
Banaanbax lagu taageerayay martigelinta madasha shirka maamulada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo Jowhar ka dhacay (Sawiro)
Banaanbaxa ayaa waxaa lagu taageerayay wareegtadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ku sheegay in magaalada Jowhar ay marti gelin doonto shirka maamul u sameynta gobolada walaalaha ah ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa ay isugu soo baxeen xarunta maamulka degmada Jowha,r waxaana dibadbaxa kasoo qeybgalay masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar.
Xubno ka socday Odayaasha dhaqanka,dhalinyarada iyo haweenka oo ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay in shacabka iyo maamulkaba ay u diyaargaroobeen marti gelinta shirka islamarkaana ay soo dhaweynayaan wareegtada uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya uu ugu dhawaaqay in magaalada Jowhar.
Gudoomiyaha degmada jowhar Cabduqaadir C/lle buurfuule oo ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka maamul ahaan in magaalada jowhar ay marti galiso laguna qabto shirka maamul u sameynta.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulsha ee gobolka Shabeelaha Dhexe Muxumed Sugaal Cismaan oo isna hadlay ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka ay rajeynayeen in shirka lagu qabanaayo Jowhar uu noqdo mid mira dhala.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe mudane Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo soo gabagabeeyay qudbadaha ayaa ugu baaqay shacabka gobolka in ay u diyaar garoobaan soo dhaweynta marti gelinta ergooyinka ku soo wajahan magaalada Jowhar, isagoona sheegay in shirka uu dhan waliba ugu diyaar garoobay maamulka gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Magaalada Jowhar ayaa hore u marti gelisay dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyadoo mudadii ay dowlad ku meelgaarka ahaydna lagu qabtay kulamo kala duwan oo uu ka mid ahaa kulan ay ku yeesheen wasiirada arrimaha dibada wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.
Banaanbax lagu taageerayay martigelinta madasha shirka maamulada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo Jowhar ka dhacay (Sawiro)
Banaanbax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Jowhar iyo maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa maanta ka dhacay magaalada jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhaxe.