareykanka ka fulinayaan Gobolada Koonfureed So omaaliya, gaar ahaan Gobolka Shabellaha Hoose.
Mareykanka, ayaa hogaanka u haaya dalalka weerarada dha nka cirka ihi ka fulinaya Somaliya. Dowladda Somaliya wax dhib ihi uma aragto faragelintaasi, haddiiba lagu ugaarsanaayo Mad axa Al Shabaab
EMIRATEKA OO BALLANQAADAY INUU DHISI DOONO XARUNTII EX BAARLAMAAN OO BURBUR WEYN UU KA MUUQANAAYO
Sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Emirateka Carabta, ayaa wuxuu ballanqaaday in uu dib u dhis ku samayn doono Xa runtii Ex Baarlamaan. Dhismaha Baarlamaankii hore, ayaa si we yn ugu burburay dagaaladii sokeeye ee dalka halakeeyay, wax aana ka muuqanaayo burbur baahsan in ka badan 20 sano.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu amray in Xoghayaha Guud Baarlamaanka, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) uu qiimayn ku soo sameeyo Ex Baarlamaan, illaa iyo inta uu ka ful aayo ballanqaadka Emirateka Carabta.
"Waxaa amrayaa Xoghayaha Guud Golaha Shacabka inuu soo qiimeeyo halkaasi, sidii loo xaqiijin lahaa milkiyadda, bilicdii magaaladana aysan u halleen, illaa iyo inta mashruuca qabyada oo maalgelintiisii ay Emirateka ballanqaaday, illaa sida ugu quru xda badan loo samayn karo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Prof. Jawaari oo u mahad celiyay Maamulka Telefishinka Uni versal sida uu ku ogolaaday in lagu wareejiyo Dhismaha Ex Baarlamaan,
BAARLAMAANKA OO MARIYAY AKHRINTII SADEXAAD SHRCIGA KA HORTAGGA LACAG DHAQIDDA IYO MAALGELINTA ARGAGIXISADA
Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay mariy ay akhrintii saddexaad sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada. Guddoomiyaha baarlamaanka Sooma aliya Md.Maxamed Sh.Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii shalay ayaa furitaanka shirka mudanayasha ku warg eliyay in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka laga hakiyay mushaaraadkii ay lahaayeen sababo shirka baarlamaanka oo aysan soo xaadirin, halka kuwa kale uu guddoomiyaha ku shee gay in ganaax lagu soo rogay ganaax lacageed oo gaaraysa min lix boqol oo doolar.
Intaas ka dib mudaneyaasha baarlamaanka ayaa warb ixin ka dhageysatay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka taasi oo ku saabsaneyd milkiyadda dhulka exbaarlamaan taasi oo uu dhawaan la sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ku wareejiyay shirkad ganacsi.
Xildhibaan Mahdi Cali Cismaan oo baarlamanka ka hor akhriyay sharcigan ayaa sheegay inaysan jirin wax wareejin ra smi ah oo lagu sameeyay dhulkii Exbaarlamaan iyo warqad uu guddiga maaliyadda u soo qoray guddoomiyaha gobolka Banaa dir, kaasi oo ay ku caddeed in uusan dhulkii Exbaarlamaan uu ku wareejinin shirkad ganacsi, balse qorshuhu ahaa in halkaasi qashinka laga nadiifiyo. G/B/FS. MdJawaari ayaa shirkadda Uni versal uga mahad celiyay qashinka ay ka qaaday xaruntii hore ee baarlamaanka, isagoo intaa ku daray in baarlamaanka uu xar untiisa nadiifsan ayo, waxaana uu ka digay in xarumaha baarlam aanku leeyahay lagu deg dego bixintooda.
Dhanka kale Mudanayaasha ayaa guda galay dhageys iga sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagix is ada, kaasi oo uu mudanayaasha u akhriyay Xildhibaan Cabdi Ba rre Yuusuf Jabriil oo ka hadlay ahmiyadda uu sharcigan u leeya hay dalka. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa tallooyin ka dhii btay, iyagoo xoogga saaray baahida deg deg ah ee loo qabo sha rcigan iyo wixii u baahan in wax ka badal lagu sameeyo.
Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Xil dhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir ayaa mudanay asha ka codsaday inay meel mariyaan sharcigan oo aysan dib u dhi gin, maadaama uu saameyn ku yeelan karo adeegyada ay xaw aaladaha u hayaan bulshada.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa maantaa doodi doono hal ka Soomaaliya ay ku wajahantahay arrimaha la xiriira sanadka 2016ka, waxaana uu kulankaasi noqonayaa mid Xildhibaanada albaabadu u xiranyihiin oo saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.
MADAXWEYNE OBAMA OO SHEEGAY IN LA SOO GABA GABEEN DOONO DAACISH, KA HOR INTA AANU XAFIISKA KA TAGIN
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa kalsooni weyn ka muujiyay in la burburin doono Ururka Daacish, ka hor inta aanu Xafiiska Shaqada ka tagin sanadka 2017ka.
Madaxweynaha Mareykanka, ayaa sheegay isbahaysiga uu Mareykanku hogaamiyo ee la dagaalamaaya Ururka Daacish, ay soo gaba gabeen doonaan jiritaanka Ururkaasi, mudada kaga harsan inta uu dalkaasi ka arriminaayo.
Madaxweynaha, ayaa wuxuu Ururka Daa cish ku tilma amay mid qariban oo mixnad badan, ayna ka shaqaynayaan sidii loo soo afjari lahaa jirit aanka Ururkaasi, oo ku xoogan dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Isagoo la hadlaayay Radiyaha MBR, ayuu xusay in dhibaatada keliya uu Ururkaasi u gaysan karo Mareyk anka, ay tahay in shacabka ay wax ka bedelaan qaabka ay u nool yihiin iyo ku dhaqanka shuruucda wanaagsan.
Barack Obama, ayaa ku celceliyay in wadamada isbahaysiga ay ka go’an tahay wiiqitaanka Daacish, maadaama Daacish loo arko halis ku soo korortay dunida. Daacish waxay dhisan tahay muddo laba sano oo qura.
Aqalka Cad Mareykanka, ayaa bishii September ee sanadkii 2014ka amray in weeraro dhanka cirka ah laga fuliyo dhulka ay gacanta ku hayso Daacish. Diyaaradaha isbahaysiga, ayaa qa aday sagaal kun (9,000) oo weeraro cirka ah, waxayna horse eday in Daacish lagala wareego boqolkiiba afartan (40%) dhulka ay gacanta ku hayso.
NIKCOLAS KAY OO KA HADLAY WAXQABADKA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA
Wakiilka Waqtigiisu sii dhamaanayo ee QM u qaabilsan Soo maliya Ambasador Nickolas Key oo Waraysi Siiyay SNTV ayaa ka hadlay waxqabadka xafiiska QM ee Soom aaliya.
Danjire Nikolas Key Waxa uu sheegay in Horumar la taaban karo Soomaaliya ay gaa rtay, iyadoo taageero ka helaysay QM.
Nikolas Key oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in Ciidamada XDS iyo Kuwa AMISOM ay guula waa weeyn ka soo hooy een dagaalka ka dhanka ah Kooxda Alshab aab.
Mr.Key ayaa soo dhaweeyay isbedelka Lagu Sameeyay howl galka QM ee Soomaaliya iyo Ergayga cusub ee loo soo mag acaabay. Mr.Nikolas Key ayaa ugu dambeyn rajo wanaagsan ka muu jiyay in Soomaaliya ay cagaheeda isku taageeyso dhaw aan, isa goo kula dar daarmau ummadda Soomaaliyeed iney u soo jees taan sidii looga soo kaban lahaa burburka.
Wakiilka QM ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan u qabs oomeen iyadoo loo maray Barnaamijka Hiigsiga Cusub.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 22-KA DICEMBAR 205-KA
HALKA LAGU QABANAYO SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN IYO SH/DHEXE OO LAGU DHAWAAQAY Wareegto ka soo baxday Xafiiska Mad axweynaha ayaa lagu dhawaaqay in M/ Jowhar ee xarunta G/Sh/Dhexe lagu qab an doono shirka maamul u sameynta Gob ollada Hiiraan