Muqdisho, 20 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii 72-aad tan iyo markii la aasaasay Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.
"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa hooyadda dhammaan ciidammada kala
duwan ee Soomaaliya leedahay. Waxaa ciidankan uu misaal u yahay soo
kabashada Soomaaliya, iyadoo aan ognahay inay ku guuleysteen inay
badbaadiyaan keydka taariikhiga ah ee uu ciidanku lahaa. Waxaa
munaasabadihii horay halkan uga dhacay na loogu soo bandhigay galka
askarigii ugu horeeyay ee booliska loo qoray sannadkii 1943-kii, markii
ciidankan la dhisay, taasina waxay muujineysaa kartida ciidankan iyo
sida geesinimada leh ee ay u difaacdeen keydkooda taariikheed”, ayuu
yiri Madaxweynaha oo maanta xarunta Akademiyadda Booliska ee General
Kaahiye ee magaalada Muqdisho kaga qeybgaley munaasabad si qurux badan
loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalinta booliska.
Madaxweynaha ayaa sheegay in booliska ay tiir dhexaad u yihiin ilaalinta
sharciga, loona baahan yahay in shacabku garto in sharcigu uu yahay
furaha cadaaladda iyo nabadda.
‘’Dowladnimadu waa xoog sharciyad leh. Halkudhegga ah Sharciga ilaali ha
ku ilaaliyee, waxaa micmaheedu yahay in shacabka ay sharciga u
hiiliyaan si ay nabad iyo caddaalad ugu noolaadaan.Aad baan ugu
faraxsanahay horumarka uu sameynayo Ciidanka Booliska Soomaaliya.Waxaan
si gaar ah u ammaanayaa Taliyaha Ciidanka Booliska S/Gaas Maxamed Sheekh
Xasan, oo ah nin laamaha amniga ee dalka horumar badan ka sameeyay,
sida diyaarinta kaadiriinta cusub ee Ciidammada Nabadsugidda Qaranka,
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo haatan booliska ‘’.
Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu sheegay inuu soo dhoweynayo dadaalka
Ciidanka Booliska ee dhinaca kobcinta aqoonta ciidammada, sida qorista
iyo akhrinta afka Soomaaliga, oo haatan ciidammo badan oo aan horay u
qori jirin la siiyay fursad ay ku bartaan qorista afka, si ay u noqdaan
ciidammo xirfado dhammeystiran leh dhan kasta.
"In Boolisku aqoon yeesho waa arrin muhiim ah, waxaanna wax lagu farxo
ah in Taliyaha Booliska iyo Ciidanka Booliska ay xoogga saareen in
booliska ay noqdaan kuwo aqoonta laamaheeda kala duwan barta, oo ay ugu
horeyso qorista afkeena hooyo. Dardaaranka aan u jeedinayo booliska ayaa
ah in muhimad la siiyo aqoonta’’.
Ugu Dambeyn waxaa uu Madaxweynaha ammaan u jeediyay beesha caalamka oo
iyana gacan weyn ka geysatey dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Booliska
Soomaaliyeed.
"Qaramada Midoobay, Midowga Afrika , Midowga Yurub iyo hay’adaha kale ee
caalamiga ah, waxaan uga mahad celinayaa sida ay uga qeyb qaateen dib u
dhiska ciidankeena booliska. Waxaan si gaar ah mahad ugu celinayaa
Mareykanka, Isutagga Imaaraadka Carabta, Talyaaniga, Djibouti, Uganda
iyo waddamo kale oo gacan ballaaran ka geystey maalgelinta, tababarada
iyo baahiyada kale ee ciidammadeena booliska’’, ayuu yiri Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadda waxaa kale oo hadalo ka soo jeediyay Taliyaha Ciidammada
Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan, iyo mas’uuliyiin
kale oo ka tirsan dowladda iyo ciidammada.
Waxaa goob joog ka ahaa xafladda xubno labada gole ka tirsan,
diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo halkaasina lagu soo
bandhigey bandhig faneed ay hormuud ka ahayd kooxda Heegan ayna kala
qeyb galeen kooxo kale.
---DHAMMAAD-----
Madaxweynaha: ''Ciidanka Booliska waxaa uu tusaale u yahay dib u soo kabashada Soomaaliya''
Muqdisho, 20 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii