Emirate-ka oo ballanqaaday inuu dhisi doono Xaruntii Ex Baarlamaan oo burbur weyn uu ka muuqanaayo

0
Tuesday December 22, 2015 - 07:39:12 in Wararka by
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Emirate-ka oo ballanqaaday inuu dhisi doono Xaruntii Ex Baarlamaan oo burbur weyn uu ka muuqanaayo

    Sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Emirate-ka Carabta, ayaa wuxuu ballanqaaday in uu dib u dhis ku samayn doono Xaruntii Ex Baarlamaan. Dhismaha Baarlamaankii hore, ayaa si weyn ugu burburay da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Emirate-ka Carabta, ayaa wuxuu ballanqaaday in uu dib u dhis ku samayn doono Xaruntii Ex Baarlamaan. Dhismaha Baarlamaankii hore, ayaa si weyn ugu burburay dagaaladii sokeeye ee dalka halakeeyay, waxaana ka muuqanaayo burbur baahsan in ka badan 20 sano. Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu amray in Xoghayaha Guud Baarlamaanka, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) uu qiimayn ku soo sameeyo Ex Baarlamaan, illaa iyo inta uu ka fulaayo ballanqaadka Emirate-ka Carabta.

"Waxaa amrayaa Xoghayaha Guud Golaha Shacabka inuu soo qiimeeyo halkaasi, sidii loo xaqiijin lahaa milkiyadda, bilicdii magaaladana aysan u halleen, illaa iyo inta mashruuca qabyada oo maalgelintiisii ay Emirate-ka ballanqaaday, illaa sida ugu quruxda badan loo samayn karo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Prof. Jawaari oo u mahadceliyay Maamulka Telefishinka Universal sida uu ku ogolaaday in lagu wareejiyo Dhismaha Ex Baarlamaan, dibna uu u dhisi doono, ayaa dhinaca kale sheegay in Baarlamaanka Somaliya ay u taalo dib u dhiska Xaruntaasi.

"Mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa Shirkadda Universaltv, sida niyad-samida leh ay ku ogolaatay, hase yeeshee way mahadsan yihiin, hawshaa anagaa qabsan doona, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Jawaari oo Isniintii ka hor hadlaayay Xildhibaanada.

Ex Baarlamaanka

Dhanka kale Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Somaliya, ayaa Xildhibaanada u akhriyay warbixin ay ka soo diyaariyeen Xaruntii Ex Baarlamaan, oo laba toddobaad ka hor uu Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyay Maamulka Telefishinka Universal.

Xildhibaanada oo toddobaadkii hore ka carooday in Duqa Muqdisho uu Dhismahaasi ku wareejiyo Milkiilaha Universaltv, ayuu Guddoonka Sare Baarlamaanka amray in Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka uu warbixin cad ka keeno waxa ka jira arrintaasi.

Xildhibaan Mahdi Cali Cismaan oo ka tirsan Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo warbxintaasi u akhriyay Xildhibaanada, ayaa beeniyay in la bixiyay Dhismihii Ex Baarlamaan, balse si khaldan wax loo fasiray.

Mr. Mahdi oo Xildhibaanada ka hor akhrinaayay Warbixintaasi, ayaa wuxuu sheegay illaa iyo hadda in nadiifin oo keliya lagu sameeyay Xaruntii Ex Baarlamaan, markii qashinkii laga guray, isla-markaana ay xaqiiqsadeen inaanan si wada jir leh loo bixin dhulkaasi.

Wuxuu ku baaqay in Baarlamaanka Somaliya uu si buuxdo ula wareego arrinta ku aadan Dhismaha Ex Baarlamaan, laguna wareejiyo silig, iyadoo laga ilaalinaayo in qashin lagu shubo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip